Nimankii ka tagay Cali oo digniin keli ah la siiyey


Cali oo dhaawac lagaga tagay

Kooxdii baadhitaanka ku samaynaysay darawaladii waday ambalaaskii ka tagay Cali Xaaji Maxamed Faarax oo ah nin reer Somaliland ah, ayaa waxaa ay go’aamiyeen in aan shaqadda laga aryin ee digniin keli ah la siiyo darawaladaa. Waxay sheegeen in aan la hayn cadayn tusaysa in habkii ay u dhaqmeen ahaa mid cunsirinimo ku jirto. Kooxdu waxay sheegeen in Cali si aan habooneyn loola dhaqmay, laakiin aanay jirin wax cadayn ah oo la odhan karo sababta sidaa loogu galay waxaa ugu wacan in aanu midabkiisu cadayn.
– Darawaladii waday ambalaaska ka tagay cali may isticmaalin wax erayo ah oo cunsiriyadi ka muuqato, ayuu yidhi maareeyaha kooxda arimaha caafimaadka dabagasha ee (Helsetilsynet).

 

-Si aan habooneyn ayaa loola dhaqmay Cali markii ay diideen in ay cisbitaalka ama xarunta caafimaadka geeyaan shaqaalihii waday ambalaaska. Waxaa ay arintaasi ka hortagaysaa shuruudaha ku aadan caawinta ay tahay waajib in la siiyo dadka u baahan gargaar deg-deg ah. Waxaa kale oo uu maareeyuhu sheegay in wax yaabo ay yidhaahdeen shaqaalahaasuna aanay ahayn wax la aqbali karo.
Kooxda arimaha caafimaadka dabagasha (Helsetilsynet) ayaa waxaa ay sheegeen in shaqaalahu ay jebiyeen sharciga shaqaalaha caafimaadka. Laakiin aanay taasi ku fileyn si looga qaado ogolaanshaha shaqadda. Waxaa uu maareeyuhu sheegay in digniinta laftigeedu tahay wax weyn.

-Goaankani maaha mid gebi ahaanba soconaya. Sida aan ogahay waxay jebiyeen saddex qodob oo ka mid ah sharciga. Qofku marka uu u baahanyahay waa in la siiyaa gargaarka degdega ah ee caafimaad, ee maaha in qof caawimo deg-deg ah u baahan in cidlo lagaga tago. Arintaas oo dhami waa mid ay ku dhaqaaqeen, mana garanayo sabab ugu wacan in goaanka laga gaadhay uu noqday oo qudha digniin. Ayay tidhi Kahinoor.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: