-Waa in aynu burburinaa inta ay socod baradka yihiin

Wasiirka gaashaandhiga ee Maraykanka Roberts Gates ayaa maalintii axadii ka digay cawaaqiibta ka iman karta guuldarro ku timaada hawlaha NATO ka wado Afghanistan. Cawaaqiibtaas oo uu sheegay in ay noqondoonto xagjirnimadda islaamka oo sii awoodaysan doonta.
Gates oo axadii khudbad u jeediyey shir-sanadeedka arimaha ammanka lagaga hadlo ee magaaladda München, halkaas oo ah goob maraykanku tobonaan sanadood uu u isticmaalayey in uu soo jeediyo werwerku qabo xulafadiisa reer yurub.
Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee islaamku yahay ”mid ku salaysan guul indhosarcaad ah” , sidaa daraadedna ay aduunyadda meelo ka mid uga turjumeen guuldaro soo gaadhey in ay tahay guul ay gaadheen.

Waxaa uu intaa sii raaciyey in uu ka werwersanyahay waxa dhici kara hadii ”guushaa indho-sarcaadka ahi ay rumowdo oo ay noqoto mid dhab ah”.
-Maxaa dhici doona hadii ay u suurtogasho in ay guul ka gaadhaan Ciraaq iyo Afghanistan? Ama hadii ay u suurtogasho in ay ridaan dawladda Pakistan? Ayuu su’aalay Gates ka qaybqaatayaashii goobta isugu yimi.
Hawsheenu waa in aynu kala jajabino oo aynu dumino dhaqdhaqaaqanu inta uu yahay socod baradka. Waa in aynu yaraynaa awoodooda u sahli karta in ay khasaare aduunka u gaystaan. Waana in aynu yareynaa awooda ay leedahay edoolajiyadoodu. Xulafadeena sida ugu wanaagsan ee ay arintani uga suurtogalka tahayna waa inagga oo ku guulaysana Afghanistan ayuu yidhi Gates.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: