Warsaxaafadeed uu qabtay Daniel Bronkal oo ah hawlwadeenkii hay’ada GAA ee la soo badbaadiyey

  Ceerigaabo(somaliland.no)-War saxaafadeed ku saabsan afduudbii loo geystey hawl wadeenkii hay’adda German Agro Action oo ka hawl gasha magaalada Ceerigaabo waxaa uu u dhacay sidatan:

Waad ka warqabtaan wixi dhacay hadana warbixin ayaan idinka siinayaa. Waxaan u sadcaalay 12 February 2008 (shalay) dhinaca xeebta ee jidka Tabca, ka dib markaan laba saac soconay (abaaro 8:00), waxaan garawsanay in khatari na soo foodsaartay, halkaas oo niman tiradoodu dhan tahay oo ku hubaysan qoryaha noocooda loo yaqaano (AK 47) ay naga heleen, halkaas oo ay nala socdeen ciidanka SPU-da Somaliland kuwaas oo ay ka badnaayeen nimanka hubaysan ee jidgooyada noo galay, markaas dhankayaga inaan khatar galyo ayaan diidnay waxaana weydiinay waxa ay doonayaan, markaa waxay noo sheegeen inay aniga (Daniel Bronkal) i doonayaan.

Waxaan aad ugu faraxsanahay ciidanka Somaliland oo taageerayey arimahayga ama badbaadintayda, dhanka kale nimanka (nimanka afduubka geystey), aad ayey u kacsanaayeen, taas oo sababtay in derewalkayagii la dhaawaco, dhaawacaas oo sahlan, iyo in gaadhigayagii oo laba xabadood soo gaadheen oo iyana sahlani. Marka xaaladu halkaas maraysay waxaan go’aansadayinaan isu dhiibo nimankii hubaysnaa (afduubayaasha). Shaqaalahaygii dib ayey u noqdeen aniguna (Daniel Bronkal) gaadhiga nimankii hubaysnaa ayaan raacay ilaa 2 saacadood, oo u soconay dhanka bari, waxaa layga xidhay indhaha, waxaana la iga qaaday baasaboorkii iyo mindidii gacanta laakiin saacada maya, waxaana la ii xidhay go’ cad. Waxay dadka weydiinayeen (afduubayaashu) meesha ay tahay Xarshaw, gaadhigiina waxaan kaga tagnay meel dhexe ilaa aan gaadhaynay Xarshaw. Markii hore waxaan u kacnay dhinaca bariga markii danbana dhinaca waqooyiga tog ayaana dhex maraynay (Daniel iyo afduubayaasha).


Mudadii lay haystay si wanaagsan ayaa layla dhaqmayeye cunto iyo biyo ayaa lay siinayey, horena umaasan arag nimankan afduubka ii geystey isla markaasna waxay la xidhiidhayeen Satellite-ka( mobile-ka satellite-ka lagu hago), waxaana la ka mid ahaa nimankaas (afduubayaasha) laba nin oo ingriisida yaqaana, waxayna ii sheegeen in qorshuhu yahay in laba maalmood aan socdaal ku jirayno ka dibna doon la isaarayo.
Ma cabiri karo in ay ahaayeen kuwo diimeed ama siyaasadeed lakiin waxaan filayaa inay ahaayeen (afduubayaashu) kuwo madax furasho doonaya, shalay habeenimadii (12 February 2008), ayaan gaadhnay gaadhnay halkii ay beegsanayeen, waxaana u tagnay reer halkaasoo aniga (Daniel Bronkal) iyo nimankii (afduubayaasha ahaa) reer xoolo dhaqata ah halkaa oo aniga la i geeyey meel sare (meel ka sareysa guriga halka gurigu ku yaalo), iyaguna hoos ugu dhaadhaceen guriga si ay cunto noogu soo qaadaan, ka dib markii cuntadii aan la noo keenay oo aanu cunay aniga waxaa laygu amray inaan seexdo, ka dib saacad mudadii aan hurday waxaan maqlay rasaas ka soo dhacaysa dhanka xigta gurigii cuntada la nooga keenay, ka dib markii rasaaso la is weydaarsaday waxaa cararay nimankii i haystay (afduubay), aniga keligay ayaana ku soo hadhay meeshii, meeshaas oo ay iigu yimaadeen ciidamadii Somaliland, oo isu kay sheegay, waxayna ii ka xeeyeen tuulada Xarshaw, waxayna ii sheegeen in ciidamada Somaliland ay joogaan dhamaan aagaas, markaas ayaan dhawr meelood ku sii nasanay, waxaana lay sheegay in dadkaasi dadka degan aagaasi (reer miyiga ku dhaqan aaga laga afduubay hawl wadeenka GAA) ay ka caawinayeen ciidanka badbaadintayda.
Markii ciidan Somaliland i soo badbaadiyeen ciidanka intiisi kale waxay hawshoodi ka sii wateen halkoodi marka laga reebo lix (6) askari ee isoo badbaadiyey, weyna ku mahadsanaayeen inay si degdega ii keenaan, taaasna waxaa ku jirtay nabadgelyada iyo badbaadayda.
Habeenkaas xalay (12 February 2008), waxaan seexday Laasa-surad, anagoo u soo jeedna dhanka magaalada Ceerigaabo iyadoo dadkuna aad noo caawinayeen (Daniel iyo ciidanka), maamulka gobolka (Badhasaab ku xigeenka, Maayirka, Taliyaha militeriga ee aaga sadexaad iyo dadweyne kale oo kala duwan) ay nagaga hor yimaadeen tuulada Karin halkaas oo ay nagu soo dhoweyeen, ka dibna waxaan nimi magaalada Ceerigaabo, halkaas oo dadweynaha reer Ceerigaabo ay noogu soo dhoweeyeen si diiran oo farxadi ku dheehantahay.
Waxaan filayaa in dhacdadan aanay ku jirin dadka reer Somaliland.

Warbixintaas ka dib ayaan waydiiyey in maadaama ay hayadu ahayd hayad sama fal oo hawlo ka waday gobolka Sanaag oo dadkaas caawinaysay in maadaama iminka afduub loo geystay nasiib wanaagna la soo badbaadiyey qorshihiisa kan ku xigaa waxa uu yahay?
Waxaa uu iigu jawaabay Daniel Bronka hawl wadeenka hay’ada German Agro Action “in uu jecel yahay in hawshii halkaas ka sii socoto, laakiin uusan lahayn go’aanka oo uu wada tashi la gelayo hawl wadeenka hay’ada GAA ee heer gobol (regional coordinator) oo ka imanaya Ethiopia oo ay ka wada tashanayaan” waxaa kale oo uu noo sheegay in uu aadayo Germany mudooyinka inagu soo aadan.
Ugu danbayntii su’aal laga weydiiyey xilka iyo dadaalka ay iska saareen ciidanka qaranka Somaliland soo badbaadintiisa wuxuu noo sheegay (saxaafada) in uu u arko in ciidanku ay hayaan niyadii, rabitaankii iyo rajadiiba laakiin uuna aad uga mahad celinayo hawl galkoodi, wuxuuna sheegay in qalabka iyo agabka ay isticmaalayaan uu ku xadidnaa halkaas oo ka filayo in ay hayaduhu ka caawin doonaan.

Warsaxaafadeedkaas ka dib waxaan waraysi la yeeshay qaar ka mid ah ciidamadii soo badbaadiyey hawl wadeenka hay’ada GAA Daniel Bronkal, noo sheegeen in ciidamadu ay heleen gaadhi noociisu yahay (surf) oo ay kaga tageen aaga u dhaw xeebta, ka dibna waxay reerbaadiyuhu u sheegay in gaadhiga ay wateen 5 nin oo nin cad watey ayna kala bexeen buurta, socdaalkoodi ayey hore u sii wateen (ciidanku) waxayna la kulmeen gabadh, gabadhaas oo u sheegtay in nimankaas oo wata ninkaas cadaanka ah ay jid isaga hor yimaadeen ayna hore u sii xuleen tog u dhowaa halka ay marayeen, 6-dii askari oo ay hagayaan laba nin oo reer miyi ah ayaa togii tilmaanta lagu siiyey sii xulay waxayna heleen raadkoodi, waxayna sii wateen socdaalkoodi iyagoo helay raadkoodi, ka dibna way sii socdeen habeenkiina waa ugu dumay waxayna abaaro (7:40 PM 12, February 2008), ka dibna waxaanu aragnay guri ay degan yihiin reer baadiye iyo dab ka sii durugsan iyo sawaxan ka baxayaa, isla markaana waxaan fahamnay in nimankii afduubayaasha ay yihiin, waxaan u dirnay sahan reerka weydiinaya xoolo soo lumay, sahankiina wuxuu soo sugay in ay yihiin nimankii afduubka geystay, meel ka durugsan reerkaa dabka ku shidanayaa, ka dibna ay arkeen in ninkii cadaanka ahaa oo huwan maro cad uu hurdo meel ardaa ah oo agtooda ah, ka dibna waxaan go’aansanay inaanu ka soo weerarno dhinaca ninku jiifo oo aananu jaanis siin isla markiibana waxaan ku bilownay rasaas anagoo xagiisa kaga nimi kadibna wey yaaceen mid baana isku deyey inuu xaga ninka soo qabto ka dibna ninkii waan dhaawacnay isagoo qaylinayana dib ayuu nimankii uga daba cararay isagoo ninkaas dhaawaca ahi qorigiisi ka cararay halkaasna aan ugu tagnay ninkii cadaanka ahaa, una sheegnay inaan nahay ciidankii jamhuuriyadda Somaliland.

Sanag.org

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: