ALLAYBADAY IYO XAALADDA JIILAALKA


Weriyaha Allaybaday Ismail “Hilqad”

Magaalada Allaybaday oo ahayd magaalo hodan ku ah xaga biyaha ayaa hadda waxa ku soo fool leh biyo xumo taasi oo ka dhalatay, markii sanadkii aan soo dhaafnay ay wax yeelo kazoo gaadhay roobab waawayn oo ka da’ay deegaankaasi Allaybaday,kuwaasi oo waxyeeleeyay dhaamamkii waawaynaa ee ay reer Allaybaday ku kayd san jireen biyaha si ay ugaga faa’idaystaan biyahaasi kaydka ah dhinaca Cabitaanka dadka iyo xoolahaba iyo waxbeerista oo tobankii sano ee danbeeyay ay Allaybaday hormood ka ahayd wax soo saarka dalka ee xaga khudrada,taasi oo wax soo saarkeeda laga dareemay suuqyadada magaalooyinka waawayn ee dalka iyo kuwa jaarkaba.

Inkastoo ay Allaybaday gurmad deg-deg ahi uu soo gaadhay markii ay roobabkaasi khasaaraha soo gaadhsiiyeen,gurmadkaasi oo ka soo gaadhay Haayadaha Caalamiga ah, kuwa wadaniga ah, iyo dhinac dawladaba oo kabitaan ku sameeyay dhaamamkii jabay,dhaamamkaasi kabitaanka lagu sameeyay ayaa waxa ay yihiin xiligan kuwo wadda madhan,taasi oo kadanbaysay markii ay roobabkaa waxyeeleeyay dhaamamka ay dhexdhigeen carro fara badan oo u baahnayd in laga dhoobo qaaddo laakiin aan suuro galin xiligii kabitaanka lagu samaynayay dhaamamkaas, wallow ay Haayadihii kabitaanka ku sameeyay dhaamamku ay balan qaadeen in ay dhoobo qaad ku samayn doonaan marka ay dhaamamkaasi dhamaadaan ayaan hada aan hawshaasi dhooba qaadka wax hadal hayaa jirin.
Hadaba dhaamamkan oo xiliyaddii hore kuwaada waawayn uu roobku ugu di’i jiray iyaga oo biyaysan ayaa haatan ah kuwo wadda madhan,taasi oo keentay inay Allaybaday biyo xumo ka soo food saarto.

Wallow Allaybaday ay leedahay laba ceel(rig) oo u jira magaalada min 5km labadaasi ceel oo ku kala yaala dhinaca Somaliland iyo xaga Ethopia ,labadan ceel oo isku jira wax ka yar 1kgm. Ayaa ceelka xaga Somaliland ka yimaadaan qasabado magaalada biyaha keeni jiray,qasabadahaasi oo roobabkii dhaamamka wax yeeleeyay ay iyana soo gaadhsiiyeen khasaare isagu jira in ay qaarna qaadaan qaarna kala furfuran,ayaa hada ay magaalada soo foodsaartay biyo yaraan ka dhalatay dhaamamkii waawaynaa oo dhamaaday iyo qasabadihii biyaha keenayay magaalada oo aan iyana xiligan jirin, ayaan keentay in dadwaynaha reer allaybaday ay walaac ka muujiyaan biyo yaraan aanay arag sanado farabadan oo ay durba dareemeen.
Labadan ceel(rig) ee magaalada Allaybaday leedahay oo ay usoo arooraan xoolo iyo dad fara badani ayaa ah kuwo culays farabadani saran yahay maadaamo oo aanay la ahayn kaydad waawayn oo biyaha lagu kaydiyo,waxa kale oo ku yar dararka xoolaha laga waraabiyo, oo marka laga yimaado yaraanta kuwa samaysana ay yihiin kuwo aan la dayactirin muddo imika,taasina ay keentay in ay riigagaasi culays ku keento dadka iyo xoolaha tirada badan ee ka cabaaya iyo waliba booyado iyana tiro badan oo isugu jira kuwa u dhamaamiya Magaalada Allaybaday iyo kuwo ka kala yimaada deegaanada jaarka la ah Allaybaday sidda, Tog Wajaale iyo Farawayne oo ay booyadaasi uga dhaamiyaan ceelashan ayaan iyana culays ku soo kor dhiyay ceelashan oo aan lahayn Qasamadihii u fududayn lahaa booyadaasi xaga dhaanka iyo iyaga oo lahayn dayd biyood oo u fududayn lahaa booyadaasi in ay dhaansadaan inta xoolaha laga waraabinayo biyaha kaydka ah.ayaa mar aan kormeer kusoo maray ceelashaasi waxa aan la kulmay booyado kuyuu ugu jira ceelashaasi,taasi oo aan waydiiyay su’aal mid ka mid ah dirawaladii booyadaha u dhaamiyaha magaalada Allaybaday inta jeer ee uu dhaamiyo biyaha maalintii? Waxaanu iigu jawaabay waxa aan dhaamiyaa maalinta aan ugu badanahay laba lawdh halka aan ka dhaamin jiray markii ay dhaamamka biyuhu ku jiraan maalinta aan ugu yarahay 7 lawdh.

Taasi ayaa keentay in dadwaynaha Magaalada Allaybaday dareemaan walaacna ka muujiyaan biyo xumada soo food saartay,taasi oo qiimaha foostada biyaha ahi gaadho halkii ugu saraysay ee uu waligii gaadho qiimahaasi oo dhan 10.000 s/l ah oo ku dhawdhaw $2 dollor.

Ugu danbayntii su’aasha ay reer Allaybaday iswaydiinayaan waxay tahay ma ku guulaysan doonaa Maamulka Degmada Allaybaday in uu dib u sameeyo qasamadaasi biyaha Magaalada keenayay iyaga oo la kaashanaya Ha`yadaha dawlada iyo kuwa Caalamiga ah, Mise biyo xumada Allaybaday sidan ayay u sii socon doontaa?

Wariyaha Somaliland.no
Ismaaciil Cabdi Muxumed(hilqad)
Allaybaday Somaliland
Email:hilqadm@hotmail.com
Tell:4417346 (Dahabshiil Allaybaday)

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: