Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo La Sheegay inuu Doonayo in Somaliland la Aqoonsado 2008



Saturday, 09 February 2008
Washington (somaliland.no)- Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mr Dick Cheney , ayaa la sheegay inuu dabada ka riixayo qorshe uu ku hawlan yahay oo ah in dawlada Maraykanku aqoonsi diblomaasiyadeed u fidiso Jamhuuriyada Somaliland .
warbixin la qoray Bishii December ee sanadkii dhamaaday ee 2007 , laguna baahiyay bogaga Internetka ee lagu qaadaa dhigo siyaasada Maraykanka sida bogga lagu magacaabo Wake Up oo ah bog ay gacanta ku hayaan siyaasiyiin ka soo hor jeeda Maamulka Madaxweyne Bush, ayaa waxa ay sheegaysaa in Madaxweyne ka u xigeenka Maraykanka oo ay warbixintu sheegtay inuu yahay maskaxda ka damb;aysa ciidamada Maraykanka ee saldhigyada milaari ka samaysanaya qaarada Afrika , uu doonayo in Somaliland loo aqoonsado Qaran Madax banaan , warbixintaas oo uu nuqulka ka mid ah helay Geeska Afrika waxa ay si mug leh uga hadlayaa siyaasadaha Maraykanka ee ku wajahan gobolka Geeska Afrika tan iyo sanadkii 1991-kii.

qaybaha warbixintan ee ka hadlaya Somaliland ayaa waxa ka mid ah qayb odhanaysa ‘’Maraykanku waxa uu 6 feb, 2007, ku dhawaaqay qayb ka mid ah ciidankiisa oo saldhigoodu yahay Afrika loogun magac daray taliska Afrika (AFRICOM), kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay October 2007, hadana waxay ka hawl galaan deegaanka saldhiga Stuttgart ee dalka Jarmalka . 30 September ee 2008, AFRICOM waxa ay noqon doontaa guuto si buuxda ugu madax banaan doonta hawlaheeda , maamulina doonta dhamaan gaadiidka badda ee Afrika , Saldhiga la yidhaahdo Lemonier ayaa hoos tegi doona taliska Africom .
Cheney waxa uu doonayaa magaalada Berbera inay ka mid noqoto saldhigyada AFRICOM , sababtuna waxa weeyi Berbera oo leh deked biyaheedu fog yihiin , waxa intaas u dheer inuu ku yaalo madaarka ugu dhabaha dheer Afrika , si kastaba ha ahaatee Cheney marka uu rabo inuu tan hir galiyo waa inuu Somaliland ka jaraa Soomaaliya, taasina waxay dhici doontaa Xagaaga Sanadka 2008’’.

Warbixintan waxa lagu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Maraykanku uu qorshihiisa Somaliland u cadeeyay xoghayaha Difaaca Maraykanka Robert Gates oo bishii December ee kal hore safar ku yimid Ddjibouti, waxana ay warbixintu tidhi ‘’Bishii December 2007, xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Robert Gates ayaa booqday Saldhiga Lemonier ee Djibouti , Cheney waxa uu bilaabay inuu si cad uga hadlo in Qaran Madaxbanaan loo aqoonsado gobolada Woqooyiga Soomaaliya ee gooni u goosadka ah loona yaqaan Somaliland’’.

Source : Geeska Afrika

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: