Waftigii Mad. Rayaale oo Si Wayn Loogu Soo Jaweeyay Dalka Imaaraatka Iyo Diyaar Garowga Jaaliyada Somaliland

Hargeysa, (somaliland.no) – Wararka laga helayo Magaalada Abu-dhabi ee Xarunta u ah dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Md: Daahir Rayaale Kaahin iyo wafdigii uu hogaaminayay ay habeenkii xalay halkaa gaadheen ka dib markii ay ka dageen Magaalada Dubai.

Madaxweyne Rayaale iyo waftigiisu waxa ay habeenkii xalay waabari ku dhawaadkii ka degeen Madaarka caalamiga ah ee Dubai International Airport, halkaas oo si wayn ugu soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka dalkaasi.


Sidaana waxaa Shabakada Wararka Ee somaliland.no u xaqiijiyay dad goobjoog ahaa wakhtigii Madaxweynaha iyo wafdigiisu ka soo dageen Madaarka.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa waxa markiiba loo galbiyay Magaalada Abu-dabay ee xarunta u ah dalka Isutaga Imaaradka Carabta, ka dibna waxa la dajiyay sida ay wararku tibaaxeen Huteelka caanka ah ee Hotel Inter Continental.

Waxa la filayaa in ay maalamaha soo socda ay Madaxweynaha iyo waftigiisu bilaabi doonaan kulamo ay la yeelanayaan masuulinta dalkaas iyo dublamaasiyiinta dalalka kale ee fadhigoodu yahay Magaalada Abu-dabay si ay ugala hadlaan, arimaha ugu waawayn ujeedada socdaalkooda, gaar ahaan marka ay noqoto Qadiyada gooni isu taiga Jamhuuriyada Somaliland iyo sidii ay dalalka Carabta uga dhaadhicin lahaayeen in somaliland laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasada.

Geesta kale waxaa guud ahaan dalkaas ka socda isla markaana si wayn loo dareemayay dhaqdhaqaaq balaadhan iyo u diyaar garow xoogan oo Jaaliyada Somaliland eek u dhaqan dalkaas iyo guud ahaanba dalalka khaliijka Carabtu ugu diyaar garoobayaan sidii ay u soo dhawayn lahaayeen Madaxweynaha iyo waftigiisa isla markaana ay kulan ula yeelan lahaayeen, sidoo kale ayaa la sheegay in jaaliyadahaas reer somaliland ee ku dhaqan dalalkaasi ku jiraan damaashaad iyo fantasiye ay ugu dabaal degayaan Socdaalka Madaxweynaha iyo weftigiisu ku tageen dalkaas, oo marka loo eego jaaliyad ahaan ugu fadhiya qiimo wayn maadama oo anaay hore u soo marin wefti reer ka socda Somaliland oo maqaamkan heerkaa gaadhsiisan, balse taa badalkeeda ay daashadeen isla markaana niyad jab ka qaaday waftiyada ka socda ama sheegta dawlada Somalia kuwaas oo ka shaqeeya dabino iyo hagardaamooyin ka dhan ah Somaliland.

Booqashadan Madaxweyne Rayaale oo ah tii ugu horaysay ee uu ku tago dalalka Khaliijka Carbeed ayaa noqonaysa mid albaab cusub oo dhinaca dunida carabta ah u furta Somaliland, maadama ay dalalka Carabtu ahaayeen kuwo si wayn uga soo horjeeday Qadiyada gooni isu taiga Somaliland.

Ugu danbayntii ilaa iyo hada lama oga mudada ay Madaxweynaha Somaliland Md: Daahir Rayaale Kaahin iyo waftigiisu ku sugnaan doonaan dalkaa, masuuliyiinta ay la kulmayaan iyo wadamada kale ee ay uga sii gudbi doonaan, balse waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Waftiga Madaxweynuhu uga sii gudbi doonaan dalalka Sucuudiga iyo Masar oo ay marti qaad ka heleen.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: