Socdaalka Wafdiga Mareykanka ay ku tageen Somaliland oo bedelay jawiga guud ee Afrika

Hargeysa 03/02/2008 Febaury somaliland.no

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika, Mrs Junday Frazer, ayaa socdaalkeedii ugu horeeyay ee siyaasadeed ku tagtay Jamhuuriyadda Somaliland taas oo durba caro gelisay madaxda sare ee dowlada federalka Somaliya iyo maamulka Puntland.

Jenday Frazer oo socdaalkeeda ku sheegtay mid ay kaga jawaabayaan socdaalkii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku tagay Washington waxaa ay madaxda Xisbiyadda iyo Bulshada Somaliland u sameeyeen soo dhaweyn heer Qaran taas oo ay ku tilmaamtay tii ugu balaarneed ee ay kala kulanto dalalka geeska Afrika tan iyo markii ay qabatay xilka sare ee Wasaarad dibadeedka Mareykanka .

Jenday Frazer ayaa qolka VIP-da Madaarka Hargeysa kula hadashay saxaafada waxayna hadaladeeda ku daah furtay‘’Waxaan marka hore ugu hambalyaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland nidaamka dimuqoraadigaa, Nabad gelyada iyo xasiloonida ay dalkeeda ka hir galisay’’.
Jenday Frazer waxa kale oo ay inta raacisay socdaalkeedan inuu yahay mid sii xoojinaya Xiriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Maraykanka iyadoo si gaara u xustay in Xukumadda Washington taageereeyso doorashooyinka Somaliland.
Mar la waydiiyay arrinta Aqoonsiga waxay uga jawaabtay”dawlada Maraykanku waxay ku boorinaysaa dalalka Afrika in ay iyagu arrintaa bilaabaan , anaguna gacan weyn ayaan ka gaysan doono sidii Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahayd dal la aqoonsado”
Wafdiga ay hogaamineysay Jandeya Frazer oo ahaa kii ugu cuslaa ee taga Somaliland kana socda Xukumadda Mareykanka ayaa noqonaya mid loogu gogol xaarayo xiriir qoto dheer oo ay yeeshaan labada dal si ay isaga kaashadaan arrimo badan oo horyaal.
Mss Jandeya iyo wafdigii la socday ayaa ka dhoofay Hargeysa ka gadaal markii ay kulama la qaateen madaxda sedexda Xisbi,Madaxweynaha Jamhuuriyada ,gudoonka sare ee golaha Wakiiladda iyo xubno kale oo ka tirsan Xukumadda waxaana la filayaa in dhawaan Xukumadda Washington xafiis weyn ka furato Somaliland inta looga guuleeysanayo ololaha aqoonsiga Somaliland.
Inkastoo Jendaya Frazer ay socdaalkeeda ku sheegtay mid taariikhiya oo xasuusa gaara u leh hadana Waagacusub ayaa labo habeen ka hor lagu faafiyay warbixin dheer oo ku saabsan in Saraakiil Mareykana oo tagtay Somaliland ay u gogol xaarayeen wafdi balaaran oo dhawaan booqanayo.
Warbixinta Waagacusub ee Somaliland waxaa kale oo lagu sheegay inay jiraan qorshe Mareykanka talis ciidan kaga sameeysanayo Xeebta Berbera taas oo aan la ogayn inay tahay mid dhaceeyso aqoonsiga ka hor ama ka gadaal maadama ay ku kala aragti duwan yihiin beesha Caalamka.
Si kastaba ha ahaatee,socdaalka wafdiga balaaran ee Mareykanka ay ku tageen jamhuuriyadda Somaliland ayaa bedelay guud ahaan dareenka dowladaha Afrika iyadoo Warbaahintana ay uga faalooneeyso siyaabo kala duwan oo xamaasad uguba xambaarsan maadama ay la yaab ku noqotay dowlado badan sida tan Federalka Somalia

source Waagacusub

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: