Weerar xalay lagu qaaday Xarunta Bisha Cas ee magalada Laascaanod


Oslo(somaliland.no) Waxaa Xalay fiidkii weerar lagu qaaday xarunta Bisha Cas ee Magaalada laascaanood weerarkaas oo ay fuliyeen 4 nin oo ku hubaysan qoryaha AK-47 ka loo yaqaan.

Raga falkan gaystay ayaa ciidamada Booliiska ee Somaliland gacanta ku soo dhigeen saaka iyagoona hada ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada laascaanood waxayna sheegeen gudiga nabad gelyada gobolku in maxkamad la soo taagi doona sida ugu dhaqsaha badan.

Lama oga sababta dhabta ah ee ay dhalinyaradaasi u weerareen xarunta Bisha Cas ee laascaanood balse war saaka ka soo baxay xafiiska maamulka Gobolka Sool oo soo gaadhay Shabakada Afnugaal.com ayaa lagu sheegay in weerarkaasi laga soo maleegay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Sidoo kale masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan Laascaanood ayaa intaasi raacshay in Maamulka Puntland ku howlan yahay khalkhal gelinta amaanka magaalada ka dib markii ay ku fashilmeen wejigii Militeryga waa sida ay hadalka udhigeene, waxayna intaasi raacsheen in cidii lagu qabto iyadoo amaandaro ka wada gudaha magaalada sharciga la horkeeni doono .

Majiraan Cadaymo madaxbanaan oo tilmaamaya in weerarkii xalay lagu qaaday xarunta bisha Cas ee laascaanood ay ka danbeeyeen maamul gobolkeedka puntland marka laga reebo eedaynta masuuliyiinta Somaliland.

Xigasho Afnugaal

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: