Xaabsade oo safar ugu kicitimay magaalada Hargeysa maanta oo jimce ah.

Laascaanood(sl.no)-Waxaa maanta ka anbabaxay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Siyaasiga Gobolada SSC ee ku sugnaa mudooyinkii u danbeeyay magaalada Laascaanood oo uu u joogay hawlo shaqo oo ku saabsan sidii xaalada nabad galyo caadi u noqon lahayd. Xaabsade ayaa saaka saacadu markay ahayd 10:30 subaxnimo uu u kicitay xarunta maamulka Somaliland ee Hargeysa oo uu mar tagey intii maamulka Somaliland uu gacanta ku dhigay magaalada Laascaanood oo uu si wayn uga qayb qaatay Col Xaabsade sidii magaalada Laascaanood looga saari lahaa maamulkii u adeegi jirey Puntland.

Safarkan uu Axmed Cabdi Xaabsade uu ugu kicitimay Hargeysa ayaan la ogayn ujeedada dhabta ah ee ka danbaysay inkasta oo mar aan xidhiidh la samaynay qaar ka mid dadka ay aadka isugu dhaw yihiin ay noo xaqiijiyeen in uuu Xaabsade halkaas u tegay kadib markii uu Madaxdawynaha Somaliland Daahir Riyaale uu ka helay casuumaad isaga oo dalka dibada uga maqan.

Lama oga ujeedada dhabta ah ee ay ka wada hadli doonaan Xaabsade iyo Madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyadoo dhan kalena lagu wado inuu kulamo gar gaar ah la yeesho qaar kamid xisbiyada Somaliland iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan magaalada Hargeysa.

Xaabsade ayaa waxa uu ku sugnaa magaalada Laascaanood tan iyo intii maamulka Somaliland uu la wareegay gacan ku haynta magaalada marka laga reebo muddo labo todobaad ah oo uu safar shaqo ku tagay magaalada Hargeysa oo ay masuuliyiinta Somaliland ay kasoo wada hadleen sidii maamulku uga shaqayn lahaa horumarka iyo xasiloonida dalka.

Hadaba Xaabsade ayaa waxa uu si wayn uga shaqeeyey tan iyo intii uu ku sugnaa magalaada Laascaanood sidii loo heli lahaa maamul tayo wanaagsan oo si wayn uga hawlgala magaalada wax weyna ka qabta dhamaanba dhinacayada arimaha Bulshada oo ay shacabka magaaladu si wayn ugu kalsoon yihiin, taas oo la oran karo waxa uu ugu guulaystay si wayn iyadoo maalitii Somaliland soo gashay ay shacabka qaar kasoo horjeedeen walow maanta aysan jirin arimahaasi,oo dadku ay u bukeen maamul u keena nabad iyo kala danbayn.

Afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: