Faalada Maanta:Mudane Axmed Moxamed Silanyo Halyeyga Somaliland

 

Mudane Axmed Moxamed Silanyo: Halyeyga Somaliland
(Hoggaamintii Halgankii SNM)

Taariikhdu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha ummad kasta, waa xusuusiyaha wixii la soo maray, dhib iyo wanaagba, waana dhacdooyinka looga shidaal qaato dejinta yoolalka ay ummadi hiigsanayso mustaqbalka lana xidhiidha arrimaha: Siyaasadda, dhaqaalaha, nabadgelyada, difaaca, bulshada iwm.

Taariikhda Somaliland waxay soo martay laba xilli oo taabanaya madaxbanaanideeda, jiritaankeeda iyo aayo-ka-talinteeda. Xilli waxa uu ahaa waqtigii Halgankii Siyaasiga ahaa ee gobanimadoonka laguna guuleystay June 26, 1960. Xilliga kalena waxa uu ahaa waqtigii Halgankii Hubaysnaa ee Ururka SNM (1981-1990) kaas oo markii taariikhdu ahayd January 1, 1991 dadka iyo dalka Somaliland ka samata-baxshay halistii weynayd ee khatarta gelisay jiritaankooda taas oo uu u maleegay Talsikii Siyaad Barre.

In kasta oo labadaas halganba ay hoggaanka u hayeen siyaasiyiin iyo geesiyaal danta dalka iyo dadka ka hormariyay naftooda iyo danta gaara ayaa haddana Halgankii Hubaysnaa ee Ururkii SNM waxa uu kaga duwanaa Halgankii Xorraynta Gobolladii Waqooyi laxaadka dhibaatada uu wajahay sida geerida badan ee dadka ku timid iyo dhiigga badan ee loo daadshay ka samata-bixinta dadka iyo Dalka Somaliland dhaxal-wareeg dhul iyo qaran-guur ummad. Waxa uu ahaa xilli dadka iyo dalka uu ku habsadey dulmi weyn oo aan hore taariikhda u soo marin si cadawtinimo lehna loogu geystay dadka dil, xasuuq, burbur, baro-kicin, xadhig xad-dhaaf ah, dhac iyo fara-xumayn, dembiyadaas culus oo Taliskii Siyaad Barre galay sannadihii u dhaxeeyay 1982-1989 siiba 1988 iyo1989 kuna salaysnaa nacayb qabiil. Waxaa lagu talagalay in dadkii dalka u badnaa laga dhaxal-wareejiyo dhulkooda laguna bedelo dad kale taas oo aan sir ahayn balse ahayd arrinta keliya ee lagu dagaal-gelinjiray. Waxaa arrintan markhaati cad ka ah warqaddii SIRTA CULUS ahayd ee taariikhdu markii ay ahayd January 28, 1987 uu dembiile dagaal Moxamed Saciid Moorgan u kala diray soddogii Siyaad Barre, General Aden Hirsi Gabyow, Wasiirkii Gashaandhigga, iyo General Axmed Suleman Cabdalla, Wasiirkii Arrimaha Gudaha, warqadaas oo Moorgan ku soo jeedinayo talo ah in dadka Isaaqa si tartiib-tartiib ah looga wareejiyo dhulkooda laguna bedelo waxa uu ku tilmaamay “Dadka ehelka u ah Kacaanka.”

Halgankii Hubaysnaa ee Ururka SNM ee lagu badbaadiyay dadka iyo dalka Somaliland waxa uu ahaa halgankii ugu adkaa uguna weynaa ee ummadda Somaliland gasho. Sidaas awgeed, Mujaahidiintii Ururkii SNM sida aasaasayaashii Ururka oo kala ahaa: Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi), Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Aadan Wadaadiid, Cumar Maygaag Samatar, Maxamed Cismaan Yuusuf, Ibraahim X. Ducaale (DUDUMO), Ibraahim Cismaan Yuusuf, Dr. C/Salaan Yuusuf, Cismaan Axmed Xasan, Xasan Ciise Jaamac iyo Axmed Jimcaale, madaxdii kala duwanayd ee soo hoggaamisay Ururka kalana ahaa: Muj. Axmed Jimcaale Guleed, Muj. Sh.Yussuf Cali Sheikh Madar, Muj.Cabdulqaadir Koosaar, Muj. Axmed Moxamed Silanyo, Muj. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Golihii Dhexe, saraakiishii iyo naftood-hurayaashii waxay markasta taariikhda Somaliland kaga jiridoonaan baal dahab ah laguna xusidoonaa.

Halgan kasta oo hubaysan oo la galo dhibka iyo xanuunka halganka waa loo wada simanyahay laakiin looma wada sinna kartida, hawlkarnimada, aqoonta iyo hoggaaminta. In kasta oo dhammaan hoggaamiyayaashii Ururka SNM daacad u wada ahaayeen halgankii SNM una wada go`doomeen ka samata-bixinta dadka iyo dalka Somaliland dhibaatadii weynayd ee ku habsatay, ayaa haddana Muj. Axmed Moxamed Silanyo waxay hoggaamintiisu kaga duwanayd inta kale sida soo socota:-

1. Waxa uu Halgankii SNM hoggaaminayay xilligii ugu dheeraa, ugu duruufaha adkaa, uguna dagaallada badnaa xilligaas oo uu muujiyay hawlkarnimo iyo hoggaamin ku salaysan geesinimo iyo halyeynimo aan marnaba cadawga ummadda u liicin taasuna waxay caddanaysaa inuu dusha u ritay culayskii iyo miisaankii ugu weynaa Halgankii Hubaysnaa ee SNM (Waxa uu guddoomiyanimada SNM hayay 1984-1990).

2. Hoggaamintii Axmed Moxamed Silanyo oo lahayd karti, codkarnimo, aqoon iyo geesinimo kaashanaysana Golihii Dhexe iyo saraakiishii SNM waxay suurtogelisay isku dubbaridka siyaasadda, dhismaha iyo taabbagelinta Garabkii Milatariga SNM iyo garabkii siyaasadaba, waxaa soo shaac baxay awoodda gaashaandhigeed ee Ururkii SNM u lahaa burburinta Taliskii Siyaad Barre iyo samata-bixinta ummadda waxaau Ururku caan ka noqday adduunka. Wuxuu caalamka gaadhsiiyay in Ururka SNM yahay urur xaq u dirir ah oo la dagaallamaya Talis dhiig-yacab ah oo maato-lays ah, waxaanu si joogta ah adduunka ula socodsiinjiray tacadiyadii iyo xad-gudubyadii badnaa ee Taliskaasu ku hayay ummadda. Waxaa xilligiisii Ururku ku qaaday ciidamadii iyo Maamulkii Taliskii Siyaad Barre ee Gobolladii Waqooyi dagaallo iyo duullaamo is-dabajoog ah oo uu ku soo hooyay guulo waaweyn oo fara badan kuwaas oo Taliskaas naafeeyay.

3. Astaamaha halyeynimada qofka waxaa ka mid ah gaadhidda iyo fulinta go`aan adag waqti adag oo u dhaxeeya geeri iyo nolol si ummad looga samata-baxsho masiibo aadami oo halis gelisa jiritaankeeda. Isaga oo latashanaya Golihii Dhexe iyo Saraakiishii SNM waa kaas go`aankii uu gaadhay Axmed Moxamed Silanyo bishii April 1988 markii labada keli-taliye, Siyaad Barre iyo Mengiste Haile Mariam, ay heshiis ku gaadheen in Ururka SNM laga eryo dalka Itoobiya oo ahayd meesha keliya ee suurto-galka ahayd in ururku ka soo dagaallamo kana xorreeyo dadka iyo dalka Somaliland, heshiiskaas oo ahaa shirqool la rabay in Halganka SNM jilbaha loogu dhigo. Axmed Moxamed Silanyo halkuu dooraan lahaa is-dhiibid, dullinimo, gunnimo iyo qaran-jab weyn ayaa waxa uu go`aan ku gaadhay in bishii May 1988 shooladda la iskaga tuuro markabkii cadawga ee Siyaad Barre kuna amray Ciidamadii SNM inay xoog ku galaan dalka dulmigana ugu galaan daaraha uu ku jiro si loo badbaadiyo shacabka iyo dhulka. Waxay ahayd xilli leh murugo weyn, werwer iyo cabsi oo qofkastaba lahaa, “Talow maxay noqon”, qofkastana Eebbe iyo Ururka SNM talada iyo aayaha saartay. Duullaankaas weyn Siyaad Barre kama soo kicin ugu dambayntiina waa tii dhalisay xorraynta Somaliland bishii January 1dii, 1991 isla markaana u suurtogelisay Ururkii USC inuu ku duulo Mogadisho oo uu qabsado dalkana ka cararo Siyaad Barre iyo Taliskiisii maato-layska ahaa.

Sifooyinka kor ku xusan iyo kuwo kale oo badan ayaa ka dhigaya inuu Axmed Moxamed Silanyo yahay HALYEYGA SOMALILAND. Isaga oo aqoonsan kaalintii hormoodka ahayd ee Muj. Axmed Moxamed Silanyo ka soo qaatay badbaadinta dadka iyo dalka Somaliland ayaa Mudane Abdullaahi Abdi (Abdullaahi Jawaan) waxaa uu dhawaan caddeeyay in Axmed Moxamed Siilanyo yahay Nelson Mandelaha Somaliland. Muj. Axmed Moxamed Silanyo uma dagaallamayn beel gaar ah ee waxa uu u dagaallamayay badbaadinta ummadda Somaliland iyo dhulkeeda, waxa uu u dagaallamayay kala badbaadinta beelaha Somaliland ee Taliskii Siyaad Barre dabka dhexdhigay kalana geeyay. Maanta laba qof ayuunbaa neceb Axmed Moxamed Silaanyo. Qof cadow ah oo ka soo horjeeda Halgankii Hubaysnaa ee Ururkii SNM iyo jiritaaanka Somaliland iyo qof mangaab ah oo markiiba illaaway wixii dhibaato dadka iyo dalka Somaliland soo maray, kuwii geystay iyo ciddii ka badbaadisay, naftiisana ay adkaatay caadifad qabiil ama dan gaar ah oo fahmi la` qiimaha wadaninimada,dadka iyo dalka.

Haddaba Ummadda Somaliland maxay ugu abaal-guday Mudane Axmed Moxamed Silanyo? Maxay ugu abaal-guday aasaasayaashii, madaxdii kale iyo dagaalyahanada Ururka SNM (SNM Veterans)? Maxay u daryeeliweyday agoonta iyo naafada SNM? Maxaa loogu gabbood-falay dhammaan geesiyaashaas naftooda u huray ka samata-bixinta dadka iyo dalka Somaliland halistii weynayd ee soo food-saartay jiritaankooda loona illaaway taarikhdaas? Geesiyadii Halganka ku shahiiday ma ujeedo la`aan ayay u dhinteen? Hantidii ku baxday Halganka ma hal bacaad lagu lisaa? Ummadda Somaliland haddii aanay aqoonsan, qiimayn, u abaalgudin, xusinna geesiyadeeda isla markaana ubadkeedu baran taariikhda Halgankii SNM ee samata-baxshay, ma yeelanayso taariikh, aayaheeda fahmimayso, cadowgeeda iyo nasteexeeda kala garanmayso, horumar ma gaadhayso, kaalin muuqatana kama gelayso beesha caalamka. Ummad kasta oo adduunka jirta waxay aqoonsataa, daryeeshaa, xustaa halyeeyadeeda hormoodka ka ah halgamadeeda taariikhiga ah.

Waxaa waajib muqaddasa ahaa in agoonta iyo curyaamiinta SNM la daryeelo, kuwa nool loo abaalgudo, kuwii dhintayna la xasuusto. Arrintanu weli ma dhicin waana nasiibdarro weyn. Eedda arritan waxaa iska leh ummadda Somaliland oo oggolaatay in xukunka dalku mar labaad gacanta u galo kuwii laga badbaadiyay ee ka soo horjeeday Halgankii Hubaysnaa ee SNM maantana u guntan sidii taariikhda dalka looga tirtirilahaa Halgankii SNM oo ah ururkii badbaadiyay dadka iyo dalka isla markaana dhalay Somaliland iyo in aan wax daryeel ah loo fidin agoonta iyo curyaamiinta SNM. Maanta cadowga Somaliland, gudaha iyo dibedaba, waxa uu ku farxayaa sida maamulka dalka ka jira ula dagaallamayo taariikhda Halgankii SNM iyo mujaahidiinta nool iyo daryeel la`aanta haysata agoonta iyo curyaamiinta SNM. Sharaf xumo ka weyni ma jirto ummad cadowgeedu ku wiirsado una arko dad aan ka dhiidhiyin dagaalka lagu hayo taariikhda halgankeeda iyo geesiyadeeda. Guusha Halgankii SNM waxay dan u wada ahayd beelaha Somaliland oo dhan waayo wuxuu ka hortegay aargoosi waxaanu horseeday dib-u-heshiisiin u wada keentay nabadgelyo, walaalnimo, midnimo iyo dawladnimo. Taariikhda Halgankii SNM iyo guulihiisa marnaba laguma duudsinkaro raalligelin koox.

Shirweynaha soo socda ee Xisbiga Kulmiye waxaa la filayaa inuu u soo sharraxo Mudane Axmed Moxamed Silanyo doorashada madaxweynanimada Somaliland ee sannadka 2008 isaga oo lagu qiimaynayo kaalintii halyeynimada iyo geesinimada lahayd ee uu ka soo qaatay Halgankii SNM ee samata-baxshay dadka iyo dalka Somaliland iyo kaalintii uu ka soo qaatay gooni-isu-taagga Somaliland. Ummadda Somaliland, mucaarad iyo muxaafidba, waxaa markaas waajib ku ah in iyada oo qiimaynaysa halyeynimada Axmed Moxamed Siilanyo ay si weyn ugu soo doorato madaxweynaha dalka Somaliland sannadka 2008 kana digtoonaato caadifad qabiil iyo il-duuf kale.

Waxaa hubaal ah in madaxweynanimada Mudane Axmed Moxamed Silanyo dadka iyo dalka u horseedayso: Ku baahinta maamulka iyo nabadgelyada dalka oo dhan, horumarinta dhaqaalaha, gaashaandhigga , caafimaadka, waxbarashada iwm, xushmaynta dastuurka iyo shuruucda dalka, dhawrista xuquuqda insaanka iyo saxaafadda madaxbanaan, taabbogelinta nidaamka dimoqaraadiga ah, la dagaallanka musuqmaasuqa, qabyaaladda iyo gobollaysiga, samaynta maamul u gaar ah daryeelka agoonta, curyaamiinta iyo mujaahidiinta SNM (SNM Veterans Office), sharfidda iyo dhawrista taariikhda Halganka SNM, xusidda intii shahiiday, dhisidda Miyuusamka SNM iwm, intaas oo uu ku wada tuntay madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. Waxaa kale oo hubaal ah in Mudanee Axmed Moxamed Silanyo khibrad, aqoon iyo kartiba u leeyahay sidii uu dalka uga gudbin lahaa marxaladda adag ee Geeska Afrika marayo maanta maadama uu yahay geesi aan la loodinkarin cadowga Somalilandna ka baqo. Geeska Afrika waxaa ka socda samankan is-muquunin cadaaweed, is-bahaysi nacayb iyo gumaysi foolxun oo u baahan u diyaagarow iyo iska-difaac.

Madaxweynanimada Daahir Riyaale waxay ku ekayd April 2008 waxaase loo kordhiyay ilaa August 2008. Gaadhsiinta Maamulka Somaliland Gobolka Sool iyo Sanaag Bari ama iska-caabinta maamulka itaalka daran ee Puntland iyo Cabdullaahi Yusufka tamarta gabay marnaba sabab u noqonmayso in doorashada madaxweynaha Somaliland dib loogu dhigo mar kale. Haddii ay dhacdo in maamulka dalka ka jira uu abuuro xaalad uu ku baajinayo ama dib ugu dhigayo doorashada madaxweynaha dalka ee sannadkan 2008 ama ay dhacdo in inta doorashada la qabto maamulku abuuro qas uu ku boobayo natiijada doorashada isaga oo adeegsanaya hantida qaranka iyo ciidanka dawladda, waxaa markaas waajib ah in la isku badbaadiyo KACDOON DADWEYNE oo rida madaxweyne Riyaale iyo xukunkiisa si looga badbaado kelitalisnimo la mid ah tii Siyaad Barre. Maamulka Riyaale waxaa iyadana ka suurtogal ah inuu mucaaradka dalka ku tilmaamo argagixiso si uu u baajiyo doorashada una cumri-dheeraysto ama carqaladeeyo Shirweynaha Xisbiga Kulmiye kuwaas oo aan iyagana loo dulqaadankarin. Xaaaladahaas oo dhan waa in hadda loo sii diyaargarooobaa si haddii ay dhacaan looga guullaysto loogana hortago khatar kale oo soo wajahda dadka iyo dalka Somaliland. HA NOOLAATO SOMALILAND

Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: