Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Sabti, 2-feb.2008


Inkasta oo aanay qarin karayn xaqiiqada ka jirta Somaliland, isla markaana si kasta oo ay isugu dayaan warbaahinta af-carabiga ku hadashaa inay ka hortagto guulaha siyaasadeed ee Somaliland ku sii

Dagaalka Warbaahinta Carbeed, Danaha Reer Galbeedka & Demenaanta Somaliland

Wararkii wargayska Ogaal..Cadadkii..Sabtida..2feb.2008.

Dagaalka Warbaahinta Carbeed, Danaha Reer Galbeedka & Demenaanta Somaliland

Hargeysa (somaliland.no)- Ka dib markii toddobaadyadii la soo dhaafay uu Maraykanku muujiyay in uu danaynayo xidhiidh uu la yeesho Somaliland, ayaa waxa aragtiddiisaa si ba’an uga horjeestay inta badan dalalka carabta, kuwaas oo warbaahintoodu si adag u naqdiday kulamadii dhexmaray Madaxweyne Rayaale iyo Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Maraykanka, markii uu dhawaan booqashada ku tegay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka. Marka loo eego labadii toddobaad ee ugu dambeeyay sida ay wax uga qoreen warbaahinta carabtu xidhiidhka dhexmari kara Somaliland iyo wadamada reer galbeedka, ka dib markii lagu guuldaraystay nabad ka dhalata Soomaaliya, ayaa tusaale fiican u noqonaysa aragtida dalalka carbeed ka qabaan gooni-isu-taagga Somaliland .

Gulf News:

Wargeyska The Gulf News, ayaa maqaal uu cinwaan uga dhigay ‘Cabdillaahi Yuusuf waxa uu Somaliland ku dhaleeceeyay inay taageerayaan kuwa ka soo horjeeda (maxaakiimtii islaamiga),’ waxa uu wargeysku sharraxaad ka bixiyay in dawladda mbeghati ay haatan wadahadal la galayso kooxaha ay dagaalka isku hayaan ee Soomaaliya. Hase ahaatee, dhanka kale, maqaalkan oo wargeyskaa ku soo baxay cadadkiisii 28 Jan 2008, wuxuu ku amaanay Cabdillaahi Yuusuf, oo uu sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galayo mucaaradkiisa ka soo horjeeda, halka uu wargeyskaasi Somaliland-na kaga tilmaamay jamhuuriyad gooni-u-goosato ah. Maqaalkii wargeyska The Gulf News uu daabacay, oo aanu soo koobnayna waxa uu u dhignaa sidan: “Cabdillaahi Yuusuf, waxa uu weeraray marka loo eego derejaddiisa qaabkii loogu soo dhaweeyay magaalada London Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni-u-goosatada ah ee Somaliland , isla markaana waxa uu ku eedeeyay taageerada islaamiyiinta ka soo horjeedda dawladdiisa iyo taageerada ay u fidiyaan ciidamada itoobiyaanku. Isla markaana maamulka Madaxweynenimo ee ” Somaliland ” Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ka shaqeeyaa qorshayaal gooni ah, oo lagu wiiqayo dedaallada nabadgelyada Soomaaliya loogu jiro, waxaanay raadinayaan sidii ay u burburin lahaayeen dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedka Puntland. Waxa uu sheegay (Cabdillaahi Yuusuf) inuu hayo caddaymaha la xidhiidha xaqiiqada ku saabsan in Somaliland ay hoy u tahay maxaakiimtii islaamiga ahaa oo ay joogaan, ka dib markii dagaalka lagaga adkaaday sannad ka hor.”

Arab o­nline:

Shabakadda Wararka Carabta ee Arab o­nline, ay qadiyadda Somaliland ku sharraxayso, una muuqda mid ay ku canaanayso iska-soo horjeedka siyaasiyiinta Soomaalida, oo ay ku sheegeen inuu jidka u banaynayo aqoonsiga Somaliland, waxay cinwaan uga dhigeen ‘Washington waxay u taagan tahay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.’ Maqaalkaas oo aanu qaybo ka mid ahaa soo qaadanayna waxa uu u dhignaa sidan: “Qaraxa weerarada sare u sii kacaya ee kooxaha hubaysani ay kaga soo horjeedaan qabsashada ciidamada itoobiyaanka, ayaa ku qancisay Maraykanku inay aqbalaan qaadashada “Jamhuuriyadda Somaliland” oo ay u qaataan inay noqdaan xulufadooda suurtagalka ah, xataa ka sokow iyada oo aanay caasimadda Washington aqoonsanayn “Jamhuuriyaddan (Somaliland)” inay tahay qaran gaar uga go’ay Soomaaliya inteeda kale. Qaar ka mid ah khubarada arrimaha Afrikaanka u dhuun-daloola, ayaa aaminsan in Maraykanka, oo isku deyaya inuu go’doomiyo kooxaha maxaakiimta islaamiga ahi aanu haatan niyad u haynin sii taageerida ololaha ay dawladda ku-meelgaadhka Soomaaliya ku doonaysay gelitaankii Muqdisho ee ciidamada itoobiyaanka. Hase yeeshee, iyaga (Maraykanka) doontitaankooda xaqiiqda ahi waa inay aqbalaan kala-qaybsanaanta xaqiiqada ah ee jirta, taasoo caawin karaysa xasilooniyaynta gobollada ( Somaliland ), maadaama wakiillada soomaalida ah ee qabaa’illada wada-degaa ay isku raaceen inay maamul samaystaan.”

Arabs o­nline:

Shabakadda wararka Carabta ee Arabs o­nline, ayaa maqaal ay faafisay toddobaadyadii la soo dhaafay ku qaadaa-dhigtay socdaalkii Madaxweyne Rayaale ee uu ku tegay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka badhtamihii bishii January ee sannadkan. Shabakadda Arabs o­nline, oo maqaalkeeddaas cinwaan uga dhigtay, ‘Maraykanku wuxuu qarka u saaran yahay inuu aqoonsado Somaliland,’ waxa kale oo ay ku xidhiidhinayaan afhayeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee McCormack, kaas oo ay hadalkiisii faaqidaad ka sameeyeen. Sidoo kale, shabakaddu waxay sharraxaad ka bixinaysaa dardar gelinta hawlaha nabad-ilaalinta Soomaaliya, taasoo ay ku soo qaateen mar uu ballanqaadyada daad-guraynta ciidamada Afrikaanka ku adkaynayay Xoghayaha AU-du dalalka xubnaha ka ah, isla markaana uu muddo lix bilood ah ku kordhiyay xilligoodii ay halkaa joogayeen. Maqaalkaasna waxaynu ka soo qaadanaynaa; “Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Maraykanka, ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda shaaca ka qaaday inay ka go’day Soomaaliya ee Somaliland, ayaa la kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Afrika Mrs Frazer. Kulankaas oo uu afhayeenku ku tilmaamay inuu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah muddo sannado ahayd, waxa uu sheegay in aanay taas macneheedu ahayn in uu Maraykanku isu diyaarinayo aqoonsiga Somaliland . Waxa kale oo uu intaa ku daray, “Wax isbedel ahi kumay dhicin halkii aanu ka taagnayn aqoonsiga Somaliland,” isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi afhayeenku , “Uma dhawin aqoonsiga Somaliland .” Sidoo kalena, waxa hadalkiisa ka mid ahaa, “Waa hanaan ay ku lug leeyihiin Ururka Midnimada Afrikaanku, waxaananu ula socon doonaa si dhaw xaaladdiisa, laakiin wax isbedel ahi kuma dhicin siyaasaddayadii.” Bishii la soo dhaafay ayay Wasaaradda Difaaca Maraykanka masuuliyiintoodu sheegeen in xaruntooda Pentagon, danaheeda gaarka ahi yihiin hawlgallada lagaga soo horjeedo Al-Qaacidda, taasoo ay ku tilmaameen in danahooda ugu waawayni ugu fulayaan iyada oo la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, balse Wasaaradda Khaarajiga Maraykanka ayaa taas ka horjeesatay.”

Arabs o­nline:

Isla Shabakadda wararka Arabsonline, ayaa toddobaadkii hore maqaal ay arrintan ka baahisay, ku sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu kulamo la yeeshay masuuliyiin sar-sare oo Maraykanka ka socda. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in wefti sare ah, oo ay ku sharraxeen inay ka socdaan, dhulka soomaalida (Somaliland) uu kulamo la yeeshay masuuliyiin Maraykan ah “si sare loogu qaado xidhiidhka danaha guud” Somaliland oo dhacda qaybta waqooyi/galbeed ee xuduudka ay Soomaalidu la leeyihiin Itoobiya ayaa ka madaxbanaanaatay dalka intiisa kale 1991, taasoo ay haatan tahay in la aqoonsado, maxaa yeelay waxay soo qabteen doorashooyin dimuquraadiyadeed, waxaanay ku guulaysteen xasilooni, taasoo aan lagaga guulaysanin badiba inta kale ee dalka (Soomaaliya). Wasaaradda Khaarajiga Maraykankuna waxay booqashadii weftigaa ku sheegtay inay ahayd mid saaxiibtinimo oo midho-dhal ahayd.”

Alpha:

Shabakadda wararka carbeed ee Alpha, ayaa soo qaadatay maqaal uu cinwaankiisu yahay ‘Soo-dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ee Maraykanka.’ “Maraykanku waxa uu doonayaa xidhiidho badan oo siyaasadeed oo suuragal ah inuu la yeesho dadka Soomaalida ah iyo masuuliyiinta xiisaynaya dhismaha hay’addaha dimuquraadiyadeed iyo qawaaniin Soomaaliya ka hano-qaada, halka uu isagu (Madaxweyne Rayaale) u bedeshay ballanqaad mustaqbalka ah,” sidaa waxay shabakaddaasi ku sheegtay inuu yidhi afhayeenka khaarajiga Maraykanku. Iyada oo uu afhayeenkaa ay shabakaddu soo qaadatay ka sii hadlayay taas, waxa uu yidhi; “Dhamaanba dadka danaynaya inay arkaan Soomaaliya oo amaan iyo dimuquraadiyad hesho, waxay ka qaadanayaan doorkooda hanaankan.” Warbaahinta Carabtu sidoo kale, waxay u muujiyeen cadaawad Wargeyska Washington Post, oo ay ku eedaynayaan inuu Somaliland dhinaca saaray qadiyadda madaxbanaanideedana muujiyay; “Wargeyska Washington Post, oo kaalintiisa ka qaadanaya dardar-gelinta dedaalada ictiraafka loogu raadinayo gobollada goonida uga go’ay Soomaaliya, ayaa sheegay in dood ka taagan gudaha maamulka Maraykanka, ka dib markii dalka Kenya ay xilliyadan soo-food-saareen xaalado qalalaasayaal siyaasadeed ah iyo mashaakilaadka Soomaaliya ka taagan, ay muuqato mid u janjeedha aqoonsi la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland.”

Gebogabo:

durkayso, haddana waxa muuqata in dagaal ka dhan ah jiritaanka Somaliland iyo madaxbanaanideeda ay caddaysteen warbaahinta carbeed, iyada oo ka tarjumaya afkaaraha dawladdahooda. Taasina xukuumadda Madaxweyne Rayaale hoggaamiyaha ka yahay waxay uga baahan tahay siyaasad ugu yaraan lagu kasbanayo taageerada qaar ka mid ah dalalkaas.

Sheekh Mustafa Ismaaciil iyo socdaalkiisa K. Afrika

“Quustu waa geerida nolosha ku timaada”

Johannesburg, South Africa , (Ogaal)- Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun, oo ka mid ah culimada waawayn ee Somaliland iyo Soomaalida-ba, ayaa booqasho dhinaca arrimaha diinta ah ku tegay dalka Koonfur Afrika, sida uu ku soo warramay Siciid Fuuraa, oo ah suxufi madaxbanaan oo dalkaa degen.

Socdaalka Sheekh Mustafe ku tegay Koonfur Afrika, waxa uu sida la sheegay ka dambeeyay markii uu casuumad ka helay Sheekh masuul ka ah Masjidka Soomaalida ee ku yaala magaaladda Johannesburg , oo lagu magacaabo Masjid Al-Bayaan. Sida uu weriyuhu sheegay inuu u xaqiijiyay Cabdirisaaq (Mawlana), oo ka mid ah maamulka masaajidkaas, waxa uu Sheekh Mustafa halkaa ka jeediyay muxaadarooyin & waano-diimeed ku aaddan bulshada Soomaalida ee ku kala dhaqan wadanka Koonfur Afrika. Muxaadarraddan, oo ka dhacday Masaajidka Al-Bayaan ee xaafadda Mayfair ee Soomaalidu ay ka degaan Magaalada Johannesburg, waxa ka soo qaybgalay dad aad u tiro badnaa, isla markaana waxa dhegaysigeeda la sheegay inay si gaar ahayd u taabanaysay dadka Soomaalida ah ee dalkaas ku dhaqan. Kuwaas oo dilalka axmaqnimada ah ee lagu hayo marka loo eego, aan weli ku guulaysan inay samaystaan Naadi guud oo ka shaqeeya danahooda. Sidoo kale, waxa uu Sheekh Mustafa ka jeediyey Masjidka Al-Bayaan Muxaadaro kale oo ku saabsan “Go’aanka Qofka Muslimka ahí qaadanayo marka dhibaato jirto,” isaga oo ka soo bilaabay dhibaatooyinkii lagu hayay Asxaabtii & Rasuulkeenii subanaa (SCW) markii ay diinta fidinayeen iyo sida loogu baahan yahay in qof kastoo muslim ahí uu ku sabro dhibaatada markaa haysata, waxaanu ka waramay sheekhu dhibaatooyinka xilligan haysta Soomaaliya iyo guud ahaanba dalalka islaamka ah ee caalamka, isaga oo carrabka ku adkeeyay inaan marnaba laga quusanin Raxmadda & Nasriga Alle. “Quustu waa geerida nolosha ku timaada,” ayaa ka mid ahaa hadalkii uu masjidkaa ka jeediyay Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun.

Sheekhu wuxuu khudbaddiisii muxaadaraddaas ku soo gebogabeeyay in dhibaatooyinka maanta haysta caalamka islaamka lagaga bixi karo qodobadan hoos ku xusan;

-Sugnaansho lagu sugnaado xaqa & mabda’a dhabta ah (Samirka).

-Alle (SWT), oo lagu kalsoonaado.

-Iyo qodobka aadka ugu-muhiimsanaa oo ah; In Qofka muslimka ahí uu bilaabo in uu wax qabto, si uu dhibaatadaas wax uga bedalo, isaga oo tusaale u soo qaatay saxaabaddii Rasuulkeenu (scw) uu ku amaanay Mafiiq (Xaaqin) ay ku xaadhi jirtay Masjidka Rasuulka (scw). Sheekh Mustafa waxa kale, oo uu duruus iyo bayaano kala duwan ka kala jeediyay gobollada Eastern-Cape & Western Cape ee dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu wadaa inuu meelo kale oo dalka gudihiisa ka tirsan.

Maaha markii ugu horaysay ee Culimadda Masjidka Johannesburg ee Al-bayaan & Culimadda kale ee Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ay casuumad booqasho-diimeed ah u fidiyaan Culimada waawayn ee caanka ku ah u adeegitaanka Diinteena Suuban, culamaa’udiinka hore halkaa u booqdayna waxa ka mid ahaa Fadiilatu Sheekh Cumar Faaruuq, Sheekh Umal iyo kuwo kale.

Siciid Fuuraa

Freelance Journalist

Johannesburg, Koonfur Afrika

Munaasibadii ka dhacday Hargeysa Dusheeda

“Waxaynu koonfur galinay nin waliba kaba la’aan ayuu kaga yimid..markaa”

Wasiirka Hawlaha Guud

“Dhalinyarada shaqo la’aantu saameysay waxaynu kaga hor-tegi lahayn waa inaynu samaynaa” Maayarka Hargeysa

Hargeysa (Ogaal) – Waxaan in badan oo ka mid ah dusha ka eegaynay muuqaalka Caasimada Hargeysa, waxa la dhawrayay bidhaanta ilaysyada kala midabada ah oo marka dusha laga soo eego fiidkii, samaynaya muuqaal aad loo jeclaysto. Waa badhtamaha magaalada Hargeysa. Waxa lagu caweynayaa barxada sare ee Guri shan dabaq ah oo farta laga qaaday (CITY CENTER HOTEL). Islamarkaana waxa munaasibada loo sameeyay furitaankiisa habeenimadii Jimcuhu soo galayay isugu yimi, Masuuliyiin sar-sare oo ka socday Dawlada Somaliland, Salaadiin, Culimo awdiin, aqoon-yahano iyo marti sharaf aad u badan.

Munaasibada, waxa ka mid ahaa masuuliyiintii lagu soo casuumay ee hadalada ka jeediyay Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Md, Siciid Sulub Maxamed, “Aad-baan ugu hanbalyaynayaa ganacsatada dhismahan quruxda badan inoo dhisay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa, sidaa aad u ururteen ee wax u muujiseen inaan khilaafna idinku iman oo aan maankiinu is daarin…Nin waliba waxa uu ku faanaan dalkiisa isla markaan waxa uu ka qayb galaa talada dalkiisa iyo wixii markaa taagan. Wakhtiyadii hore ee dalku burburka ahaa may suurta gali jirin in dalka la maal gashado hadii la isku dayo in shilimaadka la hayo la isku daro waxay ku tusaysaa in dalkeenu hormar ku talaabsan doono waxaynu koonfur galinay nin waliba kaba la’aan ayuu kaga yimid waxaan jeclaan lahaa in sidaa Ganacsigiina u dhisaysaan dawladana aad noola dhistaan…” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud.

Maayarka Magaalada Hargeysa Eng; Xuseen Maxamuud Jiciir, oo isaguna munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa waxa uu tilmaamay in wakhtigan loo baahanyahay in dalka laga sameeyo shaqo abuuris iyo in Ganacsatadu dalka ka sameeyaan maalgashi sida shirkada Kaah Business Gourup oo Hotelka Xadhiga laga jaray hirgelisay. “Waxaan u mahad-naqayaa ganasatada qaybta laxaad leh ka qaadatay dhismaha dadkooda isla markaan noo diyaari dhaq-dhaqaaqa caasimadeed oo dadku ku farxaan, shaqona ka helaan. Waxaan kale oo aan leeyahay ganasatada reer Somaliland, waain waxyaabo shaqo abuuri kara ay lacagtooda galiyaan, wixii dadka dhalinyarada ee shaqo la. ’aatu saameysay waxaynu kaga hortegi lahayn waa inaynu samaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Maayarku

Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa xadhiga ka jaray Hotelka CITY CENTER, isaga oo ka hadlaya ahmiyada ay Wasaarad ahaan u hayaan Hoteeladana waxa uu sheegay inay wadaan qorshe shuruuc loogu samaynayo oo ay ka tala gelinayaan mulkiilayaasha. “Wakhtigan waxaynu maraynaa heer ay wax inaga bartaan wadamada Africa waxaynu haysanaa ictiraaf Rabi” Ayuu yidhi Wasiirka dalxiisku, islamarkaana xadhiga ayuu ka jaray Hoteelkaasi cusub.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay gudoomiyaha rugta ganacsiga Cadiraxmaan Faarax Sugaal iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo dhamaantood sheegay sida loogu baahan yahay maalgashiga dalka oo wax weyn ka taraya dhaq-dhaqaaqa Ganacsiga shaqooyinka iyo horumarka dalka.

Cusmaan Kaahin oo ku hadlayey Afka Mulkiilayaasha Hotel City Center ayaa isaguna waxa uufaahfaahin ka bixiyey, qaybaha Hoteelkaasi oo uu tilmaamay, in ka sokow Hurdada iyo Cuntada uu leeyahay qaybo kale oo badan oo raal-gelinaya dadka martida ah, Sida Tv-gii, Intarnetkii iyo adeegyo kale oo dheeraad ah.

Waxana inta badan martidii munaasibadaa lagu marti qaaday soo jiitay, hanaanka farshaxanimo ee loo yagleelay dhismaha Hotelka qaybihiisa kala duwan iyo qalabka loogu talagalay martida ay tahay inay ku hirtaan, si ay ugu nastaan naacowda dabiiciga ah iyo adeegiisa hufan.

“Ka hor inta aanaan is hor fadhiisan (Dawladda Mbeghati) waxaanu codsanaynayaa in..” Sh. Shariif

Asmara (Ogaal/W.Wararka)- Guddoomiyihii Midowgii Maxaakiimta Somalia , imikana ah Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Isbahaysiga dib-u-xoraynta Somalia , Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa shuruud ku xidhay wadda-hadallo ay la galaan Dawladda Mbeghati ee Somalia .

Sh. Shariif oo shalay Saxaafadda ugu waramay Magaalada xarunta u ah ee Asmara ee dalka Ereteriya, ayaa sheegay inaan Isbahaysigoodu hadda diyaar u ahayn inay wada-xaajood la galaan Dawladda Mbeghati ee Somalia ee uu hor kacayo Ra’iisal-Wasaare Nuur-Cadde, inta ay Ciidamada Itoobiyaanku ku jiraan gudaha Somalia. Balse, ay suurtogal tahay inay wada-haddallo isku hor fadhiistaan labada dhinac, marka laga daad-gureeyo Itoobiyaanka ku sugan Somalia . “Ka hor inta aananu is hor fadhiisan (Dawladda Mbeghati) ee aananu wada-xaajoon, waxaanu codsanaynayaa in Ciidamada Itoobiyaanka ah laga daad-gureeyo gudaha dalkayaga” ayuu yidhi Sh. Shariif. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu xaqiijinaynaa in ay Dawladda caqabad ku noqonayso inta ay Ciidamada Itoobiyaanku ku sugan yihiin Somalia , waqtiganna suurtogal maaha in laysugu yimaado wada-xaajood”

Sh. Shariif waxa uu soo dhaweeyay dhawaaqa ka soo yeedhay Ra’iisal-Wasaare Nuur-Cadde ee uu ku sheegay inay wada-hadallo la galayaan Kooxaha Mucaaradka ah meel kasta oo ay ku sugan yihiin. Iyaga oo u maraya dariiqa suurto-gelinaya. Hase ahaatee, wuxuu sheegay in aanay suurtogelayn ilaa laga soo baxo Shuruuddaas. “Dhawaaqa Ra’iisal-Wasaaruhu wuu wacan yahay, hase ahaatee ka hor wada-hadal laysugu yimaaddo, waxaanu dawladda u soo jeedinaynaa in dalka laga saaro Itoobiyaanka” ayuu yidhi Sh. Shariif.

Hadalkan ka soo yeedhay Sh. Shariif Sh. Axmed, ayaa u muuqda mid aan suurtogelinayn wada-hadal laysugu yimaaddo, maadaama ay Dawladda Mbeghati iyo Xulafadeeda Itoobiyaanku aanay ka go’nayn in Ciidamada Itoobiyaanka laga saaro Somalia. Isla markaana ay iyagu hore shuruud uga xidheen arrintan, oo ay sheegeen in ilaa Somalia la keenayo Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo iyaga bedela, aanay ka baxayn Itoobiyaanku. “Waanu jecelnahay in la xalliyo dhibta, balse ma aha marka hore in laga fikiro sidii loo dhammayn lahaa qaska ka hor inta ay Itoobiyaanku joogaan.” Sidaa waxa yidhi Sh. Shariif Sh. Axmed oo ka hadlayay aragtidooda wada-hadal laysugu yimaado.

Ururka Dhakhaatiirta bilaa xuduudka ah oo shaqaalahoodii kala baxay Somalia

Muqdisho (Ogaal/AFP)- Ururka Dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn (MSF) ee ka hawl gala Somalia , ayaa sheegay inay dhammaan shaqaalahooda Caalamiga ah ka daad-guraynayaan gudaha Somalia , ka dib markii saddex ka mid ah Shaqaalahooda lagu dilay Qarax Bam oo waddada dhinaceeda loo dhigay.

“Shaqaale dhan 87 qof oo ka mid ah Shaqaalaha Caalamiga ah ee MSF, ayaa laga daad-gureeyay ilaa 14 Mashruuc oo ay ka waddeen Somalia ” Sidaa waxa lagu yidhi War Saxaafadeed ay ka soo saareen Magaalada Nairobi. “

Tallaabadan ay qaadeen Ururka Dhakhaatiirta bilaa Xuduudka ah ee MSF, ayaa waxa ay timi ka dib markii maalintii Isniintii ee toddobaadkii ay ka soo gudubnay, Qarax Bam oo la dhigay Waddada dhinaceeda, Koonfurta Galbeed ee Somalia, uu la qarxay Gaadhi ay saarnaayeen Koox ka mid ah Ururkan MSF. Halkaas oo ay ku dhinteen Dakhtar u dhashay dalka Kenya , Khabiir ay dhalashadiisu ahayd Faransiis, Suxufi Soomaali ah iyo sidoo kale Darawalkii u waday gaadhigu. “Weerarkan lala beegsaday mid ka mid ah kooxahayagu run ahaantii waa wax laga murugoodo, waana burbur khatarteeda leh oo lala beegsaday dhaqdhaqaaqyada Bani’aadamnimo ee ay saaxiibbadayadii dhintay ku hawlanayeen” Sidaa waxa yidhi Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Ururka MSF Christophe Fournier.

Mr. Fournier wuxuu sheegay inkasta oo ay Shaqaalahooda kala baxayaan Somalia , aanay taas macnaheedu ahayn inay joojinayaan hawlihii gargaar ee ay ka wadeen Somalia . “Inkasta oo hawlgallada dawayneed ee lagu badbaadinayo nolosha bani’aadamku ay ka sii soconayso Somalia , iyaga oo ay maamulayaan saaxiibbadayada Soomaalida ahi, haddana daad-gurayntani waxay ku tacaluqdaa Shaqaalaha Caalamiga ah ee MSF ee ku sugan Somalia ” ayuu yidhi Mr. Fournier.

Ururka MSF waxa kale oo ay sheegeen in dhammaan shaqaalahan ay ka saareen Somalia , la geeyay dalka la jaarka ah ee Kenya , balse may cayimin waqtiga ay dib ugu soo noqon doonaan Somalia ee ay ka hawlgeli doonaan.

Waaldiinta 400 oo Dhalinyaro Somali ah oo Tanzania ka codsaday sii daynta caruurtooda

Muqdisho (Ogaalo/W.Wararka) – In ka badan 400 oo dhalin yaro Soomaali ah ayaa la sheegay inay ku jiraan xabiyo ku yaala wadanka Tanzania .

Sida ay faafisay Idaacada Shabeele, waxaa mudooyinkii ugu danbaysay isa soo taraysay cabashada waalidiinta dhalinyaradaasi, kuwaasoo walaac xoogan ka muujiyey sii xidhnaanshaha dhalinyaradaasi oo qaarkood ay xabsiga ku jiraan, sida la sheegay mudo ka badan 6 bilood.

Kuwaasoo inta badan ka cararay dhibaatooyinka ka taagan Koonfurta Soomaaliya.

Hooyo Carabo Cismaan Faarax oo ka mid ah waalidiinta caruurtoodu ay ku jiraan xabsiyada dalka Tanzania ayaa sheegtay in iyadu wiilkeeda ay markii hore ku qasabtay in uu ka cararo musiibooyinka ka taagan magalada Muqdisho, hase ahaatee waxa ay tilmaantay in mar kale uu la soo gudboonaadaywer-wer ay ka qabto nolosha Wiilkoodu, markii ay ka war heshay in lagu xidhay Tanzania.

Cilmi Max’uud Max’ed oo isaguna ka mid ah waalidiintaa ayaa sheegay, in socdaal mushkilad badan wata ka dib ay ogaadeen in caruurtoodii ay ku xidhanyihiin xabsiyada dalka Tanzania waxaana ay waalidiintani ugu danbeeyntii ka codsadeen dawlada Tanzania iyo cidii kale ee arrintaas danaynaysaba inay ku dedaalaan sidii wiilashooda iyo dhamaan Soomaalida ku jirta xabsiyadaasi loo sii deyn lahaa iyadoo la eegayo dhibaatada ka taagan dalkooda ee ay uga haajireen.

Wajaale: Magaalo Biyo la’aani la hadhay

Wajaale (Ogaal) – Gudoomiyaha magaalada Wajaale Qawrax Muuse Xusseen ayaa ka dayriyay biyo la’aan xoog leh oo uu sheegay inay soo food-saartay magaalada Wajaale, Islamarkaana waxa uu ku baaqay in arrintaa gurmad xoog leh laga galo.

Mr, Qowrax oo xalay wargeyska Ogaal kala soo xidhiidhay magaalada Wajaale oo hoos timaada Degmada Gebilay, xog waraysi kooban oo aanu arrintaa kala yeelanay ayaa wuxuu u dhacay sidan:

S: Baaqa aad doonayso inaad gudbisaa muxuu yahay?

J: Runtii, waxa jirta Biyo la’aan ku habsatay deegaanka Wajaale iyo agagaarkiisa, iyada oo aanay Magaaladu lahayn wax Ceel ah, dhaamam ayaa laga cabi jiray, dhaamankiina way madheen, Barkadihii xaga Itoobiyana waxa saameeyay biyo la’aanta. Markaa Hay’addaha wadaniga ah, kuwa Caalamiga ah iyo Xukuumaduba inay gurmad qaylo-dhaan ah noo soo diraan ayaanu ka codsanaynaa.

S: Biyaha halkee ugu dhaw ee Magaaladu ka cabtaa imika?

J: Biyaha Booyaduhu sidaan ayaa noogu dhaw.

S: Xagay Booyaduhu biyaha ka soo dhaamiyaan?

J: Meelo badan bay ka soo dhaamiyaan, sida Arabsiyo iyo Lafa-ciise oo kale.

S: Markaa, qiimaha Foostada biyaha ahi waa imisa oo magaalada laga idinka siiyaa?

J: Wallaahi, qiimaha Foostadu 30 Riyaal oo lacagta Itobiya ah ayay nagu taagan tahay, oo u dhiganta 21,000 lacagta Somaliland ah.

S: Ka maamul ahaan ma imika markaad biyo la’aanta aragteen ayuun baad ka hadlaysaan, hore maxaa ugu diyaar garoobi waydeen?

J: Niyaw tirada dadka ayaa sannad walba kordhaysa, wakhtiyada qaarkood markay Baliyadu buuxsamaan waxay nagu dhawayn jireen Roob da’a. Markaa Roob la’aan dhacday ayaa sababtay in Baliyaduna go’aan.

S: Magaaladu waa magaalo ganacsin oo balaadhan, bulsho badanina ku nooshay. Markaa ma Baliyada uun baad ku halayseen iyo inta Roobku imanayo, miyay daan hore uga diyaar garoobin?

J: Maamul ahaan degmada Gabilay ayaan ka tirsanahay, Geed-balaadh baa kal hore Hay’aduhu ceel ka qodeen, Ceelkiina wuu dhamaaday, oo 18KM buu noo jiray. Markaa sannadkan cusub bay ku beegan yahay hawl-galkii cusbaa, sannadkan wax noo diyaara oo xaaladan jirta wax ka qabanaysaa ma jirto.

S: Geed-balaadh soo Ceel hore oo laga cabi jiray may lahayn?

J: Haa, wuu jiraa, ee wuu jabay oo imika hawshiisii ayaa lagu jiraa baa la yidhi.

S: Markaa, ceelkaa ceel ka sokeeya oo biyo laga heli karaa ma jiro miyaa?

J: Dhul ka sokeeya Geed-balaadh oo biyo laga heli karaa ma jiraan, oo Wajaale dhawr jeer baa laga eegay, in kasta oon casrigan la eegin. Laakiin berigii hore biyo lagama gaadhin.

S: Markaa, biyaha qaabkeed u dalbanaysaan?

J: Dee , xataa ogaysiinta Saxaafada waxaanu uga dan leenahay si caawimo naloogu taro, oo gaadiidka naloogu badiyo maadaama oo ay yar yihiin, sida dadka wax loogu gaadhsiiyaana adag tahay, in la ogaado ayaanu uga dan leenahay.

S: Maamulka degmeda aad hoos tagtaan ma kala hadasheen arrintan?

J: Waanu kala hadalay, iyaga laftoodana waanu u sheegnay si ay wax uga qabtaan.

Somaliland iyo Ciidan Qaran oo qaangaadhay

Hargeysa(Ogaal) – Ciidanka qaranka Somaliland, ayaa Maanta u dabaal degaya sanad guuradoodii 15-aad, ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidankaasi 2-dii bishii Febaruary 1993-kii, oo la qarameeyay cutubkii ugu horeeyay.

Ciidanka qaranka, ayaa sanad guuradoodan ay ku qaan-gaadheen awood iyagoo muujiyay awooda buuxda ee ay u leeyihiin inay difaacaan soohdimaha iyo qaranimada Somaliland . Waxana ay ku soo beegantay wakhti ay dhirbaaxooyin xoog leh ku dhufteen ciidamadii maamul goboleedka Puntland ee Somaliya.

Ciidanka qaranka, ayaa waxa la aasaasay 2/2/1993-kii wakhtigaasi oo ay cusbayd xukuumadii Alle ha u naxariiistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, oo lagu soo doortay shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland oo ku qabsoomay magaalada.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: