wararkii wargeyska Ogaal cadadkiisii maanta oo Khamiis ah 21.02.08

“Jidadka Hargeysa laydhadh baa lagu xardhay, halka (Somaliya) boqolaal gaadhi lagaga rakibayay qoryo”
“Beesha caalamka ee arrintooda ka tukubaya, waxa u raacay Afrikaanka oo aan ku faraxsanayn horumarkooda (Somaliland)!”

Maxay Kosova kaga mudnaadeen gobollo badan oo aqoonsi raadis ah?

“Hadaad Somalia joogto waxaad awoodda saartaa waa inaad Holaca ka cararto, laakiin Somaliland maaha sidaa”

“Beesha caalamka ee arrintooda ka tukubaya, waxa u raacay Afrikaanka oo aan ku faraxsanayn horumarkooda (Somaliland)!”

“Jidadka Hargeysa laydhadh baa lagu xardhay, halka (Somliya) boqolaal gaadhi lagaga rakibayay qoryo”

London (The Guardian/Ogaal)– Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa maqaal uu daabacay cadadkiisii Salaasadii la soo dhaafay, waxa uu cinwaan uga dhigay ‘Maxay Kosovo kaga mudnaatay Somaliland,’ ku sheegay in muddo dheer oo ay Somaliland madaxbanaani haysatay aanay caalamka ka helin wax aqoonsi ah.

Wargeyska The Guardian, oo Kosovo barbar dhigayay gobollo badan oo caalamka ah oo madaxbanaani iyo aqoonsi raadis ah, ayaa maqaalka uu daabacay waxa uu u dhignaa sidan:

“Axaddii la soo dhaafay Jamhuuriyadda Cusub ee Kosova (ooh ore u ahaan jirtay gobolka Kosovo) ayaa shaaca ka qaadday inay tahay dal madaxbanaan, isla markaana noqotay dalkii ugu cusbaa ee caalamka ku soo biira, hase ahaatee, waxa diiday inay aqoonsi siiyaan dhawr waddan oo laga yaabo inay argagax ku noqotay, una badan dalalka lagu wado inay gobollo ka tirsani ka goáyaan, sida Ruushka, Isbaanishka iyo Giriigga.

Waxa jira boqolaal dhaqdhaqaaq oo lagu raadinayo gooni isu-taag meelo badan oo caalamka ah, kuwaasoo ay ku jiraan Gobollo Maraykanka ka tirsan sida, Vermont, Texas iyo Alaska. Ururka u ololeeya dalalka aqoonsi raadiska ah UNPO, ayaa xubnihiisu ay gaadhayaan 69, isla markaana waxay dalalkaasi metelayaan 150 milyan oo qof. Waxaanu ururkaasi u ololeeyaa aayo-ka-tashi aan rabshadi ku dheehnayn.

Halkan (Ingiriiska) Scotland iyo Gobollada Weles-ka madaxbanaanidoodu maaha wax la wada fahansan yahay mustaqbalka. Dhulka Saxaaraha Galbeed oo haatan Marooko hoos-taga ayaa wadahadallo la lahaa Qaramada Midoobay, kuwaasoo lagaga xaajoonayay sidii loo xariiqi lahaa xuduudo caam ah oo ay kala yeeshaan dalka Marooko intiisa kale. Gobolka Koonfurta Suuddaan ayaa iyana halkaa taagan. Isla markaana waxa aftida guud laga qaadi doonaa sannadka 2011. Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muddo ka hor ku dhawaaqday madaxbanaanideeda, hase ahaatee aan wax aqoonsi ah ka helin caalamka. Waqooyiga Qubrus ayaa shaaca ka qaaday madaxbanaanideeda, hase ahaatee Turkiga oo keliya ayaa u aqoonsaday dal madaxbanaan. Siyaasiyan dalalkaasi way u dhamaystiran yihiin wixii u cayinaa in lagu aqoonsado, ee ay dalalku ku noqon lahaayeen waddano madaxbanaan. Markaa maxay Kosovo ugaga horaysay dhulal badan oo aqoonsi doon ah?”

Dhanka kale, Wargeysyada ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa iyana aad uga hadlayay toddobaadkan dhulalka kale ee caalamka aqoonsi raadinta madaxbanaanidooda ku jiray, kuwaasoo aanu ka soo qaadanay Wargeyska Wonkette ee ka soo baxa Magaalada Washington DC, ee xarunta dalka Maraykanka. “Kosovo annaga nagama wanaagsana. Waxaanu mutaysanay madaxbanaanida xataa ka hor Kosovo!” sidaa waxa yidhi Mr Yasser Abed Rabbo, oo ah kaaliyaha Madaxweynaha Falastiiniyiinta, waxaanay odhaahdaasi ka mid ahayd dareeno badan oo ka kala imanayay gobollo badan oo caalamka ka raadinayay aqoonsiga madaxbanaanidooda. Iyada oo qalabka warbaahinta adduunku toddobaadkan aad uga hadlayeen arrintaas, ayaa Wargeyska Wonkette, waxa uu soo ururinayaa afkaaraha la xidhiidha kuwa ay yihiin dalalka ugu sareeya inta aqoonsi iyo madaxbanaani-raadiska ah caalamka oo dhan. Dalalka noocaas ah, ayaa waxa kaalimaha ugu horeeya inta ku jirta ka mid ah Somaliland TRANSNISTRIA, ABKHAZIA, SOUTH OSSETIA, WESTERN SAHARA, NORTHERN CYPRUS. Kuwaas oo guud ahaanba warbixino kala duwan ay qormadani ka bixisay hanaanka madaxbanaani-doonkooda iyo rabitaanka dadweynihiisa. Sidaa daraadeed, aynu ka soo qaadano qaybta laga qoray Somaliland, taasoo u dhignayd sidan:

“SOMALILAND: Waxay caddeeyeen inay yihiin “Goob Holac ku hareeraysan yahay oo xasiloon”

Bal aynu nidhaahno waxaad joogtaa Soomaaliya. Maxaad ahmiyadda koowaad siinaysaa inaad ahaato? Waxaynu rajaynaynaa inaad raadin doonto sidii aad uga soo bixi lahayd Holaca Soomaaliya! Marka koonfur/bari oo qayb ka ah dhulkii uu Talyaanigu hore u gumaysan jiray ku dhacay dagaal-sokeeye iyo qalalaasayaal waali ah oo qabaaílka ku salaysan sannadkii 1991-kii, ayaa qaybihii uu hore Ingiriisku u gumaysan jiray ee waqooyi/galbeed, ma ogtahay? U malaynmaayo in cid innaga inaga mid ah ay rumaysan karayso. Iyaga oo dhisme ku dhaqaaqay ayaa shantii gobol ee uu Ingiriisku gumaysan jiray (Somaliland) waxay ku dhawaaqeen madaxbanaanidooda, isla markaana waligood may soo eegin xagga dambe!

Inka badan 16-kii sannadood ee la soo dhaafay Somaliland waxay samaysatay dastuur, waxay qabteen doorashooyin, waxay heshiisyo ganacsi la saxeexdeen Itoobiya, waxay ku kharash-gareeyeen kala badh dakhligooda qalabka iyo arrimaha millatariga, waxay dhoofiyaan xoolahooda hilibka macaan, waxaanay soo jiiteen in dadka dal-xiisayaasha ahi soo eegaan sawirrada Aataartooda Qadiimiga ah ee midabada kala duwan ku shaqlan. Jidadka caasimadooda Hargeysa waxa lagu xardhay laydhadhka taraafiga, halkii boqolaal gaadhi oo dul-furan lagaga rakibi lahaa qoryaha daran-dooriga u dhaca, dhalinyaro badanina ay guudkooda ka buuxi lahaayeen. Hase yeeshee, beesha caalamka ee ulaha-kaga-tukubaya arrintooda oo aanu wehelinin waddan keliya oo Afrikaan ah oo aanu horumarkooddaasi farxad gelinin, ayaan aqoonsanin!”

Shalay iyo Munaasibadii xuska Dhagaxtuurkii Hargeysa ee 82-kii

“Haddii 82-kii dhalinyaradu godooday, Waxaan dareensanahay dhalinyaradu maanta waxay ka gadoodi kartaa inay dalkeena taalo.”

“Nabadgelyada waxa wax inaga yeelaya cid Allaale iyo cidda shuruucda dalkan ku tumanaysa, cidda caddaalad daro umadda ku hagta ama ku hagi doonta,” Cabdi Casiis Samaale .Gudoomiye ku xigeenka Wakiillada

Hargeysa (Ogaal)- Munaasibad kulmisay maalintii Dhagax-tuurka Hargeysa oo ku beegnayd 20 February 1982, oo laga joogo muddo 26 sannadood ah, iyo maalinta loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland ayaa shalay lagu qabtay fagaaraha beerta Xorriyada ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dalada guud ee dhalinyarada Somaliland ee Sonyo, ayaa waxa ka soo qayb-galey Masuuliyiinta Sadexda Xisbi Qaran, Xukuumadda, Shirgudoonada Golaha Wakiillada, Maayarka Caasimada, Ururada dhalinyarada iyo xubno ka tirsan ururkii dhalinyarada ee UFO la odhan jiray ee lagu xidh-xidhanay magaalada Hargeysa 1981-kii, isla markaana sabab u ahaa kacdoonkii Ardaydu ay hogaaminaysay, kaas oo lagaga soo horjeeday xadhigii xaqdarada ahaa ee ururkaa dhalinyarada UFO. Waxaana munaasibada hadalo ka jeediyay Masuuliyiin tiro badan. Waxaana ugu horeyn madashaa ka hadlay Guddoomiyaha dalada Sonyo Mr. Culimo, oo ka waramay qiimaha ay maalintani u leedahay guud ahaanba dhalinyarada reer Somaliland, isla markaana lagu xasuusan doono bar-bilawgii halgankii ay ummada Somaliland iskaga xoraysay taliskii Siyaad Barre.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maayarka Magaalada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir,oo ku dheeraaday taariikhda ay leedahay 20 February.

Sidoo kale Waxa iyaguna munaasibadaa ka hadlay xubno ka tirsan Ururkii dhalinyarada ee UFO Axmed Muxumed Madar iyo Xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi, oo la badooduba si qoto dheer uga waramay marxaladii ay ku timi 20 February, oo ku suntan dhagaxtuurkii Hargeysa iyo sababihii keenay xadhigoodii muddada dheer ay u xidhnaayeen.

Waxa iyaguna Xuskan ka hadlay Xuseen Cali Xirsi, oo ku hadlayay magaca Xisbiga UDUB iyo Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID Mr. Xasan Suldaan, oo iyaguna ka waramay qiimaha ay ku fadhido maalintan 20 bisha February. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isna munaasibadaasi hadal kooban oo uu kula dar-daarmay dhalinyarta Somaliland ka jeediyay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, “Maanta waa maalin ku magacaaban maalinta dhalinyarada, dhinaca kale waa maalin ku suntan taariikhdii halgankii ummadu iskagaga xoraysay nidaamkii kali-taliska ahaa, dagaalkii ay ku qaaday ummada reer Somaliland ee dhalinyaradiisu u horseeday. Maalintii la ambaqaaday bay ahayd, maalintan aynu xusaynaa, waxaynu u xusaynaa maalintan inaan dhibtii hore inoo soo martay dib inoo soo marin. Waxaynu illaahay ka baryaynaa, oo aynu ku dedaalaynaa, oo aynu doonaynaa inaan halgan hubaysan oo dambe iyo dagaal, dhibaato, qax iyo carruur dambe oo ilkaha lagu qaato aanay dib inoo soo marin. Waxa aynu ognahay, oo taariikhdaasi inoo tilmaamaysaa waxa dalku ku dhismaa, dadku ku dhismaa, ku xorroobaa inuu yahay xooga yididiilada iyo niyada dhalinyaradiisa inay tahay. Waxaanaynu doonaynaa maanta inaynu hoosta ka xariiqno dhalinyarada maanta joogta’ay, waxaynu maanta dib uga digtoonaanaynaa, oo aynu maanta isku guubaabinayn waxa weeye, inaan mar danbe dhib tii oo kale inoo soo marin. Waxaynu doonaynaa dhalinyaradu maanta inay ku taamaan inaanay Badda ka talaabin, oo waxa mooralkooda iyo niyadooda jabiya inay ka baydhaan, oo dhalintu isku guubaabiso, oo ay dalkooda u soo jeedo, oo iyagu aayahooda siyaasadeed iyo ka mustaqbal-ka dalkoodu iyaguu ku fadhiyaaye ay gacanta ku qabsadaan. Xisbiyada dalka ka jiraa waxay u kala dheeraynayaan dhalinyarada soo jiidashadooda. waxa aan maanta idinku guubaabinayaa dalka iyo dadka waynu wada leenahay, dhibaatana u horseedi mayno, laakiin, diktoonidiina ayaa ogaanaysaan, waxaynu ka ilaalinaynaa inaan wixii ina soo maray aanay dib inoo soo marin, waxaynu ka ilaalinaynaa in dalkeenu mar kale lumo, taana dhalinyarada ayaa masuuliyadeeda qaadaysa, annaguna waa idinku garab taaganahay.”

Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Md. Ma afka xukuumada, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: “20-ka bisha February oo ah maalintii uu bilaabmay halgankii dhalinyarada Somaliland oo ahaa 1982-kii, dawladnimada aynu haysano kuwii dhaliyay. Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu iyada oo qiimaynaysa, oo tix-gelin wayn siisay taariikhda maalintaas iyo si aanay u burburin, iyada oo qiimaysay in dhalinyaradu kaga dayato halganka dhalinyaradii ka horaysay, waxaanu u aqoonsanay maalintaa 20-ka Ferbruary maalinta dhalinyarada Somaliland, haddii Ilaahay yidhaa inta ka dhiman oo ah in aanu golaha sharci-dejinta ka ansixino maalintaas dhalinyaradaas. beryahan dambe waxa soo baxaya waxyaabihii Xamar lagu yaqiinay oo sumcad xumo ah, taana waxaan leeyahay walaalaheenii reer Muqdisho waynu soo dhawaynay in la soo dhaweeyaana sharaf bay inoo ahayd. laakiin, ha ka baranina dhaqanka wadooyinka la istaago iyo waxa nabadgelyada xumaynaya dhaqan umaynaan lahaan jirin, waa dhaqan meel kale inagaga yimi, dhalinyarada reer Somaliland aad iyo aad ayaan arrintaas uga dardaarayaa.”

Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna munaasibadaas shalay hadal dheer ka jeediyay ayaa hadalkiisii waxa ka mid ahaa oo uu yidhi: “Dhawr qodob ayaan is dul-taagayaa, marka hore ardaygii ku geeriyooday xuskan aynu xusayno 20-ka February 1982-kii in Ilaahay u naxariisto, Ardaygaa oo magaciisa la odhan jiray Barre Xaaji Daahir Cilmi iyo kuwii ka dambeeyay ee u shihiiday gobonimada aynu maanta hoos-hadhsanayno dhamaantoodba Alle ha u naxariisto. Umaddeena ay u soo halgameen ee ay u shahiideen, dhiigoodiina u horeen, ee maanta innaga hooseeya wixii ay u halgameen oo ahaa calanka, wixii aynu ka doonaynay Ilaahay ha ina gaadhsiiyo. Alxamdullilaah maanta inaynu meel wanaagsan marayno, in maanta dawlad Somaliland ahi inoo dhisan tahay oo dhamaan goleyaashii Qaran leh, inaynu maanta dalkeena ilaalin karayno, kana ilaalin karayno cadaw gudeed iyo mid dibad kaga yimaada Ilaahay baa mahadaa leh.

Halgankeenaa dheeraa oo aynu odhan karno wali muu dhamaan, sababtoo ah wali Somaliland ictiraaf may helin, wuu socdaa, waa halgan umadeed oo taariikhi ah, inta inoo dhiman inaynu ku guulaysano ayaynu Ilaahay ka baryaynaa. Waxa kale oo aynu Ilaahay ka baryaynaa, umadeenu waxay u baahan tahay halgankaa ay soo gashay hadhkiisii, guushii iyo wanaagiisii inay dheefsato oo ay ku nasato, oo ay ku dheregto, oo ay shaqo la’aanta kaga baxdo, oo ay cadaalad-xumada kaga baxdo, oo ay kaga baxdo wax kasta oo xun.

Dedaalkeeda ayaa xaqiiqdii laynooga baahan yahay, walaalayaal waxaan jecelahay inaan xusno oo aan hoosta ka xariiqo haddii 20-kii February ee 82-kii ay dhalinyartu ka godooday oo waxay ka gadooday ay ahayd dhalinyartii UFO ee xilligaa xidhnayd. Waxaan maanta dareensanahay dhalinyarada maanta joogtaa waxay ka gadoodi kartaa maanta inay dalkeena taalo. Laakiin, waxaynu leenahay sidaynu shalay u gadoodnay maanta u gadoodi mayno. Maanta Goleyaal la soo doortay, Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen la soo doortay, Goleyaal Degaan oo la soo doortay, Gole Wakiillo oo la soo doortay oo dadka codkooda ku soo baxay ayaa jira, waa inay umada u shaqeeyaan oo dhalinyarta u shaqeeyaan oo waxay dhalinyartu tabanayso laga helaa goleyaasha. Dhalinyartii xadhigooda laga gadooday halkan bay fadhiyaan oo waa bilaa shaqo, Saxaafadeena maalin walba sida la doono ayaa loo xidhaa, waxaynu qiimo ku leenahay kelmada xoriyatul-qalka, meel cidhiidhiya ayay sii galaysaa, qori laysku toosin maayee, waa in laysku toosiyaa hadalka. Haddii hadalka layska maqli waayo qofka xumaanta wada umadda arkaysa, Ilahay baa innaga qaban. Wallaayaal dawladeena, Goleyaasheena Qaran dhamaantood waxaynu ku garab-galaynaa wixii wanaagsan, waxaynu ka toosinaynaa, wixii xun. Annagu (Golaha Wakiillada) aan ugu horayno. Waxaan Ilaahay ka baryaynaa cidda nabadgalyadeena wax inaga yeelaysa inaynu iska qabano, waxa nabadgalyadeena wax innaga yeelayaa waa kuwa wax afduubaya, Ajanabiga inala jooga ee wax inala qabanaya waa inaynu ciidan, dawlad iyo shacbiba meel uga wada jeedsanaa. Nabadgelyada waxa wax inaga yeelaya cid Allaale iyo cidda shuruucda dalkan ku tumanaysa, cidda caddaalad daro umadda ku hagta ama ku hagi doonta, cidda goleyaasha la soo doortay ka dhigtay kuwo aan shaqayn, cidda musuqmaasuq ku shaqaysa oo iyadu daaro dhaadheer ka dhisata umadda oo bakhtiyaysa. Hadday shalay Hargeysi toostay, hadday shalay Burco toostay oo ay Boorama toostay halgan oo dhami qabiil kuma salaysna, mujaahidka wayn ee hadda Canada dagan Ina Taani ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii Hargeysa lagu xidhay. nidaamka fashiistaha ah ee dhacaya ayaa umadda qabiil u kala saara, nidaamkii Maxamed SIyaad Barre ayaa umadda kala qaybiyay, nidaamkaas oo kale aqbali mayno, dawlada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa waxaynu ku taageeraynaa wixii umadda horumar u horseedaya ee wanaaga. wixii aan ka ahayna ka daaya ayaynu leenahay.”

“Waxa la yidhaahdaa dawlada waxaad inoogu dartaan ka wax inoo goynaya, hada waa daalinka”

“Laba Tuug oo xabaalaha Kafanta kala bixi jiray ayaa 3-dii Garsoore ee ay xabaashooda qodaanba waxay yidhaahdeen laba ka mid ah ayaa Danbas aanu ugu tagnay. Arrinkaa madax oo dhan ayaa ku jirta…” Madaxweyne Ku xigeenka

“Waxa jira dambiyo aan caadi ahayn oo soo kordhay, sida dad AIDS qaba oo baad dadka kaga doona,”Xeer ilaaliyaha Guud

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay Huteel Abaasadoor ee Magaaaladda Hargeysa ka furay shir-weyne lagaga hadlayo garsoorka Somaliland, caqabadaha soo wajaha iyo siyaalaha looga hor tegi karo.

Xafladii shirkan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka sokow Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa ka qaybgalay, Wasiiradda Cadaaladda iyo arrimaha gudaha, Guddoomiyaha Maxkamada sare, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) Taliyaha Ciidanka Boliska iyo Qareeno tiro badan iyo marti-sharaf kale.

Shirkan oo ahaa mid sanadle ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo falan-qayn lahaa garsooorka dalka Somaliland, waxyaabaha sanadkii tagay ka hirgalay arrimihii lagag wada hadlay shirweynihii hore iyo waxa aan u suura galin, waxayaabaha uu ku hormaray, caqabadaha soo wajahay, iyo qorshayaasha waqtiyada soo socda ee garsoorka. Ugu horeyna Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo furitaankii munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimada iyo culayska uu garsorku leeyahay, iyo masuuliyada looga baahan yahay hadba cida gacanta ku haysaa in ay dadkooda u cadaalad sameeyaan “Qoladan Maxkamaduhu waa halkuu ku dhamaado garsoorku, laakiin wuxuu ka soo bilaabmaa meel hoose oo dadku aanay tabayn, oo uu ka qaloocdo waana Saldhigyada Bilayska, hadii uu halkaa ka hagaago ama qaloocdo garsoorku hagaagii ayuu ku jirayaa ama qaloocii ayuun buu ku jirayaa. Laakiin, garsoorku hadii uu ka qaloocdo baadhayaasha lama sixi karo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku, Waxaanu xusay in loo baahan yahay in baadhayaayasha iyo garsoorayaasha dalku ku dhaqmaan cadaaladda, aqoona u lahaadaan hawsha ay guda galayaan. Madaxweyne ku-xigeenku mar uu ka hadlayay dhaqankii hore iyo sidii garsoorku ahaa waxa uu yidhi, “Hadii aan dib ugu noqdo dhaqankeenii hore geed baa la isugu iman jiray oo muduc iyo madaacaylay la isugu dhigan jiray, waxaanan idiin sheegayaa cadaalad-darada halkaynu ka bilawnay ayay ahayd, oo waxa la odhan jiray reer hebel ayaynu is qaabilaynaa ee raggii ugu afdheeraa ee dacwadaa deedifayn lahaa hala soo xulo, halkii laga odhan lahaa waar kuwii inoogu cadaalada badnaa aynu u yeedhno. Taa waa laga soo gudbay oo Magaalo ayaa la yimi, Magaaladiina waxa la yidhaa, waar dawlada waxaad inoogu dartaan ka wax inoo goynaya, hada waa daalinkii. Kaa wax u goynayaa isna ku halaagan kuwii keenayna ku halaagme. Cadaaladdana Illaahay ayuun baa samayn kara, waana in qofku ku dedaalo inuu naftiisa iyo reerkiisa u cadaalad sameeyo.” Waxaanu sheegay in guud ahaanba madaxda looga baahan cadaalad iyo sinaansho. Isla markaana waxa uu tusaale u soo qaatay dhacdo ka dhacday wadamada Carabta mid ka mid ah, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Laba tuug ayaa xabaalaha kala bixi jiray kafanta, oo marka maydka caawa la aasaba habeenka dambe ayay kala baxayaan, ka dibna maydka ayay halkiisa ku celin jireen, si ay kafantana u iibiyaan. Waxay la yaabeen labadii nin Sadexdii Garsoore ee kasta ee ay xabaashooda qodaan waxay yidhaahdeen laba ka mid ah ayaa dambas ah, arrinkaana anagu iska saari mayno ee waanu ku jiraa, oo madax oo dhan baa ku jirta, waxa ku jira booliska, garyaqaanka, Xeerilaaliyaha iyo qareenaduba, imikana waxaaba jira oo halkan fadhiya qaar yidhaahda yaanu u dhaaranaa, yaanu u gubanaa.” Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku dhiiri galiyay bahda garsoorka gaar ahaan guddoomiyha Maxkamadda in uu ku dedaalo is waafajinta xaqa qofka iyo dambiga uu galay, isla markaana ay ka dheeraadaan wixii cadaalad-daro iyo qabyaalad ah.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Xasan Cali (Casoowe), ayaa sheegay in wixii tabashooyin ah ee Jira iyo caqabadaha Garsoorka shirkan lagu sixi doono. qabanqaabada shirkan ay muddo badan ka shaqaynayeen, isla markaana ay u joodadiisu tahay sidii kor looqu qaadi lahaa tayada garsoorka dalka, sidoo kalana loogu lafa-guri lahaa caqabadaha iyo dhibaatooyinka garsoorka Somaliland. Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Hay’addaha ka wada shaqeeya Cadaaladu way ku kala cabanayaan dhinaca wada-shaqaynta, si kastana ha loo kala cawdee garsoorka iyo maxkamaduhu iyagaa saldhig u ah nabadgalyadaa aynu haysano.” Sidaa ayuu Wasiirka cadaaladdu, Waxaanu xusay in garsoorka laftiisa culays badani saaran yahay, balse looga baahan yahay in ay dedaal dheeraad ah ay muujiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudha Somaliland, Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Ciro), oo isna Xafladaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in dhaliishu ay tahay toosin, Islamarkaana ay muhiimtahay inaan la isu qarin wixii jira. Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomane), ayaa waxa uu sheegay in Garsoor ahaan uu qiimo weyn ugu fadhiyo aadamiga. waxaanu intaa ku daray “Maxkamaduhu waa ilaa 50 Maxkamadood oo furan ilaa ta sare ilaa ta geedka hoostiisa, garsoorayaasha ka shaqayaa waa 94 garsoore iyo 11 Xeer-ilaaliye, tiradooduna noqonayso 105. Maxkamadaha sare waa 11, kuwa racfaankuna waa 14 kuwa Goboladuna waa 22, Maxkamadaha degmooyinkuna waa 47, intaas weeye garsoorka maanta dalka ka shaqeeyaa, garsoorayaasha bedalka loo sameeyay waa 10 garsoore, kuwa ku meel-gaadhka ahi waa 15, iyo kuwa aan weli la magacaabin oo ah 18.” Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dacwadaha sanadkan ka dhamaaday Maxkamad-sare ahaan ay yihiin 228 dacwadood, isla markaana ay u yaalaan 204, kuwaas oo isugu jira kuwo muddo shan sanno ah soo jiitamayay iyo kuwo kale. Iyada oo 207 ka mid ahi yihiin dacwado madani ah iyo 48 ciqaab ah. Waxaanu sheegay in aanay Maxkamaduhu lahayn dhismayaal ku filan iyo gaadiid ku filan midna. “Maxkamada sare waxay leedahay sadex xafiis, sadex gaadhi iyo kayga, inta kale xafiisyo ma leh, waxaanu khasab kaga dhignay garsoorayaasha inay ku qaadaan dacwadaha qololkooda. Madaxweyne ku-xigeen waad ogtahay siday wax yihiin, oo dhismayaashu waa wuxuu Ingiriisku ka tagay 70-60 sanno ka hor, kolkaas ayaa garsoorihii lagu eedaynayaa isagoon gaadiid u hayn, qalab jirin, oo waxaanu nidhaahnaa ninka dil lagu qaadi maayo, oo Teebab googa’an oo A,B iyo S tuba maqan yihiin marka xukunkii lagu qoro, dee waa sharci-daro, waxaanay ka mid tahay dhibaatooyinka garsoorka dacwadaha ku daahinaya.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamada sare Maxamed Ismaaciil Xirsi (Oomane).

Xeerilaaliyaha guud Xuseen Cabdi Qaalib, oo halkaa ka hadlay ayaa isna ka waramay dambiyada ay gudbiyeen 2-dii sanno ee ugu dambeeyay, “Labadii sanno ee u dambeeyay dacwadaha ciqaabta ah waxa jira 2272 dacwadood oo aanu maxkamadaha u gudbinay, oo ah dacwadaha aanu ku qanacnay jiritaankooda. Dambiyada dhacay labadaas sannadood runtii faraq weyni uma dhexeeyo.” Sidaa ayuu yidhi Xeer ilaaliyuhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa jira dambiyo aan caadi ahayn oo soo kordhay, sida budhcada, waxa kale oo imika soo baxay dad AIDS qaba oo baad ama laaluush dadka kaga qaada, kuwaasoo intay shiliish dhiig ku shubtaan jeebka ku rita dabadeedna suuqa la wareega, oo odhananaya waan kugu mudayaa. Waa shaqo cusub oo halis ah, waxaanu ka dhigan yahay qofku nin qori baasa sita.” Waxaanu sheegay Xeer-ilaaliyuhu in ay jiraan caqabado badan oo ka hor yimaada garsoorka dalka, balse ay garsoor ahaan dedaalaan. “Ilaa 1991-kii, oon waxba jirin, niman dhalinyaro ah oo jabhadii ah ayaa caawiyanay, markaa garsoorka halkaa ka soo bilaabmay waa nasiib-daro in dadka qaarkii iyo nin kiiskiisu siduu doonayay aanu u dhicin inuu yidhaahdo waa tuug oo laaluush bay qaataan oo waa sidan.” Sidaa ayuu yidhi Xeerilaaliyaha guud ee Qaramku.

Guddiga Doorashooyinka S/land

iyo furista Xafiisyadii Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha Gobolada

Hargeysa (Ogaal) – Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Maanta kormeer hawleed ugu kala baxay Gobolada dalka. Islamarkaana soo furi doona Xafiisyadii komishanka doorashooyinka ee Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Xubnaha Komishanka oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaha Md. Maxamed Aw Yuusuf Axmed iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gudida doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa. Waxa ay kaga dhawaaqeen arintaasi.“Waxaanu bilaabi doonaa hawshii diwaan-gelinta codbixiyayaasha Maalinta beri ah, (Maanta) waxaanuna xafiisyo ka furan doonaa Gobolada iyo degmooyinka dalka, Islamarkaana waxaanu u diyaarinay qaab fudud,” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Komiishanka doorashooyinka. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray Gudoomiyuhu oo uu sheegay inay arrintan ka wada tashadeen “Gudida farsamo ee doorashooyinka Qaranka oo ka kooban [Komiishanka qaranka, Wasaarada arrimaha gudaha iyo sadexda Xisbi qaran” sidaas ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md. Maxamed Aw Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in wufuuda komiishanku ay soo dersi-doonaan habka ugu haboon ee loo filin karo hawsha diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha ee dhawaanta dalka laga hirgelin doono.

Md. Maxamed Aw Yuusuf Axmed waxa uu ugu baaqay Shacbiga reer Somaliland inay gacan ka siiyaan hirgelinta iyo dhameys tirka hawlaha diiwaan gelinta codbixiyayaasha.

Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay inay soo uruurin doonaan macluumaadka iyo talooyinka bulshada ee ku aadan diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Gudoomiye Ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halakaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimada ay diwaan-gelintu leedahay

“Waxa hawsha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha fulin doona dad khibrad iyo waayo aragnimo u leh, waxaanay hawshaasi dalka ka socon doontaa muddo 45 cisho ah oo marba Gobol la dhameys tiri doono” sidaas waxa yidhi Gudoomiye ku xigeenka Komishanka.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu tilmaamay inay hawsha diwaan-gelinta ka hawl gelidoonaan 380-hawlwadeen.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Sadex Xubnood ka socday Sadexda Xisbi Qaran KULMIYE, UDUB iyo UCID

“Iga- Walla Dameer-baad fuushanayd!”

Muuse F. Jaanbiir

Wuxuu ahaa oday reer magaal ah oo kaftan dhaadhiya. afadiisu waxay iibisaa jaadka, si ay masaariifta qoyska u dabarto. waayo, ma jirto il-kale oo dhaqaale ka soo galaa, duruufahaana waxay la wadaagaan qoysas badan oo kali kuma ah. Sidaa aawadeed, Qawdhan wuxuu u egyahay Karaamo dhawr sharaftiisa ilaashada, waxaanu si ad-adayg ku jiro ugu dhex nool yahay bulsho Qaad-qamax ah u badan oo sahwiday.

Sidaas oo ay tahay , haddana Oday Qawdhan waa muqayil, mana awoodo inuu maalin kasta raali-geliyo naftiisa oo uu jeebka kala soo baxo Sunuud uu ku iibsado laba mijood oo jaad ah. taa bedelkeeda, oday Qawdhan wuxuu ku xisaabtamaa oo keliya mijin Jaad ah oo ay Afadiisu siiso todobaadkii Laba maalmood.

Ma yaqaano Luqada shaxaadka ee lagu baadho Jeebabka dadka kale, Jaadkuna wali xadka xishoodka kama saarin, welina waa sii nool-yahay xididkii qajilaada oo waxa ku soo neefaya dhaqankii toosnaa ee is-dhawrista qofnimo. laakiin, hadana, mar haduu u hungurooday kabadhkii Islaantiisu biilka qoyska ka soo saaraysay, Laba maalmoodna uu ka qayilo wuxuu hayaa jidkii saaxiibadii iyo dhigii oo aad u tiro badnaa qaadeen. laftiisu wuu is-ogyahay oo had iyo goor wuxuu isku canaantaa dheg-xumada Labadaa Mijood ee Jaadka ah, hadana wuu is-ilaawaa oo wuxuu is-arkaa iyadoo shucuurtiisu dhaqaajisay. dabadeedna si uu runta isu diidsiiyo wuxuu cudur-daar ka dhigtaa oo uu naftiisa ku qanciyaa, Mar hadaanaan cid kale u jabin mijin xaaskaygu I siisaa ceeb maaha. Marka dhinac laga eego, Qawdhan waa runtii oo waxay isku Marfish yihiin rag waawayn oo naanayso leh, oo hal-hayskoodii noqday, Ceeb looma dhinto ee waxaad cunto ha waayin.

Waxay isku Marfish yihiin dar da’dii labaad Af-miishaarnimo hiday-sanaya oo labadii baloodh isku haysta, mid kastaba markhaatiga u fura. Waxa dhiniciisa fadhiista Laba jeer bixiye Inantuu dhalay laba nin xoolo kaga qaatay oo haddana intuu khaldamay aan isu haysan. Fadhigiisa halka ka soo horjeeda waxa fadhiista oo wajigiisu hayaa Caaqil Aakhir-Samaan aan dhaqan iyo dhugtii maalin dhudiisa garan, shaqadiisuna tahay maalintii loo baahdo inuu u markhaati furo ninka madaxda ah intiisa gaarka ah. Mid, Laba iyo Saddex maaha ee waa tiro dhaaf dheg-xumada nolosha maanta. isla-markaana midba mid ka sii daran ayaad uga gudbaysaa tii hore ee aad la yaabanayd. Soddog saqiiray, Soddoh sabbaysay, Wiil Saqaafay, Inan socotay, caqli seexday, garasho saahiday, Iimaan sellelay, mustaqbal sooggan, dhaqan suullay, hidde suuxay, daaman raamsigoodu aanu seexan habeen iyo maalin, run higootay, daacad yaaban, been barartay oo barqada dharagta, ragganimo qaawan, Liiti faanaya, fiic foorara, ganacsi dhiig ah, dhego awdmay oo siigo dabooshay, dhalaan la tuuro oo bisaaska loo dhigo, cimilo dool ah oo ficilku keenay, carro sabooshay oo nafaqo wayday, roob yaraaday, xasuuqa dhirta dhuxusha noqotay, dhan kasta oo laga dayaba is bedelka dhacay, dhalan-rog weeye, dhaqanka nolosha bulshada maanta, mid haysta weeye.

Miyi iyo Magaalo meel kasta oo laba qof isugu yimaadaan mandaqadda Soomaalida ama caalamka kale bar kasta oo Soomaalidu joogto, muran malaha in caleenta Jaadkuna joogto. sidaa daraadeed, Qawdhan wuxuu isu arkaa mid sed bursiinyo sida, welina Iimaanku qani yahay. Hase yeeshee, hadana, Xaraarada Jaadku waxay gayaysiisaa, inuu abuuro istacaarooyin iyo qisas u suura-geliya inay Afadiisu siiso Jaad, maalin aan ahayn labadii maalmood ee ay mijin mijinta siin jirtay. Wuu ogyahay waxa Islaantiisu bacadka u fadhidaa inay tahay dhuunigiisa, balse, waqtiyada qaar xusuustaasi uma shaqayso. sidaa aawadeed, waxa ka xoog bata doonista caleenta jaadka ee naftiisu jamatay. Wuu arkayaa inuu ku sii socdo dariiq khatar badan oo dhawrsoonaanta ka faydaya, Misana maalmaha qaar markuu asxaab ay iskaftan yaqaanaan arko ee ay ku balamaan Merfishka, taladu way ku baahdaa.

Maalmo badan oo asxaab ay kaftan wadaag lahaayeen ay qaad la’aantu isa seejisay way soo mareen. Maalmo badan oo uu Jiciirta Afadiisa iska ilaaliyay, kana war-wareegay inuu kal dhaafaana way badnaayeen, maalmo badan oo uu isku guhaadiyay xitaa siduu u joojin lahaa labadaa maalmood ee ay min Mijinta siisaana way jireen. Maalmo badan qisas indho-sarcaad ah oo ka iib-galayay u hayay, hadana uu aamus ka door-bidayna waa jireen. laakiin, waxaas oo dhan waxa isku fuuqsaday, Arbacadii Qawdhan higooday!! Waxay noqotay maalin sheeko dheer reebtay oo halku dhegyo curisay. Waxay noqotay maalin ka tilmaaman maalmaha, waa Arbacadii Qawdhan oo qof maqlayba qosol.

Ragga waa bi’iisa, dumarkana waa badhaadhahaa la yidhiye, Qawdhan waxay maalintaa balameen saaxiibo kaftankoodu u dhadhamo. Sidaa aawadeed, waxa ku waynayd sidii uu Jaad uga heli lahaa kabadhkii Afadiisa. Xeer baa u yaala oo meel uu ka dhaafaa way yar tahay, isla-markaana waxa lama huraan noqotay inuu Marwadiisa Basra kala kaftamo meelo aanay waligood intay guriga lahaayeen ka wada sheekaysan. Dhan walba ugu rog-rogayay xaajada ee kaartaba uu mid kale ugu duminayay, wuxuu aakhirkii tallo ku goostay, inuu uga sheekeeyo Riyo aan jirin oo mala’awaal ah oo uu uga dhigay inuu xalay ku riyooday. Dabcan, wuxuu raadinayay wuxuu kaga qosliyo, qalbigeeda ku godlo ku sii jeediyo, ku ilawsiiyo ladh badan oo ku oognaa, kaga farxiyo, ku tuso mustaqbal nayaayiro leh. Sidaa aawadeed, wuxuu dhisay qiso aanay farxadeedu dhoola cadayn dhaafsiisnayn. La yaab ma laha oo hore umuu riyoon jirin, tana sheegisteedu Manaam fog maaha oo mid dhow oo aan hoojin karin maskaxda Afadiisa weeye. hase ahaatee, xaalkiisu waa ka maaran waa, waayo, adeegsiga khidadaha noocaas ah waa markii u horaysay ee uu ku dhiirado. Anteenooyinka dareenka jidhkiisa oo dhan baa taagan oo yara khalkhalsan, allahayow na astur weeye xaalkiisu, sababtoo ah wuxuu cagta saaray wadadii khiyaamada. islaantiisii baa mijin jaad ahi ku keliftay inuu been u sheego.

Marka qiyamka dhabta ah ee xayada nolosha la eego, wayso uma dhawara odayga. Hase yeeshee, sidaasaabuu budh-tuur ugu yahay duqay badan oo da’diisa ah. sifaha nolosha maantu waa mid midabo badane, Qawdhan wuxuu u luuday dhinacii Afadiisu Jaadka ku iibinaysay. Maskaxdiisu way mashquulsanayd oo waxa isku waydaaranayay boqolaal fikir oo togan iyo taban isu dhex qaadayay. “Waar isla yaab oo dib u noqo iyo waa iska caadi ee hore u soco.” Dareenba dareen buu duqaynayay fariimaha maskaxdiisa ku laacdamayay. Hase ahaatee callool adayg waa ilaahay wehelkiiye toos buu u abaaray, dabadeedna qosol iska yeelyeel ahaa intuu dhoolaha baneeyay, ayuu Afadiisii Basra ku salaamay. “Eeyaahe horta hadaad ogtahay warka farxada leh ee aan maanta kuu sido, wax walba dhulkaad dhigi lahayd.” Dabadeedna“haye oo maxaa soo kordhay Qawdhanoow,” intay tidhi ayay soo daymootay dhiniciisa.

Jillaa fiican oo qurxinta hadalka beenta ah ku ilbaxay maaha Qawdhan. sidaa darteed, durba soo jaleecidii ay xagiisa dhugatay ayaa wejigiisa khal-khal geliyay. Waayo, been aanu hore ugu baahan ayuu maalintaa jantay. dareenkiisa oo dhami malaha wuxuu u shaqaynayay si aan is ogaani ku jirin. “Basraay xalay waxaan ku riyooday adigoo Malaayin lacag ah kala xisaabinaya , shaqaale fara badani kuu adeegayo, oo aad leedahay Qawdhanoow qoladaa lacagta ka xisaabi. Marna adoo Faras Cad fuushan oo dhul cagaar badan hadba dhan u toocinaya. Dabadeedna, Markaan toosay saaka waan iska aamusayoo, waxaan u tegay Aw-ma-huraankii riyooyinka fasiri jiray, markaan qisadii u sheegayna, wuxuu igu yidhi: Waa riyo fiican, waxaanay u badan tahay sidaa aad wax u aragtay inay u dhacdo oo Afadaadu maal badan heli doonto. Markaa waa farxad wayne shaadaliga shub oo anigana iga farxi.” Intaa markuu yidhi Qawdhan, ayaa Basra oo aan isbedel ka muuqani u celisay oo ku tidhi, “Qawdhanoow intaynu wada joognay waan riyooday kaama maqale, weligaa ma xalay baa kuugu horaysay habeen aad riyooto?” Intaa ka dib Qawdhan baa u baxayoo yidhi, “Oo ma ogtahay Basraay Aw-ma-huraan wuxuu igu yidhi, dadka mar-mar iyo dhif riyooda tooda waa la arkaa, laakiin kuwa habeen walba riyooda waxooda lama arko.” Intaa uu hadlayay Qawdhan kabadhkii Jaadkuu gacanta kula jiraayoo, wuxuu doonayay inuu hoos-hoos labada Mijood inta maaweeladu socoto ugala baxo, markaa laba hawlood ayaa dareenkiisu wada hayay. “Eeyaahee, imika ma kaa dhab baa.” Inta Basri tidhi ayay isha ku dhufatay gacantiisii oo kabadhka dhex-qaadaysay, markaasay fahamtay qasdigiisii oo ay ku tidhi, “Qawdhanoow riyo ku qayili maysid, maantana waa lay ganaaxoo dhawr marduuf baan hayaaye iska dhig Jaadka.”

Alla naxdin waynaa, runtu u daraydaa odayga maalintaa, waayo-aduun wejiyo badanaa. walafka naftu doonis badanaa, hadana dhidid badanaa. Carabku hadalka dayn ogaa, dibnuhuna qoyaan la’aan qalali ogaa, jeeb madhnaantu nin wayn u daranaa, xeelad aanad ku xoogsan jirin u baahashadeedu, dhib iyo ceeb badanaa. Qawdhan intaa iyo in ka badan hoos ayuu isu canaantay. Dabadeedna intuu kor u hinqaday ayuu yidhi, “Basraay, faras cad maad fuushanayne iga Walla dameer baad fuushanayd.”

Gabagabada Dooda Tacadiga Haweenka iyo Caruurta

Hargeysa (Ogaal)- Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa in ka badan 70 xubnood kulan ugu qabatay Isniintii Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Ka qayb-galayaasha kulankaas ayaa ka kala socday Laamaha Dawlada, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururada Maxaliga ah ee ka shaqeeya xad-gudubyadan iyo xubno kale oo aqoon sare u leh arrintan. Waxaana lagaga hadlayay sidii Wasaaraddu u samayn lahayd siyaasad cad oo dhamaystiran, isla-markaana la xidhiidha xakamaynta fal-dambiyeedyada lagula kaco Haweenka iyo Caruura (Gender Basic Violence).

Ugu horayn waxa kulankaas oo Hal maalin ahaa ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada, Marwo Faadumo Suudi Xasan oo tilmaamtay siyaasada cad ee ay Wasaarada ahaan iyo xukuumad ahaanba ugu talo-galeen sidii wax looga qaban lahaa xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka iyo Caruurta. “In badan baynu ka soo hadalay tacadiga Haweenka iyo Caruurta lagula kaco, in badan baa laysugu yimi aaraa iyo aqoon iswaydaarsi. Mar haddii wax badan la soo waday waxa wanaagsan in la helo itijaah, dhukmanti ama wax la ururiyo, macluumaad ha ahaado ama wax ka qabashoba ama sidii loo yaran lahaa. Xad-gudubkan oo aad u noocyo badan, had iyo goor waxa la yidhaahdaa gacan-ka-hadalka ama ka mooraalka, wuu wajiyo badan yahay. Gender-ka marka laga hadlayo waxaad moodaa Somaliland ahaan wax innagu cusub weeyaan. Dumarka arrimahooda ayuun baa lays yidhaa Gender-ka marka la soo qaado. maaha waa lamaanaha Illaahayba isu baahiyay ee adduunka ku beeray.” Sidaas ayay tidhi Wasiirka Qoysku.

Mar ay ka hadlaysay sida ay bulshadeenu daaha u saarto xad-gudubyada Haweenka iyo caruurta lagula kaco waxay tidhi: “Dhibta inna haysataa waxay tahay, iyada oo ceeba loo yaqaan dhaqan ahaan in la sheeg-sheego waxa gabadha ku dhaca, ama lagu sameeyay, waxa ilmaha yar ku dhaca ee laga sameeyay, oo ah dhaqan ahaan waxaan laga hadalba oo layska daboolo. Xataa Maxkamad hadduu yimaado la yidhaahdo innaga daaya odayaal baa ka heshiin doonee. Maaha iyada oo dulmigii iyo xad-gudubkiiba yaalo in layska daboolo dhaqan ahaan oo meel layska dhigo.”

Wasiirku Qoysku waxa kale oo ay iftiimisay sababta ku kelftay Wasaarad ahaan inay kulankan qabtaan waxayna tidhi: “Waxaanu muddana laga soo shaqaynayay aanu go’aansanay inaanu helo wax cad oo loo raaco ama wax lagu xakameeya, ama in wax badan la bedelo oo macluumaad badan laga hayo, si loo soo saaro wax cad oo laga midaysan yahay. Annagu Wasaarad ahaan, markaanu eegnay intii badnayd ee aanu soo wadnay iyo sida aanu midho-dhal u noqon, waxaanu is-nidhi maxaa dhiman? waxa dhiman in siyaasad cad oo midaysan la helo oo wax laga qabto, laguna xameeyo.”

Ciise Nuur oo isaguna ka socday Hay’adda Unicef ayaa isna tilmaamay sida loogu baahan yahay in si wada jir ah wax looga qabto arrintaasi: “Waxaynu la soconaa inay jiraan dhibo badan oo khuseeya gacan-ka-hadalka ku yimaada haweenka guud ahaan. Gacan-ka-hadalku noocyo badan buu leeyahay, wax ka mid ah waxyaalaha Violence-ka sida dilka, jidh-dilka, kufsiga, gudniinka. Halkan waxaynu isugu nimi noociisa la xidhiidha haweenka, ama lagu maago haweenimadooda, waxaana loo baahan yahay inaynu siyaasad cad oo midaysan ka samayno sidii maarayn iyo ka hortag loogu heli lahaa.” Ayuu yidhi Mr. Ciise.

Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada iyo Iimaan Maxamed Cumar oo iyana ah Madaxa mashruuca wax ka qabashada waxyaabaha xad-gudubyada ku ah Haweenka iyo caruurta ee Wasaaradaasi.

Ugu dambayntii, ka qayb-galayaashii kulankaas ayaa waxay naaqisheen, isla-markaana qaadaa dhigeen arrimihii horyaalay, iyaga oo Wasaarada u gudbiyay waxyaalihii ay isla-meel dhigeen si ay siyaasadeeda ku wajahan amuurtaas uga shidaal-qaadato afkaartooda.

Laascaanood: Hawlgalka Burburinta hadhaaga walxaha Qarxa

Laascanood(Ogaal) – Hay””””ada miino baadhka ee SMAC (Somaliland Main Action) ayaa shalay meel qiyaastii 8-km u jirta magaalada Laascaanood ku qarxiyay, Miinooyin iyo Qumacyo hadhaa ah oo laga ururiyay qaybo ka mid ah magaaladaasi.

Hawlgalkan lagu nadiifinayay waxyaalaha qarxa iyo miinooyinka Aasan ee shalay la qarxiyay oo Ururintoodu maalin ka hor ka bilaabantay Xaafado ka mid ah Magaalada Laascaanood waxa ka qaybgalay masuuliyiinta kala duwan ee Gobolka iyo masuuliyiin ka kala socday Hayadda Miinada dawlada oo ka tagay Hargeysa. Dhamaan Masuuliyiintii ka hadlay kulankaasi ayaa isku aragti ka ahaa islamarkaana tilmaamay dhibaatooyinka walxaha qarxa ay u leeyihiin noolaha iyo sida Gobolka Sool ugu baahanyahay in laga joogteeyo hawlgalka baadhistooda.

Ka hor intii aan la bilaabin Qarxinta ashyaadan waxa dadweynaha magaalada Laascaanood iyo ciidamada kala duwanba lagu wacyi geliyay, Islamarkaana lala socodsiiyay arrintan.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool ayaa arrintan aad u soo dhaweeyay, iyaga oo aan hore u arag dedaalo horumarineed oo wax lagaga qabanayo adeega danta guud.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: