MAAMULKA DEGMADA ALLAYBADAY EE Gobolka Hargeisa IYO URURKA UHWA OO FURAY 3 ISKUULO CUSUB.

Allaybaday(somaliland.no) Maamulka Degmada Allaybaday oo la gaashana ururka UHWA ayaa furay iskuulo cusub iskuuladaasi cusub ee uu Maamulka Degmada Allaybaday ayaa ay tiradoodu dhantahay saddex iskuul oo ku kala yaala saddex tuulo oo ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Allaybaday,hadaba saddexdan tuulo oo ah tuulooyin ay ku xeeersan yihiin dadwayne fara badan ayaa ahaa deegaano baahi wayn u qabay iskuuladaasi, furitaanka iskuuladan oo uu iska lahaa Maamulka Degmada Allaybaday ayaa ku yimid markii ay wada tashi la yeeshay Mamulku waxgaradka deegaanadaasi uuna kala hadlay qiimaha waxbarashadu leedahay iyo sida uu ururka horumarinta waxbarashada allaybaday(UHWA) uga wado ololaha kobcinta waxbarashada guud ahaan deegaanka Allaybaday ee ay ka qaybta yihhin, taasi oo keentay waxgaradkii deegaamadaasi in ay la qaataan soo jeedintaasi Maamulka Degmada.

Kadibna ay sameeyaan babul ay ku soo ururiyeen Arday fara badan oo ku haboon da’da waxbarashada aasaasiga ah oo maanta nasiib u helay in ay wax ku bartaan deegaamadooda.

Hadaba saddexdan Tuulo oo magacyadoodu kala yihiin Magaalo FARXAAN, KAAM BARWAAQO iyo Tuulada DACARTA (MAGAALO Tol-jecle), Iskuuladaasi oo bilowgiiba ay ka soo qayb galeen arday fara badani ayaa waxa ay tiradoodu tahay siddan hoos ku xusan:

1 Iskuulka Maggalo Farxaan 70 arday

2. Kaam barwaaqo 57 arday

3. Iskuulka Dacarta (MAGAALO Tol-jecle) 93 arday

oo uu dhamaan ardaydaasi Maamulka Degmada Allaybaday uu gudoonsiiyay balcadii ay iskuulka ku dhigan lahaayeen caruurtaasi iyo agabkii wax lagu bari lahaa sidda Samuuradihii,tamaashiirtii,iyo buugaagtii.

Hadaba saddexdan iskuul oo haba yaraatee wax dhismeyaal ah aan lahayn ayaa waxa ay yihiin qaar caruurta wax ku barato Waabab loo sameeyay aanay kuraas ahaan u isticmaalaan Daasado, iyo jirikaano, ayaa waxa dhamaan xadhiga ka jaray Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Md. XASAN Cabdi Cali oo halkaasi kula hadlay waalidiinta iyo waxgaradka tuulooyiinkaasi kuna dhiirigaliyay siddii ay ubadkooda ula dadaali lahaayeen waxbarashada, isaga oo sheegay in lagu jiro casri waxbarasho oo aanay caruurta xoolo la raaciyo wax kale wakhtiga kaga luminin,waxa kale oo Gudoomiyuhu ka hadlay xaalada Goobahan waxbarasho isaga oo sheegay in dalku soo wada maray marxaladan oo kale oo geedo iyo darbiyo hoostood wax lagu baran jiray, balse laga gudbay idina bari kamaalin aad ka gudbi doontaan.

Ugu danbaytii wuxuu Gudoomiyuhu ugu baaqay Wasaarada waxbarashada Haayadaha kalaba in ay gacan ka gaystaan siddii caruurta looga hadhayn lahaa ilayska qoraxda iyo dabaysha,wuxuuna sheegay Md Xasan in ay xilwayn iska saari doonaan ka Maamul ahaan hawlahaasi waxbarasho.

3 Dugsi ee cusub waxay noqonayaa dugsi 14 aad ee laga fura Degmada Allayaday, mudadii gaabnay ee ay degmada iyo ururka gacanta ku haya waxbarashada degmada uu jiray.

Wariyaha SOMALILAND.NO/UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND
Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)
Email: hilqadm@hotmail.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: