Axsaabtu waxay u baahan yihiin Dhiig cusub oo Hogaanka u Qabta “Suldaan Maxamed Suld. Cabdiqaadir

 

03/02/08 Dhaliilo way jiraan, Mucaaradkuna Maaha Mid Faani Karaya oo Qudhiisa Waxaa Haya Wixii SNM Dilay Markaa Waxa Loo Baahan Yahay Dhiig Cusub Oo Hogaanka Qabta. (Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir).

Hargeisa(somaliland.no).Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka mid ah hormoodka Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in isaga iyo Salaadiin kaleba ay qabaan in xiligan maanta ah xaalada ay ku sugan tahay Somaliland loo baahan yahay in xisbiyada dalka ay hogaamiyaan wajiyo cusub oo uu ugu yeedhay dhiig cusub oo wax dhaqaajin kara.

Suldaan Maxamed oo Wargeyska Saxansaxo uu khadka Telephoneka kula xidhiidhay ayaa waxa uu sheegay in Somaliland marayso marxalad yididiilo leh oo aan u baahnayn in la curdandhadhiyo ama koriinkeeda la wiiqo. Suldaanka oo la waydiiyay cabsida laga qabo in hakad ku yimaado geedi socodka Dimuqraadiyada ayaa si adag u sheegay in aan loo baahnayn in uu yimaado ficil noocaas ahi isaga oo jeeda inay doorashooyinku qabsoomi wayaan, looma baahna in ay timaado masiibo uu dadku sameeyay oo hakad gelisa Dimuqraadiyada curdinka ah ee dalka cidii ay ka timaadaana iyadaa qaadaysa cawaaqibka ka dhasha masuuliyadiisa, anigu ma qabo inay cidina ku foogan tahay wax noocaas ah”.

Suldaan Maxamed waxa uu ka hadlay hogaanka xisbiyada ee maanta jira iyo waliba dhaqdhaqaaqa aqoonsi raadinta ee Somaliland .Suldaan Maxamed waxa uu ku amaanay dedaalka ay samaysay waa sida uu yidhiye mudooyinkii u dambeeyay ee dadaalka aqoonsi u raadinta dalka, si gaar ah waxa uu ugu amaanay Madaxweynaha safaradii uu ku tagay Ingiriiska iyo Maraykanka sidaa si lamida ayuu amaan ugu soo jeediyay axsaabta mucaaradka ah niyad samida ay ka muujiyeen ka qaybgalka gudida taakulaynta Gobolada bari iyo tallabadii dib loogu dhigay doorashooyinka.

Intaa kadib Suldaanku wuxuu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in ay xisbiyada dalku helaan hogaan cusub oo markuu muddo lajoogabo talada gacanta ku dhiga taasoo uu ku tilmaamay aragti waxtar keeni karta “Talada lagu korinayo Somaliland waxay u baahan tahay farsamada qori isudhiibka oo waa in marka muddo la joogaba dhiig cusubi yimaadaa oo uu hogaanka Xisbiyad qabto markaa waxa loo baahan yahay in raga madaxda ah ee halkan soo gaadhsiiyay ay fursad bixiyaan oo ay ogoladaan inaan tacabkoodii khasaarin ee ay halkan kasii qaadaan rag dardar geliyaa hawsha Xisbiyada”.

Suldaan Maxamed oo markaa la waydiiyey Xisbiga uu ujeedo ayaa ka qaabsaday Xisbiga uu u jeedo, waxaanu tilmamay in dadka uu isagu Suldaan u yahay ay saddexda Xisbi ku jiraan baahida uu ka hadlayaana ay tahay mid isaga u muuqata oo meel walba taala. Suldaan Maxamed oo ka jawaabayey dhaliilaha Xukuumada loo soo jeediyo ee ku aadan dhinaca sharci fulinta iyo dhismaha dawladnimo ayaa is garab dhigay qiimaha ay leeyihiin xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka qudhoodu, waxaanu sheegay in xisbiga talada haya uu leeyahay dhaliilo iyo wax badan oo lagu saluugi karo oo ay ugu horayso ku dhaqanka dastuurka dalka dhinaca kalena waxa uu farta ku fiiqay in aan xisbiyada mucaaradka ah ee imika jiraa aanay sheegan Karin wax muuqda oo ay ku tayo dhaami karaan

“Xisbiga talada hayaa wuu leeyahay dhaliilo faro badan oo waxaba ku filan ta ka soo gaadhaysa ku dhaqan la’aanta sharciga dalka iyo cadaalad lakiin ma jiraan xisbiyo mucaarad ah oo u faani karaa waayo iskaba daa wax kale oo shantaa sanadood ee ay jiraan maxaa horumar ah ee ay xisbiyada gudohoodu ku talaabsadeen oo aan ahayn khilaaf dibada u soo baxay ee ay ka qabsan la yihiin shirkoodii, waxaana muuqata in uu marayo halkii ay SNM ku dhimatay.

Ugu dambayn, Suldaan Maxamed wuxuu sheegay in aanu fikradan keli ku ahayn ee ay la qabaan salaadiin badan oo ka mid ah madax dhaqameedka dalka oo ay ka sheekaysteen.

Source:Saxansaxo

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: