Macalimiinta Burco oo Loo Xidhay Waxbarasho Ku Saabsan Barashada Raadiyaha

Burco(somaliland)-Kusimaha- Gudoomiyaha Waxbarashada Gobalka Togdheer Axmed Bile Guuleed ayaa maanta daboolka ka qaaday in waxbarashada gudbinta Raadiyaha ay tahay talaabo cusub oo tayeynta ku soo kordhisay saaxada waxbarashada dugsiyada, isla markaana waxaa kale oo ugu baaqay macalimiinta dugsiyada dadban inay raacaan siyaasada waxbarashada ee wasaarada.Kusimahani waxaa uu hadalkan ka sheegay xidhitaanka tababar socday muddo sadex maalmooda oo ay macalimiintu dugsiyada dadban ee gobalka Sool iyo Togdheer ay ku baranayeen barnaamij ku saabsan habka waxbarasho ee adeegsiga raadiyaha kaasi oo maanta lagu soo gebagebeeyey xarunta Candle-Light ee Magaalada Burco.

Ku simahani Waxbarashada waxaa uu xusay in cashar bixinta raadiyah ay baahinayso tayada macalinka iyo ardaygaba, kaasi oo gaadhi kara maqaan aanay samayn Karin adeega waxbarashada kale.

“ Anaga Buug yar ayaanu wa ka dhiganaynay xilligayagii, laakiin macalinka waxaa uu la kulmay adeegsiga qalabka casriya ayuu yidhi “ tababaradan la xidhiidha wax dhigista Raadiyaha oo ah markii labaad ee lagu qabto Magaalada Burco waxaa si wada jira isaga kaashaday hayada EDC / USAID iyo Ururo Wadaniya.

Daahir Maxamed Daahir oo ah Sarkaal ka socda EDC oo isaguna xidhitaankii hadal ka jeediyey ayaa waxaa uu sheegay in barnaamijkan oo loogu yeedho Waxbarashada Raadiyaha Firfircoon ay hore ugu tababareen 2300 Macalin oo wax ka dhiga 466 dugsi oo ka mida dugsiyada tooska, kaasi oo ay horey ula socdeen 73,000 arday.

Sarkaalkan waxa kale oo uu xusay in ujeedada laga leeyahay barnaamijkan ay tahay in la kordhiyo xirfada macalinka oo ka mida macalimiinta Dugsiyada Dawliga ah ee Bariga Somaliland.
xigasho Qarannews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: