wararkii wargeyska Ogaal cadadkiisii maanta oo axad 17.02.08

Hargeysa(somaliland.no) -Universal TV: Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti muddooyinkii hore aad buu u wanaagsanaa, laakiin waxaad moodaa inuu

Waraysi khaas ah: Madaxweyne Rayaale

10 Sano oo aad Madaxtooyada fadhiday Somaliland Maxaad u qabatay?

“Wax cuqdad ah kama qabno inuu Maraykanku (Berbera) soo dego”

“Reer koonfureedku horta ha isu saamaxaan sidii Somaliland la yeelay oo kale,”

“Anigu Jabuuti marna inaanu collowno ma jecli, Albaabkuna xagayaga wuu ka furanyahay”

“Argagixisadu abtirsiimo ma leh, waa niman meel kasta oo ay joogaanba inay bani’aadamka dhibaan uun raba.”

Hargeysa (Ogaal) – Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay Telefishanka caalamiga ah ee Satellite-ka ee Afka Soomaaliga ku baxa (Universal TV), kaga hadlay arrimo wax laga weydiiyay oo ay ka mid ahaayeen, xaalada dalka, siyaasada dibada, waxqabadkiisa mudada uu joogay madaxtooyada, arrimaha Soomaaliya, xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland iyo qodobo kale.

Waraysigaas oo uu Madaxweyne Rayaale siiyay Tv-ga Universal ka hor intii aanu shalay dalka ka amba-bixin, isla-markaana uu TV-gu si dhamays tiran u baahin doono caawa, balse aanu ka soo xiganay waxa uu u dhacay sidan:

Universal Tv: Madaxweyne marka hore warbixin kooban naga sii xaalada Dalka Somaliland?

M. Rayaale: Waanu nabad qabnaa, Somaliland wixii ugu danbeeyay ee dhacay waxay ahaayeen shilkii ka dhacay Ceerigaabo ee ninka Jarmalka ah lagu afduubay. Ninkii waatii la soo furtay, afduubayaashiina waa la qabtay oo gacanta ayaanu ku haynaa. Nimankaa waxaanu u arragnaa rag argagixiso ah, wararkii ugu horeeyayna in kasta oo aanay dhamaystirnayn waxay sheegeen inay Boosaaso ka yimaadeen oo hawlgalkooda halkaa laga soo abaabulay. Waxaan filayaa kuwii Boosaaso wax ku afduubi jiray, qaarkood inay ka soo dhex bixi doonaan siday wararka hor dhaca ahi sheegayaan. Waad arkaysaanoo Argagixisadu horta abtirsiimo ma leh, waa niman meel kasta oo ay joogaanba inay bani’aadamka dhibaan uun raba. Qoys ma leh, Abtirsiin ma leh, waa niman u taagan budhcadnimo iyo inay dadka dhibaan. Markaa, nasiib wanaag annaga waxay noo tahay inaanu ku guulaysanay hadii ay Lacag kaga qaadi jireen Puntland, inaanay annaga Lacag laaluush ah oo la siiyay jirin.

Somaliland sideeda kale, doorashooyin baa mustaqbalka sanadkan la qaban doonaa, ta dawladaha hoose ay ugu horayn doonto, madaxtooyaduna ku xigi doonto, horena doorashooyinka annagu waanu u qabanay, iyadoo nabad ah oo waliba dimuquraad furfuran ah ayaanu qabanay, maantana taas ayaanu qaban doonaa hadii Alla yidhaahdo.

Guud ahaan annagu tamartayada waa dedaalaynaa, in kasta oo beesha Caalamka wax dhaqaale ah oo aanu ka helay illaa hadda aanay jirin. Laakiin, mar marka qaarkood waxaanu is nidhaahnaa, malaha sidii aad keligiin isugu tashateen waaba intaad walaalihiina Koonfurta ku dhaantaan. Waayo, qoladaa beesha Caalamka oo dhan baa daba ordaysa, ilaa hadana dadkoodii may heshiisiin, oo taladii baad moodaa inay inta badan cid kale ka sugayaan, oo aanay is odhanin waar inagu gudeheena ma tashanaa inagaa is haynee, waxaanse jeclaan lahaa inay annaga nagaga daydaan sidaanu u heshiinay. Waayo, Somaliland annagaa is weydiinay inaanu nabad dhexdayada ka samayno, cid noo timid oo idinku sidaa yeela na tidhina ma jirto, talada dhabta ahna waan jecelahay inaan fariintaa u gudbiyo, kolay wey I dhagaysanayaane. Waxa la gudbooni waxa weeye, inay iyagu wada fadhiistaan, isa saamaxaan, dhexdooda ka heshiiyaan. Markaas ayaanu u arki doonaa inay iyaguna nala mid noqon doonaan, laakiin intay talada cid kale ku laalayaan waxaan is leeyahay wax badan oo u suurtagalayaa ma jiraan.

Somaliland-na anagu Qaran ahaan waxaanu go’aansanay inaanu gooni isu taago, Go’

Aankaa ummada ee gooni isu taaga ayaanu ka turjumaynaa, 1960-kiina ummadan ayaa midnimada samaysay oo haddii taariikhda dib loogu noqdo berigaa reer Somaliland baa midnimada raadinaayay oo walaalohooda Koonfurta u tagay, hadana go’aankan danbe ee dib u soo noqoshada qaatay, waxaanan u malaynayaa cid kastaaba inay xaq u leedahay go’aanka ay masiirkeeda kaga talinayso oo la isma qasbi karo, taana waxaan jecelahay inay dhinaca kalena ixtiraamaan. Waxaanan u arkaynaa hadii ay midnimadii shaqayn weyday walaalo isku ag nool in la ahaado, oo is ixtiraama oo aan dhibaato iyo dibin-daabyo midna isu geysan.

Universal Tv: Ma jiraa waqti cad oo aad leedihiin xiligaas ayaa doorashooyinka la qabanayaa?

M. Rayaale: Komishankaa anaga awood u leh wakhtiga ay ku qabanayaan ee ay suurtagal ku tahay doorashada inay qabtaan. Waqti bay imika cayimeen, inay waqtigaa ku qabtaana waa hawl u taala, hadii waqtigu is badalana iyagaa laga sugayaa. Laakiin, maaha go’aan xukuumadu bad-badalayso ama cid kale bad-badalayso. Weliba doorashadayadani waa ka duwan tahay kuwii hore ee aan soo qabanay. Kuwaa hore diiwaan gelini ma jirin, dadkana lama diiwaan gelin, balse si ay u noqoto doorashadani mid sax ah oo aan lagu noq-noqon, imika sharciga cusub ayaa dib u dhigista keenay ee waqtigeeda marna dib ugamay dhacdeen, laakiin shaqadaas ayaa dib dhaca keentay.
Universal Tv: Madaxweyne maxaa ka jira in Maraykanku uu dib u soo degayo saldhigii uu hore ugu lahaan jiray magaalada Berbera?

M. Rayaale: Horta, war aan imika taagnayn anigu ka jawaabi maayo, saxafiyiinta reer Hargeysana way I weydiiyeen markaan soo noqday, markaa taa hala sugo wakhtigeeda. Maraykanku isagaa leh ikhtiyaarka meesha uu degayo, cid ku khasbayso inuu halkan soo dego iyo inuu halkeer degaana ma jirto. Balse, hadii aanu isla garano wax cuqdad ah oo aanu ka qabno inuu Maraykanku soo dego (Berbera) ma jirto. Laakiin, go’aan imika meesha yaala maaha kaasi.

Universal Tv: Dhawaan waxa shaqadii ka haysay Somaliland Joojisay hayada qaramada midoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ICAO, markaa arrintaasi maxay ka dhimi kartaa duulimaadyadii madaarada Somaliland?

M. Rayaale; inaanay taasi waxba ka dhimin adba waad aragtay. Waxay ahayd (ICAO) jeermis dushayada ku noolaa baan qabaa, waxa alla waxay ummadan u qaban jireena ma jirin. Lacagtii duulimaadyada hawada ayay urursadaan, wax alla waxay dalkan ka qabteena ma jirto, Garoomo ma sameeyaan, dab demis ma keenaan, waxba ma keenaan, shaqaale yar-yar oo lacagtaa ay urursanayeen ay wax ka siin jireen mooyaane. Waxyaabaha la isku hayaa waxa weeye, waar lacagtayada aad urursanaysaan wax ma ka gelinaysaan dalkan, ileyn annaga magacayagaad ku urursataan oo lacag aad leedihiin maahee. Markaa, nimankaasi mar hadii ay taa diideen, anigu waxaan qabaa inay iska tagaan, garoomadayada anagaa samaysanayna dad aqoon leh oo diyaaradaha hagana waanu leenahay, baahi aanu u qabnaa ma jirto. Mar hadii ay xilkoodii gudan waayeen ay sheegeen inay umadan u fulinayaan, Lacagtaan idiin ururinaynaa garoomadaan idiin samaynaynaa, balankii aanu la galay kaas ayuu ahaa, haday ka baxeen anaguna waa inaanu iska shaqaysano oo nidhaahno culays kale uma baahnine iska taga, taa xaq inaanu u leenahay ayaan aaminsanahay.

Universal Tv: Madaxweyne waxa dhawaan mid ka mid wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ku soo baxay war sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka Maraykanku uu danaynayo in Somaliland aqoonsi la siiyo xiliga xagaaga, arrintaa maxaad ka haysaa?

M. Rayaale: horta, wergeysyadu waxbadan ayay qoraan, waxay qoraan run-na way noqdaan, xan-na way noqdaan. Markaa, aan sugno wakhtigaa maynu gaadhine bal waxa ka soo baxa. Laakiin, anigaaba tagay oo inaanu xidhiidhkayaga sii hagaajino waanu ka soo wada hadalay waanan sugaynaa wixii maqan ee aan wali la gaadhin.

Universal Tv: Cabdilaahi Yuusuf dhawaan waraysi uu na siiyay wuxuu ku sheegay in dawladiisu ay ogoshahay wada hadal ay la galaan Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay in hadii ay Somaliland joojin weydo duulaanka ay ku hayso Gobolo aanay lahayn ay talaabo qaadi doonaan, arrintaa sideed u aragtaa?

M. Rayaale: Anigu waxaan qabaa, horta dadkiisa uu sheeganayo inuu madaxweynaha u yahay hala hadlo oo ha heshiisiiyo. Somaliland halkaas ayay iska joogtaaye, maamul shaqaynaaya oo kaayaga la mid ah oo sida aniga la ii doortay dimuquraadiyad lagu doortay, meesha uu joogo haka sameeyo. Cabdilaahi waa nin dagaalka aad u jecel, Aduunyadana dagaal laguma maamulo’e ee caqli ayaa lagu maamulaa iyo garasho, dagaalkuna waa xalka ugu danbeeya ee binu’aadam qaato. Anigu waxaan qabaa Cabdilaahi, qolana inuu qabiil u sheegto, qolana inuu Madaxweyne Soomaaliyeed u sheegto waa wax iska hor imanaya. Somaliland qabyaalad dhul aanay lahayn kuma raadinayso, dhulkii xoriyada ay ku qaadatay Lixdankii ayay Somaliland doonaysaa. Laakiin Cabdilaahi labada arrimood ee uu is-dhex-wado sida uu dadka uga iibinayo isagaa sheegi doona.

Universal Tv: Madaxweyne Koonfurta sideed is leedahay way ku soo gaadhi kartaa heerkan ay Somaliland gaadhay?

M. Rayaale: Koonfurta Soomaaliya hadaanu kala tagnay annagu cuqdad uma qabno, inay heshiiyaan oo wax samaystaana waanu la jecelahay, halka aanu gaadhnay inay gaadhaan waanu la jecelahay. Laakiin taladu waxay taalaa tii markii ugu horaysay aanu ku bilownay oo inta la fadhiisto la yidhaahdo waar maxaan isku haysanaa aan heshiino, oo innagu gudaheena aan ka heshiino, waxyaabaha ka qarinaya inay Koonfurta Soomaaliya xaqiiqda u noqdaana waxa ka mid ah waxay raadinayaan dawladii Soomaalida ee waynayd iyagoon toodii hoosaba raadin. Horta ta hoose ha raadiyaan oo koonfurtii Soomaaliya ha raadiyaanoo maamul ay wada leeyihiin oo laysla ogol yahay ha samaystaan. Laakiin adiga oo aan taadii aasaaska hayn kaa qariso, oo tu kale oo aan jirin baan samaynayaa aad tidhaahdo markaa waxaan u arkayaa ka dhuumasho indhaha laga leexinayo xaqiiqda oo lagu qarinayo waxaan jirin oo aan la gaadhi karayn oo ah midnimo Soomaaliyeed baan raadinayaa, midnimada Soomaaliyeedna markii aan raadinaynay Lixdankii Shan Soomaaliyeed bay ahayd, ee Laba Soomaaliyeed may ahayn. Markaa waxaan leeyahay ha fadhiistaan, ha isa saamaxaan sidii halkan (Somaliland) la yeelay, wixii ay isku khilaafsan yihiin dhinac ha isaga dhigaan, waxay ku heshiis yihiin ha isla gartaan, ha ka soo bilaabaan xaga hoose, maxaa laysku hayaa, sidee loo heshiinayaa, isa saamaxaada bilowga waa inay sameeyaan, ka dibna waxa ka xun waa inay isla taabtaan oo midmid u xaqiijiyaan.

Universal Tv: Ilaa Toban Sanadood ayaa intii aad xilka haysay noqonaysaa mar aad Madaxweyne ku-xigeen ahayd iyo iminka oo aad Madaxweyne tahayba, maxaa la odhan karayaa markaa Daahir Rayaale Kaahin wuu u qabtay Somaliland?

M. Rayaale: Horta way muuqataayoo ma qarsoona, mana jecli inaan idhaahdo waxaas iyo waxaas ayaan qabtay. Laakiin Saddex doorasho ayaan qabtay iyada oo aan dalka muddo Soddon sano ah ama Afartan sano ku dhow aan la qaban, kuwaasoo nabadgelyo ku dhacay oo dimuqraadiyad ahaa, wax taa ka wayn oo la qaban kari lahaana ma jirto. Hadaad Wasaaradaha waraysataana, Wasaarad kastaaba 100% ayay intii aan Madaxweynaha ahaa bay korodhay baan qabaa, Madaxweynuhu ma koobi karo waxa uu qabtay, Wasaaradahaasaa qabta, waxaana laga garan karaa markaad waraysi la yeelataan waxa qabsoomay mudadaa. Waxaan garanayaa Madaxweyne ku-xigeenka markaan ahaa, Alle ha u naxariistee Madaxweynihii geeriyooday waxa uu ii diray Burco oo markaa khilaaf ka jiray oo Beelaha reer Buro is-khilaafsanaayeen, maamulkeedii anaa soo sameeyay oo heshiisiiyay oo soo dhisay. Ceerigaabaa la ii dirayoo sidoo kale la mid ahayd, iyada laftigeedana nabadaynteeda intaas oo bilood baan u joogay, maamulkiina waan ka soo hir-geliyay, markaa waxyaalaha aan qabtay way badan yihiin baan odhan karaa. Laakiin ma jecli inaan idhaahdo taas iyo taas baan qabtay.

Universal TV: Somaliland waxay caan ku ahayd xorriyada saxaafada. Laakiin, ma odhan kartaa sumcada Somaliland hoos bay u dhigtay xadhigii siyaasiyiinta Qaran iyo Suxufiyiintii Soomaaliya ee dalka laga saaray.?

M.Rayaale: Kuwaa (Suxufiyiinta) laftigooda wakhtina waanu siinay, iyagaanu ku nidhi waar nabadayada wax kale ha ku darina, oo dhibaato ha u gaysanina, wakhti ka badan ayaana la siiyay wakhtigii markii hore loo qoondeeyay oo ka badan bay sii joogeen, nimanka siyaasiyiinta ah ee la xidhay sharcigii ay ku gafeen ayuun baa qabtay, ee cid iska xidhay ma jirto. Mid ka mid ahi (Siyaasiyiinta Qaran) qoladii Dastuurka samaysay buu ka mid ahaa, qodobadii uu sameeyay ayaanu jabiyay, aniguna Madaxweyne ahaan cafis baan u fidiyay oo waan sii daayay. Markaa waxaan qabaa qof aan dambi gelin oo aan Maxkamadi ku caddayn in siyaasad loo xidho kama dhacdo dalkayaga.

Universal TV: Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti muddooyinkii hore aad buu u wanaagsanaa, laakiin waxaad moodaa inuu khilaaf soo galay oo Somaliland xitaa Adhigii ka joojisay Jabuuti arrintaa ka waran?

M. Rayaale: Horta wuu tegi jiray Adhigu. Laakiin tartanka dhaqaaluhu wuu iska jiray waligiiba, Jabuutina anigu Madaxweyne ahaan inaanu collowno marnaba ma jecli. Waayo ma kala maarano umad isku mid ah ayaanu nahay, ixtiraam badana waan u hayaa inaanu marnaba collowno marnaba ma jecli, albaabkuna xaggayaga wuu ka furan yahay, in xagaa laga furana…Ninka Ismaaciil (Madaxweynaha Jabuuti) waan isku fiicanahay, rag is-garanayana waanu nahay. Markaa anigu waxaan qabaa mar kasta inuu xidhiidhkayagu wanaagsanaado, taasaanaan jecelahay, Insha Alaah waxaan rajaynayaa in haddii uu madmadow uu galay aan iska dhamaysan doono mustaqbalka.

Madaxbanaanida Kosovo! Somaliland ma ku xigtaa?

Qiimaynta saadaasha dalalka aqoonsi raadiska ah ee dunida

-Doorka Ciyaar-siyaasadeedka Reer Yurub ee madaxbanaanida Kosovo wuxuu la mid-yahay Doorka Midawga Afrika ee Somaliland!

Hargeysa (Ogaal) – Gobolka Kosovo ayaa la rajaynayaa inuu ku dhawaaqo madaxbanaanidiisa maanta oo Axad ah. Isla markaana warbixin ay soo saareen ururka xuquuqal iinsaanka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay haysato 55% ilaa 70% fursadda aqoonsiga madaxbanaanidooda. Marka loo eego warbixintan, Gobollada Wales iyo Scotland ayaa iyana fursado sare u haysta inay ku guulaystaan ka goítaanka Boqortooyada Ingiriiska. Sidaa waxa warbixin dheer oo uu shalay faafiyay ku bilaabay Wargeyska ka soo baxa dalka Itoobiya ee Jima Times. Iyada oo warbixintaas aanu soo koobnay waxay u dhignayd sidan:

“Kosovo waxay si aad ugu dhaw qarka ugu saaran tahay ku-dhawaaqiddan taariikhiga ah ee madaxbanaanida. Calanka casaanka ah ee dadkan Albaaniyaanka ah, ee ay ku sawiran yihiin gorgorka labada madax leh, ayaa ka babanaya meel kasta oo Gobolka Kosovo ah.

Doorka Reer Yurub ee Vs Doorka Midawga Afrika ee Somaliland:

Dimuquraadiyada Somaliland ee hanaanka axsaabta badan, ayaa ah wax aad ugu yar Qaaradda Afrika, Dunida Muslimka, isla markaana Ururka Midnimada Afrika waxay u baahan yihiin inay si ilaa xad xaqiiq ah u tixgeliyaan dalabka rasmiga ah ee Somaliland ee ay ku doonayaan xubinnimada AU-da, si ay taas abaal-marin uga dhigaan rabitaanka dadka. Madaxbanaanida Gobolka Kosovo, ee cabsida lihi waxay soo saartay suáalo fara badan. Dadka badan ee suáalaha iska waydiinayay, waxa waydiimahooda ka mid ahaa; ‘Waa maxay sababta ay qarannimadu ugu haboon tahay dadka qaar, balse ay u baqdin gelinaysaa kuwo kale? Dhamaanba dedaallo ka dibna, miyaan xuquuqda aayo-ka-tashigu ahayn nuxurka dimuquraadiyada lafteeda? Sidee ayay reer Basque-hii Isbaanishku waddan ku noqdeen? Maxaase ka khaldan Jamhuuriyadda Dadka Vermont? Waxa iyana jira ugu yaraan laba dersin oo gobollo dhaqdhaqaaqyadoodu firfircoon yihiin oo gooni-isu-taag doonaya, kuna yaala Qaaradda Yurub keligeed, isla markaana kooxo gobollo madaxbanaani raadis ah ayaa caalamka ka jira. Dhamaantood, waxay ku wax-goosanayaan ku-dhawaaqitaanka Axadda (Maanta) ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Kosovo.

“Waxaynu ku noolahay adduunyo ku salaysan qaramo,” sidaa waxa yidhi Dr Florian Bieber, oo ah barofasoor siyaasadda iyo xidhiidhada caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Ingiriiska ee Kent. Waxaanu intaa ku daray, “Qaramada Midoobay waxay ku salaysan yihiin qaramo bahoobay. Ururka Midawga Yurub waa qaramo bahoobay.” Sidaa daraadeed, ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Way sii soconaysaa inay tan oo kale dhacdo. Dalal cusub ayaa soo baxaya, isla markaana waddamo hore ayaa la waayayaa, sida Jarmalkii Bari oo kale.”

Isaga oo xidhan muraayaddihiisii (Badhasaabka Gobolka Vermont, oo Maraykanka si dadban u hoos-yimaada) indhaha, oo ay timihiisu cadaadeen, ayaa Barafasoorka dhaqaaleyahanka ah hawlgabka ah ee Jaamacadda Duke University waxa uu u muuqdaa sidii Benjamin Franklin, waxaanu suáalo waydiinaya Thomas Jefferson (Madaxweynihii Maraykanka). Wuxuu aaminsan yahay haddii uu Gobolka Kosovo noqon karo dal madaxbanaan, markaa maxaa u diidaya inuu madaxbanaani helo Gobolka Vermont (Gobol si dadban uga tirsan Maraykanka, oo madaxbanaani doon ah), kaasoo madaxbanaani haystay tan iyo xilligii ay ku biireen midawga ah 1791-kii, markaas oo uu ahaa Gobolkii 14aad ee xorooba. Tobanaan kun ayaa u dhintay qadiyadda mudada dheer qaadatay ee qarannimada Falastiiniyiinta, isla markaana dagaalyahan hubaysan ayaa qalabka u sita madaxbanaanida Gobolka Kashmiir, kaasoo ka hoos-baxa dalalka Hindiya iyo Bakistaan labadaba. Reer Basques-ku waxay ku guulaysteen maamul-hoosaad ay ka qaateen Isbayn, laakiin dagaalyahan ayaa weli sii wada dagaal ay madaxbanaani buuxda ku doonayaan. Jasiiradda ku taala Badda Mediterranean-ka ee Corsica, oo ah halkii ay ka soo jeedeen dhalasho ahaan Napoleon-kii, ayaa weli dadka u dhashay waxay cadaadisyo ku hayaan Faransiiska sidii ay uga madaxbanaanaan lahaayeen. Inkasta oo Maraykanka iyo dalalka furaha u ah xulufaddiisa oo ay ku jiraan Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalku taageereen gorgortanka Kosovo ugu jireen madaxbanaanidooda, ayaa haddana waxa si adag uga horjeestay Seerbiya iyo Ruushanka. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku adkaystay in haddii Gobolka Kosovo uu qaato madaxbanaanida iyada oo aanay aqbalaad ka haysanin Qaramada Midoobay, ay markaa noqonayso mid wajahaya jid khatar ah, oo dhiirigelinaya gooni-u-goosatooyinka Gobolka Chechnya, Georgia, Azerbaijan iyo kuwo kale. Xisbiga Qaranka Scotland ayaa ku ballanqaaday in afti guud oo madaxbanaani ah dadweynaha laga qaadi doono sannadka 2010. Inkasta oo coddayntu ay u muuqato mid aan dhacayn, haddana maaha taasi inaan laysku deyayn. Waxaanay taasi ku soo beegmaysaa ka dib 700 oo sannadood xilli laga joogo halgankii ay bilaabeen William Wallace iyo Robert the Bruce. “Dhamaanba khibraddaha noloshayda aan u soo taagnaa waxay ii sheegayaan in madaxbanaanida Scotland ay noqon doonto mid lagu guulaysto,” sidaa waxa Tv-ga ciyaaraha ka yidhi Aktarka Filimada James Bond. Dalka Biljimka ayaa la saadaaliyay inuu noqonayo dalka xiga ee kala daadanaya: Hirdanka qadhaadh ee u dhexeeya dadka ku hadla Luqadda Dhajka ee waqooyiga iyo kuwa koonfurta ee Luqadda Faransiiska ku hadla ayaa wararka badan ee soo baxayaa u badaniyaan inay boqortooyada Biljimka ku keenayso inay laba u kala jabto.

Liiskan hoose waxa uu tilmaamayaa magacyada dalalka gooni-isu-taagga raadinaya, boqolkiiba inta ay gaadhsiisan tahay guusha ay ka gaadhayaan hadafyadooda, isla markaana waxa iyana la garab-dhigayaa dalalkii ay hore uga tirsanaan jireen iyo boqolkiiba inta ay dalalkaas madaxbanaanidoodu sii taagnaanayso.

** Suurtagalnimada waqtiga gaaban inta uu boqolkiiba dalku ka madaxbanaananayo (ST) %

** Suurtagalnimada mudada dheer inta la rajaynayo inuu dalku sii madaxbanaanaanayo (LT) %

Gooni-isu-taag doon Dalkii hore: ST % LT%

Falastiin Israaíil 55 95

Waqooyiga Qubrus Qubrus 30 – 45

Kosovo* Seerbiya/Q. Midoobay 90 + 95 +

VojvodinaSeerbiya 2 – 15 –

Istria/Croatia 1 15

Dalmatia/Croatia 1 10

Krajina/Croatia 1 10

Saxaaraha Galbeed/Marooko 40 – 75

Zanzibar/Tanzania 10 45 +

Somaliland/Soomaaliya 55 + 70

Darfur/Suuddaan 10 35

Faeroe Islands/Denmark 2 30 +

Greenland/Denmark 20 50 +

Montserrat/Ingiriiska 2 25

Bermuda/Ingiriiska 2 35

Virgin Islands/Ingiriiska 2 30

Cayman Islands/ Ingiriiska 2 30

Wales/Ingiriiska 2 25

Scotland/Ingiriiska 5 30

Waqooyiga Ireland/Ingiriiska 10 40 +

Jasiiraddaha Falkland/Ingiriiska 1 15

Corsica/Faransiiska 1 10

Quebec/Kanada 30 45

Dhanka kale, warbixin kale oo laga faafiyay warbaahinta BBC-da, ayaa lagu sheegay in jewiga madaxbanaanida Kosova kicinayso oo cirka ku shareerayso dhulal kale oo iyana baadi-doon ugu jira aayo-

Muqdisho: Cabdilaahi Yuusuf oo hoobiyayaal lagu soo dhaweeyay

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka) Ugu yaraan 4 -madfac oo nooca hoobiyaha loo yaqaano ah ayaa lala beegsaday xarunta Madaxtoyada Somalia ee Muqdisho, ka dib markii uu shalay gelinkii hore gaadhay Madaxweynaha dawlada Mbeghati Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo mudo dibada kaga maqnaa.

Madaafiicdan Hoobiyeyaasha ah ayaa sida uu ku dooday af hayeenka Cabdilaahi Yuusuf waxa ay ku dheceen meel ka baxsadan xarunta Madaxtooyada oo ah xaafado ay dad rayid ah daggan yihiin. Hase ahaatee, muu cadaynin afhayeenku khasaraha ay dhaliyeen madaafiicdaasi, wuxuuse cadeeyay inay maqlayeen dayaanka madaafiicdaasi.

Madaafiicdan ayaa loo arkaa inay ka dambeeyaan kooxaha ka horjeeda siyaasadda dawlada Cabdilaahi Yuusuf.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Cabdillaahi Yuusuf uu si weyn u maqlayay qaraxyadan, balse aanu wax hadal ah ka odhan. “Hoobiyeyaashu waxay ahaayeen kuwo lala doonayay in lagu garaaco Madaxtooyada Somalia [Villa Somalia], balse taasi ma dhicin.” Sidaas ayuu yidhi.

Xoogagga kacdoonada ka wadda Muqdisho ayaa hore madaafiic ula beegsadey Villa Somalia markii uu Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde] gaadhay Muqdisho

Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo dhinacyada ka hor jeeda ayaa waxay inta badan isku ugaadhsadaan magalada Muqdisho, iyadoo socdaalkii uu Yusuf ku tagay shalay halkaasina uu ahaa mid qarsoodi ah oo aan hore loo shaacin.

“Xaabsade waa Odaygayga ismana qaban karo”
Cali Sandule

Laascaanood (Ogaal/W.Wararka) – Dalad lagu magacaabo Sungo oo wakhtigii maamul Goboleedka Puntland gacanta ku hayay magaalada Laascaanood ka hawl geli jiray ayaa shalay dib u furay xafiis ay ku leeyihiin magaalada Laascaanood, ka dib markii sida la sheegay ay iska diiwaan geliyeen Somaliland.

Dalada SUNGO ayaa waxa ay ku casuntay furitaanka cusub ee ururka dhamaanba masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl gala Gobolka Sool ee Somaliland. siyaasiyiin, aqoonyahano, culimo iyo qaybaha kal duwan ee shacabka sida Urarada ayaana ka qaybgalay.

Waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa masuuliyiinta Gobolka iyo siyaasiyiin madax banaan. Axmed Cabdi Xaabsade oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku booriyay ururada inay wax ka qabtaan baahiyaadka kala duwan ee Bulshada, isagoo intaasi ku daray in wakhtigan Dunida ay aad uga shaqeeyaan haweenku. “Waad aragtaan dalka Maraykanka waxaa u sharaxan haweenay.” Ayuu yidhi Xaabsade,

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cali Maxamed Axmed (Cali Sandule), sida lagu faafiyay shabakada wararka Intarnetka ee Afnugaal Badhasaabku waxa uu si wayn uga mahad celiyay furitaanka ururkan isagoo sidoo kalena ku booriyay inay wax ka qabtaan baahiya jira, waxana uu ku booriyay ururada haweenku inay ku midoobaan dalad kaliya.

Cali Sandule waxa uu soo qaaday oo kale warar uu ku tilmaamay been oo lagu faafiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka Intarnetka oo lagu sheegey inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiyaha Gobolka Sool (Cali Sandule) iyo siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade waxaana uu ku tilmaamay wararkaasi kuwo aan waxba ka jirin oo ay qoreen dad ka shaqeeyay xumaanta umada ishana lagu hayo, “Xaabsade waa Odaygayga ismana hayno waana siyaasiga ruug cadaaga ah ee ka soo jeeda Goboladan ismana qaban karo”

Sidaas ayuu yidhi Cali Sandule.

Madaxweyne Rayaale xaguu u baxay?

Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay safar ugu amaba baxay wadamo ay ka mid tahay Itoobiya.

Madaxweyne Rayaale ma faahfaahin ujeedada socdaalkiisa, muddada uu qaadanayo iyo wadamada uu marayo midna. Hase yeeshee, warar aan la xaqiijin ayaa iftiimiyay in dalka Itoobiya Madaxweynuhu uga sii gudbi doono wadamo ka mid ah Khaliijka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland oo duhurkii shalay intii aanu ka ambo bixin dalka warbaahinta ugu waramayay Qasriga madaxtooyada, ayaa fal Argagixiso ku tilmaamay afduubkii 12-kii bishan gobolka Sanaag loogu geystay madaxa Haa’yada jarmalka ah ee ka shaqaysa dhinaca Beeraha ee Germany Agro Action [GAA] xafiiska ay ku leedahay Gobolka Sanaag Mr Daniel Bronkel, oo ciidamada amnigu ay soo furteen maalin ka dib, markii budhcad hubaysani ay ku qafaasheen meel 150 km dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Ceerigaabo.

Madaxweyne Rayaale oo aanay saxaafadu wax su’aalo ah weydiin ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay canaan u muuqatay mid uu ku durayo saxaafada waxana uu yidhi “Waxa caado noqotay marka la baxayana in la sii waramo, marka la soo noqodana in la waramo, horta maanta ayaan ku dhamaynayaa, waxa dambe Warsaxaafadeed afhayeenku keeno ayuun bay noqonaysaa, waayo caado uma aha aduunka Madaxda in mar kastaba la waraysto.” Madaxweyne Rayaale waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan maanta rabaa in aan ka waramo arrintan argagixisada ee ka dhacday dalkeena ee lagu soo guulaystay. Horta hambalyaan u dirayaa Ciidamadii Qaranka ee ku soo guulaystay iyo dadweynihii Gobolkaas ku noolaa, sida geesinimada leh ee ay uga hawl galeen arrintaa iyada ah. Waxaana muuqata wararka ugu horeeya ee hordhaca ah ee aanu hayno in meel la yidhaahdo Ubuc oo maamulka Boosaaso ka tirsan laga soo abaabulay. Laakiin, Argagixisadi waxay noqotay kuwo aan abtirsiin lahayn oo ku abtirsada Argagixiso uun meel kasta waa joogaan, qaar inaga (Somaliland) ahina way ku jiraan. Markaa waxaan u gudbinayaa dadweynaha in laga feejignaado indhahana la furo.”

Madaxweyne Rayaale isaga oo u qiil dayaya aragtidiisa ku wajahan arrintaasi uu ka dhawaajiyay waxa uu tusaalayaal u soo qaatay. “Waxaan xusuustaa berigii aan Ingiriiska tagayayay 2004-tii markaan maraayay Adis-sababa qubuurihii Ingiriiska ayaa la ja-jabiyay, maalintaan Baarlamaanka Ingiriiska aan tagayna, qoladii TGZ ayaa la afduubay, shalayna waxa inoo yimi caalamka. Taasi waxay sheegaysaa mar kasta oo wax wanaagsani inoo soo socdaanba inay qaar Argagixiso ah oo u shaqeeya dad aynaan garanayn, oo daneheena ka soo horjeedaa inay mushtamaceena ku dhex jiraan ayaa muuqanaysa.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Madaxweyne Rayaale faahfaahin kama uu bixinin socdaalkiisa. “Safarna waan u baxayaa hadii illaahay yidhaahdo, Itoobiyaan ku horeynayaa, meelo kalena inaan uga sii gudbo ayaa laga yaabaa, Su’aalana maanta kama jawaabayo.” ayuu ydihi. Madaxweynahu.

Kalfadhiga Lixaad ee Golaha Wakiillada oo furmay

Hargeysa (Ogaal)- Kal-fadhigii 6-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay furmay. Islamarkaana Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada ahna ku simaha Gudoomiyaha Md Cabdi-casiis Maxamed Samaale oo gudoominayay fadhiga ayaa Mudanayaasha u qaybiyay ajandaha Kafadhiga ee Golaha lagaga doodi doono fadhiyada soo socda.

Fadhiga shalay ee uu ku furmay kalfadhiga lixaad ee Golaha Wakiilladu waxa ka soo xaadiray 42 Mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan ee Golahaasi ka koobanyahay.

Qoraalka Ajandaha kalafadhigan waxa uu u dhiganyahay sidan:-

1-Warbixinta Shirgudoonka

2-Warbixinta Guddiga joogtada ah

3-Ansixinta Miisaaniyada Qaranka

4-Dhamaystirka Mashaariicda sharci ee qabyoobay kalfadhigii 5aad.

· Xeerka Sharciyaynta abuurida Komishanka Qaranka ee Xuquuqda aadamaha.

· Wax ka bedalka iyo kaabista Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, Xeer/No./31/2004

· Xeerka nidaamka garsoorka Carruurta

· Kaabista iyo wax ka bedalka Xeerka Maamulka Dhulka Xeer/No./17.

5- Mashaariicda sharci ee Golaha horyaala:-

· Xeerka Sharciyaynta abuurida Hay’adda abaabul ka saarka Qaranka NDC

· Xeerka Miisaaniyada Qaranka (Budget act)

· Xeerka mamnuucida miinada dadka

· Xeerka mushaharka Golayaasha Qaranka.

· Xeerka gaarka ah ee Caasimadda.

· Xeerka Isgaadhsiinta 2004

· Xeerka Hay’adda Isgaadhsiinta (Somaliland Authority) iyo wixii kale ee soo kordha.

Intaas markii uu gudoomiye Samaale u akhriyey una qaybiyey Xildhibaanada ayaa waxa uu faray sida xeer hoosaadka Golaha Wakiiladu dhigayo in maalin la soo akhriyo, si loo guda galo dooda ansixinta qodobada ajandaha kal fadhiga.

Fadhigii shalay ee Guurtida iyo Xog warankii Wasiiradda

Hargeysa (Ogaal)- Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu gudoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Guurtida Sheekh Axmed Nuux Fure, ayay mudanayaashu warbixin kaga dhagaysteen Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Wasiiradii ugu baxay gurmadka dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay Roobabkii dhawaan ka da’ay Deegaano ka mid ah Gobolka Awdal iyo sidoo kale Warbixin ay gudida joogtada ah ee Guurtidu kaga warameen xog-waraysiyo ay la yeesheen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda.

Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad Mudane Sheekh Axmed Nuux, ayaa sheegay in Golohoodu go’aansaday in uu u mahad naqo cid kasta oo gacan ka gaysatay badbaadintia ninkii Ceerigaabo lagu afduubay iyo qab-qabashadii budhcadiii afduubka gaysatay.

Warbixinta Gudida joogtada ah

Nabadgalyada:

Kulan xog-waraysi ah oo ay Guddida joogtadu la yeesheen Taliyaha Ciidanka booliiska Md. Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa Guddiga uga xog waramay olole ay dhawaan ku qaadeen xoojinta amniga Caasimadda kaasi oo ay uu sheegay inay ku guulaysteen ka dib markii ay qabteen da’yar fara badan oo caadaysatay falal xun-xun oo ka fog akhlaaqiyaadka suuban, kuwaas oo ku mamay tuugada Mobilka iyo koox sariflayaal ah oo ka iibsan jiray. iyo waxyaabaha kootarbaanka ah sida shidaalka iyo daroogooyinka oo uu sheegay inay iyagana ku guulaysteen wax ka qabashadooda.

Arrimaha bulshada

Kulan xog-waraysi oo ay Guddidu la yeesheen Wasiirka Warfaafinta, waxa uu guud ahaan uga xog-waramay Wasaaradda iyo hawsha balaadhan ee ay Qaranka u hayso iyo Idacadda cusub ee dhawaan dalka la keenay.

Cusbitaalka Qaaxadda

Kulan xog-waraysi oo guddida joogtadu ku tageen Cisbitaalka Qaaxadda Hargeysa, kaasi oo dhisme ahaan markii u horeysay la dhisay 1946-kii, intaasi ka dib 1954-kii ilaa maanta waxa loo yaqaan Cusbitaalka Qaaxada Hargeysa, muga Cusbitaalku waa 22 Sarriirood, waxase la isticmaalaa 100 Sariirood sababo dhaqaalo yaraan awgeed. Waxa Guddida joogtada ah uu u sheegay Agaasimuhu in baahida Cusbitaalku tahay.

Warbixinta Wasiiradda

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Haybe Maxamed, “Socdaalkii aanu ku tagnay Gobolka Awdal, Gobolka waxa ka dhacay waxaan hore inoo soo marin, waxaana la qorsheeyay indeegaamada ay masiibadu ka dhacday marka hore Xukuumadu dadka gadhsiisay ilaa 500 oo qoys, oo qoyskiiba laga soo qaaday 6 qof. ilaa 3000 oo qof wax la gaadhsiiyo Raashinka noocyadiisa kala duwan. Markaanu gaadhnay Gobolka ayaanu is qaybinay anigu waxaan hogaaminayay Lughaya iyo Saylac, markaa Raashin qaybintii ayaanu bilawnay 24 Tuulo oo deegaanka ka mid ah ayay dhibaatadu gaadhay, raashinkii markaanu qaybiniisii dhamaynay, Tuulo kasta oo aanu tagnay dadka aanu ugu tagnay waanu daweynaynay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku, waxaanu sheegay in dadka uu ku dhacay xanuunno isugu jira kuwo jidhka qar-qarxiyay, gaar ahaan gamcaha iyo lugaha iyo Shuban. iyo sidoo kale nafaqa-daro iyo xanuunno kale oo aan la garanayn. Waxaanu xusay in dhimashada xoolo badan qabawgii roobkaasi laayay, oo xataa neefka dhintay marka la gawraco aan dhiig ka imanayn. Isla markaana dadkaasi ay u baahan yiin buu yidhi gargaar deg-deg ah oo wax loogu qabto. :waxaanu isugu yeedhnay Hay’addaha deeqaha bixiya iyo kuwa Wadaniga ah, sida kuwa dwada bixiya iyo kuwa Cuntada bixiya. Maantan (shalay) waxaanu la balan-sanahay mid waliba waxay bixin karto iyo muddada ay wadi karto, ayaanu isugu yeedhnay. Qorshahaasi waa uu soo gaba-gaboobay, Dadkuna waxay u baahan yihiin Xool loo iibiyo.”

Wasiiru dawlaha Arrimaha gudaha Xasan Macalin, ayaa isna wabixintiisa ku bilaabay “Dhulka waxa lagu qiyaasay Roobkaasi ka da’ay dhererkiisu wuxuu dhan yahay 220 Km, xaga balacana waxaa lagu qiyaasay 45km, labada.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru dawluhu, waxaanu ku tilmaamay meelaha ugu daran ee roobku ka da’ay ay yihiin Baki, Lugayabuurood, Saylac iyo Boorame. Warbixintaas oo aad u dheerayd waxa uu wasiiru dawluhu kaga waramay baahida ay haatan dadku u qabaan gargaar cunto iyo mid caafimaad labadaba.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: