HALKAN KA AKHRI WARARKII WARGAYSKA OGAAL CADADKISII MAANTA OO ISNIIN AH.

Hargeysa (Ogaal) Oslo (Ogaal/W.Wararka) Wargeys lagu magacaabo Dagens

Næringsliv oo ka soo baxa wadanka Norway magaalada Oslo ayaa maqaal cadadkiisii shalay soo baxay kaga hadlay baadhitaano dhinaca Saliida ah oo shirkada Asante Oil ka fulinayso wadamo ka tirsan bariga Afrika oo ay Somaliland ku jirto.

Maqaalkaasi wargeyska sida uu uga hadlay waxa warbixintan ku soo koobay suxufi magiciisu yahay Cabdirisaaq Cismaan Fadal oo degan Oslo. “Wargeysku maqaalkiisa waxa uu uga dhigay ciiwaan, ‘Ka Baadi-goob Saliid Afrika’. Waxa maqaalka ku dul sawirnaa

khariidadda Somaliland iyo ta wadanka Uganda oo ka dhex muuqda khariidadda qaaradda Afrika iyo sawir weyn oo uu leeyahay maalqabeenka caanka ah Kjell Inge Rokke.

Wargeysku wuxu warkiisa ku bilaabay shirkadda “Asante Oil” oo ah shirkad saamiley ah, 40%-tana uu leeyahay maalqabeenka Kjell Inge Rokke oo leh shirkadda weyn ee Aker ASA. Ayaa dhowaan shidaal baadhis ka bilaabi doonta Bariga Afrika. Ka dib markii ay dhowaan saxiixday heshiis baadhis shidaal ah.

Waxa kaloo wargeyku qorey in shirkadu ka caawin doonto wadamada ay ka baadhayso shidaalka dhisida kaabayaasha

Dhaqaalaha, si ay waxtar ugu noqoto dadka degaankaa degan.

Mar aan arintaa wax ka weydiiyey Danjiraha SL u joogga Norway Mudane Maxamed Maxamuud Aadan “Liilan” wuxu iigu jawaabay, “Warkan wargeysku qorey waa midhihii ka soo baxay wada hadalo u socday dawladda SL iyo Kambaniga, waana bushaaro aan ku koobneyn Somaliland oo qudha ee gaadheysa dadka Bariga

Afrika ku dhaqan oo dhan.

Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa maalqabeenka Kjell Inge iyo maalqabeenada kaleba, kuwaasoo go´aansaday in saliida loo filayo Somaliland ay maalgashadaan. Arintanina waxay sii xoojineysaa xidhiidhka sokeeye ee u dhaxeeya SL iyo Norway.

Waxaanay ina tuseysaa in Norway safka hore kaga jirto soo dhaweynta nabadda iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland. Si gaar ah waxaan u tirsanayaa

haddaan ahay danjiraha SL ee Norway in arintani u tahay waxqabad xafiiska aan madaxda ka ahay.

Warkani wuxu soo baxay laba habeen uun ka dib, markii ay dib ugu laabteen Norwey danjiraha iyo wefti uu hogaaminayey oo ay ka mid ahaayeen wakiilo ka socday shirkaddan warka soo saartay.

Cabdirisaaq Cismaan Fadal

Oslo Norway

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md, Cali Maxamed Warancade ayaa qiray in Ururka Cacas oo ka hawlgali jirtay madaarada dalku uu joojiyat adeegyadii dhinaca duulimaadyada ee uu ka hayay Somaliland, ka dib markii Wasiirku uu u qoray qoraal uu kaga dalbanayo sida uu sheegay inay soo kala cadeeyaan inay dhabaha diyaaradaha iyo madaarka guud ahaan dayactirkiisa wax ka qabtaan iyo inay ka guurayaan dalka.

Wasiirka Duulista oo xalay wargeyska Ogaal uga xogwaramay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay Wasaaradiisa iyo hay’adaasi ayaa waxa uu ku eedeeyay NGO-ga Cacas in dhaqaale badan oo ka soo baxa diyaaradaha isticmaala hawada Somaliland oo ay gacanta ku hayaan ay waxba kaga qaban weyday dayaca madaarada dalka, markii taa uu waydiiyay-na ay badelkeedii shaqaalohoodii ku amreen inay shaqada Joojiyaan.

Ururka Cacas oo xaruntiisu tahay Nayrobi hay’ada ICAO iyo UNDP ayaa qandaraas ku siiyay badhtamihii sagaashameeyadii inay maamusho adeegyada iyo hawada dalkii la isku odhan jiray Somaliya.

Mudooyinkii ugu danbeeyay-na waxa la dareemayay khilaaf ka dhex oognaa Ururka Cacas iyo Wasaarada Duulista Somaliland, iyadoo doraad ay istaagtay shaqadii ururkaasi ka hayay madaarka Hargeysa.

Waraysiga aanu Wasiirka duulista arrintaa kala yeelanayna waxa uu u dhacay sidan.

S. Wasiir, waxa nagu maqaalo ah in aad shaqadii ka joojiseen Hay’adda ICAO arrintaa maxaa ka jira?

J: Shaqada kama joojinin ee waxaan idhi hawshiinii qabsada, iyagaana shaqadoodii gabay oo ay ahayd in ay Dhabaha diyaaraduhu ka haadaan (Runway) inay kabaan, iyaga ayaa lacagta dayuuradaha qaadee. Markaa ujeedadayadu waxay ahayd in ay Madaarka dayactirkiisa wax ka qabtaan, muddo dhawr sannadood ah-na waxba kamay qaban oo shaqadii ay xaqa u lahaayeen way sii xumaatay. Markaa, markii ay hore waxba uga qaban waayeen qoladii Nayrobina waxba naga maqli wayday ayaan ku idhi ninkii joogay halkan (Hargeysa) u tag saaxiibadaa iyo qoladii xagaa (Nayrobi) joogtay waxaad meesha ku aragtay ku qanciyoo, inay niman meesha wax ka qabanaya yihiin iyo inay niman guuraya yihiin war cad iiga keen ayaan ku idhi. Dabadeed, niman lala hadli jiray maahee intii bay dhib-sadeen, ka dibna shaqaalihii ayay ku yidhaahdeen joojiya shaqada, hada ka horna sidan oo kale way nagu sameeyeen oo markii shaqada madaarka habeenida lagu daray ayay iyaga oo ku andocoonaya dhaqaale uma hayno hawsha habeenkii, taana immika wasaarada ayaa qabata.

S: Laakiin, Wasiir waxa la sheegayaa in aad warqad u qortay ninkaa Kiiniyaatiga ah ee Hay’adda madaxda ka ahaa, oo aad shaqada ka joojisay, taasi miyaanay jirin?

J: Maya, kamaan joojin ee warqad baan u diray aan leeyahay Madaarka intii aad shaqada ku lahaydeen way sii xumaanaysaa, hadii ay sidaa ku sii socotana dee meeshii waxyeelo ayaa ku imanaysa Madaarka iyo dadkii isticmaalayay. Markaa inaad wax ka qabanaysaan iyo in aad faraha ka qaadeen noo soo kala sheega, muddo badana waan idin kala hadlayay inaad timaadaan oo waad iman waydeen, warqadaas ayaan u qoray. Markaa iyagaa xagooda ka joojiyay.

S: Ninkan Hay’ada Madaxda ka ahaa, ma shalay (doraad) buu dalka ka baxay?

J: Haa, shalay (doraad) ayaan warqada u dhiibay, anaa idhi tag oo gee warqada.

S: Markaa, ma isaga ayaa amarka siiyay shaqaalaha halkan ka jooga oo yidhi ha shaqaynina?

J: Nin Nayroobi jooga, oo meesha madax ka ah ayaa amarka soo siiyay shaqaalaha halkan jooga. Markaa anaguna Wasaarad ahaan waanu ka tabaabushaysanay, oo waanu arkaynay nimanku inay yar caga-jiidayaan dhinac siyaasadeed, kolkaa raggii yaqaanay ee hore u wadi jiray ayaa hawshii wada, shaqaduna caadi ayay u socotaa.

S: Wasiir, waxa la leeyahay arrimo dhaqaale ayaad isku qabateen, sida lacagaha ka soo gala hawada Somaliland oo aan cid la maamulin Hay’adda ICAO, arrintaa maxaa ka jira?

J: Maya, ee taa waxaanu ku nidhi maadaama oo aad haysaan lacag fara badan oo Somaliland leedahay, dee ha iska isticmaalina ee wadanka wax ka galiya, oo Madaarkaanu ku dhisa ayay balantu ahaydoo UNISOM ayaa meesha u dhiibtay ayaa la igu yidhi. Intii danbana madaarka waxba kamay qaban oo marar hore oo dhawr sanadood laga joogo ayaa ugu danbaysay oo ay marba wax yar sameeyeen. intii danbe wasaaraduunbaa ka shaqaynaysay.

Markaa Wasaarad ahaan ayaanu ugu nidhi inaad wixii mushahar uun ka dhigateen oo aanay idinkaba idinku filayn iyo inaad wax ku qabanaysaan noo sheega. Markaa sidaaas ayay ku tageen oo aan warqada ugu dhiibay. Dabadeetana ka Nayrobi jooga ayaa amarka soo bixiyay oo yidhi ilaa amar danbe shaqa joojiya.

S: Wasiir, idinku Wasaarad ahaan ma ka warhaysaan xadiga lacagta Hay’adan ka soo gasha hawada Somaliland?

J: Haa, Xuuraan badan ayaa lagu sameeyay waa laga warhayaa, waananu soo bandhigi doonaa.

S: Markaa, imika kol hadii ay Hay’adii shaqadii jiijisay, maxaa idinka idiin qorshaysan?

J: Dee, inaga kolayba baahi aynu u baahanahay inuga may haynin qoladani, oo lacag dalku leeyahay ayay hawada ku isticmaalayeen, aduunyadana wadan lacagtiisa lagu dul isticmaalaa ma jiro, oo wadan wal oo caalamka ka jiraaba isaga ayaa maamusha. Hase yeeshee, mishkilada dhacday waxa weeyaan dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray, markii hore niman cadaan ah ayaa gacanta ku hayn jiray oo wax bay galin jireen Madaarada, imikana Sawaaxili baa la wareegay dhamaan, iyaguna niman wax soo dhaafayaan maaha, mida kale ICAO maaha, waa niman NGO ah oo Cacas la yidhaahdo (Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia (CACAS)). Markaa waa niman NGO ah oo dhawr iyo toban sannadood ka hor ay UNISOM u dhiibtay weeye ayaa la leeyahay, Somaliland-na heshiiskaa qayba kamay ahayn.

S: Wasiir, waa intee lacagta ay qabtaan, markaad u kuurgasheen?

J: Lacagtaasi waa saddex milyan iyo badh ilaa afar milyan oo dolar inta u dhaxaysa sanadkii, 70% diyaaradha lacagta laga qaadaana hawada Somaliland ayay maraan,.

S: Idinku Wasaarad ahaan ma isku filan tihiin, oo shaqadii Ikaawo ma qaban kartaan?

J: Wax kaleba kamaanaan shaqaynayn intaan meesha joognay, oo waanu qaban karaynaa.

S: Wax wadahadalo ah ma kula soo sameeyeen madaxa Hay’adu, markii masuulkii Hargeysa u joogay Nayrobi gaadhay?

J: Adigu maanta ayay mar ila soo xidhiidheen, oo ay yidhaahdeen inaynu wadahadalo ayaanu doonaynaa, dabadeedna waxaan ku idhi hawshii aad dayacdeen horta aan wareejiyo. Markaa umaan balan-qaadin.

S: Markaa imika hawshii ay hayeen waad wareejiseen?

J: Haa, waanu wareejinay.

S: Yaa qabanaya hawshaas?

J: Shaqaalaha Wasaaradda ayaa qabanaya.

Halkay maraysaa hawshii diiwaan gelinta cod bixiyayaashu?

,”Shaki malaha in khilaaf dhici karo oo shaqada Komishanka ayaa xasaasiya” Gudoomiyaha gudiga diiwaan gelinta

Hargeysa (Ogaal)- Gudoomiyaha Guddida Diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Ismaaciil Muuse Nuux, ayaa ka war-bixiyay halka ay marayso hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaashu. Islamarkaana waxa uu ku dooday in uu ku kalsoonyahay in doorashadu wakhtigeedii dhacdo.

Waxa uu sidaa ku sheegay Gudoomiyaha Diiwaan-gelintu waraysi khaas ah oo ay la siiyay shalay Idaacadda Horyaal.

Waraysigaas oo uu kaga waramayay Khilaafka la sheegay inay soo kala dhex-galay xukuumada, wakhtiga iyo qaabka diiwaan-gelintu u dhacayso iyo arrimo kale, waxa uu u dhacay sidan:-

S: Waxaad nooga warantaa hawshii diiwaan-gelintu halka ay marayso?

J: Hawshii diiwaan-gelintu meel fiican bay maraysaa, komishanku shaqooyin fara badan ayuu qabtay. Markii annagu xafiiskan aanu nimi, waxaanu wada-hadalo la galay deeq bixiyeyaasha, hawsha diiwaan-gelinta waxa 75% dawladaha deeq-bixiyeyaasha EU-da. Dabadeed, Dawladaha EU-da waxay yidhaahdeen waar wadanka inay doorasho ka dhacdo kalsooni na siiya oo saddexdi Xisbi iyo dawladu ogol yihiin oo ay isu iman karaan, inta aynaan ka wada hadal deeq aanu bixinayno, waa inaan horta helaa kalsooni. Markiiba waxaanu bilownay inaanu saddexda Xisbi wada-hadal la galo. Waxay isku waafaqeen wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, oo ta diiwaankii markii hore loogu talo galay in wax lagu daro oo la dheereeyo wakhtigii doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyadu dhici lahaayeen, sababtaa wakhtigaa dib loo dhigayna waxay ahayd inay hirgasho diiwaan-gelintu inta aan la gelin doorashada. Heshiiskaa markaanu ka helay xisbiyada Qaranka, ayaa waxaanu isugu yeedhnay Umadda Somaliland hadday tahay Saxaafada, Culimo Aw-diinka, Salaadiinta, Indheer-garadka iyo shacbiga hortooda ayay ku saxeexeen saddexda xisbi Qaran in diiwaan-gelini ay ka dhacayso wadanka, diiwaangelinta ay labada doorasho ku xigayaan.

Waxaanu u gaynay deeq-bixiyeyaasha, waxay yidhaahdeen waa war wanaagsan. Runtiina aad bay ugu farxeen, waayo bay yidhaahdeen maanaan filayn maanta in xisbiyada iyo jawiga siyaasiga ah ee Somaliland ka soconayaa uu suurto-gal noqonayo in xisbiyadu go’aan iyo talo keenaan, aadna way noogu mahad-naqeen. Markaasaanu la galay gorgortankii lacagta iyo kharashkii diiwaan-gelinta wakhti dheer ayuu qaatay, shacbiga iyo warbaahintu may la socon waxaanu qabanay. Dhowr jeer baanu Nayroobi iyo Addis Ababa ku noqnoqonay, dhowr jeer bay noo yimaadeen, markii kharashkii lacagtu dhamaaday bay yidhaahdeen waanu kaalmaynaynaa diiwaan-gelinta Somaliland. Intaa markay yidhaahdeen waxa ku xigtay qaabkee ayaa loo galayaa diiwaan-gelinta. Nimankii khubarada ahaa ee ay noo soo direen deeq-bixiyeyaashu waxay yidhaahdeen, wadankani waa wadan miskiina, tiknoolojiguna wuu hooseeyaa, Koombuyuutaro ma haystaan, wadooyinkiina way xun yihiin, foomkiina isaga buuxsada warqadaasoo, khadkana mariya dadkiina sidaa ku soo diiwaan-geliya. Komishanka ayaa diiday, markaa waxay nagu yidhaahdeen maxaa haysaa idinku intay hawshaa wadeen, annaguna hawshii ayaanu si wadanay oo khabiiradii ay deeq-bixiyeyaashu wateen, Lamida ama kaba cilmi dheer, ayaanu hawl-gelinay inay qaab wadankeena anfaca Somaliland oo dhaqankeena iyo caadooyinkeena xaga doorashooyinka ee ku noqnoqoshada iyo waxaas oo dhan ka hor-tegaya ayaanu sii diyaarsanay, markay noo yimaadeena aad bay ula yaabeen, oo waxay yidhaahdeen waa nidaamka ugu horumarsan ee Afrika ka dhici kara, lacagtiisuna way badan tahay. Laakiin, annagaa diyaar u ah bay yidhaahdeen qaabkii komishanka ayaanu qaadanaynaa ay qoraaga Somaliland soo sameeyeen oo waa mid tilmaan u noqon kara dawlado badan oo Afrikaan ah, lacagtaas badana waxay u bixinayaan maaha oo qudha diiwaan-gelin loo sameeyo, ee waa in dadka kale hadhow mustaqbalka meel qudha laga hirgeliyo, sababaha ay u qaateen waxa ka mid ah oo kale in wax dhaxal ah uu ka tago qorshahan diiwaan-gelinteenu.

Tiro-koob baa ka soo baxaya, lagaga faa’iidaysto tacliinta, caafimaadka iyo arrimaha bulshada oo dhan, sida tirada guud ee umadda Somaliland iyo in la ogaado meel walba tirada dadkeedu inta uu yahay. Dagaal dheer oo sidaas ah ayaa runtii la soo galay, diiwaangelinta maanta mooraalkii lagu samaynaayay waa diyaar. Guddi ka kooban ayaa jirta Komishanka, Saddexda Xisbi Qaran, Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Talaabo walba waanu la socodsiinaynaa si aanay u shakiyin xisbiyadu ama xisbi ka mid ahi, wax aanu wadnaa in aanu ahayn wax iyaga aan anfacayn. Maanta meeshii ugu fiicnayd bay noo joogta, waxaanu filaynaa in dhawaan lagu dhawaaqo oo aanu Madaxweynaha waraaq u dirno oo aanu nidhaa xaga sharciga ayaa komishanku waraaq u dirayaa, oo komishanku uu odhanaya diiwaan-gelintii waxaanu bilaabaynaa wakhtigaa ama taariikhdaa ee digreeto ku soo saar, oo ku dhawaaq. Waxaanu rajaynaynaa inay taasina dhakhso u bilaabanto.

S: Markaa qorshihiinu sidee buu u dhigan yahay, wakhtimaad doonaysaan inaad bilowdaan, wakhtimaad dhamaynaysaan diiwaan-gelinta?

J: nidaamka diiwaan-gelinta aanu ku samaynaynaa waxa weeye, gobol walba Shan cisho ilaa Todobaad ayaa waxa laga samaynayaa, Suulkii, Sawirkii iyo war-bixintii qofka looga baahnaa ee kaadhka lagu siinayay, markaa kaadhka goobta ayuu ka qaadanayaa. Laakiin, waxa ka horaysa 25 cisho oo ay tagayaan degmooyinka iyo gobollada oo dhan hawl-wadeenada diiwaan-gelinta iyo xisbiyada oo goobihii ay joogayaan oo foomamkii dadka loo qaybinayo oo dadku ay buuxinayaan. Dee markaa 5 cisho ee aan kuu sheegayay Kuruugii qaadayay qalabka diiwaan gelinta ayaa imanaya oo tagaya goob kasta. 400 oo kooxood ayaa la gelinayaa gobol kasta Shantii cisho ama Todobadii cisho. 400 ee koox markay gobol galaan si dhib yar bay uga soo bixi karaan 5 cisho markay dhamaato suulka ayay eegayaan iyo sawirada. Haddana 15 cisho ayay gobol walba ku hadhayaan. Markaa waxa weeye 45 cisho, 25 cisho oo la si qorayo magacyada foomiska, 5 cisho oo lagu eegayo sawirka iyo suulka, iyo 15 cisho oo lagu hadhaayo gobolkii la dhamaystirayo wixii laga tagay 45 cisho iyo in ka badan baa dariiqa diiwaan-gelintu soconayaa, sharcigeenuna wuxuu leeyahay waa Bil ama Saddex bilood diiwaangelintu inay socotaa. Markaa qaabkaas ayaanu ugu talo-galay. Laakiin, hadday Saylac wax ka dhacaan, Hargeysa ka dhacaan, Ceerigaabo ka dhacaan, Laasqoray wax ka dhacaan ilayn hal maalin baad wada samaynaysaaye, sida loo kaantaroolaa waa dhibaato, waxaanu nidhi gobolkiiba mar aanu samayno.

Waxani hadduu kharibmo marka u horaysa dhibaato wayn ayuu la imanayaa, dimuqraadiyada Somaliland oo dhan baa baaba’aysa. Markaa inaynu talaabo-talaabo u socono oo waxeenii si farsamo ah oo habsan, oo gef ka imanayn oo ina fashilinayn oo digtoon ayaanu gobol-gobolkaa u dooranay.

S: Markaa waxa Wargeysyadu maanta qoreen in waxoogaa ismaan-dhaaf ahi ay ka dhex-dhalisay arrintaasi Komishanka iyo xukuumada, taasi ma jirtaa?

J: Wax ismaan-dhaafi ahi ma jiro. Ra’yi waa laysku qaban karaa, annagu nidaamkaas ayuu komishanku soo jeediyay waxyaabo in laga bedelo, Wasaarada Daakhiligu way ogtahay, dawlada kale ismaanaan arag. Wasaarada Daakhiliga ayaa laga rabaa inay qofka xaqiijiso inuu Somalilander yahay. Markay xaqiijiso ayuu qofku helayaa oo aanu u samaynaynaa kaadhka qofku xaqa ugu yeelanayo inuu ku futeeyo. Qofku haddaanu kaadhkaa haysan ma footayn karo wax kastaa haday dhacaan, markaa Wasaarada daakhiliga waa in aanu isla meel dhignaa qaabka aanu u wada shaqaynayno annaga oo meel wada fadhina ay noo caddaynayaan in qofkaa Somalilander yahay, anaguna aanu u samaynayno kaadhkii diiwaan-gelinta cod-bixinta, arrimahaas ayaanu ka wada shaqaynaynaa. Laakiin, wax khilaaf ah ama ismaan dhaafa oo waxan jaraa’idka lagu buunbuuniyaa, ee wixii yar lagu waynaynayo meesha kuma jiraan.

S: Mar haddii Wasaaradda Daakhiligu ay ku jirto guddidan ka kooban Axsaabta , komishanka iyo xukuumada, guddidiidana miyaanay ka iman fikradan qaabka loo samaynayo?

J: Horta, guddida diiwaan-gelinta shaqadiisu waxa weeye inay hir-geliyaan qaabka diiwaan-gelinta farsamo ahaan. Komishankana waxa weeye maandhaytkiisu inuu siyaasad ahaan keeno nidaam wadanka diiwaangelini kaga dhacayso. Marka komishanku keeno ayay guddigu rog-rogaysaa sidii ay u hirgelin lahaayeen nidaamkaas. Markaa kaalintaa gudigu way ku jiraan. Laakiin, hawsha waxa iska leh Komishanka, halka Wasaarada Daakhiligu ay ka soo gashayna waa halkaas.

S: Sida Saxaafada qaarkeed ay qortay, waxay asxaabta Mucaaradka ahi ay shaki ka qabaan in arrinta diiwaan-gelinta ay xukuumada lugta jiidayso,si dib loogu dhigo doorashooyinka, adiga oo ah Gudoomiyihii gudiga diiwaan-gelinta maxaad shakiga noocaas ah kaga jawaabaysaa?

J: Horta, sidaad sheegayso wuxu waa shaki, sidaan hore u sheegayna Wasaarada Daakhiliga hawlahan ayaanu wada wadnaa, Axsaabta sidaas oo kale waxa jirtay marar aanu hawlo noocana ku wada jirnay, marar baa jirtay aanu xisbi hawl la wadnay. Waar waxani waa shaqo, waana mustaqbalka Somaliland a, shaki malaha in khilaaf dhici karo. Mar waxaanu jiq isku ahayn deeq-bixiyeyaasha, mar Axsaabta, mar xisbi xisbiyada ka mid ah, mar dawlada. Dabeecada shaqadan ayaa h mid xaasaasiya, waa shaqo awood lagula kala wareegayo, oo kuraasi lagu kala qaadanayo. Markaa cidda moodaysa in aanay wax hadal ahi imanayn, waa cid shaqadan nooceeda aan aqoon.

S:Ma rajaynaysaa qorshihii aad dhigateen iyo heshiiskii aad isla gaadheen Axsaabta in lagu soconayo ilaa haddana lagu taagan yahay?

J: Shaki igagama jiro in komishanku qorshihii uu keenay iyo farsamada uu wax u sameeyay iyo qorshaha uu dhigtay inay sidaa u soconayso. Maxaa yeelay Komishanka ayaa waxa awood u leh, sida aan kuu sheegay ciday uga habranayaan iyo ciday uga dambeeyaan toona ma jirto. Markaa sida Komishanku moodo inay wadanka dantiisa iyo maslaxadiisu ku jirto ayay u soconaysaa.

Hargeysa: Wasaarada Dalxiiska iyo bilowga tartanka Heesaha hirgalay

Hargeysa(Ogaal) – Wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland, ayaa shalay shaaca ka qaaday inay bilaabayaan barnaamijkii heesaha hirgalay, si ay u soo baxaan fanaaniin iyo hal abuuro da’yar ahi.

Agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradaasi, Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi Yare], ayaa shir wasaaradu qabtay shalay kaga dhawaaqay inay bilaabayaan barnaamijkii heesha hir gelay, kaas oo ay wada jir u abaabuleen Wasaarada iyo koox dhalinyaro ah oo iskood isu abaabulay, waxaana uu Hargeysa ka bilaabmi doonaa qorshahani sida uu sheegay 10 bisha march ee fooda inagu soo haysa.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska Xasan Ismaaciil Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawshan oo uu sheegay in ay ahayd in xili hore la bilaabo, hase yeeshee intii hore wasaaradu waxay ku jirtay ayuu yidhi hawlo kale, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “In badan ayay fanaaniintu lahayd maxaa loo qaban waayay barnaamijkaasi, hadda ayaanu bilownay cidii wax isku haysaay, waxana taramada heesaha hirgalay uu marka hore ka bilaabmayaa magaalada Hargeysa, ka dibna waxa la gaadhsiin doonaa gobolada kale ee Somaliland”.

Agaasimaha oo la weydiiyay cida ka soo qeyb galaysa, waxa uu sheegay in tartamadaasi ay u furan yihiin fanaaniinta da’da yar ee la doonayo mustaqbalka inay bedelaan fanaaniintii hore.

“Guddi Abwaano iyo hal abuuro iskugu jira, oo barnaamijkaasi qaban qaabisa ayaa marka hore la sameyn doonaa, ka dibna iyagaa qaban doona tartanka isla markaana kala saari doonaa tartameyaasha”Ayuu intaas raaciyay Agaasimaha guud.

Xasan Ismaaciil, oo ka jawaabayay su’aal ahayd halka lagu qaban doono tartankaasi, waxa uu ka cudurdaartay in aanu dhisnayn oo uu dunsan yahay Tiyaatirkii weynaa ee Hargeysa, balse lagu qaban doono garoonka kubada kollayga ee caasimada Hargeysa.

Abwaanada waaweyn ee dalka qaarkood, oo halkaasi ku sugnaa, ayaa qaarkood ka hadleen barnaamijkan, waxana ka mid ahaa Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, waxaanu yidhi “Barnaamijkan waxa aanu doonaynaa inay ka soo baxaan fanaaniintii iyo mu’lifiintii na bedeli lahaa…”

“Waxaanu ugu talo galnay barnaamijkan in lagaga baxo fanaaniinta yar yar ee markii ay heeso waayeen heesihii dadka bililiqaysanaya”sidaana waxa yidhi Abwaan Xasan Qawdhan oo shirkaasi ka hadlay.

Kenya: Dhinacyada iska soo hor jeeda iyo wada hadlada awood-qaybsiga talada dalka

Nairobi (Ogaal)- Xisbiga Mucaaradka ah ee dalka Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, ODM, ayaa shalay ku dhawaaqay in ay diyaar u yihiin awood-qaybsi lagu soo gebogebaynayo qalalaasaha ka taagan dalka Kenya.

Sida uu ku soo waramay Barkhad Maxamuud Kaariye, oo ku sugan Magaalada Nairobi, wada hadallada lagu dhexdhexaadinayo Madaxweyne Kibaki iyo Raila Odinga, oo maanta mar kale ka furmaya Magaalada Nairobi, ayaa la filayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan sidii loo samayn lahaa awood-qaybsi maamul oo labada dhinac ah. Kaas oo lagu wado in kooxda dhexdhexaadinta ku hawlan ee uu hor kacayo Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, ay maalinta berri kulan gaar ah la qaataan Xildhibaanada Barlamanka, kuna war geliyaan.

Japhet Kareke oo xubin ka ah Xildhibaanada Xisbiga ODM kaga jira Barlamanka dalka Kenya, ayaa Saxaafadda u sheegay in haddii laga fursan waayo awood-qaybsi maamul ay Xisbi ahaan diyaar u yihiin. “Madaxweynaha iyo Mudane Raila ayaa hadda wada-hadal u socdaa, waanu taageeraynaa awood-qaybsi haddiiba loo baahdo” ayuu yidhi Japhet.

Hase ahaatee, Raila Odinga laf ahaantiisa oo shalay Saxaafada la hadlayay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Xal qaran oo la gaadho, balse ma sii faahfaahin xalkaasi waxa uu noqon doono. “Ka sheegi maayo haddalada dhexdhexaadinta Saxaafadda horteeda” ayuu yidhi Mr. Odinga.

Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Koffi Annan, oo hoggaaminaya kooxda dhexdhexaadinta, ayaa ilaa badhtamaha bishan aynu ku jirno ee Februay u qaybtay labada dhinac, inay xal kaga gaadhaan qoddob ka mid ah qodobada laga doodayo, oo ku saabsan Doorashada Kibaki.

Ka feker talaabo soo dedejin karta Ictiraafka Somaliland

Axmed Saleebaan Dhuxul

Somaliland dawladnimadeeda waxa taam ka yeelaya ama ay si fiican u buuxsamaysaa marka ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalami ah. Kaas oo ah mid ay rajaynayaan muwaadiniinta Somaliland. Dib hadaan u milicsano tan iyo markii ay xoriyadeeda la soo noqotay Somaliland 1991-kii, waxay soo martay laba marxaladooda oo kala ahaa waqtigii dawladnimadu ay ku salaysnayd wax qaybsi hab-beeleed, lagana soo gaadhay in la sameeyo Dastuur Qaran oo afti dadwayne lagu ogolaaday.

Dastuurkaasi wuxuu daah-furay ku-dhaqanka nidaamka xisbiyada badan ee dimuqraadiga ah, ee xukunka dalka loo tartamayo, kaasoo bedelay nidaamkii dawlad beeleedka ahaa. Waxaana qaadashada axsaabta badan uu ahaa marxaladii labaad ee dalku uu soo maray. Waxaana talaabooyinkaas ay qaaday dalka Somaliland, mar walba ay ahaayeen kuwo beesha caalamka u muujinayay in Somaliland ay samaysatay wax la taaban karo, una baahan in la dhiiri-geliyo si ay u adkaadaan nabadgelyada iyo waxa ay samaysteen. Markii aan la abuurin nidaamka dimuqraadiyada ee dalkan, hadal-haynta beesha caalamku waxay ahayd mid aad u yar. In kasta oo ay jireen codad Somaliland ku ammaanay nabadgalyada ay samaysteen. Halka dalkii hore ee laysku odhan jiray Soomaaliya ilaa maanta u degi la’yahay, iyadoo dhab ahaana kala duwanaanshaha labada umadood ay tahay oo keliya, siyaasiyiintii reer Somaliland oo ka tanaasulay damacoogii siyaasadeed, taladiina ku wareejiyay hogaankii dhaqanka, halka Soomaaliya laga waayay siyaasi tanaasula oo damaciisa dib-u-dhiga, taasi oo keentay in is qab-qabsi siyaasadeed uu yimaado.

Haddaba, marxalada nabada iyo dawlad beeleedka ay ku heshiiyeen reer Somaliland iyadoo tixgelinteeda ay lahayd, ayaa haddana aan marnaba la barbar-dhigi Karin waxa ay ku kasbadeen hanaan-qaadka dimuqraadiga ah ee uu haatan dalku ku socdo, waxaana kor-u-kacay dooda iyo hadal-haynta Somaliland ee beesha caalamka oo ah ha laga caawiyo xaga horumarinta gaar ahaana wadamada sida gaarka ah u daneeya dimuqraadiyada in lagu fidiyo adduunka. Waxaana muhiim ah dadka reer Somaliland inay ka fekeraan talaabooyinka soo dedejin kara aqoonsiga caalamka. Waa maxay haddaba taasi?

Waxaan ogsoonahay in Somaliland tahay wadanka Afrikaan ah, oo aan aqoonsi haysan, sabool ah, isla-markaana bilowday hir-gelinta dimuqraadiyada, iyadoo dhibaatooyinkaasi oo dhami jiraan, waxaana inta badan wadamada Afrikaanka ah ee ku dhaqma dimuqraadiyada lagu xantaa, amaba lagu eedeeyaa in si dhab ah aanay ugu dhaqmin nidaamka dimuqraadiga ah. Waxaana dhacda dalalka Afrikaanka ah in mar walba ay dhacdo xisbiga talada hayaa in doorashooyinka iyo loollanka ololaha doorashada ay uga faa’iidaystaan awooda dawladeed ee ay gacanta ku hayaan. Tasaale ahaan, wadanka Kiiniya oo ah wadan dhaqaale ahaan wanaagsan, saldhigna u ahaa dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Afrikada Bari ay ka wadaan wadamada reer Galbeedku, ahna wadanka saldhig kale u ahaa Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kaleba, in kaalintii laga filayay xaga horu socodsiinta dimuqraadiyada ay ku fashilmeen. Ka dib markii xisbiga talada haya ee Kibaki lagu eedeeyay inuu maroorsaday natiijada doorashooyinka ka dhacay Kiiniya, iyada oo la aaminsan yahay in uu doorashada helay hogaamiyaha Mucaaradka ee Rayla Odhinga oo xataa doorashadii ka hor saadaasha cod-qaadida lagu cadeeyay in Madaxweyne Kibaki lagaga horeeyo, waana ta maanta ka dhigtay Kiiniya wadan looga cabsi qabo inuu dagaal cagaha la galo, waxaana uu lumiyay hankii beesha caalamka ay u haysay Kiiniya. Tan maanta Kiiniya ka dhacday, iyo muranadii doorashooyinkaasi dhibaatada gelisay marka la barbar-dhigo Somaliland waa mid soo martay. Marka la eego doorashooyinkii Madaxtooyada ee Somaliland 2003-dii. Hase ahaatee, tanaasulaadkii 80-kii cod uu kaga tanaasulay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa keentay nabadgelyada ay ku dhamaatay. Waxaana dadka siyaasada qiimeeyaa ay tanaasulkii Siilaanyo ku xardheen caalamad dahaba oo uu kaga duwanaaday siyaasi kastoo Afrikaana oo u taagan tartan Madaxweyne-nimo. Waana talaabo uu dadka iyo dalkaba gashaday. Marka haddaba Somaliland ay taagan tahay halka maanta ay taagan tahay. Waxa ina horyaala maadaama aynu aqoonsi doonayno maxaa la idiinka baahan yahay in aad samaysaan garnaqsi aan ka warwareeg lahayn oo aad u soo bandhigtaan.

Taasi waxaa weeye labada xisbi ee mucaaridka ah oo midkood uu helo guusha cod-bixiyeyaasha, Xisbiga talada hayaana uu si nabadagalyo ah ku wareejiyo. Macnaha ay arrintani samaynayso ayaa ah mid marka hore si wayn indhaha caalamka u soo jiidanaysa waayo, wadan aan la aqoonsan, aan dhaqaale lahayn oo Afrikaana oo uu ka dhacay isbedel siyaasadeed oo dimuqraadi ah, waa calaamad u taagan dhab ugu dhaqanka dimuqraadiyada, waana rikoodh cusub.

Hargeysa: Dayaca Danyarta iyo Dayma La’aanta Dawlada,

Hargeysa (Ogaal)- “Meeshan waxaanu naalay muddo badan, hadaanu naalayna wax na eega iyo wax naga warhayana maanu arag, haday Xukuumad tahay, haday Hay’adaha samafalka tahay iyo haday ganacsato tahayba maanaan arag. Marka laga reebo Samawada oo Illaahay noo soo diray.” Sidaa waxa tidhi Hooyo ka mid ah dad danyar ah oo degan Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa, oo u waramaysay koox Wariyayaal ah oo xaafadaas iyo xaafada kale oo ka tirsan Magaalada Hargeysa socdaal shaqo ku soo maray shalay. Hadaba warbixin uu ka diyaariyay Wariye kooxdaa wariyayaasha ah Wargeyska Ogaal ula socday, warbixintaasina waxay ku bilaabantay sidan. “Carruur tiradoodu kor u dhaafayso kumanyaal, ayaa ku dayacan daafaha Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay dhaleen amaba ka soo jeeda qoysas sabool ah, oo xataa qaarkood aanay heli karin mid ka mid ah cuntada saddexda wakhti la cuno. Isla markaana aan awoodi karin in ay ilmahooda u helaan xuquuqdiisa aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka iyo waxyaabaha kale ee ay xaqa u leeyihiin, iyada oo qaar badan oo ka mid ahi aanay ku jirin hoy (shelter) ama guri, ay kaga gaban karaan Dhaxanta, Roobka Bacadka, Balaha iyo wixii la mid ah, halka qaar kalana ay kaga jiraan buulal aan si dhamaystiran u dhisnayn, oo aan ka celin karin waxyaabahaa aynu kor ku soo sheegnay, iyada oo wakhtiyada qaarkood ay halis ku galaan in ay dabayluhu kaba dulqaadaan. Hase ahaatee, iyada oo dhibaatada dadka danyarta ah haysataa ay badan tahay, isla markaana aanay ahayn wax maqaal iyo laba lagu soo koobi karo ama maalin la wada arki karo. ayaa waxaanu socod ku tagnay Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa, oo ay dawladu dad badan oo danyar ah dejisay, kuwaas oo qaybo ka mid ahi ka soo noqdeen qoxoontiyadii, sida Itoobiya iyo meelo kale oo la mid ah. Waxaanu kula kulanay Xaafadaas dad tiro badan, oo duruufta iyo baahida ku xeeran aad korkooda ka dheehanayso. Waxaanu aragnay Dugsi Hoose, oo qaar ka mid ah caruurta danyarta ah ee Xaafadaasi wax ku bartaan, kuwaas oo qaar ka mid ahi dibada fadhiyaan, ka dib markii ay qaadi wayday Makhsin Sandaqad ah, oo aad u kooban, isla markaana ay xadiga ardayda dhigataa ka badan tahay 400, oo caruurta danyara ah. Iskuulkaa yar ee Sandaqada ah, waxa gacanta ku haysa Hibo Aadan (Samawada), oo si tabaruc ah ugu hawlgasha dugsigaas iyo kuwo kale oo ku yaala Xaafadahaasi 150-ka. iyada oo aan wax lacag ah ka qaadin carruurtaasi, oo ilaa 6 Macalin ay wax u dhigaan, ayaa barta culuun kala duwan oo isugu jira diini iyo maadi labadaba. “Waxaanu nahay macalimiin ku tabaruca aqoontooda, Samawadi intii ay halkan ka hawlgalaysayba waanu la hawlgalaynay. illaahay ayaanu ku mahadinaynaa maanta in aanu dhismahan yar helo, intii hore xataa sandaqadan maanaan haysan ee imika ayaanu helay, ka horna waxaanu wax ugu dhigi jiray waab. Waxaanu u soo jeedinaynaa Wasaaradda Waxbarashada in wixii karaankeeda ah dhinaca waxbarashada inay naga taageerto.” Sidaa waxa tidhi Hibo Carab Cismaan, oo ka mid ah Macalimiinta Carruurtaasi danyarta ah si lacag ah wax ku waxbara.

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Hibo Aadan (Samawada), oo iyadu si gaar ah gacanta ugu haysa daryeelka waxbarasho ee ubadkaas, oo iyadu ka xog-warantay waxqabadkeeda, iyo sida ay duruuftu dadkan u hayso, iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxa ay tidhi, “Way adag tahay duruufta dadkani ku nool yahay, oo qaar ayaan helin mid ka mid ah cuntada saddexda wakhti. Ubadkani markii hore dhagaxanta ayay ka ururin jireen buurahan hareeraha, taas oo iyaga iyo hooyooyinkood wiigag ku qaadan jirtay, ka dibna ay masaariif ka dayi jireen, ayaan arkay, ka dibna waxaan go’aansaday wax kasta oo ay igu qaadanayso, in aan waxbarasho u raadiyo, qaybahan dhan ee bulshada ka mid ka ah ee dayacan.” Sidaa ayay tidhi Samawadi, waxaanay aad ugu mahad naqday Hay’adda Warld Fission, oo ay sheegtay inay jiingada iyo looxa ku dhisan sandaqada yar iyo laba Sandaqadood oo kale ku caawiyeen, iyo xubno kale oo ay sheegtay in ay ka gacan qabteen dhismayaashaasi. Hibo Aadan (Samawadi), waxa ay gacanta ku haysaa ubad tiro badan oo aan qoysaskoodu waxba haysan iyo sidoo kale toban caruur ah oo aan hooyo iyo aabo toona lahayn oo ay ururisay, isla markaana ay ku quudiso gurigeeda.

Samawadi waxay ugu baaqday Xukuumada Somaliland iyo Hay’adaha samafalka in ay ka hawlgalaan sidii dadkaa dayacan wax loogu qaban lahaa, “Madaxweynuhu, ka taajirka ah iyo ka faqiirka ah ee aan waxba haysan isaga ayaa u Madaxweyne ah, masuuliyada ummadan dayacani isaga ayay dusha ka saaran tahay. Markaa, waxaan u soo jeedinayaa in uu dadkiisan dhibaataysan hoos u eego.” Sidaa ayay tidhi Hibo Aadan. Hase yeeshee, waxaanu goobtaa uga gudubnay Goob kale oo taasi la mid ah, kuna taala duleedka Xaafada Geerash Aw Aadan, oo uu ka dhisan yahay dugsi yar oo kaa hore la mid ahi oo duruuf ahaan la siman kaa hore ee aan soo xusnay. Sidoo kale waxaanu soo aragnay 10 Carruur ah, oo la wada daadiyay, ka dibna ay Hibo Aadan (Samawadi) soo ururisay, iyada oo ku quudisa gurigeeda, oo ku yaala Xaafada Xawaadle ee Magaalada Hargeysa. Carruurtaasi 10 ka ah ayaa isugu jira kuwo dhawr sanno jiray, kuwo ka sii yar yar iyo kuwo imika la sido, oo inamo iyo hablaba leh.

Hadaba dadka muwaadiniinta ah ee ku dhaqan Caasimada, isla markaana awooda u leh in ay dadkooda dayacan wax taraan, Xukuumada iyo Hay’adaha deeqda bixiya, ayaa looga baahan yahay in ay wax u qabtaan dadkaasi, oo baahidoodu aad u badan tahay, iyada oo aanay kaliya ku koobnayn intaas dadka baahani, waxa iyaguna jira kuwo aan xataa nasiib u yeelan inay helaan jiingad yar oo ay wax ku bartaan ubadkoodu.

Muqdisho: Dagaalo ka dhacay caasimadii Geerida

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka) – Dagaal culus oo la isku adeegsanayo qoryaha noocyadooda kala duwan iyo madaafiic ayaa shalay ka dhacay isgoyska howlwadaag ee magaalada muqdisho.

Dayaanka rasaasta iyo madaafiicda dagaalkaasi ayaa si weyn looga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho, waxana wararka aanu ka helay dagaalkaasi oo u dhexeeya xoogaga wax iska caabinta ee ka soo hor jeeda dawlada Cabdilaahi Yuusuf iyo culufadeedu ay tibaaxeen in qaar ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee isticmaalayay deegaanada dagaalku ka dhacay ay haleeleen madaafiicda la isu adeegsaday.

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay madaafiic ku weerareen xarun ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin warshada baastada ee magaalada Muqdisho.

Wararka laga soo xigtay dad degan goobaha ka agdhaw warshada Baastada ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay jawaab ka bixiyeen madaafiicda lagu riday. hase ahaatee ilaa xalay saacadihii danbe ma cada khasaaraha dagaaladaasi.

Baadi-goobka Saliida Somaliland iyo dhawaaq ka soo yeedhay Oslo (Norwa)

Duqa Degmeda Berbera oo Ka Xog-waramay hawlaha D/Hoose

Hargeysa (Ogaal)- Duqa Degmeda Berbera Cabdillaahi Maxamed Carab, ayaa shalay ka xog-waramay habsami u socodka hawlaha dawlada Hoose ee Berbera iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay qabtaan wakhtiyada soo socda.

Maayarka degmeda Berbera, Mr. Cabdale, waxa uu sheegay in dawlad hoose ahaan ay gacanta ku hayaan dhismaha wadada Madaarka Berbera, oo qayb ka mid ahi aanay dhisnayn, isla markaana ay diyaar u yihiin wax ka qabashada gudaha magaalada. Isaga oo Xusay in ay dhir ku beeri doonaan dhinacyada wadooyinka iyo meelaha ili qabatayga ah, si bilicda magaaladu kor ugu kacdo. Duqa Berberi, waxa uu sheegay in hagaajinta xashiishku ay tahay waajib saaran dawlada hoose, “Xashiishku waa hawsha maalin laha ah ee aanu qabano shaqada ugu muhiimsan ee dawlada hoose, taa weeyaan waana waajib na saaran.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha deegaanka Berbera, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in dawlad hoose ahaan ay u qorshaysan tahay ka qayb-qaadashada dib u habaynta iyo wax ka bedalka dhuumaha biyaha keena Berbera, oo ah kuwo muddo badan shaqaynayay iyo ceelasha biyaha qaar ka mid ah oo aasmay, isaga oo carabka ku dhuftay in ay doonayaan in shacabka reer Berberi wax ku yeeshaan biyaha, isla markaana ay dawlada kala qayb-qaataan maamulka iyo biyo galinta magaalada.

“Madaxweynaha waanu la kulanay mid dardaaran ah ayaanu na faray…”

Xubin ka mid ah gudiga doorashada

Hargeysa (Ogaal) – Eng. Axmed Maxamed Xaaji oo ka mid ah gudiga doorashada ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay gudi ahaan ula kulmeen islamarkaana uu u soo jeediyay inay in dalka diiwaan gelintu mar kaliya ka wada dhacdo.

Eng Axmed isaga oo arrimahaa faah-faahinaya waxa uu yidhi.“Sida runtu tahay waanu la kulanay Madaxweynaha, waxa kaliya ee aanu ka wada hadalnay waxa ay ahayd in si dhakhso ah loo bilaabo arrimaha doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta oo aanay dhicin wax danbe oo dib u dhac ah. Maadaama adduunka oo dhami isha inagu soo hayo.

Mid dardaaran ah oo kaliya ayuu na faray, oo ah in nidaamka xeerka diwaan gelinta la raaco sida uu yahay oo aan cidina bedeli Karin, sida sharcigu dhigayo. Sidaasi oo ah in haddii ay bil noqoto laga wada bilaabo lixda gobol mar kaliya oo aanay suurto gal ahayn in gobol walba shan cisho lagu dhamaystiri karo. Intaasna anigu uma arko wax dhibaato ah iyo in lagu tilmaamo faro-gelin. Madaxda dalka iyo waxgaradka kaleba tallo way ka geysan karaan, oo waa arrin ummada ka dhaxaysa.

Waxaanad ogaataan in aanay jirin cid nagu amri karta ama nagu khasbi karta sida uu rabo, kana aamusimayno,waliba anigu. Waxaase wanaagsan in sida wax u jiraal loo sheego.

Waad ogtihiin in wax lacag ah oo maanta naga xidhani aanay jirin oo dibad khusaysaa, gudaha se war uma hayo, laakiin lacag aanu ku hawl galnaa waa diyaar.

Haddii aan runta u soo noqono dhibaatada jirtaa maaha cid kale ee waa Komishanka Qaranka guddihiisa, taas oo qayb gaar ahi hor joogto nidaamkii Computarka ahaa ee lagu shaqayn lahaa in la helo nidaam tayo leh oo dalkeenana anfaca mustaqbalka oo aynu ka faa’iidaysano wakhtigan kharashka la inoo ogolyahay, waxaanu rabnaa nidaamka ugu wacan in aanu ka doorano marka sharaa’igu u tartamayaa ay soo bandhigaan nidaamadooda kana xulano ka ugu tayo fiican. Laakiin saaxiibaday nidaam shandad madow lagu sido ayay la cararayaan oo aanay wali cidina arag xitaa. Anigu maan fahmin waxa ay u diidayaan iyo waxa loogu balan qaaday in wax kastaa noqdo caddaan oo la soo ban dhigo si cad. Soomaalida ayaa tidhaahda nin hagoog xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa.

Waxa kale oo aan idiin cadaynayaa Udub iyo Ucid sidii guddoomiye-ku-xigeenkoodu sheegay in aanay shan cisho ogolayn iyo wasaaradda daakhiliguba oo qayb wayn ku leh diiwaan gelinta.

(Waxaan xusuustaa intii aanan dalka soo degin waxaan maqli jiray, Somaliland shisheeyahaa yidhaahda, dalkan dadkiisii ma joogaan).”

Obama oo boodhka ku liqay Hillary Clinton

Washington (Guardian)- Mr Barack Obama, oo jagada musharraxnimada Xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka kula tartamaya Mrs Hillary Clinton, ayaa xalay si wayn ugaga guulaystay xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka afar gobol oo shalay cod-bixintu ka dhacday.

Gobollada Nebraska, Washington, Louisiana, iyo weliba Virgin Islands, ayaa guusha uu ka gaadhay Mr Obama waxay la-yaab ku riday guddiga u olaolaynaysa Mrs Hillary Clinton. Iyada oo aanay weli dhamaanin tirintii codadku ayay taleefishanada ugu waawayn Maraykanku shaaca ka qaadeen inuu gobolladdaas ku guulaystay Mr Barack Obama. Sidoo kale, tartanka musharrixiinta Xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa waxa yax-yax ku noqotay Mr John McCain oo maalmo yar ka hor isku magacaabay inuu yahay isaga ninka ay xisbigiisu u magacaabayaan musharraxa madaxweynenimo, ayaa guuldarro balaadhani waxay ka soo gaadhay Gobolka Kansas, taasoo uu kaga adkaaday Badhasaabkii hore ee gobolkaas Mike Huckabee, isla markaana waxay aad isugu dhawaayeen cod-bixintii gobolka Louisiana. Inkasta oo ay Mrs Clinton tartankan ku bilawday Sabtidii iyada oo ka horaysa Mr Obama lixdameeyo cod, ayaa Gobolka ugu muhiimsanaa Washington, oo Kooxda Mrs Clinton ay filayeen inay ka helayaan natiijo aad ugu dhaw ta Mr Obama, waxa ka soo baxay natiijo aan la sii saadaalin. Waxaana lagu sheegay in guuldarrada ka gaadhay labada gobol ee Washington iyo Nebraska ay aad u saraysay. Isla markaana guulaha uu ka gaadhay Mr Obama gobollada Washington iyo Nebraska waxa la sheegay inay mar labaad muujinayaan awoodda uu Mr Barack Obama u leeyahay inuu soo gaadho tartamayaasha caddaanka ah, xataa iyada oo Gobollada Nebraska iyo Washington dadka dega ay 90% caddaan yihiin.

Dhinaca kale, Mrs Hillary Clinton, ayaa casishay guddoomiyihii kooxda ololeheeda hoggaaminaysay Patti Solis Doyle, kaasoo ay ku bedeshay ninka mudada dheer kaaliyaha u ahaa ee Maggie Williams. Warku ma kala caddayn sababta tallaabadaa ka dambaysay, balse waxay casilaadani ku soo beegantay maalin keliya ka dib markii ninka ay ololaha murashaxnimada madaxweynaha kula loolamaysay ee Barack Obama uu si wayn ugaga guulaystay doorashadii gobollada Washington, Nebraska, Louisiana iyo Virgin Islands.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: