Junday Frazer Oo Socdaal Rasmi Ah Ku Timid Somaliland

Hargeysa(somaliland.no)- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika, Mrs Junday Frazer, ayaa maanta socdaal ku timid Somaliland, waxana ay wada hadalo ay la yeelanaysaa Madaxweynaha somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin iyo shirgudoonada golayaasha baarlamaanka JSL.
Junday Frazer, ayaa socdaalkeedu la xidhiidhaa sii ambo qaadka waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Weftigii uu hoggaaminayay ay bishii la soo dhaafay ku tageen dalka maraykanka, markaasi oo ay isla qaateen sii xoojinta xidhiidh iyo iskaashi dhex mara Somaliland iyo maraykanka.
Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka, oo la dejiyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa sida la sheegay ay maanta qado sharaf qasriga madaxtooyada ugu samaynaya Madaxeynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo ay la kulmaysaa madaxda sadexda xisbi qaran.
Dhinaca kale, safiirka maraykanka u fadhiya dalka Itoobiya oo isagu shalay galab booqasho ku yimid dalka, ayaa u sii gogol xaadhayay socdaalka kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada maraykanka.
Jenday Frazer oo qolka VIP-da saxaafada kula hadashay waxa ay ugu horeyn tidhi ‘’Waxaan marka hore ugu hambalyaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland nidaamka dimuqraadiga , Nabad gelyada iyo xasiloonida ay dalkeeda ka hir galisay’’.
Jenday Frazer waxa kale oo ay inta raacisay in socdaalkeedan rasmiga ah uu yahay mid sii xoojinaya Xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Maraykanka.
Waxa kale oo ay sheegtay in ay doorashooyinka ka taageeri doonaan Somaliland.
Mar la waydiiyay arrinta Aqoonsiga waxa ay sheegtay in dawlada Maraykanku ay ku boorinayso dalalka Afrika in ay iyagu arrintaa bilaabaan , anaguna aanu gacan weyn ka gaysan doono sidii Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahayd dal la aqoonsado.
Intaa ka dib , Waxa loo soo qaaday dhinaca Huteelka loogu tallo galay ee Ambasaddor Hotel , halkaasi oo uu Madaxweynuhu qado Kula Yeeshay Frazer iyo Wefdigeeda.
Wefdigan Maraykanka ahi waa kii ugu cuslaa ee yimaada dalka Somaliland tan iyo intii gooni isu taaga Somaliland lagu dhawaaqay .
socdaalkan oo ka dambeeyay socdaalkii Madaxweyne Rayaale iyo wefdi uu hogaaminayay ee horaantii Bishan ku tageen Dalka Maraykanka.
Wararku waxay intaai ku darayaan in Junday Frazer, ay galabta ka dhoofi doonto Somaliland, markay la kulanto maamuleyaasha dawlada iyo xisbiyada dalka.

Xigasho Qarannews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: