Bush oo ictiraaf kii ugu horeeyey siiyey Kosovo

Madaxweynaha Maraykanka George Bush ayaa noqday hogaamiyihii qaran ee ugu horeeyey ee ictiraafka ugu dhawaaqa Kosovo.
Wuxuu yidhi “Dadka Kosovo waa dad madaxbanaan imika”
Arintan ayuu sheegay iyadda oo waraysi uu ka qaadayo TV-ga NBC. Waxaanu yidhi “arintani waa mid aan kala xaajooday dawladayda.

Bishii 4aad 2007 ayaa waxaa ergaygii u qaabilsanaa Kosovo qaramadda midoobay Athisaari uu ku taliyey in Kosovo madaxbanaani la siiyo iyadda oo caalamkuna isha ku haynayo.

Bush wuxuu sheegay in qorshaha la raacayaa uu yahay kii Athisaari. Waxaanu intaa ku daray in ay indhaha ku hayn doonaan dhaqdhaqaaqa meeshaa ka socday.

Madaxda Kosovo ayaa maanta diray 192 warqadood oo ay dalal aduunyadda oo dhan ku yaala u direen, kana codsadeen in ay dalalkaasi ictiraaf siiyaan.

Wasiiradda arimaha dibadda ee EU ayaa maanta gelinkii hore kulmay si ay gooni istaaga Kosovo uga wada hadlaan. Wadamada ugu waaweyn ayaa arintaa ogol.

Wasiirka Arimaha dibadda ee David Milliban ayaa sheegay in ay EU muhiim u tahay sidii xasiloonida iyo nabada ka jirta Galbeedka-Balkan loo ilaalin lahaa. Sidaa daraadeedna ay muhiim tahay in la ogolaado in dalalka aagaa ku yaala oo dhami ay yihiin qaar reer yurub ah.

Ingiriiska ka sokow waxaa calaamado ku saabsan in ay ictiraafi doonaan Kosovo bixiyey dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Irland.

Waxaa jira dalal dhowr ah oo EU-da ku jira oo qunyar socod arintan ku ah. Sababta keentayna ay tahay in aanay doonayn in ay isku xumaadaan Beograd halka Pristina-na ay rabaan in ay qanciyaan.

Wasiirka arimaha dibadda ee Danmark Per Stig Mølle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in aan la didin Serbiya oo aaney arintan u qaadan in la leeyahay ku darsama Ruushka.

Spain, Giriiga, Qubrus , Romaaniya iyo Slovakia ayaa sheegay in aanay ictiraafi doonin Kosovo. Iyadda oo sababta ay sheegeena tahay in ay ka cabsanayaan in qoomiyaddo kale oo laga tiro badanyahay goostaan.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: