Intaan ka xasuusto nabadayntii Ceerigaabo iyo beelaha Somaliland-Maxamed Siciid Gees.


Max/ed Siciid Gees oo ka mid ahaa golaha wasiirada ee Somaliand,ahna siyaasi ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa dib u eegaya nabadayntii beelaha wada dega gobolkaas iyo guud ahaanba Somaliand,iyo qiimaha ay nabadu leedahayba.Qoraalkan uu gacantiisa ku qoray Mr Gees ayaa waxa uu ka kooban yahay qaybo badan,markaas qaybta ugu horeysa oo ka hadlaysa sidii ay ugu guntadeen nabadaynta beelaha soomaaliyeed,iyo shirarkii dhacay oo dhan.

Hadii Hadi dhaco oo Hareerigu hoosta ka engago oo hadhyare Qudhac hablo diirtaan oo Higlada Bari libaaxu hadhgalo, adaa hoogeye xagaad hadh u Dayan.

Waxaan ayaamahan danbe hadal haynteedu ku badatay Jaraa’idka ayna ka doodeen asxaabta mucaaridku Guddi dawladeed oo loo xil saaray goballadda bari gaar ahaan Sanaag iyo Sool.

Waxaa hadaba is waydiin leh Xukuumadda iyo Asxaabtu xog intee le’eg ayey ka hayaan wadada dheer ee loo soo maray nabadaynta iyo dib-u dhiska Soomaaliland gaar ahaan goballadda bariga.

Gobalka Sanaag waxaa ku dhaqan oo Illahay ku beeray Beello badan oo aadse loo yaqaano afar beelood oo kala ah ( Habar yoonis, Habarjeclo,Dhulbahanteiyo Warsangeli)

Intaan Sanaag noqon gobal waxay ahayd district Cerigaabo, juqraafi ahaana wuxuu ka bilaabmaa dhinaca galbeed Cadaad kulaaleed ilaa bari waylo oo magaalada Qardho u jirta 25km waana xadkii mustacmaradihii Ingriiska iyo Talyaaniga, qiyaasta dhulka uu ku fadhiyo waxaa lagu qiyaasa saddex meelood meel ahaan dhulwaynaha Soomaaliland (1/3).

Dhulka intaa le’eg magaallada ugu wayni waa Ceerigaaabo oo ah magaalo madaxda gobalka taas oo ahayd meeshii uu fadhiyi jiray DC ingriiska ee xukumi jiray degmadaas , magaaladaas ayuun bay beelaha ku dhaqan gobalku wada degaan taas oo cid waliba degan tahay oo aad u kortay , gobalka intiisa kale waa magaalooyin yaryar iyo tuulooyin ay degan yihiin reer keliya oo u sii kala baxa ardaayo iyo tuulooyin.

Hadaba waxaa maamul dawli ahi ka samaysmi karaa meesha la wada degan yahay kaas oo astaan maamul u noqan kara gobalka kana sii fidi kara markuu hana qaado.

Maanta Ceerigaaabo waa la wada degan yahay mahad Alle weeye, wixii dumay dib ayaa loo dhisay, dhismayaal cusubina waa laga dhisay wayna dhismaysaa waxay leedahay baahidii nolasha intii u muhiinsanayd xagga horumarka casriga ah sida biyo,laydh, telifoon ,internet . Waxaa ka furan Isbitaal, dugsiyo hoose, dhexe iyo sare waxaa taga diyaaraddo ganacsigu waa isu furan yahay bari iyo galbeed. Waxaa jooga macalimiin iyo hayaddo samafal oo ajanebi ah.

Hadaba xaaladu sidaas may ahayn mudo hadda laga jooga 10 sano gushaas waxay ku timi dadaal qunyar socod ah oo ay iska kaashadeen kana wada qayb galeen Guurtidda, Aqoonyahanka, & Haweenka beelaha wada degan gobalkaas iyadoo aanay cidna dibada uga iman.

Waxaa xusid mudan halhays ah Rooma maalin qudha laguma dhisin sidaa darted wafti xukuumadda ah oo maalmo ku qayila wiilalna qaad u qaada ka weyn xaajaddu.

Waxay u baahan tahay in la derso xaalada maanta iyo waxii loo qaban karo oo meeshi baahi jirto si cilmi ah wax looga qabto taas oo noqota mid joogta ah oo aan wax yeelayn wixii hore u jiray

Haddii aan xusuusta dib ugu noqono 10 sano mudo laga joogo taas oo ahayd dib u yagleelkii nabada shirwaynihii beelaha reer Sanaag ee lagu qabtay Ceerigaaabo. Waxaa shirkaas ka horeeyey shirar doceedyo ka soo bilaabmay 1991 markii dawladiii Maxamed Siyaad burburtay iyo dagaaladii sokeeye ee dadkii wada degana ku kale qaxeen magaaladi Ceerigaaabo oo ay beel waliba ku noqotay tuulooyinkii u gaarka ahaa ee aan soo sheegay.

Shir doceedyadaas waxaa ka mid ahaa Yubbe1, Yubbe 2 iyo Jiidali ooo dhex maray Warsangeli iyo Habaryoonis bari.Ceelqooxle, Shinbiraale oo dhaxmaray Warsangeli iyo Habarjeclo. Darar weyne oo dhex maray Dhulbahante iyo Habar yoonis. Garadag oo dhexmaray Warsangeli, Habarjeclo iyo Dhulbahante.

Shirar kale oo dhawr ah oo dhexmaray Dhulbahante iyo Habarjeclo. Shirar beeleedyadaas ay isugu imanayeen laba beelood ama saddex waxaa laga wada hadli jiray xabad joojin iyo wixii danta ah sida daaqa waxa danbe ee dhaca wixii laga yeelli lahaa iyo biyaha. Marwalba tuulada lagu qabanayo beesha taal ayaa marti gelin jirtay, hase yeeshe shirarku waxay ahaan jireen shirar nabad –dagaal oo qollo walbaa ciidankeeda iyo tignikadeeda way la iman jirtay.

Inkastoo shirar bilaabmeen oo lawa hadlay oo xabad joojin jirtay hadana waa lakala yaalay oo isu socod caadi ahi ma jirin oo xad ayaa lakala lahaa, waxaa jirtay gooba laysugu iman jiray oo ay ugu weynaayeen labada goobood oo ganacsigu ka socday oo baabuurtu rarka iyo rakaabka ku kala wereejin jireen oo mid walbaa dib uga noqan jiray

Waxay ahaayen goobahaasi xagga sare oo ahayd Higlo kala noqod oo u dhaxaysa Yubbe iyo Jiidali. Xagga hoosena waxay ahayd Ceel qooxlle. Laysuma gudbi jirin oo qola walbaa halkas ayey ka noqon jirtay, xaaladu halkaas ayey joogtay intaan laysugu iman shirwaynihii beelaha sanaag ee Ceerigaaabo.

MagaaladiiCeerigaaabo oo ahayd xaruntii gobalka waxay ahayd meel aan baabuur soo gelin oo ay beel qudhi joogto beeshaas oo ahayd Habaryoonis bari inkastoo Habarjeclona cidi ka joogtay waxayna la mid noqotay tuulooyinkii aan soo sheegay ee ay deganaayeen beesha keliyi.

Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo ka mid ah beelaha degan Sanaag ayaa jeclaa in arrintu sidaas noqoto oo aan laysku soo noqon oo sidaas loo kala xidhnaado, dadkaasina ilaa maanta way jiraan ha jogeen soomaliland ama meel kale fikirkoodina isma bedelin.

Waxaa xusuus mudan markii shirwaynaha loo balamay july 1993 waxay Habaryoonis bari ergo u soo diray Warsangeli sidii ay balantu ahayd oo ka koobnaa 7-10 nin oo ay dhamaantood warsengeli dhaleen intooda badanina ay xidid la ahaayeen Warsangeli, waxay soo gaadheen tuulada Yubbe halkaas oo lagu nageeyey iyagoo doonayey in ay u soo gudbaan Hadaftimo oo ka socday shirweyne Warsangeli

Waxay shirweynihii Hadaaftimo u soo direen ergadii koox odayaal ah waxaanna la soo dhexgeliyey oo lagu soo daray niman xag-jirayaal ah oo doonayey in dadku sidii hore u kala xidhnaado oo aan lays ku soo noqon shirkuna burburo kuwaas oo ugu yimi ergadii yubbe.

Markii aan arrintaas ogaanay qolyahayagii doonayey in la nabdo oo shirka la qabto dadku isku soo noqdo, ayaa waxaannu soo raacay gaadhi tikniko ah (Baroon) niman ay ka mid yihiin Aniga Maxamed Saciid, Axmed Cadami, Maxamuud Cabdi Xaamud, Saciid Bidaar, soo raacista baroonka waxaa nagu kaliftay anagoo ka baqayna in ay xagg-jirayaasha beeshayadu na dilaan , sidaas ayaanu ku inimi Yubbe, iyadoo ergadii ay habeenkii hore is maan dhaafeen qolyahii laga soo diray Hadaftimo oo shirka burburinayey , habeenkii labaad ayaan la kulanay ergaddi oo aan u sheegnay in balantii sidii hore tahay oo aan shirka imanayno .

Waxaa dhacday markii ay nimankaas ergada ahi ka soo anbabaxayeen Ceerigaaabo sida uu ii sheegay ninkii soo raacay ee Warsangeli (Siciid Bidaar) in la geeyey darista Ceerigaaabo oo la dhaariyey oo lagu yidhi wax laydin faro mooye wax kale ha sheegina, markii la dhaarinayey ayaa waxa soo booday ninkaas Warsangeli oo yidhi war mid xanta noo sheega dhaarta nooga reeba, markaas ayaa lagu yidhi Hebel ayaan waxba qarin ee isaga hala reebo.

Dhulbahantahana sidaas oo kale ayaa waxa loogu diray ergo ay wada dhaleen dhulbahante kana qabay.

Waxaan ku heshiinay ergadii in aan soo dirno shan qof oo ka mid noqda gudiga qaban qaabadda shirweynaha beelaha sanaag.

Markii aan ku noqonay shirkii Warsangeli ee Hadaaftimo waa laysku khilaafay oo waxaa loo kala jabay laba garab, oo loo badan yahay garabka ka soo horjeeda shirka iyo nabada o leh sidaa ha loo kala xidhnaado xadkuna ha jiro iyo garab leh shirka hala tago nabadana hala qaato waanna shirkii horeeyey ee Warsangeli isku khilaafo kaas oo lagu kala qaybsamay Odayaal, Siyaasiyiin, ciidan iyo tignikadii.

Anagoo fulinayna balantii iyo heshiiskii aan la soo galnay ergadii Yubbe waxaan hoos ahaan u dirnay oo si qarsoodi ah uga baxay hadaaftimo habeenimo shantii nin ee aan ugu talagalnay in ay ka mid noqdaan qabanqaabiyaasha shirka Ceerigaaabo kuwaas oo ahaa

1.Axmed xaaji Cali (Cadami)

2.Marxuun Cabdi Shire Diiriye

3.Marxuun Ciise Sharmaake Caamir

4.Siciid Maxamed Ismaaciil (Bidaar)

5.Ismaciil Maxamed Maxamuud (Jarafle)

6.Iyo direewalkii gaadhiga Marxuun Maxamuud Xussen Cismaan oo markii uu soo noqday lagu dilay Laas-qoray iyadoo jiray go’aan hoose oo ay gaadheen garabkii naga soo horjeeday ooahaa ciddi Ceerigaaabo tagta in la dilo

Nimankaasi waxay gaadheen Ceerigaaabo si lama filaan ah iyagoo ay isugu yimaadeen shantii nin ee qabanqabada u socotay beesha dhulbahante oo ka soo anbabaxay Fiqifuliye oo kala ahaa

1.Maxamuud Foolmadoobe

2.Xuseen Axmed Cabdileh

3.Maxamed Xasan Ilaalo

4.Cabdi Xuseen Mataan

5.Nin aan hada xusuusan magaciisi

Nimankaas si fiican ayaa loogu soo dhaweeyey Ceerigaaabo iyadoo lagu dejiyey qolo walba ciday qaraabada ahaayeen

Waxaa ku soo biiray oo xagga Jabuuti ka soo raacay diyaarad oo siday raashinkii shirka iyo agabkii loogu talagalay shirka oo ay bixinaysay hayadda wadaniga ee SDR oo Warsangeligu lahaa taas oo bixisay wixii shirka looga baahna iyadoo qaar soo saartay Doon uu lahaa Cali Ducaale oo ahayd doontii Warsangeli ee ugu horaysay ee soo gasha maydh, diyaarada waxa la soconay Aniga Maxamed Saciid, Maxamuud Cabdi Cali (Bayr) iyo Maxamuud Cabdi Xaamud.

Wixii raashin iyo agab shirku u baahna sida qalabka hurdada, ka wax lagu cuno weelka biyaha iyo laydh anagaa keenay beelahu waxay iska bixinayeen khusaarta iyo iidaanka.

Markii ay kulmeen gudigii qabanqaabada shirku waxay soo jeediyeen hab dhaxal gal ah oo ka duwan hababkii loo qaban jiray shirarkii hore waxayna ku heshiiyeen qodobadan hoos ku qoran oo ay soo diyaariyeen habka fikirkan Aniga Gees, Beyr iyo Saciid Jaamac Cali oo ay gudigii intiisi kalena nagu raaceen oo la gudoonsaday in lagu dhaqmo

1.Habkii nabad-dagaalka oo laga baxo oo aan tigniko iyo ciidan aan magaalada lala soo gelin

2.Beelaha jooga Ceerigaaabo in ay ka saaraan magaalada ciidankooda iyo tignikadooda marka laga reebo wixii looga maarmi waayo nabadgelyada

3.Nabada shirka ay ka masuul yihiin beelaha habaryoonis bari iyo habarjeclo, halkii awal beel walba shirarki hore iyadu iska masuul ahayd nabadeeda

Qodobka kowaad waxa ka biyo diiday beesha dhulbahante oo ay ka maqnaayeen odayaal iyo siyaasiyiin ay tuhmayeen , markii aan anagu gooni ula shirnay oo u damaanad qaadnay iyaguna way nagu raaceen oo way gudoonteen

4.Waxaa loo qaybiyey nabada shirka in ay ilaaliyaan 200 nin oo calaamad gaar ah leh raashin gaar ahna la siiyo

5.Waxaa lagu heshiiyey in shirgudoon la sameeyo ka kooban 9nin oo beel walba 2qof laga soo doorto marka laga reebo beesha habaryoonis oo 3qof laga soo doortay

6.Waxa la qorsheeyey in laba qolaba ay mar shirto oo ay darista tagaan shirgudoonkuna ku daro xoghayn wax u qorta , waxay ku heshiiyaana shirwaynaha laga ansixiyo sidaa awgeed ayu shirka intiisa badani dibada ku soo dhamaan jirtay

7.In la sameeyo gole Salaadiin Iyo garaado ah oo wixii laga maarmi waayo lagala tashado salaadiinta timi waxaa ka mid ahaa

a) Marxuun Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac

b) Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

c) Garaad Ismaciil Ducaale

d) Suldaan C/laahi Suldaan Cali

e) Marxuun Suldaan Ciise Xirsi Qani

f) Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir

g) Suldaan Siciid Suldaan Cali Ducaale (wakiil)

Waxaa halkaa xusid mudan in aan beesha Warsangeli aanu iman suldaankeedi isagoo Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud uu xanuunsanayey oo uu soo wakiishay Ismaciil Suldaan Maxamuud amarna ku siiyey in uu shirka tago oo magaciisa kaga qayb galo

Ismaciil shirkii ma uu iman wuxuu raacay garabkii shirka diidanaa wuunna ka dhego adaygay amarkii Suldaan C/salaan, sidaas awgeed waa la saluugay ergadii beesha Warsangeli ee shirka timi iyadoo ka koobnaa 3 ardaa caaqiladoodii iyo niman siyaasiyiin iyo odayaal ah.

Markii uu xaalku halka marayey ayaa waxaa soo dhexgalay Marxuun jiif Caaqil Ismaaciil Muuse oo jiray da’ ka badan 120 sano oo ahaa tiir ka mid ah tiirarka shirku ku socday ayaa isagoo dhiiri geliya waxaa uu yidhi halhays cajiib ah oo ku tusaya hido samidii nabad jacaylka soomaaliyeed kaas oo ahaa “Ergo nabadeed haddii uu yahay xitaa hal qof waa la aqbalaa, colaadse qof qudha laguma colaad qaato”sidaa ayuu ku hirgalay qabashadii shirku.

La soco qaybta labaad maalmaha soo socda oo xiiso badan,kana hadlaysa sidii shirku u qabsoomay iyo dhibaatooyinkii ka hor yimid.

Qalinkii:M.S.Gees.
Xigasho: Afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: