Xukuumada Somaliland oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalkii Ka Soo Yeedhay dagaal ooge Cabdillaahi Yuusuf.

Oslo(somaliland.no) Marka hore maaha markii ugu horeysay ee Cabdillaahi Yuusuf uu ku dhawaaqo inuu Somaliland soo weerari doono , isaga oo

Hargeysa:- Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeedhay Horjoogaha Imbegati Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu Weerar ku soo qaadi doono Somaliland haddii ay ciidamadeeda kala bixi waydo Gobolka Sool , Isla markaana uu Somaliland ku tilmaamay gobol ka mid ah Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyada Siciid cadaani Mooge , waxa uu sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay shacbi iyo dawladba inay difaacaan dalkooda , iyada oo aanay cidna ku duulayn, waxa kale oo uu sheegay in ay Somaliland joogto xuduudkeedii iyo dalkeedii.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Siciid Cadaani Mooge ayaa u qornaa sidan:

‘’Anaga oo tix raacayna Waraysigii Toddobaadkan uu siiyay Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha Imbegati Idaacada Codka Maraykanka , Qaybteeda Afka Soomaaliga VOA iyo Telefishanka AL Jazeera , taasi oo uu handadaad u soo jeediyay Somaliland inuu weerar ku soo qaadayo haddii ay kala bixi waayaan Ciidamadooda Gobolka Sool , isla markaana uu ku tilmaamay Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Marka hore maaha markii ugu horeysay ee Cabdillaahi Yuusuf uu ku dhawaaqo inuu Somaliland soo weerari doono , isaga oo ku tilmaamay in arrinta gobolka Sool ay tahay mid u dhaxaysa Somaliland iyo Dawladiisa Imbegati , waxaanu leenahay Somaliland dawlad iyo shacbiba waxay diyaar u tahay in ay daafacaan dalkooda , iyada oo Somaliland aanay cidna ku duulayn , hadana ay joogto dhulkeedii iyo xuduudeedii .

Cabdillaahi Yuusuf Marka uu leeyahay xuduudkii Ingiriiska iyo kii Talyaanigu waxba kama jiraan , Somalilandna waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waa Been qaawan , caalamkuna wuu ka war hayaa in Shacbiga Somaliland ay gobanimadooda qaateen 26 , Juune 1960, iyaga oo markaa doortay in ay is raacaan wadankii la odhan jiray Soomaaliya oo iyana gobanimadooda qaatay kowdii July.

Duruufta Israaca ee wakhtigaa taagnayd waxay ku salaysnayd Shantii Soomaaliyeed ee lagu taamayay in ay midoobaan .

Bishii May 1991-kii , ayaa shacbiga Somaliland go’aansadeen in ay kala soo noqdaan gobonimadoodii iyo Madaxbanaanidoodii wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya , markii ay ku khasaareen Is raaca .

haddaba , Madax banaanida iyo gooni isu taaga Somaliland ee Mid Muqadas ah oo lama taabtaan ah oo aan cidna loo daba fadhiisanaynin.

Haddii Cidi xuduud Been been ah samaysay waxa weeyi Cabdillaahi Yuusuf markii uu sameeyay Maamulka Majeerteeniya ee uu ku magacaabay wax la yidhaahdo Puntland , intii aanu madaxda ka noqon maamulkii lagu soo dhisay Imbegati , isaga oo mar walba ku doodaya in dadka degan gobollada Sool iyo Sanaag Bari ay isu isir yihiin .

Somaliland waxa ay hadda joogtaa gobolka Sool oo ka mid ah dhulka Somaliland , waana la ogyahay baylahda iyo dayaca badan ee ku dhacay gobolka Sool intii uu gacanta ugu jiray Maamulka Majeerteeniya, hadana gobolka Sool waxa uu ku sugan yahay Nabad iyo xasilooni , isagoo maamulkiisa ay gacanta ku hayaan dadkii degaanka u dhashay, isla markaana la hir galiyay dayac tirkii adeegyadii lagama maarmaanka ahaa ee Magaalada Laascaanood , iyadoo weliba sidii Madaxweynuhu ku cel celiyay dhawr jeer laga fulin doono Mashaariic wax ku ool ah gobolka Sool Mustaqabalka dhow, kuwaasi oo ay ka mid noqon doonaan Mashruuca Biyaha iyo Caafimaadka ee laga hir gelin doono gobolka Sool.

Cabdillaahi Yuusuf waxa uu ku cel celiyay xil baan ummada u hayaa oo waan u dhaartay , haddaba aynu is weydiinee isaga oo Muddo yar u hadhsan tahay wakhtigiisii Muxuu u qabtay Soomaaliya.

Sida aynu wada ognahay Muqdisho iyo Baydhababa marka uu ka soo dagayo ama uu ka dhoofayo waxa lagu daadihiyaa gawaadhida Gaashaaman iyo Dabaabadaha .

Waxa kale oo uu ku dooday Cabdillaahi Yuusuf in Somaliland ay xidhiidh la leedahay kooxaha Muqaawimada ee AL Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya , taakulayna loo soo mariyo Somaliland , isaga oo taa uga dan leh Beerlaxawsiga uu adduunka u jeedinayo in ay Somaliland ay xidhiidh la leedahay Kooxaha Iska caabinta , waxase u sheegaynaa oo adduunkuna ka war hayaa in Somaliland ay tahay wadankii ugu horeeyay ee gacanta ku dhiga kooxihii xag jirka ahaa ee Al Qaacida xidhiidhka la lahaa , ka dib markii ay isku dayeen in ay waxyeelo u gaystaan Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka .

Kooxahaasi waxa la soo taagay maxkamada Somaliland wixii dambi lagu helayna Jeelasha ayay ku jiraan oo ay u xidhan yihiin .

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dibi hirdi badani Madaxa ayuu u dhintaa , Cabdillaahi Yuusuf Laba Arrimood ayaanu kula talinaynaa :

Waa ta hore in uu u hogaansamo taladii ay siiyeen dalalka caalamka ‘’International Community’’ , waa arrin isna ogyahay anaguna ka war hayno , taas oo ah inaanu Somaliland soo fara gelin.

Waa Ta labaade Waxaanu kula talinaynaa Cabdillaahi Yuusuf inuu daawooyinkiisa iska qaato oo uu u hogaansamo talooyinka ay siiyeen dhakhatarada Cisbitaalka Cromwell ee Magaalada London’’.

Afhayeenka Madaxtooyada Siciid cadaani Mooge

One Response

  1. ISIRNIMO DHUL MA QAADO, DHULBAHANTANA SOMALILAND AYUU KU DHASHAY, HOOYADIINA WAXAY KA DHALATAY BEESHA ARAB, AABIHIINA MARKUU GUURSADAY DHUL TUNKA KUMA SIDAN
    UU KA SOO QAADAY MAJEERTEENIA

    Qore: Xasan Saxil oo deggan dalka B. Sacuudiga

    Haddii ay isirnimo dad dhul siineyso, ogobay hore ayuu aduunka oo dhami fooda isla geli lahaa, Somaliya ayaa isirnimo u sheegan laheed dalalka ay jiiraanka yihiin ee Itoobiya iyo Kiiniya, Somaliland ayaa u sheegan laheed walaalahooda Jabourti, iyo “Reserve Area” oo ay deggan yihiin dad soo isir raaca Jumhuriyadda Somaliland.

    Somaliland waxay hore ugu sheegtay, Md Cabdillahi Yussuf in aanay haysan dhul ka baxsan xuduudaha caalamiga ah ee loo yaqaano Somaliland, Md Cabdillahina dhulkan kuma qaadi karo isirnimo, isla markaana xaga dambe kama marin karo Majeerteeniya.

    Md, Cabdillahi oo si fiican u yaqaana xuduudaha Somaliland, ayaa baryahan dame is carab tiraya isaga oo aad moodo, sida uu idaacadaha ka sheego in uu mar la dhashay wiilka yaraa ee beerka looga saaray. Waa nin weyn, bale waxaad moodaa in uu ilaaway taariikhdii taxanaha soo aheed ee ay soo martay Jumhuriyada Somaliland.

    Md Cabdillahi, waxa kale oo ilaaway, in ay Madaxda ururka SNM aheed kuwii ka baajiyay dil uu ku xukumay, Mengiste Haile Mariam, waagii uu ku xidhnaa jeelka weyn ee Misi Diinle, ka dib markii ay soo ogaadeen sir-doonkii Ururka SNM ee waagaasi jiray.

    Hadaba, aniga oo ku hadlaaya afka Muwaadinka aan ahay ee Somaliland iyo magaca shacbiga Somaliland ee sharafta badan, waxaan leeyahay Md. Cabdillahi Yusuf “iska soo mar waa kuu mubaax marinkaad doontaaye”, haddii dhulka baaxaadaa leh aad fujin karto, isla markaana dhinaca dambe ka marin karto, gobolka Majeerteenia, waa kuu fasax.

    Waxaan kaga baxay faaladan aan ku dheeraaday, Cabdillahiyow, Marna Taagtaa, Marna Tamartaa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: