Wasaarada Arrimaha Dibada Jarmalka oo Ka Hadashay Aqoonsiga Somaliland

Berlin (somaliland.no)- Wasaarada Arrimaha Dibada Jarmalka ayaa si faah faahsan uga hadashay sida uu Jarmalku u danaynayo aqoonsi ay hesho Jamhuuriyada Somaliland iyo inuu horeba Jarmalka u bilaabay waxyaabaha u gogol xaadhaya xidhiidh la samaysashada Somaliland.
Qoraalkan oo uu soo turjumay Hersi Osman ayaa u qornaa sidan : ‘’Berlin waxay mar walba u gogol xaadhaysey aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland indhaha ayayna ku haysaa, si hadaba loo gaadho arintaas door weyn bay ka ciyaaraysaa booqashooyinka joogtada, mataanaynta Magaalooyinka Somaliland , kuwa Germany iyo maal gelintuba.
Dhacdooyin Farxadeed:


afduubkii samafalihii Jarmalka ahaa ayaa maalintii Arbacadii si farxad leh lagu soo afjaray , kaa soo ay qafaasheen budhcad aan faah faahintooda la aqoonsan, isagoo ku jira safar ka mid ahaa nolol maal meedkiisa caadiga ah, iyagoo toos isaga u abaaray iyagoo meesha ku dhaafay koox ku wehelinaysey safarkooda oo xataa ay ka mid ahayd haweenay jarmal ahi.Baabuurkii budhcadu wateen oo taayir wax ka soo gaadhey awgeed waxay u sahashay ciidamada Amaanka inay isla waqti kooban gudohood ku soo furtaan iyagoo u adeegsadey qori caaradii sida warar lagu kalsoon yahay laga soo xigtayna waxba ma soo gaadhin dhibanihii afduubnaa ee jarmalka ahaa.waxaa iyana lays weydiinayaa in afduubka ninkan ay ka dambayso arrimo siyaasadeed sida ay ku waramayaan warbaahinta qaarkeed inkastoo aanay jirin wax loo cuskado oo sidaa u sii ridani.

Dagaalka Aaya ka tashiga.
Somaliland waxa laga soo bilaabo 1991 ka go’nayd gooni isu taag, sababta meel fog laga raadin maayo oo waa mid ku salaysan dhismaha dhaqan bulsheed iyo caadooyinka bulshadan oo u suurta gelin waydey gumaystihii Ingiriiska inuu kala daadiyo halka Gumaystihii Talyaaniga ee qaybihii kale ee Soomaaliyadii hore si uu u hirgashado ujeedooyinkiisii sii haysasho uu si aad u qoto dheer xididada ugu siibay wixii ay caadooyin u lahaayeen.
Iyagoo hadaba Somalilanderku ka shidaal qaadanaya arimahaas kor ku xusan waxay suurtagal ka dhigeen inay samaystaan sharci ay leeyihiin oo loo codeeyey 2000. sidoo kale doorashooyinkii dhacay 2002,2003 iyo 2005, waxa ay suurta geliyeen kuwii baarlamaanka iyo Madaxweynahaba. Dhamaan doorashooyinkan iyo natiijooyinkii ka soo baxayba waxaa loo bandhigay ururka midawga Afrika, inkastoo aanay ilaa maanta jawaab rasmi ah ka celin,waxaa iyana weli ku murmaya qaybaha kale ee Soomaaliya gooni isu taaga Hargeysa/Somaliland , tusaale ahaan ismaamulka xuduuda la leh Somaliland ee Puntland oo iyadu aami san midnimo soomaaliyeed iyo gobolaysi federaal ah,iyadoo laga shidaal qaadanayo dhacdadan afduubka ee waqtigan xaadirka ah dhacday kama madhna arintaas waayo waa soone Puntland lafteedu ay sheegashadeeda ku andacoonayso.

Danta Jarmalku ka leeyahay.

Laga soo bilaabo 1990 waxay dawlada Jarmalku isha ugu haysey una danaynaysey Somaliland arintan oo jarmalku gundhig uga dhigayo istaraatijiyada muhiimka ah ee gobolka geeska Afrika, sidaa waxaa xaqiijiyey diblomaasiyiin sare oo dawlada ka tirsan.Waxaa marar badan laysla soo qaaday muhiimada ay u leedahay maraakiibta ciidamada Badda Jarmalka ee gaaf wareega badaha gacanku,oo dekeda gunta dheer leh ee Berbera/Somaliland (gunta dheer leh waxaa loola jeedaa inay xataa ka hawl geli karaan Maraakiibta quusta Submarines-ka )ay tahay meel aad ugu wanaagsan saldhig guud oo ay ka hawl galaan.
Hadaba Berlin iyadoo ku xod-xodanaysa suurta gelinta arrintan muhiimka u ah Jarmalka inay ugu sii gogol xaadho caawimooyin iyo in lagu tago booqashooyin kala duwan.Intii u dhexaysey1998 ilaa 2002 waxaa dawladu ku kharash garaysay 3,7 malyuun oo Euro ka safaynta Miinada Somaliland July 2001 waxaa booqasho ku tagay wefti ka socda Baarlamaanka Jarmalka iyagoo kala soo hadlay madaxda Dalka Somaliland sidii loo suurta gelin lahaa mataanaynta magaalooyinka Jarmalka iyo kuwa Somaliland (saaxiibtinimo hoose oo dhexmarta magaalooyinka).Sadex Sanadood dabadeedna waxaaba ku sugnaa maalgeliyayaal jarmal ah oo markiiba helay waxay u socdeen,sidoo kale maamulka dawliga ah ee dalkaasina waxay markiiba soo saareen Sharci difaacaya maal gashadayaasha si ay u soo jiitaan dad maal gashada dalkooda.sidaa waxa yidhi ururka Afrika.

Dhinaca Aqoonsiga:
Berlin waxay mar walba u gogol xaadheysey aqoonsiga
madaxbanaanida Somaliland, indhahana ku haysaa, si hadaba loo gaadho arintaas door weyn bay ka ciyaaraysaa booqashooyinka joogtada,mataanaynta gobolada iyo maalgelintibu abaal u sii dhigashada Somaliland si loo gaadho ujeedada Jarmalku ka leeyahay Somaliland.weftidii baarlamaan ee Hargeysa gaadhey 2001-diina waxay kala soo hadleen doonista aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin,sanad iyo badh ka horna waxay CDU (xisbiga talada dalka haya) kaga dhawaaqeen xaruntooda Konrad Adanauer Stiftun “in la aqoonsado dalkan democraadiga muslinka ah,bilawgii sanadkana waxaa mar labaad ku soo cusboonaaday saaxada caalamka in muhiimada ay leedahay aqoonsiga Somaliland oo soo noqnoqonaysa.Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin waxaa lagu soo dhaweeyey Bishii January Europe markii dambena Maraykanka,bilawgii February-na waxaa socdaal ku tegey haweenayda arimaha debeda u qaabilsan Afrika Maraykanka Jendayi Ferazer wadahadalna ka soo gashay Hargeysa.Wadahadaladaas oo ku soo beegmay dagaalo dib uga holcay Somaliland iyo Puntland oo lidi ku ah aaya ka tashiga Somaliland,meelaha muran siyaasadeedka noocan ahi ka taagan yahayna waxaa ka mida halka afduubku ka dhacay.
Infrastruktur.
Berlin waxay wax ka kobcinaysey doodaha aaya katashiga iyo qalabaynta aasaasiga ah,kuwaasoo ay kamid yihiin Infrastarcturke-ka oo muhiimad weyn u leh jiritaanka qaran Somaliland yeelato doodahaasna kadhigi karaya kuwo barkumataal ah.Sihadaba ay u hirgalaan barnaamijyadaasi loona kobciyo waxay dawlada Jarmalku udirtay sanadihii 2000 ilaa 2005 Somaliland THW si ay dib u habayn ugu samayso dariiqyda Hargeysa ugana qayb qaadato mashruuca Betrbera Coridor oo isku xidhaya magaalada Dekeda ah ee Berbera iyo xuduudka Ethiopia wadana u furaysa inay hesho Ethiopia markii u horeysey Deked ay wax kala degto taniyo intii Eritrea ka go’day,Somalilandna u noqonaysa meel ay macaash badan kahesho.Bishii May 2005 ayaa heshiis kudhexmaray Hargeysa iyo Addis-abeba kaasoo dhigayey in Berbera unoqoto Ethiopia meel laga hago alaabta ugudbaysa Ethiopia.
Talaabo hore loo qaaday.
Suurta galnimada udagaalanka madaxbanaanida iyo wejiga caawimo ee jarmalku kugaadhayo danaha uu kaleeyahay Somaliland-ba waxayhalis gaadhasiinaysa dadka kahawl gala hayadaha samafalka,”mar kasta oo aanu talaabo hore u qaadnaba waxay isku deyayaan cadawgayagu inay dib noo jiidaan”. sidaa waxaa yidhi madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin markii bishii Mars 2004 lagu diley Somaliland mid kahawl geli jirey hay’ada GTZ (“Gesellschaft für Technische Zusammenarbeit”) mid kalena dhaawac halis ah loogu geystey GTZ waxay hawl gelisey inay kaqayb galaan adeega Bulsho iyadoo aanay meesha kamadhnayn dano gaar ah oo jarmalku kalahaa sidii loo soodhawaysan lahaa Somaliland ,mid taa lamida waxaa iyana kuhawl gasha hay’ada Welt Hunger Hilfe oo kahawl gasha dalka sadex barnaamij oo loo qorsheeyeyna ay kubaxayso 3,5 milion oo Euro.Waqtiga jiitamayey ee Jarmalku ku xodxodanayey kudhexgalka Somaliland waxaa loo fahmi karaa kaqayb qaadasho dhismeed muhiimad u leh dagaalka aqoonsi raadiska.
Afduubka Samafalahan waxay waxyar kadib dhacday iyadoo toban bilood kahor lagu diley mid shaqaale ka ahaa Welt Hunger Hilfe dalka Afgaanistaan.Hay’adan Welt Hunger Hilfe ay tahay mid aad ugu xidhan xukuumada,haweenayda madaxa ka ahina tahay Marwada uu qabo wasiirka arimaha guduhu,waxaa iyana xubno muhiim ah ka ah madaxweynaha dalka Jarmalka iyo weliba masuuliyiinta ee horjoogayaasha ka ah xisbiyada CDU/CSU, SPD, FDP iyo weliba Bündnis 90/Die Grünen.ama xisbiga cagaaran taa macneheedu waxay noqonaysaa in hay’ada Welt Hunger Hilfe aanay ukala hadhin siyaasadii jarmalku muxaafid iyo mucaarid siwada jir ahna u maal geliyaan.

Kulamo Deg-deg ah.
Berlin waxay isu diyaarinaysaa halkii ay kadhimi lahayd kumilanka siyaasadeysan kuwo kale oo keeni kara iskudhacyo hor leh,kulamada degdega ah ee wasaarada arimaha debeda ee Germany -na waxay noqdeen baad moodaa kuwa joogto ah oo isa soo taraya.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: