Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Sababaha Hakiyay Baahinta Idaacadii Cusbayd Ee Radio Hargeysa


Hargeysa (somaliland.no)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta kormeer ka dis ah ku tagay xarunta wasaarada warfaafinta Somaliland iyo Idaacada Radio Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenka, waxa halkaasi ku qaabilay madaxda wsaaradaasi, oo uu horkacayay Wasiirka warfaafinta Md Axmed X Daahir Cilmi, waxana labada masuul ay hadal halkaasi ay ka jeediyeen tafaasiil kaga bixiyeen sababaha dib u dhigay baahinta idaacad cusub oo 25 kw ah oo Somaliland ay ka soo iibsatay dalka Costarica, isla markaana la filayay in baahinteedu gobolada dalka wada gaadho inta aanay bishan janaury dhamaan.

“Heshiiskii idaacada lagu soo iibsaday wuxuu dhigayay in dalkii laga soo iibsaday ay rakibaan waxana maanta aanu dirnay waraaqihii ay laba enjineer ku iman lahaayeen, kharashkoodiina way wada qabaan waanay imanayaan” Ayuu ku warbixiyay Wasiirka Wafaafinta oo u waramayay Madaxeyne ku xigeenka.

“Markaa waxa loo shidi waayay si cidii laga soo iibsaday inay iyagu hawada geliyaan si aynu uga helo damaanad qaad iyo shahaadadii ,waana idaacad weyn inshaalaahu Somaliland oo dhan wada gaadhi doonta”ayuu intaas ku daray.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isaguna kormeerkaasi ka hadlay ayaa beeniyay in carqalad dhinaca farsamada rakibaada ahi ay hortaagan tahay idaacada cusub, waxana uu yidhi “Waan maqlay inay borobagaando la faafiyay oo ku saabsan in dhibaato dhinaca farsamada ahi ay jirto, waxa aan doonayaa inaanu ummadda u sheegno in idaacadu rakiban tahay oo waxba uma hadhin shirkadihii soo sameeyay ama ku qaatay qandaraaska [contract] inay iyagu hawada ku sii daayaan”.

“Shirkadaha aynu ka soo iibsanay idaacadu waxba inaguma laha oo waynu u qadinay lacagtii markii ay yidhaahdeen soo qadima, waayo waxa jira dawlado African ah oo inta ay kala badh bixiyeen kharashkii intii dambe la aamusay, hadaba mushkilada meesha taala ee arrintu u cakiran tahay waa in nimankii sameeyay ay yimaadaan oo hawada geliyaan, inagu haddii aynu marka ay hawada ku baahino ay xumaato inagaa isku qabna, haddii ay iyagu shidaan oo ay xumaatana iyagaa isku qaba”Ayuu intaas raaciyay Md Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka carabaabay in dalku baahi weyn u qabo idaacad Somaliland iyo dalalka dariskaba gaadha waxana uu yidhi “Idaacadani ka weyn tii African-ka oo waxa loogu talo galay Africa oo dhan in laga wada dhegaysto, waxa Somaliland ka dhinaa waxa ka mid ahaa ninka baadiyaha joogaa haddii aanu kaba war hayn waxa ka socda wadanka waa dawlad la’aan, tusaale ahaan Sanaag ,Sool iyo Togdheer oo kale way inaga dhacsanaayeen oo idaacado kale ayaa ku furnaa, ilaahay waxaan ka rajaynayaa sanadkan 2008 inuu noqdo sanad ay Somaliland oo dhami ay isla jaan qaado”.

source: Qarannews

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: