Wararka Wargeyska OGAAL, Cadadkii Maanta, Axad, 03 Jan.

February 3rd, 2008 (somaliland.no)

 

Shalay: Sanad guurada ciidanka Qaranka iyo duur xulkii fanaaniinta

“Waxaan ku weydiiyay, waa kuwan doorashooyinkii soo socdee sanadkan yaynu dooranaa.?”

Hargyesa (Ogaal – Waa madal kulmisay wajiyo kala baaday oo mucaarad iyo muxaafad isugu dhafan. Muuqaalkeeda duleed waxay shabahaysay goob aad looga shaqeeyay. Waa laba hadh qoodaal oo iska soo horjeeda oo mid ka mid ah ay fadhiyaan Masuuliyiinta sar sare ee Golayaasha dawlada Somaliland, hogaamiyayaasha Axsaabta Siyaasada, saraakiisha Ciidamada iyo marti sharafta kale oo ka qaybgashay debaal deg goobta ka socda. Barandaha labaad ee ka soo horjeedana waxa fadhiya Fanaaniinta Ciidanka Qaranka, waxana labadan hadh-qoodaal ee ay kala fadhiyaan fanaaniinta iyo Masuuliyiintu u dhaxaysa Barxad laga taxadaray in habaas iyo bulad badani ka kaco aadna loo rusheeyay oo loo agaasimay in fanaaniintu ku cabiraan dareenkooda, waxa ka socda bandhig faneed ku abaaran dabaal dega loo kulmay. Waxa intaa dheer ciidan aad u fara badan oo ka sokow intii hore u sii Joogtay taliska guud ee Ciidanka Qaranka ay ku kordheen kooxo Ilaalo ka ah Madaxweynaha Somaliland md, Daahir Rayaale Kaahin iyo Masuuliyiinta kale ee xukuumada. Waxaan iyana meesha ka madhnayn oo ku soo xoomay dad badan u muuqday inay ka soo tooseen xaafadaha ka agdhaw Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee magaalada Hargeysa oo Bigilka iyo durbaanku soo jiitay.

Waxaa loo debaal degayaa Sanad-guuradii 14aad ee ka soo wareegtay aas-aaska iyo bud-dhigga Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku beegnayd shalay (02/02/08).

Dananka Muusigga iyo dhawaaqa codadka, ayaa ahaa mid ay isu celinayaan gidaarka Xayndaabkii lagu jiray. Fanaaniintu waxay daadihinayeen, masrixiyad u muuqatay mid si weyn looga soo shaqeeyay isku xidhkeeda, murtida iyo fariimaha ay tabinayso oo muddo laga soo shaqaynayay. Dhor kalmadood aan ka soo qaato. “Waar horta heedhe, waa kuwan doorashooyinkii soo socdee, sanadkan yaynu dooraynaa?” Su’aashaasi oo mid ka mid ah jilayaashii ruwaadu u soo qadimay saaxiibkii ayaa u muuqatay mid dareenka dadka u soo jeedisay, maxay noqon Jawaabtu ayaan filayaa in ka soo Goobjagayaashii debaal degaasi uu qof waliba naftiisa kula shawray. “Waar kii fuulaaba waa inagga’e, laakiin sanadkan maanta ah way ii dhaqaaqdaye, hayga labin” Weedhahaasi ayuu ku hel celiyay fanaankii su’aashu taagnayd.

Marka laga yimaaddo M/weyne Rayaale in badan oo ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo xildhibaanada labada Gole Baarlamaan, waxa iyana goobta joogay Madaxda Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, oo ay horkacayeen Gudoomiyaha Xisbigaas md, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Bandhig faneedka kooxda Gaashaan ay kaga qayb galeen, sanad guuradda 14-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo sumadeedu ahayd Caqligu ha shaqeeyo, Islamarkaana gundhiga dulucdeeda lagu sargooyay xuskan, waxa ku dhafnaa hal ku dhegyo u muuqday duurxul siyaasadeed iyo hogo tusaale. “Waar su’aaluhu igama dhawa’e, waxa kale oo aan ku waydiiyay, Distoorkeenani ma wax ninba sida uu doono u qaataa? oo tusaale ahaan, nin baa odhanaya waxanaan furtay oo Distoorkaa ii banneeyay, ku kalena wuxuu odhanayaa, ma furan kartid oo Distoorkaa kuu diiday. Imika, haddii aan anigu ku feedho, waxaan odhanayaa Distoorkaa ii banneeyay. Markaa bal iiga waran Distoorkan?” Ayaa sidoo kale ka mid ahaa su’aalaha dhextaalka u ahaa. Ruwaayadaas “Horta, Distoorkani waa ka dalku ku kala socdo..Waxana loo baahan yahay in dadku dib ugu noqdo oo aad loo akhriyo” Weedhahan ayaa iyana ka mid ahaa jawaabihii ay xambaarsanayd ee ay daadihiyayaashu isu celinayeen.

Su’aasha iyo jawaabtan danbe waxaan filayaa in ay ka turjumayeen dareenka in badan oo shacbiga reer Somaliland ka mid ahi ay ka qabaan shuruucda waddanka iyo in hormoodka siyaasada dalku mid kasta oo ka mid ahi ku cabiro danihiisa iyo maah-maahdii ahayd “La jiifiyaana banaan, La joojiyaana banaan,” Tusaale ahaan, durbadiiba kuwo badan oo ka mid ah dadkii daawanayay dabaal degaasi ayaa tuducan u macnaystay in ay ka hadlayo muranka sharci ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Urur-Siyaasadeedka Qaran. In kasta oo anay madashaa ka dhex muuqan Masuuliyiin ka socday Ururka Sharciyaddiisa muranku ka taagan yahay ee Qaran, haddana labada Gudoomiye ee Xisbiyada UDUB iyo Kulmiye, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Kulmiye Md. Axmed Siilaanyo, ayaa markii ay ruwaayadu weedhahan shuruucda ka hadlaya maraysay waxa wejiyadooda ka muuqday muusood aan, midba ka kale aanu ka war haynin.

Madaxweyne Rayaale Qudbad Gole ka fuul ahayd oo uu munaasibadaa ka jeediyay shalay ayaa waxay u badnayd taariikhdii ciidanka, Hanbalyo ku wajahan sanadguuradooda iyo mahadnaq uu dalka Itoobiya ugu jeediyay dhinaca tababarada Ciidanka, Islamarkaana Madaxweynuhu kuma soo qaadin, Darjooyinka Ciidanka oo ahaa mawduuc dhawrkii sanadood ee tagay munaasibadihii tan shalay la midka ahaa uu ku cel-celiyay inay diyaar yihiin.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland md, Cabdilaahi Cali Ibraahim iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani ayaa qudbado ka jeediyay madasha. Kuwaasoo aan wax badan kaga duwanayn warbixinta sanadlaha ah ee ku saabsan taariikhda ciidanka iyo mawduucyada tababarada ay qaateen.

Waxa wakhtiga intiisa badan qaatay munaasibada lagu qabtay Taliska Ciidanaka Qaranka , bandhig faneedka Fanaaniinta ciidanka oo hadii aynu ku sii durugno, qaybaheeda mid ka mid ah ayaa u ekayd inay ka turjumayso aragti ahaan hawlgalada Gabolka Sool ee Somaliland iyo dareenka shacbiga “Jacaylkuunbaa xawilnaaye, xumaani meesha ma oolin. Dadkana xaaladbaan u abuuray oo xagaasaan u jihaynay, xaga saamigana waxbaan tabanaynay. Laakiin, Xadku waa isku meel xukunkuna waa isku mid.” Ayaynu qabytaana ka soo qaadanaynaa.

Faraaro badan ayay lahayd ruwaayadu, balanqaadyada iyo Ganacsatada oo ruwaayadu ku duraysay in qaybta ugu weyn muranada dhulku ay ka soo unkamaan ayaa ku jirtay. Iyadoo tuduca lagu matalay Ganacsatadu uu muujinayay in qaar ka mid ahi ay dawlada ka dalbadaan dhul ay ku sheegayaan inay ka samaynayaan Beero. Iyaga oo marka danbana ku soo gunaanadaya”Dad madaw, Dal madow, iyo Caro madow waxba ku bixi maayaane, dhulka waa la ina Ictiraafayaayoo, waxaanu ka samaynaynaa Hudheelo dalxiis iyo Kilaabyo lagu nasto. Iyo waar hooy balantuna waa halkii.”

Sadaro kooban kuma soo koobi karro bandhigaasi, Waxa kale oo ku jiray, oo si weyn dadka uga qosliyay qayb la xidhiidhay, dhawaaqyada ka dhanka ah Somaliland ee ka soo yeedha dadka Reer Somaliya. Qayb ka hadlaysay Askariga, Qaysaska iyo dhinacyo kale oo arrimaha bulshada u badan ayaa ka mid ahaa bandhig faneedka “Caqliyow shaqee” oo uu sameeyay hogaanka Wacyi gelinta ciidanka Qaranka Abwaan Cali Bare Xuseen.

Hargeysa: Dhacdo sababtay dhimashada Wiil dhalinyaro ah

Hargeysa (Ogaal)- Allaha u naxariistee wiil dhalinyaro ah, ayaa xalay fiidkii ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, ka dib markii ay ku dhacday Rasaas uu riday Askari Boolis ahi.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Warsame Nuur, ayaa geeriyooday ka dib markii sida la sheegay Koox dhalinyaro ah oo ka mid ah Kooxaha Kubadda Cagta ee Magaalada Hargeysa oo uu ka tirsanaa, ay isku dhaceen Askari ilaalo ka ahaa Dugsiga sare ee gaarka loo leeyahay ee Noradin Secondry School ee Magaalada Hargeysa. Kaas oo sida ay wararku sheegeen ay Madaxa kaga dhacday mid ka mid ah Rasaastii uu riday Askarigu. “Laba kooxood oo Kubbad ku wada ciyaaray Garoonka Dhallinta sidaan filayo, Inammo waawaynna ahaa, ayaa inay isa soo dileen iyo inay isu socdeen mooyaane, intay dhagaxaan gurteen Iskuulkii Dhagax la dhacay. Markaas oo aan aniguna ku sugnaa oo aan joogay Dugsiga, Salaaddii Makhrib aanu tukanaynay. Dabadeed, nin Boolis ah oo Dugsiga joogay, ayaa Xabbado kor u riday oo is yidhi bal inay idinka yaacaan. Nagamay yaacine, intay nagu soo yaaceen ayay Qorigiiba ku qabsadeen. Markaa Xabbad uu kor u riday baa intay Gidaar ku dhacday, ka soo noqotay oo Wiil ku dhacday. ” Sidaa waxa yidhi Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed oo aanu xalay wax ka waydiinay dhacdadan. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaana igu maqaalo ah (Waqtiga aanu wax ka waydiinay) inuu geeriyooday Allaha u naxariistee. Intaa ka dib Maamulihii Dugsiga, ayaa dibedda u soo baxay, oo is-yidhi wax xalli. Dabadeed inamadii dhalinyarada ahaa oo gadoodsan, ayaa qafaashay Maamulihii Iskuulka, oo nabaro xun-xun bay u geysteen. Isaga oo aan Miyir beelin, balse nabarro badan lagu dhuftay, ayay Boolisku u yimaaddeen oo ay ku yidhaahdeen, ninkii Askariga ahaa ee inanka dilay waanu haynaa ee ninkan Maamulaha ahi waxba muu geysan ee sii daaya. Booliskii ayaa markaa gacanta ku haya arrinta. Arrinkaasi sidaas ayuu u dhacay, dabadeed anaguna baroor-diiq ahaan Dugsiyada Nuura-diin oo dhan laba cisho ayaanu u fasaxnay, si aanu uga qayb qaadano baroor-diiqda Wiilka”

Hase ahaatee qaar ka mid ah asxaabtii iyo eheladii Marxuumka oo aanu xalay kula kulanay Cusbatalka guud ee Magaalada Hargeysa, oo Maydka Marxuumku yaallay, ayaa dhinacooda ka sheegay in labada Kooxood ee kubbadda wada Ciyaarayay iyagu isku dhaceen, dabadeed dhagax lays waydaarsaday uu gaadhay Dugsiga, oo ay iyagu isku wadeen Shiidka. Markaas oo uu Askarigu soo baxay, rasaasna ku furay dhallinyaradii Ciyaartoyga ahaa. “Markii ay Ciyaarta ka soo dareereen, ayay labadii kooxood islaayeen, dabadeed dhagax ay iswaydaarsadeen ayaa gaadhay Dugsiga, markaas oo uu Askarigu soo baxay oo uu rasaasta ku furay” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ehelada Marxuumka.

Kooxdan Dhallinyarada ah oo qaar ka mid ahi ay Maydka markii loo soo qaaday soo raaceen, ayaa siday sheegeen dad goob-joogayaal ahi, markii ay yimaaddeen Cusbatalka ay halkaa rabshad ka sameeyeen. Isla markaana waxay jajabiyeen qaar ka mid ah Muraayadaha Waadhadhka Cusbatalka qaarkood. Iyaga oo siday sheegeen qaar ka mid ahi, ka cadhooday ka dib markii iyada oo aan la hubsan Marxuumku inuu Mayd yahay iyo in kale, la geeyay Qolka Maydka. Hase ahaatee, ma jiraan war arrintaa ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca Maamulka iyo Dhakhaatiirka Cusbatalka guud ee Magaalada Hargeysa. Kuwaas oo mar aanu xalay isku daynay inaanu la xidhiidhnana, ay noo suurtogeli wayday.

Ammaanka Cusbatalka, ayaa markii dambe aad loo adkeeyay, iyada oo labada Albaab ee laga galo Cusbatalka la dhigay Ciiidamo. Kuwaas oo baadhayay qof kasta oo galaya Cusbatalka, isla markaana dadka qaarkood celinayay.

Dhinaca kale, mar aanu xalay dhacdadan wax ka waydiinay Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad, waa uu ka gaabsaday.

“May ahayn qabiil SNM, qabiilna lamay dagaalamayn”

“Qodobka uu wasiirka tacliintu soo qaaday ee ah, inaanu eedaynay annaga oo aan waxba weydiin, wasiirku gaar buu u leeyahay, xaalna waanu ka siinay (Waraysigii Voice of America.) Iyaga xaalna ka doonimayno ee keliya ha saxaan wixii khaldamay.”

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Guddoomiyaha SNM

Hargeysa (Ogaal)- Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ah Guddomiyaha SNM, isla markaana xubin firfircoon ka ahaa aasaaskii urur-halgameedka dib-u-xorrayntii Somaliland, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Somaliland looga baahan yahay kala caddaynta doodda la xidhiidha sababihii loo cuskaday in manhajka dugsiyada dalka laga saaro taariikhdii halganka Ururka SNM, isla markaana waxa uu carrabka ku adkeeyay in SNM aanu ahayn urur ku suntanaa qabiil gaar ah, sidaana waxa uu Muj. Xasan Ciise Jaamac ku sheegay qoraalka war-saxaafadeed uu shalay soo saaray.

Muj. Xasan Ciise, oo ku xusay cudur-daar raqiis ah sababtii manhajka dalka loga saaray taariikhddaas, waxa uu qoraalka war-saxaafadeedkiisaasi u dhignaa sidan:

“Dhawr Qodob ayaa u baahan in la cadeeyo ama la saxo doodda Wasaaradda Tacliinta ee ku saabsan taariikhda SNM. May ahayn qabiil SNM, qabiilna lamay dagaalamayn, SNM waxay ahayd xaq u dirir, dulmina way ka dagaalamaysay. SNM ha lagu kala bato ee Somaliland iyo Soomaalida kaleba way ku jirtay ama taageeraysay. SNM miyaanay Jeneraal Caydiid dibadda ka soo casuumin oo aanay Baligubadle ka raacin hub iyo rasaas, saldhigyadii SNM ee koonfureedna ku darin dhawr bilood oo keliya ka hor intii aanu Xamar gelin?

Ta kale, imisa Mujaahid oo SNM ah ayay walaalahood rumaad rasaasta kaga soo ridayeen dhinacii Faqashta? Ma taasaa qabiil noqon karta? Taariikhda SNM in cuqdad laga qaado maaha, Somaliland waxay maanta kaga duwantahay Xamar iyo colaadaha badan ee kale ee maanta ka taagan Geeska Afrika, waxa sal u ah:

* 1. Halgankii SNM Soomaali oo dhan kaga xoraysay dulmigii dawladeed ee ugu darnaa ee Soomaalida soo mara abidkood.
* 2. Qorshihii SNM ay ku qabatay shirkii Burco May, 1991-kii ee ay gacanta iskugu saartay umadii tobanka sannadood halganka iskaga hortimid kuna soo celisay madaxbanaanidii Somaliland.
* 3. Shirkii Borama ee ay SNM si nabadgelyo ah ku wareejisay xukunkii dalka, iyadoo fulinaysa go’aankii shirweynihii SNM ee Baligubadle, April, 1990-kii ee ay SNM ku balanqaaday in dalka xorayntiisa ka dib, maamulka SNM hayn doonto laba sannadood oo keliya, dabadeedna dadku u madax-banaanaan doono xukunkooda, halkaas oo ay ku aasaastay Dimuqraadiyadda maanta ka jirta Somaliland.

Taariikhda SNM in cudur-daar aan macquul ahayn lagu inkiro maaha, yaa yidhaahda halgankii gobanimo-doonka ee SNL iyo Ina Ibrahim Cigaal iyo raggii kale may keenin buug daabacan oo moodh garaysan oo ay wada saxeexeen oo ay ku midaysan yihiin oo taariikhdooda dhigaya, sidaas awgeed taariikhdooda lama dhigi karo? ‘Yaa odhan kara haddii aanay sidaas samayn SNM waxba ma hayso?’

Miyaan ragga kubadda faynalka ka ciyaara ee goolka dhalliya, kuwo dibadda ka joogaa kamarada ka duubin oo ka faaloon oo aanay adduunka u bandhigin? Yaa sidaas oo kale u dooda oo la shir-yimaada? Taariikh kastaa miyaanay lahayn nuxur loo dhigi karo ardayda oo aan muran gelin? Tafaasiishu gaar iyadoo ay tahay?

Qodobka uu wasiirka tacliintu soo qaaday ee ah, inaanu eedaynay annaga oo aan waxba weydiin, wasiirku gaar buu u leeyahay, xaalna waanu ka siinay (Waraysigii Voice of America.) Iyaga xaalna ka doonimayno ee keliya ha saxaan wixii khaldamay.”

Jawaabtii Shirgudoonka Wakiillada ka bixiyay ururada Siyaasada iyo arragtida Ururka Qaran

Hargeysa (Ogaal)- Hoggaanka Urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland si cad uga soo jawaabay waraaq ay hore ugu qoreen, taas oo ay kaga dalbadeen ifitiiminta Xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr. 14.

Hoggaanka sare oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu u xaqiijiyay inuu Xeerkani dhaqan-gal yahay, isla markaana uu shaqaynayo inta xeer laalayaa ka soo daba baxayo. Waxaanay intaa ku dareen in ay Urur ahaan la xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare, ka dibna uu ugu jawaabay in aanay arrinta xeerkani isaga khusaynin, balse ay tahay mid sharci-dejinta dalka u taala.

Ugu horeyn waxa faahfaahin ka bixiyay u jeedada shirka Jaraa’id, Guddoomiye xigeenka koowaad ee Ururka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka waramay jawaabta shir-gudoonka Wakiilada. Sidoo kale, Qoraal aad u dheer oo uu shirkaa Jaraa’id ka akhriyay Xoghayaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Ururka Qaran Eng. Maxamed Jaamac, ayaa waxa ka mid ahaa;

“Dastuurka JSL waxa uu si cad u qeexay in Muwaadiniintu isu abaabuli karaan Ururo-siyaasadeed, xaqaasina waa xaq Dastuuri ah oo lama taabtaan ah. Haddaba, waxa dhacday in xaqaa Dastuuriga ah Xukuumaddu muran galisay oo Madaxweynuhu shir jaraa’id ku sheegay in Xeerka Lr. 14/2000 oo ogolaanaya in Ururada siyaasiga ahi ka qayb-galaan doorashooyinka dawladaha hoose uu yahay xeer Guurtidu burisay, oo uu waxba kama jiraan yahay. Waxana arrintaa lagu xidhay hoggaanka Urur-siyaasadeedka Qaran, laguna xukumay in aanay shanta sannadood ee soo socda siyaasad ka qayb-qaadan Karin (lana dooran Karin, waxna dooran Karin). Si xeerarkan mugdiga la galiyay loo iftiimiyo, waxa Ururka Qaran uu la xidhiidhay jihooyin badan.”

Ururka Qaran waxa ay ku sheegeen qoraalkoodan in Xeerarka iftiiminaya sharcinimada Ururkooda ay caddeeyeen Hay’ado badan oo isugu jira kuwo waddaniya iyo kuwo Caalami ahiba. Qoraalkani isaga oo ka hadlaya qaabkii ay ula xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo shir guddoonka Wakiilada waxa uu yidhi, “Waxa xusid mudan in Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah, inuu yidhi, ‘Aniga arrinkani ima khuseeyo ee dabagalka dhaqan-gelinta Xeerarka waxa leh Xeer-dejinta, garsoorkuna wuxuu leeyahay fasiraadda Dastuurka iyo Xeerarka marka qodobo laysku qabto.” Intaa ka dib, ayaa waraaq Qoraal ah oo ay u direen Wakiillada, iyana ay uga soo jawaabeen, ka dib. Waxa Ururka Qaran Shirkoodii Jaraa’id ku sheegeen in iyaga oo ka duulaya Jawaabta Shirguddoonka Wakiillada, uu Ururkoodu yahay mid sharci ah. Isla markaana uu Xeer Lr. 14/2000 uu yahay Xeer dhaqan-gal. Ururka Qaran qoraalkoodan oo aad u dheeraa waxay wax badan kaga hadleen xaqa muwaadiniintu u leeyihiin furashada Ururro Siyaasadeed, bulsho, shaqo cilmiyeed iyo kuwa la mid ka ah, Xaqa muwaadiniintuna yahay lama taabtaan uu dastuurku u damaanad qaaday. “Haddaba, waxa aanu ku boorinaynaa komishanka doorashooyinka Qaranka inay xilkooda garsoor u gutaan si u siman Xisbiyadda iyo Ururada, sida ku qeexan Xeer 20/2001, Xeer Lr. 14/2000 iyo qodobada dastuurka ee kor ku xusan.

Waxa fiiro gaar ah mudan qodobka Lr. 19 ee Xeer 20/2001, oo ah dhaarta Komsihanka doorashooyinka Qaranka oo ay mid mid dhaartaa hoos ku qoran kaga hor dhaaranayaan Guddoomiyaha Maxkamada Sare; Waxa igu wallaahiya oo igu bilaahiya inaan hawsha doorashada u gudan doono si xilkasnimo, daacadnimo leh. (Inaan dhex u ahaado xibiyada/ururada iyo musharaxiinta, sharciga iyo cadaaladdana aan ku shaqeeyo.) Waxaanu xusuusinaynaa Komishanka doorashooyinka in seddexda Xisbi Qaran ee jiraa ku meel-gaadh yihiin lana siiyay shahaadado ku mudaysan 5 sanno. Sidaa darteed waxa ku waajib ah Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda inay danta guud ka horumariyaan danahooda gaarka ah oo xuquuqda muwaadiniinta ee Dastuurka iyo xeerka dalku u jideeyeen ay daryeelaan oo ay ixtiraamaan.” Sidaa waxay ku yidhaahdeen Hoggaanka Qaran Shirka Jaraa’id, waxaanay intaa ku dareen oo ay ku yidhaahdeen, “Ururka Qaran waxa uu ka digayaa ku dhaqan la’aanta Xukuumadda ee dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala ee lagu duudsiyaayo xuquuqda muwaadininta maanta nool iyo kuwa dhalan doonaba ay ka waantowdo.

“M/weynihii Geeriyooday &

ku xigeenkiisii (C. Aw Cali)

ayaa ciidanka aasaasay, laakiin….”

“Ciidanka dhulka ilaa ka Cirka lagu ladho guulihiisa waxbaa ka dhinaanaya, Markaa…” Madaxweyne Rayaale

Hargeysa(Ogaal) – Munaasibad lagu maamuusayay Sanadguurada 14-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shalay lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland md, Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibadaa ka qayb galay ayaa sidoo kale waxa uu xadhiga Ka jaray xarunta Miiska Saraakiisha oo dib u dhis lagu sameeyay.

Munaasibadaasi waxa ka qayb galay oo kale masuuliyiin ka kala socotay Golayaasha Baarlamanka Golaha Wasiirada Hogaamiyayaasha xisbiga Kulmiye, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo Booliska iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Somaliland.

Madaxweyne Somaliland oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa waxa uu salaan u diray dhamaan Ciidamada Qaranka, saraakiisha, Sarkaal xigeenada askarta iyo dhamaan xaasaskooda, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii, “Maanta waxa weeye taariikhdu, 2dii Feb 2008, waxaa xusid mudan unugii Ciidankan maalinta la aasaasay dawladii 1993 kii lagu soo dhisay Boorama oo Alla ha u naxariistee Madaxweynihii wakhtigaasina uu Geeriyooday, Madaxweyne ku xigeenkiina uu halkan (Munaasibada) soo fadhiyo Cabdiraxmaan Awli Cali ayay ahaayeen ragii aasaaasay.

Maanta iyo maalintaasi way kala duwan yihiin, maalintaasi dabaal deg ma jirin baan u malaynayaa, qasab baa lagu samaynayey maalintaa ciidanka, maantana waan u dabaal degaynaa waa taariikh.

Taariikhdu waa wax is daba socda oo soconaya oo koraysa weeyi wax dhamaanaya maaha.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu waxaanu intaa ku daray, isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Waxaan leeyahay ciidamada Qaranka kuwii u soo jihaaday dalkan inay xoreeyaan iyo kuwa imikaba u sii jihaadaya in taba Ilaahay ha u naxariisto, waxaanan leeyahay amaan bay mudan yihiin Ciidamada Qaranku.

Ciidan Qaran in la dhisaa wax hawl yar maaha awood iyo dhaqaale ayuu ciidan u baahan yahay in lagu dhiso, waxaan anigu is leeyahay waa isla ognahay awood ma hayno lakiin dedaal iyo tadxiyada ay sameeyeen raga Ciidamada ahi ayuu Ciidankani ku dhismay iyo Madaxda kolba intii joogtay oo u dedaalaysay tasuu ku dhismay, waxaa xusid mudan ciidamada inaan wixii hore ee qabsoomay mooyee, intii anigu aan imidna aan ku booriyay waar bal cidna idiima soo socoto’e ceelna uma qodna, cidna uma maqnee waxan inaga kharaabay ma hagaajisan karaynaa, run ahaantii fikradaa Xasan Yoonis bay ahayd ninkii aanu isla soo qaadnay Alla Ha u naxariistee maanta wuu dhintay, waxaan qabaa inay midho dhashay oo ay shaqaysay arintaa iyada ahi, waxaanan leeyahay dedaalka Ciidan Qaran furi kama qodna.”

Madaxweyne Rayaale waxa uu mahad naq u jeediyay dawlada Itoobiya. “Itoobiya dalka aan jaarka nahay aadbaan ugu mahadnaqayaa, waxaan ugu mahadnaqayaa inay tababar fiican inoo siiyeen ciidanka. waxaan odhan lahaa waa in ku talagalkeenu noqdaa. maanta ciidanka jiraa waa ciidankii Lugta oo kaliya oo waliba baahidiisii 2% aan haysan baan odhan karaa intii badnayd ay ka maqan tahay, laakiin himilada fog waa inaan ku talo galnaa, ciidankii cirkana aasaaskiisa waa in la sameeyaa oo aan ku talo galno in kastoo engineering loo diray, waxaan rajaynayaa inay pilot-nimadana soo bartaan waayo ciidanka dhulka ilaa ka cirka isaga laftiisa lagu ladho guulihiisa waxbaa ka dhinaanaya.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Waxana uu hanbalyeeyay ciidanka Qaranka. “Waxaan dhamaan ciidanka S/land ee jiida hore ku hambalyaynayaa guulihii ay ka soo hooyeen iyo adkaysiga ay muujiyeen mudada ay joogeen halkaas, waxaanan taliyaha iyo wasiirkaba leeyahay abaal marintii iyo biladihii ay kala mutaysteen inaad soo diyaarisaan haduu ilaahay yidhaahdo” ayuu yidhi.

Qaska Kenya saamayn intee le’eg ayuu ku leeyahay Saxaafadda dalkaa?

Nairobi (Ogaal/AFP)- Qaska iyo qalaasaha siyaasadeed ee isu bedelay kuwo qabiil, markii ay ka bilaabmeen dalka Kenya muddo haatan bil iyo maalmo laga joogo, ayaa marka laga yimaado saamaynta uu ku leeyahay guud ahaan dalkaa, waxa iyana uu saameeyay Saxaafadda gudaha iyo kuwa dibedda.

Saxaafadda, gaar ahaan Wargeysyada ugu waawayn dalka Kenya, ayaa shalay maqaallo ay qoreen kaga hadlay saamaynta uu ku leeyahay qasku, isla markaana ka digay burbur guud oo ku yimaadda dalkooda. “Wada-haddallada socdaa waa rejada kaliya ee laga qabo dhiiga qubanaya oo la soo afjaro” Sidaa waxa qortay Jariiradda Standard ee ka soo baxda dalkaas. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Haddii dhexdhexaadinta Kofi Annan lagu guuldaraysto, waxa nagu iman doona Burbur”

Qoraalka Wargeyskan, ayaa waxa uu ka dambeeyay maalin ka dib markii Wakiillo ka kala socda dhinacyada M/weyne Kibaki iyo Raila Odinga, ay go’aan ku gaadheen in la soo afjaro khilaafaadka, iyaga oo soo saaray go’aamo ka kooban 4 qodob. “In si degdeg ah loo joojiyo dhibaatooyinka socda, lana soo celiyo Xuquuqihii aas-aasiga ahaa iyo Xorriyaddii” ayaa ka mid ahaa qoddobadaa.

Wakiilada labada dhinac ee wada-xaajoodku dhex marayo, ayaa Xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan uu u qabtay muddo 15 cisho gudahood ah inay ka wada hadlaan qoddobada muhiimka ah. “Horumarka ay sameeyeen Kooxda uu hogaaminayo Kofi Annan iyo kalsoonida isa soo taraysa ee dhinacyada wada-hadlaya, waxay kor u qaadaysaa niyadda dadkii hore u arkay sawirka uu leeyahay dalkoodu, ee ah sidii Jasiirad nabdoonayd oo ay ka qarxeen duufaanno” ayuu Wargeyska Standard ku suureeyay rejooyinka laga qabo maxsuulka ka soo bixi doona wada-hadalladaas.

Jariiradda kale ee lagu magacaabo The Nation ee ka soo baxda isla dalka Kenya, ayaa iyana sheegtay in Midowga Afrika uu ku qasban yahay inuu Kenya ka badbaadiyo dagaalka sokeeye ee uu qarka u saaran yahay. “Midowga Afrika, oo in badan lagu eedayn jiray inaanay itaal u lahayn xallinta Mashaakilaadka Afrika, ayaa waxa hor yaala laba arrimood, oo midi tahay in la joogteeyo wada hadallada Kenya-da gubanaysa, ama in la qaado tallaabo wax-ku-ool ah oo lagaga hor tegayo sii socoshada qaskan” ayay Maqaal aragtida Wargeyska ah ku qortay Jariiradda The Nation. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, “Hoggaamiyayaasha kulmay ee ka doodaya xad-gudubyada ka dhacay Darfur iyo Somalia, inta ay fadhiistaan ma daawan karaan burbur kale oo soo amba-qaadaya ama bilaabmaya (Kenya)”

Rabshadaha ka dhacay Kenya, ayaa ugu darnaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay, ka dib markii dalkaa lagu dilay laba Xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee ODM. “Warka dhimashada labadan Xildhibaan, waxay khalkhal gelisay wada hadallada lagu raadinayo xal nabadgelyo” Sidaana waxa Maqaal kale ku tidhi Jariiradda kale ee Kenya Times.

Isku soo wada duuboo, marka loo eego dhibaatooyinka hannaanka nabadgelyada iyo horu-socodka horumarineed ee bulsho ee ku habsaday dalka Kenya, ayaa la aamisan yahay inuu hadda saamayn gaar ah ku leeyahay Saxaafadda dalkaa.

Awdal: Waa side

xaalada deegaanadii roobabku wax yeeleeyeen?

Boorama (Ogaal) – Dadweynaha ku dhaqan Degaanka Camuud ayaa 85 kiish oo Raashin ah ugu deeqay, dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay roobab Qabow watay oo dhawaan ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Sida uu ku soo waramay, Wariye Daahir Axmed Jirde. Dadka deegaankaa Roobabku wax yeelada gaadhsiiyeen ayaa xaaladooda laga dayrinayaa iyada oo aanay ilaa imika jirin wax fara guud kood ah oo mooyaane cid ka tirsan dawlada iyo Hay’adaha deeqda bixiya oo gurmad gaadhsiiyay. Warku waxa uu intaa ku daray in ay shalay magaalada Boorama soo gaadheen qaar ka mid ah Kooxo gurmad deg-deg ah geeyay deegaanada waxyeeladu ka soo gaadhay Roobabka, kuwaasoo ku eedeeyay wasaarada Xanaanada Xoolaha inay dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay roobabka halkii laga eegayay inay dawooyin caawimo ah uga raadiso ay ka dhex bilowday ganacsi iyo inay dawooyinka ka iibiyaan dadka tabaalaysan. “Isu duwaha Gobolka ee Wasaarada xanaanada xoolaha ayaan weydiiyay sababta ay dadka dhibaataysan dawooyinka ugu iibinayaan, waxaanu igu yidhi waa amar Wasiir.” Sidaa waxa yidhi Axmed Muumin Seed qaar ka mid ah dadkii u gurmaday deegaamadu dhibaatadu ka dhacday oo shalay saxaafada Ugu waramay magaalada Boorama.

Kooxaha is abaabulay ee u gurmaday deegaanad Roobabku wax yeeleeyeen ayaa la sheegay inay waxogaa raashin ah gaadhsiiyeen deegaano ay ka mid yihiin. Wada-Xooray. Carawayne. Celi Gaab. Sheed-dheer.Torobooro. Damasha. Habari heshay.Garba dardar.Fardo lagu xidh. iyo xoog faras. Qayb kale ayaa iyana waxogaa gurmad ah gaadhsiisay sida warku sheegay. Xamarta oo sadex meelood ah. Dhagax-toonley, Waraqa dhigta,Tooroboorada Bariga, Dur-durka. Cad siimoodi. Weli waxa deegaanada wax yeeladu ka soo gaadhay roobabka ka soo yeedhaya qaylo dhaan la doonayo in wax loogu qabto.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: