Nin soomaali ah oo la tuhunsanyahay in uu habraha dhaco


Oslo (www.somaliland.no)Barmaamijka Tv-ga ka dhawaan laga bilaabay ee magaciisa la yidhaa ”Etterlyst” ayaa shalay ku saabsanaa dhicitaanka loo gaysto dadka waaweyn ee da’da ah. Sarkaal sare oo ka tirsan booliiska magaaladda Vestby oo magaciisa la yidhaa Ronny Samuelsen ayaa shalay sharaxaad ka bixiyey arintan. Laakiin barmaamijkii ka dib in la helay qofkan dhicitaanka sameeyey ilaa iyo hadda lama ogga. Inkan oo ay u badantahay in uu soomaali yahay, ayaa waxaa uu uu gacanta ula tagaa isla markaana dhacaa dadka waaweyn ee da’da ah iyo kuwa laxaadka la’a. Marar badan waxaa uu marka hore isakaga soo dhigaa mid caawinaya kadibna wuu dhacaa. Laba goor ayuu ninkani yimi magaaladda Frogn, laba kalena waxaa uu weerar dhicitaan ku soo qaaday magaaladda Ås. Laba jeer oo kala duwana wuxuu yimi magalooyinka Vestby iyo Askim.

Xafiisyo badan oo kala duwan ayaa imika waxa ay ku hawlanyihiin sidii ay ninkaa gacanta ugu soo dhigi lahaayeen. Waxaanay sheegeen in ay dhici karto in mar kale uu isku dayo in uu wax dhaco.

Arintan tuugnimadda iyo dadka soomaalida ah ayaa aan ahayn wax caado ah oo dadka soomaalida ah lagu yaqaan. Laakiin mudaddan danbe waxaa soo baxaya eedaymo ay saxaafaddu ku sheegayso in dad wax dhacay ay yihiin dad la tuhunsanyahay in ay soomaali yihiin.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: