Daraasad:Dadka soomaalida ah ee Norway oo noqday kuwo diintu muhiim u tahay


Somalida iyo diinta Islaamka

Tobankiiba afar qof oo ka mid ah dadka dalka Iran ka yimi ee deggan dalka Norway ayaa waxay sheegeen in aanay diintu wax macno ah noloshooda ku lahayn. In ku dhow kala badh ayaa diintii ay ku soo koreen iskaga tagay, sidaa waxaa lagu sheegay baadhis ku saabsan xaalka nololeed ee dadka ajaanibka ah ee Norway deggen oo ay samaysay haayadda qiyaasaha ee Norway ee magaceeda marka la soo gaabiyo la yidhaa (SSB).

Taasi waxay ka dhigaysaa dadka Iran ka yimi kuwa ajaanibka ah ee ay u badantahay in ay diinta ka fogyihiin. Qiyaastan dhinaceeda kala ayaa waxaa iyaguna ah dadka soomaalida ah, oo tobankiiba sagaal ka mid ihi yidhaahdeen diintu aad bay muhiim ugu tahay noloshayadda. Soomaalida kadib waxaa ku xiga dadka ka yimi wadanka Pakistan iyo Sri Lanka.

 

Natiijadda khuseysa dadka Iran ka yimi ayaa waxaa ugu wacan in ay yihiin dad ka soo qaxay dal diinta lagu xukumo ayay sheegtay haayadda qiyaasaha u qaabilsan dalka Norway ee (SSB)

Guud ahaan qiyaastan oo lagu sameeyey tobanka kooxeed ee dalka ugu badan ayaa todobo ka mid ah sideed la waydiiyey ayaa waxaa ay yidhaahdeen waxaanu weli haysanaa diintii aanu ku soo kornay, laakiin dadka dalalka kala duwan ka yimi jawaabta ay bixiyeen ayaa kala duwan. Qiyaas ahaantii kala badh dadka Iran ka yimi iyo kuwa dalka Chile ka yimi ayaa sheegay in aanay aaminsayn oo aanay haysan diintii lagu soo koriyey.
Dadka ka yimi Serbia-Hercegovina, Turkiga, Ciraaq iyo Vietnam, ayaa ah qaar ay tobankiiba hal qof ku jawaabeen in uu ka baxay diintii uu ku soo koray. Laakiin dadka soomaalida ah iyo kuwa ka yimi dalka Pakistan ayaa  1-2% ku jawaabeen in aanay ahayn dad diinta muhiim u arka. Halkan ka akhri baadhitaan-qiyaaseedka oo dhan

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: