Taariikhda Markii Ugu Horasay Ee Nin Caaqil Reer Somaliland Ahi iska Casilay Xilkii Caaqilnimo Ee Uu u Hayay Reerkiisa.


Hargeysa (somaliland.no):- Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Md Axmed Aadan Ismaaciil(keyse),ayaa maanta ka aqbalay istiqlaalad uu u soo gudbiyay Caaqil Cabdilaahi Caraale Cawsheen,oo ka mid ah cuqaasha somaliland gaar ahaan Gobolka Togdheer.

Shir lagu qabtay wasaarada arimaha gudaha oo ay ka soo qayb galeen Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha, Xisaabiyaha guud, Odayaal iyo marti sharaf kale, ayaa caaqilkaasi xilkii caaqilnimo ee uu u hayay reerkiisa uu iskaga casilay, isla markaana uu ka aqbalay istiqlaaladaa uu u soo gudbiyay caaqilku Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha guduhu.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha oo kulankaas hadalay, ayaa sheegay in arrintani ugub ku tahay taariikhda Somaliland, isla markaana aanay hore u dhicin. Waxaanu xusay in arintani taariikhda gali doonto, isaga oo ku tilmaamay inay tahay markii ugu horaysay ee caaqil uu xilkii reerkiisa u hayay iska casilo.

“Runtii ujeedada aanu u diyaarinay shirkan waxay ahayd arin ku dayasho mudan, oo taariikhda intii aan joogay-ba iyo intii aan iswaydiiyay-ba aan hore uga dhicin dalkeena, taasoo ah nin caaqila oo cumaamad qaatay oo ku shaqeeyay, oo wasaarada arimaha gudaha laga diiwaan galiyay, oo mudo reerka ku dhex jiray inuu tanaasulo ama tabaruc intaa leeg uu u sameeyo si reerkiisa isu sii haysto.” Ayuu yidhi Md Axmed Aadan Ismaaciil.

“Waxaan u aragnay inay tahay arin muhiim ah, oo u baahan in Cuqaasha kale ee Reeruhu samaysteen, ee reerihii khilaafka dhex dhigay inay tan oo kale [iscasilaad] ay samayn karaan ama ay ku dayan karaan.” Ayuu yidhi Md Axmed Aadan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey, “Runtii markii la ii sheegay, waxaan u qaatay arrin riyo ah, sababta oo ah maynu arag, oo wax naadir ah ayay ahayd. Nin inta uu Cimaamad qaatay oo Suldaan noqday ama Caaqil, oo yidhi waan ka tanaasulay may jirin.”

“laakiin taariikhdaa waxaa beeniyay Cabdilaahi Caraale Cawshaan iyo Guddidii ka hawl gashay, waxaanu sameeyay wax lagu dayan karo. Taasaa nagu kaliftay inaanu Warbaahinta u gelino dadka. Sida Cuqaasha Cimaamadaha qaatay ee reerihii burburiyay inay suurto-geli karto in tana la samayn karayo. Waxaanaan hubaa in niman badani ku dayan doonaan.” Ayuu yidhi Md Axmed Aadan.

Agaasimaha guud mar uu ka hadlayey sida Caaqilada loo magacaabo, waxa uu yidhi “Horta Wasaarada Arrimaha Guduhu Cuqaasha ma samayso, waxaanaan u sheegayaa dadka aaminsan inay Wasaarada arrimaha Guduhu samayso. Ma samayno anagu Cuqaasha ayaanu leenahay.”

“Waxaana soo samaysta Reerka duruuftay doontaa haku kaliftee, dabadeedna Gobolkaa ay ka soo doorteen ayay soo mariyaan, anaguna markaanu aragno saxeexa odayaasha iyo kii Gobolka, ayaanu anaguna ansixinaa, sidaas ayaanu aqoonsiga ku siinaa oo mushaharka ugu qornaa.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md Axmed Aadan.

Agaasimaha guud waxa uu u soo jeediyay Sallaadiinta iyo Cuqaasha inay danta reeraha mideeyaan, oo aanay reeraha kala qaybin, si bulshadu isugu xidhnaato.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Caaqilkii xilka iska casilay Caaqil Cabdilaahi Caraale Cawshaan, waxaana uu sheegay in markii uu arkay qalaanqalka iyo dhibaatada ka dhex dhacay reerkiisa, in uu go’aansaday ka tanaasulida Caaqilnimda

Waxaana isaga oo arrintaa ka hadlaaya uu yidhi “Waxaa weeye, anigu Caaqil baan ahaa, Caaqil iga horeeyayna reerku wuu lahaa, markii Caaqil iga horeeyay, ee aniguna aan Caaqil noqday, Reerkii waxaa soo galay waxoogaa qalaanqal ah, reerkana kala tagiisu dawo maaha.”

“Waxa daawo ah marka reerku wada socdo ee uu wanaagsan yahay, ee aanu qalaanqal dhex oolin. markii qalaanqalkii nasoo dhex galay, waxaan ka doorbiday taydii tii reerka inaan anigu Caaqilnimo haysto, oo reerkayagii kala tago.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Caraale.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Markaa anigu halkaas baan tanaasul ku bixiyay, waxaan leeyahay kuwa iga danbeeyana taas oo kale haday timaado haw kala tanaasuleen, oo ha’u kala hadheen, oo reerka iyo tooda ta reerka haka fuuryeeleen.”

Waana markii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee la arko Caaqil iska casila xilkii Caaqilnimo ee uu Reerkiisa u yahay.

xigasho: Hadhwanaag

Faallo u dhaaf