Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Shaaca Ka Qaaday in Diiwaan Galintii Codbixiyayaasha Xafiisyadii Gobolada ay maanta Furayaan.


Hargeysa (somaliland.no) – Gudiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in laba kooxood oo ka mid ah Koomiishanka qaranku, u ambabixi doonaan maanta dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka si ay u soo furan xarumihii gudiga doorashooyinka ee heer gobol ilaa heer degmo.

Xafiisyadan oo loogu talo galay sidii loo hawl galinlahaa hawl wadeenadii Koomiishanka doorashooyinka Qaranka ee ka hawl galayaa Gobolada iyo degmooyinka dalka, sidaana waxa ay ka sheegeen Shir jaraa’id oo ay manta ku qabteen Xaruntooda guud ee Magaalada Hargeysa.

Shirkan Jaraa’id ee Koomishanka doorashooyinku qabteen shalay waxa kale oo ku wehelinayay si wada jir ahna ay u wada qabteen, Wakiilo ka socda sadexda Xisbi, waxa ay ku cadeeyeen faah faahina kaga bixiyeen bilaabista iyo guda galistaa hawlihii diiwaan galinta oo bari si rasmi ah u bilaabmaysa.

Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Md: Maxamed Yuusuf ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyay, in maanta lixda gobol u kala dirayaan laba kooxood, si ay gobolada iyo degmooyinka uga soo furan xarumihii gudiga doorashooyinka ee gobolada iyo degmooyinka isla markaana la hawl galinayo dhamaan hawl wadeenadii Koomiishanka ee goobahaa ka shaqayn jiray, gaar ahaan kuwa aan ceeb iyo canbaarayn lahayn waa sida hadalka loo dhigaye.

Gudoomiye kuxigeenka Koomishanka Md: Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa ka dib gudoomiyaha waxa uu faahfaahin balaadhan ka bixiyay qaabka iyo hanaanka ay ugu talagaleen in diiwaan galintu u dhacdo, waxaana uu xusay in ay u adeegsan doonaan qalab aad u casri ah iyo qaab Tignoolaji ah sida Computers iyo waliba qaab farsamada gacanta ah si loogu diiwaan galiyo Muwaadiniinta.

Gudoomiye ku xigeenka Koomishanku waxa uu sheegay in ay soo kiraysteen Khabiiro aqoon sare u leh habka loo diiwan galiyo dadka kuwaas oo ka soo hawl galay ama ka soo shaqeeyay dalal badan oo dunida ah, isaga oo tilmaamay in mudo 45 Cisho ah ay diiwaan galin doonaan dhamaan gobolada dalka, taas oo u kala qaybsamaysa 25 cisho oo la diyaarinayo foomamkii lagu qori lahaa magacyada iyo macluumaadka qofka codbixiyaha ah laga rabo ee lagu aqoonsanayo halka uu tilmaamay in mudo shan cisho ah oo kale lagu mari doono dhamaan gobolada, oo ay ka hawl galayaan 380 kooxood oo qalabkoodu u dhan yahay.

Mr. Xirsi oo ka hadlayay sida mudo shan cisho gudahood ah loogu dhamayn karo diiwaan galinta Codbixiyayaasha waxa uu yidhi“Waxaa la siin doona Card kumeel gaadh ah ama waraaq inta la ogaanayo in qofkaasi mar hore is diiwaan galiyay iyo in kale, waxaa Xusid mudan hadii dadka maankooda ay ku soo duxdo shan cisho malagu dhamayn karayaa? Waxaanu leenahay Haa maxaa yeelay 5 cisho dadka la diiwaan galinayaa maaha saqiir iyo kabiir mana ah tiro koob sida ay dadku u sheegeen, waa diiwaan galin codbixiye, dadkii maalinta kaliya codayn jiray ee isu soo bixi jiray ayaa shan cisho lagu diiwaan galinayaa.

Iyada oo tirade diiwaan galiyayaashu ay ka tiro badan yihiin, tirada markii hore diiwaan galin jirtay, oo ay goobaha qaar ku soo laban laabmayaan, sadex laabmayaan goobaha laga shaqaynayo ee diiwaan galinta, uma jeedo in goobihii la kordhinayo, laakiin waxaa dhici doonta in halkii markii hore albaab ka furnaa, ama irid kaliya laga shaqaynayay, goobtiiba ugu yaraan sadex albaab iyo in ka badan laga shaqaynayo, inta badan meelaha qaarkood meelaha ay suurtoobi waydo mooyee.” Ayuu yidhi Gudoomiye kuxigeenku.

Gudoomiye kuxigeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu xusay in wixii cabasho ah ee dhinaca dadweynaha ka timaada laga fiirsan doona waxaanu mar uu ka hadlayay yidhi “Waxa ay tixgalinayaan gudida doorashooyinka iyo gudiga diiwaan galinta u igman iyo wasaaradda arimaha guduhu wax kasta oo suuragal ah oo ay muwaadiniintu ka cabanayaan,waxa ay ka fiirsanayaan sidii ay suurta gal u noqon lahayd ama aanu u fashilmeen qaabka loogu tala galay, oo ah qaabkaa aynu soo sheegnay. Waxa weeyaan dadka la diiwaan galinayaa dadkii maalinta kaliya codayn jiray, shan cisho ayaa macluumaadkoodi lagu siinayaa, 25 cishana waa lagu sii qoray oo waa lagu ururiyay, qaabkani waa qaab la daraaseeyay oo xag walba laga eegay, si loo ilaaliyo in lagu guul daraysto ama lagu fashilmo.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Mudane Xirsi “Waxa laga taxadarayaa in lagu fashilmo oo ay timaado fashilaad qaran, oo dib u dhac ku keeni karta hanaanka doorashooyinka iyo hanaanka dumuqraadiyada ee wadankeenu marayo ama aynu hiigsanayno ama indhaha caalamku aadka u eegayaan, waxa laga taxadarayaa wax kasta oo khatar keenaya haday tahay qalab, siyaasad ahaan iyo degaanka intaba waa laga taxadarayaa, wanan tixgalin doonaa, waxaanay gudidu maanka ku hayaaan siday u noqon lahayd diiwaan galintu mid lagu guulaysto.

Mar uu ka hadlayay sida ay arintan dhinac walba ugala tashadeen isla markaana laysula qaatay waxa uu yidhi Gudoomiye kuxigeenku “Arinkan waxaa isla qaatay Sedexda Xisbi sidaan horeba u sheegay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Koomiishanka waxaanay u gudbiyeen deeq bixiyayaasha, waanay soo waafaqeen deeq bixiyayaashu wax badan oo loo diyaarin lahaana waa dhamays tiran yahay, wakhtiga hadad I waydiin doontaan waxay ku xidhan tahay marka aanu sii dayno qandaraaska ee aanu shirkadaha qalabka iyo soft weer ka keenaya tartanka galino, waxanu ogaanaynaa wakhtiga ay qalabkan ku keenayaan markaa wakhti aan gacantayada ku jirin idiin sheegi mayno, markaanu wakhtigaa helno ayaanu sheegi doonaa maalintaa sidii sharcigu ahaana waxaanu u gudbin doona Madaxweynaha si uu ugu soo saaro wareegto Madaxweyne.

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay wakiilada sadexda xisbi ee koomiishanka uga wakiilka ah oo dhamaantood cadeeyay sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay diiwaan galinta koomishanku u bilaabayaan.

Harawo

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: