Qaramada Midoobay Oo Maalmaheeda Fasaxa Ku Dartay Maalinta Madaxbanaanida Somaliland Ee 18 May

Hargeysa(somaliland.no) Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan gudaha wadanka Somaliland ayaan fasax rasmi ah geli jirin maalinta 18 May oo guud ahaan wadanka Somaliland uu ku jiro fasax loona aqoonsanyahay maalin Qaranimo.


Xafiiska Hay’adaha Qaramada Midoobay ee magaalada Nayrobi, ayaa si rasmi ah sannadkan maalmaha fasaxa ee shaqaalahooda Somaliya ugu daray maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.
Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan gudaha wadanka Somaliland ayaan fasax rasmi ah geli jirin maalinta 18 May oo guud ahaan wadanka Somaliland uu ku jiro fasax loona aqoonsanyahay maalin Qaranimo, waxaanay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland fasax rasmi ah geli jireen maalinta 1-da Luulyo oo ah maalintii ay is raaceen labadii gobol ee Somaliland iyo Somaliya sannadkii 1960-kii, taas oo ah maalin aan Somaliland laga aqoonsanayn….

Hase yeeshe sida ku cad jad wal lagu cadeeyay maalmaha fasaxyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliland iyo Somaliya oo uu nuqul ka mid ah helay Wargeyska Geeska Afrika, xafiiska Xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee magaalada Nayrobi, waxa uu sannadkan go’aamiyay in shaqaalaha Somaliland ku sugan ee Qaramada Midoobay u shaqeeyaa fasax yihiin maalinta 18 May oo ah maalinta madaxbanaanida Somaliland, “Fadlan, waxaad shaxdan hoos ku lifaaqan ka heshaan soo jeedinta maalmaha fasaxa ee ay ku dhaqmayaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliya. Fadlan waxaad ogaataan in shaqaalaha Qaramada Midoobay ay xaq u leeyihiin oo keliya 10 cisho oo fasax rasmi ah sannadkii.” Sidaas waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska ku simaha xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay Mr. Christian Balslev Olesen, kaas oo loo qaybiyay xafiisyada Qaramada Midoobay ee guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Somaliya, waxaana ku cad in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland fasax yihiin maalinta madaxbanaanida Somaliland ee 18 May, balse ay shaqayn doonaan maalinta 1-da Luulyo oo ay fasax yihiin shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliya.

Source: Wargeyska Geeska Afrika

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: