Aqoon Isweydaarsi ku Saabsan joojinta Ciqaabida Caruurta oo ku qabsoomay Hargeysa


Oslo (somaliland.no) Aqoon-isweydaarsi ku saabsan joojinta karbaashka carruurta dugsiyada oo uu soo qabanqaabiyey ururka xuquuqda aadamiga Somaliland ee SAMATALIS, ayaa shalay lagu soo gunaanaday hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka qaybgaleen macallimiinta dugsiyada magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah waalidiinta ardayda, waxa xidhitaankiisa goob-joog ka ahaa wasaaradaha Caddaaladda, Waxbarashada iyo hay’adda UNICEF oo iyadu maalgelisay mashruucan.

Ugu horreyn Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo hadal kooban ka jeediyey gebagebadii aqoon-isweydaarsiga, ayaa isaga oo faahfaahin ka bixinayey dhibaatooyinka uu ubadka ku keeno karbaashka ama ciqaabta ay u geystaan macallimiinta iyo waalidiintu iyo sida loogu baahan yahay in la joojiyo, waxa uu yidhi; “Iminka ka badbaadinta carruurta xadgudubyada ka dhanka ah si fiican baa loo wadaa oo maxkamadihii iyo goobihii kale ee ku shaqada lahaaway ka socota, laakiin waxa muhiim ah oo loo baahan yahay in aynu innagu xidhiidh yeelano inteena ka wada shaqaynaysaa in aynu isku xidhnaano oo arrintan si wadajir ah la isaga kaashano.

Annaguna haddii aannu nahay xukuumaddii bulshada ayuun baanu la mid nahay, markaa wax dheeraad ah oo aannu hayno oo bulshada khusaysa horta ma jirto, markaa waxa laga yaabaa in wasiirka la fahansiiyo dhibaatooyinka, aniguna hadda carruurtayda ma garaaco oo waan ka daayey dilistii, intii aan wasiirka ahaa ayaanan bartay, laakiin islaantaydu kama dayn wali, waayo iyadu siminaarada ma timaado, markaa horta waxani way innagu cusub yihiin, haddii la yidhaahdo waddamada reer galbeedka ayey innooga yimaadeena, dee ilbaxniamada dunida oo dhan reer galbeed baa hoggaaminaya, lagama hadhi karo oo ciddii tidhaahda waan ka hadlaynaa waxa weeye dee dunida ka hadhaysaa. Laakiin, tan carruurtu waxay tixgelinta sida gaarka ah ugu sii baahas tahay waxa weeye waa jiilkii mustaqbalka dalka iyo dadkaba ahaa, markaa ilmuhu marka uu gaaraacista la kulmo wax uu noqonayaa mid cadaw ah oo aan naxariis lahayn, laakiin marka hore ilmo waliba waxa uu dhashaa isaga oo madhan, waxaannu marka dambe noqdaa hadba waxa uu bulshada kala kulmo iyo dhaqanka lagu beero.”

Ugu dambeyntiina, waxa uu wasiirku xusay in dhaqan xumada la xidhiidha ciqaabta jidheed iyo maskaxeed carruurta yaryar lagula kaco ay mustaqbalka ummadda saamayn xun ku yeelan karto, taas oo dal dhan oo dhisan burburin karta, waxaannu intaa raaciyey in somaliland arrintan looga tirtiro loo baahan yahay wacyigalin ballaadhan oo la siiyo macallimiinta iyo waalidiinta ubadka dhalay si looga waantoobo garaacista carruurta lagu hayo. Waxaannu u soo jeediyey ururka SAMOTALIS in ay hawsha ay ummadda uu hayaan sii laban laabaan, isla markaana iska ilaaliyaan wixii iyaga dhexdooda, khilaaf ku keeni karta oo u midaysnaadaan shaqada ay dadka u hayaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Eng. Cali Cabdi Odowaa oo isna munaasibaddaa ka hadlay ayaa yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay in aad soo dhammaysateen mamnuucista garaacista carruurta oo ah caadooyinka sii hadhaaga ah, een caalamka la socon, adduunkaa waa ka mamnuuc in carruurta la garaaco, oo si kale ayaa wax loo baraa, ilmaha la dilana waxba ma barto oo waxa uu ka cabsoonayaa ushii, baqdintaa darted baanu waxbarashadii u nacayaa, runtii waa shay aad iyo aad u muhiim ah in wacyigelin ummadda laga siiyo oo siminaaradan oo kale gobollada dalka oo dhan ha loo qabto, hana la gaadhsiiyo ilaa heer tuulo, meelaha ugu sii darana waxa weeye malcaamadaha Qur’aanka lagu dhigto ee ay odayaasha waaweyn ee habkii hore haysta oo aaminsan in ul uun wax lagu barto.

Runtii ul wax laguma barto, waxa lagu bartaa ilmaha oo maskaxdiisa la dejiyo, ilmaha oo aan wax baqdin ah dareemin. Iminka haddaad aragto carruurteena oo dhan waxa ku wada abuuran cabsi, qofkuna hadduu cabsoodo wixii hore ee uu garanayey ayuu iloobaa, anigu waxaan qabaa karbaashka carruurtu in ay wax gaboobay oo laga soo gudbay tahay, dhibaato badan bay inoo gaysatay in ay yeelato wax la yidhaahdo ciqaab ayaa wanaagsan oo qofka lagu ogaado maxkamadu dambi saarto shaqadana laga eryo, waayo casrigan manta la joogo iyo karbaashka carruutu ma wada soconayaan.”

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta SAMOTALIS Mr. Ibraahim Xaaji Muuse Wacays, waxaannu sheegay in aqoon iswaydaarsigan lagaga hadlay joojinta garaacista carruurta uu ahaa kii 30 ee dalka oo dhan laga qabto, oo 22 siminaar oo ka mid ah lagaga hadlayey joojinta garaacista carruurta, 8-da kalena ku saabsanaayeen carruurta suuqa jooga iyo sida laga yeelayo, iyada oo isla markaana laga soo qabtay shan gobol oo dalka ah, kaas oo ku koobnaa magaalooyinka duruusta laga qaadanayeyna ay isku wada mdi ahayd, marka laga reebo qaybta lagaga hadlayey carruurta darbi-jooga ah.

Mr. Ciise Axmed Nuur oo ka socday xafiiska hay’adda UNICEF u qaabilsan dhowrista carruurta oo isna hadal kooban ka jeediyey gebogebadii kulankaa, ayaa sharraxaad ka bixiyey in dhaqan xumada ubadka yaryar loo gaystaa ay mustaqbalkooda dambe saamayn ku yeelato, waxaannu intaa raaciyey in dambiyadii ugu waaweynaa Ingiriiska sannadkii ina dhaafay ay sameeyeen dhallinyaro Soomaali ah oo 20 jir ka yaryar, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dambiyadii ugu waaweynaa ee sannadkii ina dhaafay ka dhacay Ingiriiska waxa gaystay carruur yaryar oo Soomaaliyeed, waxana sabab looga dhigay markii baadhitaan lagau sameeyey in waalidiinta iyo cadaadiska ay ku hayaan u adkaysan waayeen oo dhankii waddanka ay joogeen iyo kii guriga markay ku soo noqdaan is-khilaafo oo carruurtii dagaal, hanjabaad iyo dil noqotay wixii ay guriga kala kulmaan, taasina sababtay inay dambiilayaal suuqa wareega oo dibjir ah noqdaan.”

Jamhuuriya

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: