Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb Galay Xuska Sanad guurada 14-aad ee Ciidanka Qaranka

Hargeisa(somaliland.no).Waxaa maanta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka S/land lagu qabtay. Munaasibad weyn oo lagu xusayey sanad guuradii 14aad ee Aasaaska Ciidamada Qaranka S/land. Kasoo la sameeyay 1994kii markii dib loo yagleelay gooni isu-taaga S/land sidoo kale waxa xadhiga laga jaray xurunta saraakiisha Ciidamada oo dibudhis lagu sameeyay munaasibadaasi waxa maanta ka qayb galay Madaxweynaha S/land Mudane Daahir Rayaale Kaahin Golishiisa Wasiirada Shirgudoonka Baarlamaanka, Guurtida& Wakiilada, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo kuwa Booliska iyo masuuliyiinta Dawladda Itoobiya u fadhiya S/land.

Madaxweyne S/land Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa waxa uu salaam u diray dhamaan Ciidamada Qaranka ee S/land gaar ahaana kuwa ka hawlgalay sugida iyo qabsashada Gobolka Sool, saraakiisha, Sarkaal xigeenada askarta iyo dhamaan xaasaskooda, waxaanay u dhacday qudbadiisii sidan:-

“Maanta Maalintaan joognaa waa 2dii Feb waxaa xusid mudan unugii Ciidan kan maalinta la aasaasay dawladii 1993 kii lagu soo dhisay Boorama oo Alla ha u naxariistee Madaxweynihii wakhtigaasina uu naxariistee Madaxweynihii wakhtigaasina uu dhintay, Madaxweyne ku xigeenkiina uu halkan soo fadhiyo C/raxmaan Awli Cali ayay ahaayeen ragii aasaaasay.
Maanta iyo maalintaasi way kala duwan yihiin, maalintaasi dabaaldeg ma jirin baan u malaynayaa, qasab baa lagu samaynayey maalintaa maantana waan u dabaal degaynaa waa taariikh. Taariikh waa wax isdaba socda oo soconaya oo koraysa weeyi wax dhamaanaya maaha.
Waxaan leeyahay ciidamada Qaranka kuwii u soo jihaaday dalkan inay xoreeyaan iyo kuwa imikaba u sii jihaadaye intaba ilaahay ha u naxariisto, waxaanan leeyahay amaan bay mudan yihiin Ciidamada Qaranku. Ciidan Qaran in la dhiso wax hawl yar maahin awood iyo dhaqaale ayuu ciidan u baahan yahay in lagu dhiso waxaan anigu isleeyahay waa isla ognahay awood ma hayno lakiin dadaal iyo tadxiyada ay sameeyeen raga Ciidamada ahi ayuu Ciidankani ku dhismay iyo Madaxda kolba intii joogtay oo u dadaalaysay tasuu ku dhismay, waxaa xusid mudan ciidamada inaan wixii horee qabsoomay mooyee intii anigu aan imidna aan ku booriyay waar bal cidna iniima soo socoto ceelna uma qodna, cidna uma maqnee waxan inaga kharaabay ma hagaajisan karaynaa, run ahaantii fikradaa Xasan Yoonis bay ahayd ninkii aanu isla soo qaadnay Alla Ha u naxariistee maanta wuu dhintay waxaan qabaa inay midho dhashay ooy shaqaysay arintaa iyada ahi, waxaanan leeyahay dadaalka Ciidan Qaran furi kama qodna Itoobiya dalkaa aan jaarka nahay aadbaan ugu mahadnaqayaa, waxaan ugu mahadnaqayaa inay tababar fiican inoo siiyeen ciidanka.
waxaan odhan lahaa ku talagalkeenu inuu noqdo maanta ciidanka jiraa waa ciidankii efentariga oo kaliya oo waliba baahidiisu 2% aan haysan baan odhan karaa intii badnayd ay ka maqan tahay laakiin himilada fog waa inaan ku talo galnaa, ciidankii cirkana aasaaskiisu waa in la sameeyaa oo aan ku talo galno inkastoo injineerin loo diray, waxaan rajaynayaa inay pilot nimana soo bartaan waayo ciidanka dhulka ilaa ka cirka isaga laftiisa lagu ladho guulihiisa waxbaa ka dhinaanaya.

Waxaan dhamaan ciidanka s/land ee jiida hore ku hambalyaynayaa guulihii ay ka soo hooyeen iyo adkaysiga ay muujiyeen mudada ay joogeen, waxaanan taliyaha iyo wasiirkaba leeyahay abaal marintii iyo biladihii ay kala mutaysteen inaad soo diyaarisaan haduu ilaahay yidhaahdo si aanu ugu abaal marino, taas ayaan soo jeedinayaa waxaan leeyahay himiladeenu way fogtahay Sool iyo maalahaas aynu joogno maaha himilada Ciidanka loo dhisayo waa Himilo ka fog oo ah inay qarankan markastaba jiritaankiisa ay u noqdaan kuwo I diyaar oo daafici kara hadii ilaahay yidhaahdo,

waxaan leeyahay maanta waa maalin qiimo leh dhamaan Ciidanka Qaranka meel kasta oo ay joogaan Sarkaal iyo Sarkaar ku xigeenba iyo Xaasaskoodaba hambalyo ayaan u gudbinayaa waxaan ku amaanayaa Taliska Ciidanka runtii intii soo aragtay saaka way sooo aragtay quruxda iyo sharafta ay ka soo sareen. Waxaan odhan karaa waa shaqo la qabtay shaqo kasta oo la qabtayna quruxdaasay soo saaraysaa, waxaan leeyahay meelaha kala iyagana inaan wax ka qabano, Maayarka horana waanigii uga wada hadalnay waxaan adigana kugu amrayaa inaad State-House kii aad banayso isgana Insha-Alaah aan dhisno oo noqon doona meesha mustaqbalka Madaxtooyada noqon doonta aynu ka dhisno. Waxanan ilaahay ka rajaynayaa sanadka dambe inaynu isku soo noqono inagoo mustawaheenu intan ka fiican yahay.

Waxaa iyana Maanta Munaasibadaas hadalo warbixino ah ka jeediyay Taliyaha Guud ee ciidanka Qaranka S/land Nuux Ismaaciil Taani iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Mudane C/lahi Ibraahim Cali kooxda fanaaniinta ee Gaashaan ayaa iyana riwaayad xiiso badan munaasibadaasi ku saabsan masuuliyiintii iyo marto sharaftiiba halkaas ugu soo bandhigay.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: