Wararka Wargeysa OGAAL, cadadkii Maanta, Axad, 10 February

Dariiqii dheeraa ee Maraykan ku kalifay inuu u soo jeedsado S/land “Somaliland waxa hay’adeeda Sirdoonka dhaqaale ahaan taageera Maraykanka”

Hargeysa (Ogaal)- Wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa warbixin dheer oo uu cadadkiisii shalay daabacay, waxa uu ku muujiyay in Maraykanku Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ka taageero dhaqaalaha ku baxa ciidamada sirdoonka. Wargeysku waxa uu qoraalkiisaa ku muujiyay in hawlgallada la-dagaallanka waxa loogu yeedho argagixisada ee uu Maraykanku horkacayo, ay u muuqdaan markan inay kor u soo qaadaan rajada Somaliland ka qabto in beesha caalamku u aqoonsato dal gaarkiisa u taagan oo dunida ka mid ah. Ka dib markii dawladda Maraykanka ay ku adkaatay inay Soomaaliya ku soo dabaalaan amaan.

“Markii uu Maraykanku ku khasaaroobay oo uu faro-madhnaan ka istaagay koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, ayuu dareenkiisa u soo wada-leexiyay waqooyiga (Somaliland). Somaliland, oo hore u ahaan jirtay Maxmiyadii Ingiriiska, oo ku dhawaaqday madaxbanaanideeda 1991, halka Puntland, oo ku taala cidhifka ugu dambeeya Afrika-na, ay ku dhawaaqeen dawlad-goboleed ka mid ah Soomaaliya sannadkii 1998. Labada maamulba waxay leeyihiin hay’addahooda sirdoonka ah; labadabana hay’addahooda sirdoonka waxa dhaqaale ahaan taageera Maraykanka.” Ayaa ka mid ahayd qoraalkii Wargeyska The Independent.

Wargeysku isaga oo faahfaahinayay hawlgalladii Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya, oo uu u arko faranta saddexaad ee uu kaga jiro dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeedho argagixisada, ayaa wargeysku waxa uu ka soo bilaabay horaantii sagaashameeyadii, taasoo marka loo dhabo-galo muujinaysa sababaha gundhiga u ah in Maaykanku u soo janjeedhsado dhinaca Somaliland, oo bilahan ugu dambeeyay si wayn loo dareemay xidhiidhka ka dhexeeya.

Wargeyska The Independent, oo qoraalka maqaalkiisani aad u dheeraa, waxa uu ku yidhi; “Tan iyo markii ay Ameerikaanku ka baxeen dalka Soomaaliya sannadkii 1993-kii, laamaha sirta ee Maraykanku waxay ka hawlgalayeen Soomaaliya. Inkasta oo aanay maanta joogin magaalada Muqdisho diyaaradihii Black Hawk ee helikobtarrada ahaa, oo aanay jirin Ciidamo Qaramada Midoobay ka socda oo jidadka maraya, ayaa haddana 15 sannadood ee la soo dhaafayba Maraykanku uu indho-dheer ku hayay Soomaaliya. Wakiillada Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), ayaa ka shaqaynayay magaalada Muqdisho. Kooxo silsilad isku xidhan ahaa ayaa magaalada wararkeeda gudbinayay. Ciidamada Maraykanku waxay ugu yaraan qaadeen afar weerar oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya 12-kii bilood ee la soo dhaafay. Markii ugu dambaysay Maaykanku ay yimaadaan Soomaaliya, waxay ku yimaadeen qaab balaadhan, isla markaana boqolaal ciidamada mariinada Maraykanka ka mid ahaa ayaa xeebaha Muqdisho ku raaxaysanayay, kuwaas oo wararka taleefishanada si toos ah looga daawanayay, halka iyaguna ay war-saxaafadeedyada hawlgalladooda la xidhiidha ka soo saarayeen. Hase ahaatee markan may jirin war-saxaafadeed ay ciidamada Maraykanku soo saarayeen. Si rasmi ah Maraykanku saamayn uguma laha Soomaaliya xilligan. Balse, haatan dagaalkoodani waa sir, isla markaana Soomaaliya waa faranta saddexaad ee dagaalka argagixisadda caalamiga ah. Sidoo kalena waa dagaal ay Maraykanka iyo xulufaddiisu ku khasaaroobeen.

Maraykanku dagaalkooda ay kala horjeedaan argagixisada waxay Soomaaliya muhiimka ugu noqotay tan iyo intii la qarxiyay safaaraddihii Maraykanka ee Afrikada Bari, kuwaas oo raga ay ku eedaynayaan lagu sheegay inay Soomaaliya joogaan. Balse, ka sokow liiska magacyada ay raadinayaan ee kala ah; Fazul Abdullah Mohammed, Abu Talha Al-Sudani iyo Saleh Ali Saleh Nabhan, waxay aaminsan yihiin in Soomaaliya ay hoy u noqon karto shabakaddaha ay ugu yeedhaan argagixisada. Sidoo kalena, maxaakiimtii islaamiga, ee Soomaaliya laga saaray ayaa iyagana waxa kaga jiray ragga ay raadinayaan Xasan Daahir Aways oo looga shakisan yahay inuu argagixisada ka mid yahay, iyo Aadan Cayroow, oo ah hoggaamiyaha Al-shabaab, oo ah garabkii milatariga maxaakiimta, kaas oo isna lagu eedeeyay inuu tabobaro kula soo qaatay dalka Afgaanstaan Osama bin Laden, isla markaana yahay wakiilka Al-qaacidda u qaabilsan Bariga Afrika.

Markii maxaakiimta laga saaray Soomaaliya, waxay ku ballanqaadeen dagaal muddo dheer socon doona, ka dib markii ay dagaalladii lagaga nadiifinayay awoodu ay bilaabmeen. Balse, aakhirkii dagaalyahankoodii maalmo yar gudahood ayaa lagu waayay. 28 December 2006, ayuu Sheekh Shariif Axmed, guddoomiyihii maxaakiimta ayaa qiray in laga adkaaday. Badiba hoggaamiyeyaashii maxaakiimtuna waxay u yaaceen kaam tabobarrada ahaa oo ku yaalay cidhifka koonfureed ee Ras Kamboni. Dagaalyahankii way qarsoomeen, waxaanay dib ugu milmeen Muqdisho. Maraykanku waxay qaadeen weerarkoodii koowaad 7 January 2007 – kaasoo ahaa kii koowaad ee ay qirtaan inay Soomaaliya kaga hawlgalayaan milatari ahaan tan iyo 1994-kii. Laba ka mid ah diyaaraddaha dagaalka ee nooca AC-130 ayaa dul-haadayay oo duqeeyay kolanyo gaadiid ah, kuwaas oo dhexmarayay Ras Kamboni, oo ah tuullo-kalluumaysi yar oo ku dhaw xuduudka Kenya. Koox ka socday ciidamada Maraykanka khaaska ah, oo saldhigoodu Kenya yahay ayaa duqayntaa ka dib ku degay dhulkaas, kuwaas oo amar ku haystay inay laayaan cid kasta oo dhulkaa maraysay, oo aan ku dhimanin duqayntoodii. Isla markiiba waxa shaaca laga qaaday inuu hawlgalkaasi guulaystay. Kuwa weerarkaa lagu qaaday waxay ahaayeen hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka tirsan Al-Qaacidda, ayaa laga sheegay Xarunta Pentagon. Dawladda Soomaalidu waxay sheegtay in la dilay Fazul; Masuuliyiin Maraykan ahina waxay mar dambe u sheegeen Wargeyska New York Times inuu Aadan Cayrow dhintay oo la dilay. “Aad muu ahayn, balse hawlgalkaas waa lagu guulaystay,” ayay tidhi Mrs Frazer. Hase ahaatee, farogelinta Soomaaliya ay ku sameeyeen waxay ahayd mid caddaan ah. Mashkiladda keliyi waxay ahayd in sida ay sheegeen dadka Soomaalida ah, ee ay caddeeyeen diblomaasiyiin reer galbeed ah iyo hay’addaha gargaarka ee Nairobi degeniba, aanay dadkii duqaynta Maraykanka ku dhintay ku jirin cid maxaakiimtii ka tirsanayd. Bedelkoodiina ay halkaa ku dhinteen kooxo reer baadiye ahaa, oo kaneecadii kaymoolayda banaanka uga soo baxay. Mr Fazul weli wuu nool yahay, sidoo kalena Cayroow wuxuu dib ugu noqday Muqdisho si uu u hoggaamiyo dagaalyahanka Muqdisho. Duqayn dheeraad ah oo cirka ahayd ayay haddana Maraykanku qaadeen mar bishii January ahayd iyo mar bishii March ahaa. Goor dambe ayaa markaa lagu andacooday in la dilay Mr Al-Sudani oo uu ku dhintay mid ka mid ahaa weeraraddaas duqaynta ahaa. Mar kale, muu jirin diblomaasi Maraykan ah oo beeninayay xaqiiqdii jirtay. “Cidnaba may helin,” sidaa waxa yidhi masuul Yurubiyaan ah. “Weeraraddaasi xaqiiqdii waxay ahaayeen uun burbur balaadhan.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Markii uu Maraykanku ku warhelay xawligii ay ku socdeen maxkamadduhu ka hor intii aanay awoodda Soomaaliya badideeda qabsanin, waxa khasab ku noqotay Maraykanku in Hay’adooda Sirdoonka CIA ay dib u raadsato raggii liiska ugu jiray, kuwaas oo ay markan u arkeen inay gacan-saar la yeelan karaan xataa iyaga oo ahaa isla qab-qablayaashii dagaal ee Maraykanka cadaawadu ka dhaxaysay. Wakiillada CIA-du intay soo fadhiistaan garoon-diyaaradeed u dhaw Muqdisho ayay ku wareejiyaan dagaal-oogayaashaas boorsooyin ay ka buuxaan lacagta noodhaadka $100-ka Maraykanka ah oo cusub. Waxaanay Maraykanku ka doonayeen isla dagaal-oogayaashii iyaga Soomaaliya ka saaray inay lacagtaa kula dagaalamaan maxaakiimta. Iyaguna waxay samaysteen ururkii la-dagaalanka argagixadda, balse waxba kumay guulaysan karayn xilliggaas, oo intii qabqablayaasha-dagaal ay huteelada Nairobi ku raaxaysanayeen ee shirkii 14aad ee dib u heshiisiinta Soomaaliya socday ayay aad u xoogaysteen xoogagii maxkamaduhu. Istaraatiijiyaddaasi way socon wayday. Maxaakiimtii ayaana jebiyay dagaal-oogayaashii Maraykanku ka dambeeyay. Markii ay tageen dagaal-oogayaashii Muqdisho waxay ku jirtay wax aanay muddo dheer arkin – nabadgelyo iyo amaan xasiloon. “Jidadka Muqdisho waxay la ceeryoonsanaayeen haween iyo caruur,” ayuu yidhi Eric Laroche, madaxa xidhiidhiyaha QM ee Somaliland/Soomaaliya. Waxaanu intaa ku daray, “Caruurtu waxay ciyaarayeen kubadda cagta. Khubarada u dhuun-daloosha siyaasadda arrimaha bariga Afrika, ayaa qaar ka mid ahi waxay aaminan yihiin in khasaarahaa badan ee isdaba-jooga ahaa ee Maraykanku uu kala soo kulmayay Soomaliya ay yihiin kuwa gun-dhiga u ah inuu ka tanaasulo dhinacaas oo uu iyaga bedelkooda la shaqeeyo maamulka furfuran ee Somaliland.” Ayuu wargeysku qoraalka maqaalkiisan ku soo gebogabeeyay.

Dhanka kale, warbixin dheer oo lagu soo bandhigay qorshaha Madaxweyne Bushka Maraykanka ee sanadkiisan ugu danbeeya ee uu xafiiska joogayo ayaa lagu sheegay in siyaasada Maraykanka ee ku aadan Gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka waxa loogu yeedho argagixsada aan guul lagaga gaadhin. Marka laga reebo Somaliland oo warbixintaasi ay ku tilmaantay inay tahay dallka qudha ee isaga oo aan Caalamka ka helin aqoonsi ku dhaqma dimuquraadiyad fur-furan, Islamarkaana uu yahay dalka kaliya ee nabadgalyada haysta.

Cali Geedi: Warbixin daaha ka rogtay laaluush uu ku qaatay Is casilaadiisii iyo guri qaali ah oo uu ka iibsaday Maraykan

Hargeysa (Ogaal/Independent) – Raysal Wasaarihii hore ee dawlada Mbeghati Cali Maxamed Geedi ayaa guri ka iibsaday magaalada Los Engals ee cariga maraykanka oo laga siiyay deganaasho iyo shaqo.

Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo wargeyska The Independent oo ka soo baxa wadanka Ingiriisku ka qoray xaalada Somaliya ka dib burburkii dawladii kali taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare ayaa daaha lagaga rogay fadeexado cusub oo ku saabsan sababihii lagu qanciyay iyo Laaluushkii Cali Maxamed Geedi ku bedashay xilkii Raysal Wasaare-nimo ee uu ka hayay dawlada Mbeghati, taasoo ka danbaysay khilaaf ba’an soo kala dhex galay mr Geedi iyo Cabdilaahi Yuusuf.

Wargeyska Independent cadadkiisii soo baxay shalay, qaybta uu arrintan ku lafo gurayo waxa uu ku yidhi. “Khilaafkii Yusuf iyo Geedi waxa uu meeshii ugu saraysay gaadhey markii Geeddi qaatay $32 million oo doolar oo wadanka Sucuudigu u soo dhiibey si loogu maareeyo dib u heshiisiinta Soomaalida. Muran iyo is mari waa ka dib ayaa Maraykanku soo dhex galay arrinta. Waxaana Cali Maxamed Geeddi looga yeedhay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itobiya, halkaas oo Saraakiil Maraykan iyo Itoobiyaan isugu jiraa ay kula yeesheen wada hadalo socdey laba maalmood, Iyadoo lagu qanciyay In uu iska casilo Xilka Ra’iisul wasaaraha. Taa badalkeediina waxa uu (Geeddi) helay in loo daayo wixii ka hadhsanaa lacagtii Sucuudigu ugu deeqay dawlada iyo in Maraykanku siiyo magan gelyo (asylum).” Ayuu yidhi Wargeysku.

Wargeysku waxa uu qormadiisa ku lafa guray in khilaafka labada masuul ee dawlada Kenya loogu soo dhisay Somalia ugu sareeyay kala dhexgalay uu sababay inaanay wax horu mar ah ka samaynin dib u heshiisiintii loogu talagalay.

Maadaama dhaqaale lagu kala saarayo masuuliyiintii dawlada ugu saraysay waxa wargeyku dhinaca kale ka iftiimiyay dhibaatada dadka shacabka ah haysata. “Ma jirto cid lacag ay Los Angeles ku tagto ka bixineysaa Xaawa Cali Cabdi. Waxay ku nooshahay geed hoostii, iyada iyo ninkeeda iyo laba carruur ah oo ay dhaleen oo midkood laba sanadood jiray. (Xuseen) iyo inan yar oo iyana saddex-bilood uun jirtay (Faadumo) Waxay ka soo carartay Muqdisho bishii Oktoobar (2007) ka ddib markii raxan raxan Itoobiyaan ahi ay weerar soo qaadeen si ay u magaalada uga saaraan kooxaha wax iska caabinta.

Wakhtigan waxay (Xaawa Cali Cabdi) joogtaa Afgooye oo 40km u jira Muqdisho, oo qayb ka ah meesha dadka soo barakacay ee dunida ugu badani ay ku xoonsan yihiin. Ma jiraan cunto iyo biyo. Goob faya dhowr Iyo meel gabbaad laga dhigto habeenkii. Xuseen (wiilka 2-jirka ah) waxaa la soo deristey nafaqa darro aad u daran waxaana hadda la geeyaa si loogu daweeyo meel xanaano ah, oo ay maamulaan dhakhaatiirta aan xuduuda lahayni

Xanaanadaasi waxa asaastay Dr. Xaawa Cabdi oo ah dhakhtarad Soomaaliyeed oo wax ku soo baratay Ruushka oo ku noolayd kana shaqayneysey Soomaaliya 17-sano oo ciqaab ah. “Dhammaan xaaladahii ka jirey Soomaaliya maanta ayey ugu daran tahay. Ma jiraan cunto, ma jiraan daawo, ma jiraan waxbarasho, ma jirto shaqo, ma jirto rajo. Dadku maalin kasta waa dhimanayaan. Waa Xasuuq si hoose loo cidhib tirayo. Hadda waa rajo dhignay, Rajo ma jirto” Ayay u sheegtay Wargeyska Dr. Xaawa Cabdi.

Wargeyska The Independent waxa uu tilmaamay isaga oo xiganaya Qaramada midoobay in dalka Soomaaliya marka loo eego xataa Darfur uu yahay meesha dunida ugu dhibaatada iyo qaxootiga badan.

Talaabooyinka Nuur Cadde,

Tuhunka Cabdilaahi Iyo Tiraabta Sh, Shariif

“Ra’iisal Wasaarahu in uu yidhi Al-Qaacidda oo ay yeelayaan hala hadlo. Waxaanse leeyahay Adduunkaa na qabsanayee sidee la yeelayaa”

Cabdilaahi Yuusuf

“Wada hadalka ka hor, waa in Nuur Cadde, Cadeeyaa go’aankiisa ku wajahan ciidamada Itobiya” Sh, Shariif Sh, Axmed

Nairobi [Ogaal]- Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Mbeghati ee Somalia Md. Nuur Xasan Xuseen [Nuur-cadde], ayaa xalay ka amba baxay Magaalada Nairobi, una kicitimay Magaalada Brussells oo lagu wado inuu kaga qayb galo Shir lagaga hadlayo sidii Ciidamo Caalami ah loogu diri lahaa Somalia.

Sida uu ku soo waramay Barkhad Maxamuud Kaariye, oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ra’iisal Wasaaraha oo ay weheliyaan Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, ayaa shirkan ay ka qayb galayaan oo ay isugu imanayaan qaar ka mid ah dawladaha deeqda bixiya ee Caalamka, waxa lagaga hadlayaa sidii Somalia loo gayn lahaa Ciidamo nabad-ilaalineed oo ka socda Beesha Caalamka, kuwaas oo la sheegay in lagu wado inay bedelaan kuwa Itoobiyaanka.

Ra’isal Wasaare Nuur-Cadde ayaa intii xilkan loo magacaabay qaaday talaabooyin u muuqda inaanu ku Farxin hogaamiyaha dawlada Mbeghati ee Somaliya, oo uu ku doonayo sida uu sheegay inuu wadda xaajood kula yeesho dhinacyada ka soo horjeeda.

Cabdilaahi Yuusuf Axmed Oo wareysi gaar ah siiyay TV-ga Af-Soomaaliga ku hadla ee Universal ayaa wuxuu ka hadlay isku dayada Nuur Cade ku raadinayo inuu wada xaajood kula galo kooxaha iska caabinta ka wada Muqdisho iyo sidoo kale waxa ka jira khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo labadooda oo ku saabsan goorta ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya Somaliya iyo waxa ay yeelayaan haddii uu dhamaado waqtiga u hadhsan Dawladda Federaalka ahi. “Haddii dib u heshiisiin la sameynayo waa in ay dowladda u dhamaataa, ma ahan qof kaliya in uu sameeyo, siyaasad dawladeed waa in ay noqotaa” Sidaas ayuu yidhi C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayay, hadal haynta isku dayada dib u heshiisiineed, islamarkaana waxa uu ku dooday Cabdilaahi Yuusuf in aanu jirin wax khilaaf oo u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddiisa marka laga reebo in ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta. “Ra’iisal Wasaarahu in uu yidhi Al-Qaacidda ayaan la hadlayaa Anigu ma maqal, haddey yeelayaan hala hadlo oo ay Al-Qaacidda ka hadhayaan, Laakiin Adduunkaa na qabsanayee sidee la yeelayaa” ayuu yidhi C/llaahi Yuusuf Axmed waxana uu intaa ku daray “Al-Qaacidda Dadka ay ku cadaatay iyo Shabaabka ay wataan lama hadleyno, laakiin dadka intiisa kale waa dadkii aan madaxda u ahayn ee aan u adeegeynay, waana la hadleynaa”.

Cabdilaahi Yuusuf waxa uu difaacay joogitaanka ciidamada Itobiya. “Ciidamada Itoobiyana bixi maayaan ilaa wadanka amni ka yimaado, kuwa kalena bixi maayaan, kuwo hor lehna waa la keenayaa, waxaa weeye shiddo uun bey koror sanayaane dadkani caqli ku filan haddii ay leeyihiin ficilka ay sameynayaan iyaga ayuu caqabad iyo laf dhuun-gashay ku yahay, Waa’ beyse garan doonaan” sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Yuusuf.

Dhinaca kale, Hogaamiyihii golaha fulinta maxkamadihii islaamiga ahaa ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareysi uu siiyay idaacada Shabelle ee magaalada Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin loo geysto dadka ku sugan magaalada Muqdisho, sidaasoo ay tahay waxa uu shuruud uga dhigay wadda hadal ay la galaan, inuu marka hore Nuur Cadde cadeeyo go’aankiisa ku wajahan ciidamada Ethiopian ee ku sugan gudaha dalka Somalia “Ma jirto wax dawlad ah oo ka jirta Somalia, waxa ka jira dalka xasuuq” ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Marka la isku soo munguuriyo aragtiyaha dhinacyadan waxa muuqata in xal loo helo arrinta Somaliya ay mudo dheer qaadanayso.

“Yaa Ka Mas’uul Ah Jaah-Wareerka Iyo Nidaam Xumida Ka Jirta Maddaarka Hargeisa?”

Axmed Aadan Cali (Goodir)

Hargeysa (Ogaal) – Axmed Aadan Cali (Goodir) oo ka mid ahaa gudigii hore ee Komishanka doorshada ayaa ka dayriyay xaalada madaarada dalka gaar ahaan nidaamka uu u shaqeeyo madaarka Hargeysa.

Goodir oo wakhtigan ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, waxa uu arrintaa ku faahfaahiyay qoraal uu shalay soo saaray. Waxana uu ku bilaabay. ” Mas’uul iyo Muwaadin kasta oo leh aragti Wadanimo wuu arkaa oo ujeedaa qaab-daradda, jaha-wareerka, is-dhexyaaca iyo walaahowga fawdada ku dhisan, kana baxsan habka Dawliga ah ee sugidda ammaanka Madaarka Hargaysa ee Cidhiidhiga ah, taasoo xiligan xaasiga iyo shaki ku noolka lagu jiro loo baahan yahay in si taxadir leh oo feejigan, isla markaasna Urursan looga gaashaanto adkeynta nabad-galyada Madaarka siiba marka la soo dhaweynaayo Marti Sharifan iyo Madaxda Sar sare ee Qaranka, kuwaas oo dhammaan badbaadadoodu tahay waajib lagama maarmaan ah oo saaran Xukuumadda.

– Waxa wax laga naxo ah, markaad aragto Dayuurad soo fadhiisatay oo sidda Wufuud ama Madax sare, iyadoo dhammaan wixii Dad jooge madaarka ay mar keliya xaggeeda si qaab-daran ugu wada yaacaan oo ay is-xoomiyaan albaabka Dayaaradda hoosteeda, lagana waayo meel banaan oo uu rakaabkii soo degaayey ama dhoofaayey ka dhaafi karo, taasoo khatar halis ah ku ah Dadka iyo Dayuuradaba, una soo jiidi karta Dalka sumcad Xumo iyo dhibaato aan laga soo kaban Karin, hadaan wax laga qaban Nidaam xumida la caadaystey ee Dayuuradda iyo Wefti ku xoonka ah, taasoo ah hab-dhaqan guud oo dhammaanba loo siman yahay, si gaar ahna loo nisbayn Karin, mas’uuliinta Maddaarka keligood.

– Waxa taas ka sii daran markaad aragto in wixii mas’uuliiin, Wariyeyaal iyo suxufiyiin ahaa ee Madaarka joogey ay dhammaan sida Shinida isku shubaan oo ay galaan qolka yar ee soo dhaweynta (VIP) ee cidhiidhiga ah, laguna wada dul-xoomo cidda mihiimka ah ee la waraysan rabo, iyada oo sanka iyo afka laga geliyo rikoodho badan loona diido xataa meel uu ka neefsan karo, halkii Suxufiyiinta loo habayn lahaa Kuraasi iyo meel haboon oo ay wax ka weydiin karaan oo durugsan. Sidoo kale mas’uulka la waraysan rabo loo sameeyo meel ku haboon oo uu uga jawaabi karo iyo jawi nefis ah oo xasiloon oon buug iyo faro taag-taag (Muuqda) toona lahayn.

– Ugu dembayntii, waxa xusid mudan hab-maamuuskeena Qaran ee aan Dur iyo Daabac toona kala lahayn, una baahan sixid iyo habayn waafaqsan nidaamka Caalamiga ah, waxaana yax-yax iyo weji-gabax leh markaad aragto wasiir ku-xigeen ka bar-bar hadlaaya Wasiirkiisa ama Wasiir ka daba hadlaaya meel uu joogo oo uu ka hadlaayey Shir-guddoonka Barlamaanku. Xataa Wasiiradu ma yaqaanaan sida ay baratakoolka u kala leeyihiin markay timaado hogaamin Wefti amaba ay xaflado rasmi ah ku kulmaan.

Waxaan sidoo kale, la aqoonin amaba la is-moodsiiyaa kaalinta sharifan ee ay Xildhibaanada Goleyaasha, Hogaamiyeyaasha Mucaaridka iyo Halgamayaashii SNM mudan yihiin, iyada oo ay dhacdo inaanba la xusin, laguna marti qaadin xafladaha Qaran ee rasmiga ah, inta markaas Xukuumadu danaynayso mooyaane.”

“Iftiinka arrimaha gudaha ka muuqdaa hogaamiya arrimaha debeda, markaa…”

“Xukuumaddu waa inay la timaadaa barnaamijkii iyo qorshihii ay ku hagi lahayd Dalka”

Hargeysa (Ogaal) – Xisbiga UCID ayaa shalay soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo dhibaatada ka dhacday deegaano ka mid ah Gobolka Awadal iyo waano la xidhiidha arragtida caalamka ka qabo wakhtigan Somaliland oo uu sheegay in loo baahanyahay in laga faa’iidaysto.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa afhayeenka xisbiga Ucid Md, Xasan Xuseen Maxamed {Codyare} waxa uu ugu horayn ka hadlay xaalada Gobolka Awdal. “Masiibadii dhawaan ku habsatay deegaamo ka mid ah G/Awdal oo ay ku leedeen dad iyo duuniyo fara badan, khasaara culusina ka soo gaadheen roobabkii qabawga iyo duufaanada watay ee ka da’ay jiidahaas oo aan hore looga baran Somaliland.

Arrintaas xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in ay u baahnayd in loo wajaho gurmad Qaran, lana ogaado mugga iyo baaxada iyo saamaynta ay ku yeelatay bulshoweynta halkaa ku nool.

Waxay ahayd in loo saaro guddi heer Qaran ah oo soo samaysa baahiyaha ka jira goobahaas, waana laga fiicnaa sida ay xukuumadu u wajahday, wixii ay meesha geeysayna waxaan ku cabiri karnaa dhiig joojin ee dhabtii lama gaadhin.

Waxaa muddooyinkan dambe marka laga eego isbedalka cimilada ee ilaa hadda la dareemayo jiritankeeda, in ay u baahantahay in loo saaro aqoonyahano ku xeel dheer isbedalka cimilada hadda si aynu uga foojignaano bulshadana looga wacyigeliyo.” Ayuu yidhi, isaga oo ka hadlaya arrimaha dibada waxa uu intaa ku daray. “Muddooyinkan dambe indhaha caalamku waxay ku soo jeedaan Somaliland mid ina danaynaysa iyo mid inagu aynu danaynaynaba.

Sidaa-darteed waxaa xil inaga saaranyahay inaynu ka faa’idaysano aragtida cusub ee ka soo korodhay aduunka, wax ka bedelnna ku samayno qaab dhaqankeenii hore kana fugaano wax kasta oo waxyeelo ku ah himiladeena lana ogaado in iftiinka arrimaha gudaha ka muuqdaa uu hogaaminaayo arrimaha debeda, waana hooyada soo jiidashaa arrimaha debada marka la hagaajiyo arrimaha gudaha.”

Xisbiga UCID waxa uu ka tacsiyeeyay dadka dhibaatadu ka soo gaadhay masiibada ku habsatay deegaamada ka mid ah Gobolka Awdal, isaga oo u soo jeediyay inay ku samraan, “Dhinaca kale waxaa xisbiga UCID tilmaamayaa in la dhawro milgaha iyo sharafta Qaranimada Somaliland, xukuumadduna waa inay la timaadaa barnaamijkii iyo qorshihii ay ku hagi lahayd Dalka oo ilaa hadda qabyo ah, raacdana shuruucda iyo xeerarka Dalka u yaala, si loo gaadho cadaaladd, sinaan iyo horumar”

Shirweynihii Ururka suxufiyiinta ee SOLJA oo dib loo dhigay

Hargeysa (Ogaal)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa dib u riixay shirweynihiisii middo 18 maalmood ah, kaas oo ku beegnaa inuu qabsoomo maanta oo bishu tahay 10/02/08, isla markaana waxa loo mudeeyay in uu qabsoomo shirwaynahaasi 28/02/08.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal wargalin ah oo ay si wada-jir ah u soo saareen xubnaha Guddida qaban-qaabada shirweynaha 3aad ee Ururka. Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee “SOLJA”

Ku xubnaha Ururka

Mudaynta qabsoomida Shirwaynaha

ka dib markii ay xubnaha qaban-qaabada shirweynaha ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee “SOLJA” ay shir isugu yimaadeen waxa ay isla qaateen in muddada uu shirweynaha 3aad ee Ururku qabsoomayo in ay noqoto 28/02/08.

Hadaba waxa lagu wargalinayaa in xubnaha ururku ay sidaasi ula socdaan.

magacyada xubnaha Guddida qaban-qaabada/

1- Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

2- Xariir Faarax Ducaale.

3- Muuse X. Muxumed )Muuse-inji).

4- Xasan Siciid Yuusuf.

5- Axmed Ismaaciil (Ciro.

6- Cabdi-raxmaan Cismaan Muuse.

7- Cabdi-weli Faarax Jaambiir.

8- Saleebaan Ibraahim (Saleebaan-guray)

9- Cabdi-risaaq Dubad.

Degmeda Xagal, 00 80 Neef oo Xoola ah ku wareejisay Guddida Taakulaynta Qaran ee Gobolka Saaxil,

Hargeysa (Ogaal)- Guddida taakulaynta Qaran ee Gobolka Saaxil, ayaa 80 Neef oo Xoolo ah ka gudoomay Duqa degmeda Xagal Siciid Jaamac Ayaxle, iyada oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah. Odayaasha degmadaasi oo ka tirsan Gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha degmeda Xagal Siciid Jaamac Ayaxle, ayaa la sheegay hadal uu halkaa ka jeediyay in uu kaga waramay sida ay ugu dedaalayaan in ay gacan ka gaystaan hawlaha taakulaynta Qaranka, ee deeqda lagu gaadhsiinayo Gobolada Sool, Sanaag-bari iyo degmeda Buuhoolde ee Gobolka Togdheer iyo sidoo kale Ciidamada Qaranka ee jiida hore ku sugan. Isla markaan Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in deeqdani ay tahay hordhac, balse ay weli wadaan hawsha ururinta taakulaynta. Sidoo kalana waxa uu xusay in caqabadaha ugu waaweyn ee ka hor yimi ay ahaayeen waddo-xumi iyo beesha oo deegaankaa ka kala guurtay, wakhtiga Jiilaalka awgii.

Dhinaca kale, waxa isna ka hadlay goobtii xoolaha lagu kala gudoontay Duqa degmada Berbera Cabdala Maxamed Cali, oo aad ugu mahad naqay Maamulka, Odayaasha iyo Shacabka degmada Xagal. Isla markaan waxa uu Duqa degmeda Berberi sheegay in ay wixii karaan kooda ah ka caawin doonaan degmeda xagal waxyaabaha ay ka cabanayaan masuuliyiinteedu.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdillaahi Maxamed, ayaa sheegay in Xagali tahay degmedii ugu horeysay Gobolka Saaxil, ee deeqda taakulaynta Qaranka bixisa. Waxaanu u soo jeediyay degmooyinka kale ee Gobolka hoos yimaadaa in ay dedaalka Xagal oo kale sameeyaan. isaga oo xusay Guddoomiyuhu in hawlaha taakulayntu ay ka socdaan guud ahana Gobolka oo dhan, balse ay tani tahay tii ugu horeysay ee la soo gaadhsiiyo Guddida Goblka Saaxil. Waxaanu intaa ku daray in marka ay soo dhamaystiraan ururinta taakulayntan ay ku wareejin doonaan Guddida taakulaynta Qaranka ee Gobolada Sool, Sanaag-bari iyo Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.

Hargeysa: Shalay iyo Kulan laga hadlay Adkaynta Nabadgalyada,

Hargeysa (Ogaal)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-ciro), oo ay wehiliyaan Duqa Caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa shalay ka qayb-galay shir laga hadlayay adkaynta nabadgalyada, oo lagu qabtay Xarunta degmada Ibraahin Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Kulankan waxa kale oo ka qayb-galay Taliyaha Ciidanka booliska ee Galbeedka Hargeysa, dhalinyarada Ciyaartowda degmadaas iyo Waalidiin. Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdilaahi-ciro, oo ugu horeyn hadal halkaasi ka jeediyay, ayaa waxa uu ku booriyay dhalinyarada in aanay dib u dhicin dhacdo dhawaan ka dhacday garoonka Xarunta Agoomaha Hargeysa, halkaas oo ay ku ciyaarayeen laba kooxood, ka dibna ay isku maandhaafeen ciyaarta, iyada oo ismaadhaafkaasi sababay dhimasho hal wiil, taas oo uu ku tilmaamay Wasiirku wax laga naxo, isaga oo dhalinyarada u soo jeediyay in ay ka dhawrsadaan wax kasta oo dhibaato ka dhalan karto.

Waxa isna halkaa ka hadlay Duqa Caasimada In. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay nabadgalyadu leedahay, isla markaana waxa uu sheegay in aan dad iyo dal horumar gaadhin nabad la’aan, waxaanu dhalinyarada u soo jeediyay inay nabadgalyadooda ilaashadaan, isuna dulqaataan. Waxaanu Maayarka Caasimadu carabka ku dhuftay in ay dawlad hoose ahaan ku dedaalayaan hirgalinta goobaha dhalinyaradu ku ciyaarto, si ay uga fogaadaan istimaalka balwadaha.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: