Jendayi Frazer oo sheegtay in Maraykanku midowga Afrika Culays ku saaraayo in uu Somaliland u diro wefti

Addis Ababa(somaliland.no)- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan Midowga Afrika Ms. Jendayi Frazer, ayaa sheegtay in Maraykanku Midowga Afrika culays ku saarayo in Somaliland loo soo diro wefti xaqiiqo raadis ah….

Sida uu xalay baahiyay Telefiishanka Qaranka Somaliland Ms. Jendayi Frazer oo magaalada Addis Ababa ugu warantay weriye Muha Daahir Faarax Jire oo ka tirsan Telefiishankaas, waxa ay sheegtay in Ajandaha Maraykanka ee Somaliland yahay in Midowga Afrika wefti u diro Somaliland, “Annaga ayaa taageeraynay in Midowga Afrika u diro wefti culus oo qiimayn ku sameeya wada hadalna la yeesha shacbiga iyo dawladda Somaliland, annaga ayaana taas dhiiri gelinayna Midowga Afrikana ku duduucayna inay Somaliland u diraan wefti.”
Jendayi Frazer oo la weydiiyay in Maraykanku daba gal ku samaynayo sidii midowga Afrika Somaliland ugu soo diri lahaa wefti, waxa ay tidhi, “Runtii Maraykanku waxa uu ahmiyad siiyo kama daba hadho, tan Somaliland-na annaga ayaa ku duduucayna, Mr. Alpha Omer Kanore oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika (Intii aan xilku ka dhammaan) iyo madaxweynayaal aan la kulmayba waan kala hadlay in Midowga Afrika Somaliland u diro wefti culus oo wada hadal la yeesha bulshada iyo masuuliyiinta Somaliland, taasna daba galkeeda annaga ayaa haddaba daba galayna.”
Mrs. Jendayi Frazer, ayaa waxa ay dhawr goor shirar caalami ah ka sheegtay in Maraykanku aanu marnaba aqoonsiga qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland u weydaaran doonin ururka Midowga Afrika oo ah urur ay qaaradda Afrika oo Somaliland ka tirsantahay leedahay.
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa bishii January ee dhammaatay tagay dalka Maraykanka halkaas oo ay kulamo kula soo yeesheen madax ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Gaashaandhiga Maraykanka,.

Wargeyska Geeska Afrika

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: