Jendayi Frazer oo Galabta ka dhooftay Dalka

Intii maanta ay Kaaliyaha Xoghayaha Arimha Dibadda ee Mareykanka, Ms Jendayi Frazer ay booqashada ku joogtey Hargeysa, Madexweynaha Somaliland hadal ma uusan siinin saxaafadda.

Laakiin Markii Dr Jendayi Frazer ay Hargeysa ka dhooftey ka dib ayaa xafiiska Madextooyada Jamhuuriyadda la baxdey Somaliland ay soo saartey hadal ku saabsan booqashadii Dr Jendayi Frazer oo uu ku saxiixan yahey Afhayeenka Madextooyada Somaliland, Mr Siciid Caddani Mooge.

Wax warka Mr Siciid Caddaani u qeybiyey saxaafdda lagu sheegey in Madexweynaha Jamhuuriyadda la baxdey Somaliland uu Hotelka Ambassador ugu sameeyey qada sharaf ugu sameeyey wafdiga ay hogaamineyso Dr Jendayi Frazer.

Waxa qoraalkaasi uu intaas raaciyey in Somaliland ay ku faraxsantahey booqashada ay Dr Frazer ku tagtey Hargeysa.

Waxana uu warkaasi saxaafdda loo qeybiyey lagu xusey in madaxda Somaliland iyo wafdiga Dr Frazer ay ka wada hadleen arimo ku xiriira ammaanka iyo xasiloonida guud ee Geeska Afrika iyo siyaabaha uu Mareykanku kaalmo uga geysan karo doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo arimo la xiriira hannaanka ay u socoto Dimoqaardyaddda gayigaasi.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: