Daraasad: Wiilasha soomaalida Norway oo noqday qaar isku kalsoon

Daraasadda ayaa tusaysa dhalinyaradda norweyjiga ah ee leh waalidiin ka yimi dal ay diinta Islaamku ka tahay diinta guud, aanay xaga caafimaadka nafsiyanka ah aanay wax badan ka duwanayn oo aanay ka dhibaato badneyn kuwa asalkoodu yahay dhalinyaro norweyji ah.
Daraasaddan ayaa la isticmaaley baadhitaan ay samaysay haayadda caafimaadka dadweynaha (Folkehelseinstitutett) oo lagu sameeyey dhalinyaradda reer Oslo. In ka badan 7300 oo ka mid ah ardayda dhigata fasalka 10aad ayaa su’aalo la weydiiyey oo arintan ku saabsan ka jawaabay.
Natiijadda daraasadda ka soo baxday ayaa waxay tusaysa in qofku halka uu asal ahaan ka soo jeedo iyo lab iyo dhadig kuu yahay uu caafimaadkiisa nafsiyanka ahi ku xidhanyahay.

Daraasaddan ayaa tusaysa in hablaha asal ahaan ka soo jeeda dalka Iran in ay ku jawaabeen inta ugu badan ee jawaabo dhibaato xagga nafsiyanka ah ee la bixiyey. Waxay kale oo ku jawaabeen in isqabsi badani ka dhaxeeyo iyagga iyo waalidiintooda, dugsiga dhibaato ka haysato. Caawimadda fasalka ay ka helaana ay yartahay. Waxay kale oo sheegeen in aana waalidiintoodu ka warhayn badanaaba waxa ay sameeyaan xilliga ay firaaqadda yihiin.

Kooxaha daraasadda lagu sameeyey oo dhan marka la isbarbar dhigo waxaa badanaaba ku jawaabay in ay haysato dhibaato xagga nafsiyanka ah habla. Taas oo wax caadi u ah da’da kooxdan daraasadda lagu sameeyey ayuu sheegey qof ka mid ah hawl-wadeenadii sameeyey daraasadaa.
Dhinaca hablaha marka ay noqoto hawl karnimadda ayaa waxaa hablaha waalidiintoodu ka yimaadeen dalka Pakistaan ay ku jawaabeen in aqoonta ay u leeyihiin dhaqankooda ay ka caawiso xidhiidhka ay la leeyihiin dhaqanka guud ee dalka Norway.

Daraasado kale oo wadamo kale lagu sameeyey ayaa iyagana ay ka soo baxday in caafimaadka nafsiyanka ahi uu ku xidhanyahay qofka dhalinyaraddi ahi halka uu asal ahaan ka soo jeedo.
Dhinaca wiilasha farqi aan badnayn ayaa u dhaxeeyey. Laakiin farqiga ugu weyn ee jawaabahooda u dhaxeeyey wuxuu ahaa xagga isku kalsoonida.

Wiilasha waalidiintoodu soomaalida yihiin ayaa noqday kuwa ugu badan ee ku jawaabay in ay kartidooda ku kalsoon yihiin. Halka kuwa dalka Iran waalidiintoodu ka soo jeedaana ay ahaayeen kuwa ku badanaaba ku jawaabay in aanay kartidooda ku kalsooneyn.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: