Ciidamada Qaranka Somaliand oo xoog ku soo furtay ninkii Jarmalka ahaa

Hargeysa(somaliland.no) Ciidamada booliska ee Somailand, gaar ahaan kuwa sida milateriga u tababaran ayaa ku guuleystay iney gacanta ku soo dhigaan nin jarmal ah oo shalay barqanimadii kooxo burcad ah ay ka afduubteen dhul buuraley ah oo ku yaalla duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobol Sanaag, kaasoo u shaqeynayey hey’ad qaabilsan dhinaca taageerida beereyda oo lagu magacaabo Germany Accra Ation oo laga leeyahay isla dalkaasi jarmalka xilli ay indha-indheyn ku sameynayeen beero goobahaasi ku yaala.Soo furashashada ninkan jarmalka ah ayaa ka dambysay ka dib markii ciidamada Somaliland ay howlgal ballaaran oo la isku gabal dhacsaday ka sameeyeen dhulka buuraleyda ah ee la tuhunsanaa iney galeen raggaasi burcadda iyo ninka ay afuubteen, iyagoo ku dabajiray illaa xalay. waxaana ciidamada Somaliland ay maqribnimadii heleen gaarigii ay wateen raggaasi burcadda ee ninkaas ay kula tageen oo looga tegay meel cidlo ah, waxaana baadi goob dheer ka dib ay ciidamadii ay ku guuleysteen xalay xilli dambe iney gacanta ku dhigaan isagoo bad qaba ninkaasi jarmalka ah, iyagoo sidoo kalena labo nin ka dhaawacay burcadda, kuwaasoo iyana gacanta lagu dhigay.

Warkan oo laga soo xigtay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan madaxtooytada iyo saraakiisha ciidamada Somaliland ayaa intaa ku daray in howlgalkaasi oo qaatay wax ka yar 24 saac uu imika ku dhow yahay gebagebo, ayna ciidamadu ku raad joogaan kooxdii burcad aheyd oo ka koobneyd illaa 5 nin marka laga reebo labada dhaawaca ah gacanta lagaga dhigay, waxaana talaabadana ay tahay mid ay si weyn ay gacan uga geysteen dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka ku xeeran degmada Ceerigaabo, iyadoo arintani ay ku soo beegantay xili dhowaan afduubyo kala duwan oo dad ajaaniib ah loogu geystay magaalada Boosaaso lagu soo furtay lacag ka dib markii maamulka Puntland uu ku guuldareysay inuu burcadaasi talaabo ka qaado

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: