Madaxweynaha Somaliland Oo Galabta Socodaal Ugu Kicitimay dalalka Khaliijka siina maray Itoobiya

Hargeysa(somaliland.no)- Madaxweynaha Somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta u kicitimay dalka Itoobiya .waxana lagu wada inuu uga sii gudbo dalal kale oo ku yaala Khaliijka

Madaxweynaha Somaliland oo duhurkii intii aanu ka ambo bixin dalka warbaahinta ugu waramayay Qasriga madaxtooyada, ayaa fal Argagixiso ku tilmaamay afduubkii 12-kii bishan gobolka Sanaag lagu afduubay madaxii Haa’yada jarmalka ah ee ka shaqaysa dhinaca Beeraha ee Germany Agro Action [GAA], Mr Daniel Bronkel, oo ciidamada amnigu ay soo furteen maalin ka dib, markii budhcad shan nin ahi ku qafaasheen meel 150 km dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Ceerigaabo.

Madaxweyne Rayaale oo aanay saxaafadu wax su’aalo ah weydiin ayaa waxa uu yidhi “Horta caado ayay noqotay in marka aan baxayo in aan sii waramo, wixii dambe war-saxaafadeedka uu Afhayeenku keeni uun bay noqon doontaa, waayo caado uma aha adduunka madaxda mar kastaba in la waraysto”.

Md Daahir Rayaale Kaahin, oo ka hadlayay falkii dhawaan ka dhacay gobolka Sanaag ee lagu afduubay sarkaalkii jarmalka ahaa, waxa uu yidhi “Waxaan maanta rabaa in aan ka waramo arrinta Argagixisada ah ee ka dhacday dalkeena ee lagu soo guulaystay, horta Hambalyo ayaan u dirayaa ciidamada Qaranka iyo dadweynihii gobolkaas ku noolaa sida geesinimada leh ee ay uga hawl galeen arrintaas iyada ah, waxana muuqata wararka ugu horeeyay ee hordhaca ah ee aynu hayno in duulaankaas Ubuc meel la yidhaahdo oo maamulka Boosaaso ka tirsan laga soo abaabulay, laakiin argagixisadii waxay noqotay kuwo aan abtirsiin lahayn oo ku abtirsada Argagixiso, meel kastana way joogaan qaar inaga [Somaliland] ahina way ku jiraan”.

“Waxaan u gudbinayaa dadweynaha in laga feejignaado, indhhana la furo, waxaan xasuustaa markii aan Ingiriiska tagaayay 2004-tii markii aan marayay Addis ababa ayaa qubuurihii ingiriiska la jajabiyay, maalintii aan Baarlamaanka Ingiriiska tagayna GTZ qoladii maalintii la wareeray ayay ahayd, shalayna waxa inoo yimid madax kale oo caalamka ah, taasi waxay sheegaysaa mar kasta oo wax wanaagsani inoo soo socdaba, inay qaar Argagixiso ah oo u shaqeeya dad aynaan inagu garanaynin oo daneehan ka soo horjeedaa inay mujtamaceena ku dhex jiraan baa muuqanaysa”Ayuu intaas raaciyay Madaxweyne Rayaale.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyay oo uu yidhi “Dadweynaha waxaan u sheegayaa inay ka feejignaadaan oo fiiro gaar ah loo yeesho,arrinta ugu weyn ee aan doonayo in aan halkan kaga hadlaa waa taas”.

“Safarna waan u baxayaa Itoobiya marka u horeysa meelo kalena inaan uga sii gudbo ayaa inshaalaahu laga yaabaa”Ayuu intaas raaciyay.

Madaxweynaha Somaliland waxa ka cudur daartay in aanu maanta wax su’aalo ah ka jawaabayn, waxana uu yidhi “Su’aalo maanta kama jawaabayo ee wa salaamu calaykum”.

Madaxweyne Rayaale oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan Wasiirada Arrimaha Dibada, Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Hawlaha Guud, Md Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka madaxtooyada, Md Nuur Aamin Ismaaciil iyo Xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha Md Daahir Cali Iid, lama sheegin socdaalkoodu mudada uu qaadanayo iyuo dalalka kale ee laga yaabo inuu u sii dhaafo Itoobiya.

Waxa dhabada diyaaradaha ee Magaalada hargeysa Ku sii sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka, waxana uu madaarka salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Source Qaran

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: