Wararka Wargeyska OGAAL, Cadadkii Maanta, Isniin 28 january

January 28th, 2008 [News] |

Oslo(somaliland.no) Ciidamadii jiidda hore ee Puntland oo dib ugu jeestay, Islamarkaana qabsaday Garoowe

Garoowe (Ogaal/W.Wararka) – Ciidamo gadoodsan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka, Islamarkaana ka mid ah ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa shalay xoog ku qabsaday Bangigaga dhexe iyo qaybo badan oo ka mid ah magaalada Garowe.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno magaalada Garoowe, ciidamadan ayaa badidoodu waxay dib uga bexeen aagagii ay isku horfadhiyeen ciidamada Qaranka Somaliland, waxana ku biiray ciidamo Boolis ah, waxana ay si wada jir ah ulla wareegeen Bangiga dhexe ee Caasimada maamul goboleedka Puntland ee Somaliya, iyagoo islamarkaana xidhay inta badan wadooyinka magaalada Garoowe.

Ma jiro war ka soo baxay dhinaca maamulka Garoowe, hase ahaatee, wararka arrintan la xidhiidhaa waxa ay sheegayaan in ciidamadani ka cadhoodeen, mushahar la’aan haysatay shantii bilood ee ugu danbeeyay iyo daryeel la’aan, iyadoo wasaarada Maaliyada ee Puntland-na Garoowe ku daabacata lacago farabadan oo faalso ah.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa sida ay faafisay shabakada wararka Garoowe waxa ay ka muujiyeen ciidankan cabsi xoog leh.

Gadoodka ciidankan ayaa ku soo begantey xili magaalada Garoowe uu ku sugan yahay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi, islamarkaana dadka qaar ayaa arrintan ku tilmaamay Inqilaab la doonayo in talada lagaga wareejiyo Cadde Muuse oo loo arrko in maamulku mudooyinkii ugu danbeeyay-ba maalinba maalinta ka danbaysa gacantiisa ka sii baxayay.

Dhinaca kale, sida wararka naga soo gaadhay Puntland ay sheegayaan Salaadiin iyo Issimo ka soo jeeda Gobolada Nugaal, Mudug ee Puntland iyo xubno ka soo jeeda Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ku sugan magaalada Boosaaso, kuwaas oo la sheegay inay dhaqaale u raadinayaan ururinta ciidamo la dagaalama ciidamada Somaliland. Ka dib markii tiraba dhowr jeer ay ka fashilantay isku dayo iyo weeraro ay ku doonayeen inay dib ugu qabsadaan magaalada Laascaanood. Hase ahaatee, waxa loo arkaa in taana ay meesha ka saarayso gadoodkan intii ugu danbaysay ee ka sii hadhsanayd ciidamada Puntland ay dib ugu qabsadeen Garoowe.

Afhayeenkii Beelaha Hawiye oo la sii daayay iyo dagaalo hor leh oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (W. Wararka/Ogaal)- Ugu yaraan sideed ka mid ah askarta Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay dhinteen, ka dib markii ay koox dabley ahi weerareen saldhig milatari oo ay ciidamada itoobiyaanku ku leeyihiin agagaarka magaalada Muqdisho, sidaana waxa lagu faafiyay shabakaddaha wararka qaarkood.

Sida ay wararkaasi sheegayaan dablaydani waxa ay si qarsoodi ahayd u galeen saldhigaa milatari, habeenimadii Sabtida, kaas oo ku yaala Afgooye, ilaa 30 km u jira magaalada Muqdisho. Isla markaana waxay rasaas ku fureen askar itoobiyaan ah oo ilaalo halkaa ka haysay, sida uu faafiyay Press TV. Askartii itoobiyaanka ahayd, ayaa iyana rasaas ku furay dablaydii soo weerartay, ka dibna ku khasbay inay halkaa ka cararaan. Tallaabadanina waxay ku soo beegantay xilli uu ra’iisal wasaaraha dawladda mbeghati soo daayay hoggaamiyeyaashii dhaqanka ee beelaha Hawiye, kuna xidhnaa dhawr bilood jeelka, ka dib markii ay jeelka u taxaabeen ciidamada itoobiyaanku.

Dhinaca kale, madaafiicda hoobiyaha ka dhacda, ayaa shalay lagu garaacay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku naf-waayeen laba qof oo shicib ahi. Warku wuxuu intaa ku daray in wax yar ka hor waqtigii ay madaafiicdu garoonka ku dhacaysay uu halkaa ka ambabaxay ra’iisal wasaaraha soomaaliya, si uu kulamo ugula yeesho magaalada Baydhaba wefti qaramada midoobay ka socda, oo Soomaaliya soo gaadhay.

M/weyne Rayaale ma aqoonsanyahay heshiiskii Komishanka iyo Xisbiyadu ku mudeeyeen wakhtiga doorashooyinka?

Hargeysa (Ogaal) – Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaa bishii October ee sanadii ina dhaafay ee 2007-da wadda saxeexay heshiis dib loogu riixayo doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada oo qorshaysnaa inay ka dhacaan Dalka Somaliand bishii December ee sanadkii dhamaaday iyo April ee sanadkan 2008-da waxana heshiiskaasi la iskula qaatay jidwal loo dhigayo, sida diiwaan gelinta codbixiyayaashu iyo doorashooyinku u kala horaynayaan. Kaasoo sida lagu heshiiyay ah in 31-ka June ee sanadkan 2008 la dhamays-tiro diiwaan gelinta codbixiyayaasha 1-da July 2008-na la qabto doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, halka bisha August ee sanadkana lagaga heshiiyay in la qabto doorashada Madaxtooyada.

Heshiiskaasi oo ay wadda sexeexeen Komishanka Qaranka iyo gudoomiyayaasha labada Xisbi mucaarad Kulmiye iyo Ucid. Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) md, Faysal Cali Waraabe iyo xog-hayaha guud ee xisbiga talada haya ee Udub Maxamed Ismaaciil Bulaale, waxa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenk Somaliland md, Axmed Yuusuf Yaasiin. Hase yeeshee, Madaxweynaha Somaliland md, Daahir Rayaale Kaahin ayaa loo arkaa inaanu ku qanacsanayn. Mudadaa komishanka doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranku ku heshiiyeen in loo cayimo qabsoomida doorashooyinka. Wuxuuna Madaxweyne Rayaale waraysiyo dhawr ah oo uu siiyay warbaahinta caalamiga ah , labadii bilood ee ugu danbeeyay ku celceliyay in doorashooyinku ay qabsoomi doonaan marka ay suurtagal noqoto. Islamarkaana Komishanka doorashooyinku uu cayimi doono wakhtiga ay qabsoomayaan ee ku haboon. Isagoo xusay in shirkaasi sadexda xisbi iyo Komishanka dib loogu riixay doorashooyinka, balse Madaxweyne Rayaale waxa uu muujiyay inaan la garanayn wakhtiga ay qabsoomayaan. Taasoo uu ku tilmaamay inay soo cayimi doonaan komishanka doorashooyinka Qaranku.

Madaxweyne Rayaale, Waraysi khaas ah oo ay la yeelatay Idaacada codka Maraykanka laanteeda Afka Soomaaliga ee VOA-da dabayaaqadii bishii December ee sanadkii ina dhaafay ayaa Madaxweynuhu, su’aal laga weydiiyay sababta keentay dib u dhigista doorashooyinka waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi “Horta sadexdii doorasho ee hore waxaanu ku galay, iyadoo aan la diiwaan gelin codbixiyayaasha. Sharci ayaanu markaa soo saaray, doorashooyinka danbe in loo sameeyo diiwaan gelinta cod bixiyayaasha oo illaa taa la sameeyana aan doorashada la gelayn. Taasi waxay keentay in doorashadii dib u dhacdo, waana hawl uu Komishanku leeyahay, wakhtiga iyagu ay diyaarsadaan shaqadaa inay dhameeyaan ayay doorashadu qabsoomaysaa, ee wax xaga xukuummada ka yimi maaha. Annagu waxba wakhtiga dib umaanu riixin. Taladii ay soo jeediyeen Axsaabta iyo Komishanka doorashadu ayaanu Golaha ku shaqada leh u gudbinay inuu sharciyeeyo. Xukuumadu wax qoraal ah oo ay u gudbisay ma jirto, wax amar ah oo aanu nidhi dib haloo dhigana ma jiro. Annigu, haddaan doorashada dib u dhigayo, annigaa bilaabay dimuquraadiyada, sadex sano hay ayaa la I yidhiyoo doorashada dib u dhig, waxaan idhi maalin dib loo dhigi maayo ninkii yidhi ayaan ahaa berigaa. Imikana waxaa dib u dhigay, taa diiwaan gelinta cod bixiyayaasha oo ay ku qanacsanyihiin xisbiyada iyo Komishanku. Gudiga Doorashooyinka ayaana leh, soo jeedinta iyo wakhtiga doorashada la qabanayo. Laakiin, Go’aan ay xukuumadu amarto maaha wakhtiga doorashada la qabanayaa, soo jeedinta Golaha Komishanka Qaranka ayay xukuumadu ugu gudbisaa Golaha Guurtida, oo mudadaa hadii ay ku qabsoomi weydo doorashadu dibu dhigista ansixiya, intaas ayuunbay xukuumadu ku leedahay.”

Madaxweyne Rayaale, mudadii uu socdaalka ku joogay dalka Maraykanka, waxa uu kulan la yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi. Kulankaasi oo Madaxweynaha su’aalo lagu weydiiyay, waxa su’aalihii la weydiiyay ka mid ahayd, in diiwaan gelinta cod bixiyayaasha laga gaadhsiin karo ka hor inta aan doorashooyinka soo socda wakhtiga loo cayimay la gaadhin, waxana uu kaga jawaabay Madaxweyne Rayaale oo uu yidhi. “Komishanka iyo qolooyinka deeq bixiyayaasha ayaa isla wadda, xisbiyada iyo Komishankuna inay dib u riixaan doorashada wey isla gaadheen. Waana howl u taala komishanka oo isaga ayaa leh wakhtiga uu shaqada ku qabanayo oo cayimaya. Dawladu wax faro gelin ah kuma leh, waxaanaynu u baahanay diiwaan gelinta cod bixiyayaasha, taasoo kaliyana maahee, macaa warqadii Jinsiyada muwaadiniinta ayaanu samaynaynaa, waayo, Soomaali badan ayaa inala joogta iyo dad Itoobiya inagaga yimi oo iyaguna af Soomaaliga ku hadlaya. Markaa, waa laba shaqo oo shaqada maanta halkaa ka soconaysa oo ah diiwaan gelinta cod bixiyayaasha iyo warqada Jinsiyada labadaba waa laba hawlood oo wada socda, waxaan rajaynayaa sida kharashkooda loo helo ayay ku xidhantahay, hadii mudo dib loo riixana (Wakhtiga doorashada) waa wax ay ka wada hadlayaan Axsaabta iyo Komishanku, wax dhibaato ah oo ka taaganina ma jirto.”

Markii sadexda xisbi iyo Komishanka doorashooyinka Qaranku ay saxeexeen heshiiska dib loogu riixay wakhtigii ay ahayd inay qabsoomaan doorashooyinku waxa soo baxay, warar iyo xogo sheegaya in Madaxweyne Rayaale uu ka biyo diiday qaabka Komshanka doorashooyinka iyo Axsaabtu ay ku gaadheen heshiiskaasi. Iyadoo la sheegay in Madaxweyne Rayaale uu saluugsanaa wakhtiga loo cayimay doorashooyinkaa oo la sheegay inuu u arkayay ama ku doodayay in Komishanka doorashooyinku uu lahaa soo jeedinta in aanay dhici karin doorashooyinku wakhtigoodii balse aanay cayimi karin wakhtiga, maadaama oo uu Golaha Guurtidu awood u leeyahay wixii mudo kordhin ah, hase yeeshee, wuxuu dareenkaasi is badalay. Markii Madaxweyne Rayaale uu Golaha Guurtida u gudbiyay soo jeedinta inay mudada u kordhiyaan Golayaasha deegaanka iyagoo ku salaynaya, heshiiska sadexda xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranka uu gaadhay. Waxase la tabay oo iyana dood kale abuurtay, sababta Madaxweyne Rayaale isu wadda raacin waayay Go’aanka dib loogu riixiyo labada doorasho ee madaxtooyada iyo dawladaha hoose. Taasoo dadka qaarkii ku tilmaameen in sababta Madaxweyne Rayaale dib ugu reebay wakhtiga loo cayimayo doorashada Madaxtooyada ay tahay isaga oo danaynaya in si gaar ah iyana markeeda loo naaqisho ama go’aan looga gaadho.

Waraysi kale oo Madaxweyne Rayaale uu siiyay idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, ka hor intii aanu u socdaalin waddanka Maraykanka ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay dareenada ka soo baxaya mudo kordhinta Golayaasha deegaanka iyo inay hor dhac u tahay mudo kordhin lagu eedaynayo inuu Madaxweynuhu doonayo wuxuu ku jawaabay. “Doorashooyinku sidii ay u kala horeeyeen ayay mar kasta u kala horaynayaan, hadii ay ta dawladaha hoose is riixdo doorashada Madaxweynuhuna way ka danbaynaysaa. Soo jeedintaasina waxay ahay sharcigii loo eegay diiwaan gelinta ayaa dib u riixay doorashooyinka, ilaa doorashada dawladaha hoose la qabtana doorasho Madaxtooyo oo la qabanayaa ma jirto. Berigii horeba, marka doorasho is riixdo ta ku xigtaana mudadaa ay is riixday in leeg ayuunbay ka sii dib u dhacaysay wakhtigeeda. Soo jeedintii Axsaabta iyo Komishanka ayayna ku xidhnayd mudadaasi, waxayna u taalaa mudada doorashada la qabanayaa go’aankeeda iyo wakhtiga ku haboon, oo soo jeedinaya Komishanka. Xukuumaduna taasuunbay dhacsiinaysaa, Guurtida lafteeduna taasuunbay maadaama uu sharcigu awood u siiyay inay mudo kordhin sameeyaan, hadba sida ay Komishanku ay soo jeediyaan ayuunbaa la raaci doonaa, aniguna horta codsi aan idhi ii kordhiya la’igama hayo diyaarna umma ihi. Hadii komishanku qabanayo wakhti ka horeeya ninka diyaar u ah ayaan ahay.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Dhinaca kale, Muuse Maxamed Jaamac (Muuse Xisbi), oo ka mid ahaan jira Komishankii Doorashinka ee hore oo isagu naqdiyay in heshiiskaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo saddexda Xisbi waqtiga ay u cayimeen Doorashooyinka, ayaa sheegay in aanay sharci ahayn muddada loo cayimay, haddii aan Digreeto ama Wareegto aanu ku soo saarin Madaxweynuhu. “Waa marka hore’e, haddii Komishanku waqti cayimo oo aanay Digreeto lahayn, waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi Muuse-xisbi.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaa Madaxweynuhu ku soo celcelinayo, ee ah in Komishanka Doorashooyinku laga sugayo inay cayimaan, iyada oo uu jiro in heshiiskaas muddada loogu cayimay Doorashooyinka, ayaa dadka qaar u arkaan inuu abuuri karo shaki ah in Komishanka Doorasooyinka iyo Madaxweyne Rayaale, uu jiro wax gaar ah oo ay isku og yihiin.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rayaale wuxuu muujiyay in xilka oo dhami uu saaran yahay Komishanka Doorashooyinka, dadka reer Somaliland-na ay tahay inay ku daba joogaan Masiirkooda Doorasho wixii ka xumaada Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Xigasho: Radio Horyaal

“Waxa la igu yidhaahdaa, maxaad uga guursatay qabiilkaa?”

“Markaanu soo baxnay, ayaanu aragnay dad Guryahayagii gubey”

Haweenay ka waramaysa saamaynta uu ku yeeshay Qaska Kenya

“Ubadkaygu waxay I waydiiyaan, mee aabahay?..Aniguna waxaan ugu jawaabaa..”

Chepkanga (Ogaal/AP)- “Lamuu soo hadlin, waraaqna uma soo qorin, Telefoonkiisii gacantuna toddobaaddaba wuu xidhnaa. Ka dib 17 sanno guurkoodii, Naomi Kering iyo ninkeedii way kala dhantaalmeen, ka dib markii ninkeeda lagu qasbay inuu ka socdaalo, oo uu tego meel aanay ka war haynin.. Sababtoo ah, dagaallada qabiilaysiga ku suntan ee ka socda dalka Kenya. Maxaa yeelay, Noami Kering qabiilka ay ka soo jeeddaa waa Kalenjin, halka uu ninkeedu ka soo jeedo qabiilka Kikuyu, oo cadaawadda ugu badani dhex taalo” Sidaa waxa lagu bilaabay Warbixin ay Wakaaladda Wararka AP ka qortay carqaladaha iyo saamaynta ay qalalaasaha ka socda dalka Kenya ku yeesheen aasaaska reero cusub iyo sidoo kale Qoysaska dhisan ee ubadka leh.

“Ubadkaygu waxay I waydiiyaan, halkee tegay Aabahayo? Waxaanan had iyo jeer ugu jawaabaa, si dhaqso ah buu u soo noqonayaa’ Sidaa waxa tidhi Naomi Kering oo da’deedu tahay 34 jir. ‘Laakin, waxaan filayaa inuu iga raali yahay, sababtoo ah waan jecelahay, waxaanan aad u jecelahay inuu nabadgalo’ ayay intaa sii raacisay Kering.

Laga soo bilaabo bishii December 27-keedii ee sanadkii hore, markii ay bilaabmeen rabshadaha qabiilka isu rogay ee ka socda dalkaasi, qoysaska ka kala dhashay Qabiilada kala duwan, waxa soo gaadhay cadaadis iyo cidhiidhi ku qasbay qaarkood inay kala hayaamaan, si ay nabadgelyo u helaan, sida Naomi Kering iyo ninkeeda. Ha uguba badnaadaan, qoysaska mid ka mid ahi ka soo jeedo Qabiilka Kikuyu-da ee uu u dhashay Madaxweynaha magacaabistiisa jagada Madaxweynenimo dhibta keentay, isla markaana kursiga uu mar labaad fuulay ay keentay mawjadaha dhiigga ah ee qulqulaya Magaalooyinka Kenya, laguna dilay dad ka badan 685 qof, ee Mwai Kibaki. Guurka nooca lammaanahan Kering iyo ninkeeda oo kale ahi, waxa uu astaan iyo calaamad u yahay rejada laga qabo in dalka Kenya noqdo Qaran. Hase ahaatee, hadda Qabiilooyinka dirirsan ee dalka Kenya, waxay meesha ka saaraysaa inay midoobaan ama ay Qoys alkumaan lamaaane sita Kaadhadhka Qabiilooyinka amaba ka soo kala jeeda laba qabiil oo kala duwan. ‘Doorashooyinkani waxay beddeleen aas-aaskii dhabta ahaa ee guurka’ Sidaa waxa yidhi Charles Kirui, oo ka mid ah koox kaalmo u fidiyay boqollaal qof oo Qabiilka Kikuyu-da ah, Magaalada Burnt Forest ee dalka Kenya. ‘Guurka waxa burburiyay khilaafaadka qabiilooyinka u dhaxeeya, kuwaas oo dhib wayn ku haya Kenya’ ayuu intaa sii raaciyay Charles.

Naomi Kering waxay sheegtay inaanay waligeed maanka gelin ama aanay ka fikirin in qalalaasaha taagani khal-khal iyo halis doono guurka iyada iyo ninkeeda Isaaq Guthua. Kuwaas oo in ka badan 15 sanno jacayl iyo nolol-wadaag ka dhaxeeyay. Markaas oo bar bilowga guurkoodu uu ahaa, markii uu ku arkay goob Koofeerka Timaha dumarka loogu qaabeeyo ah oo ay ka shaqaynaysay.

Habeenkii lagu dhawaaqay natiijooyinka Doorashooyinka dalkaa ee rabshadaha horseeday, ayuu Isaaq u sheegay gabadhiisa inaanu sii joogi karin. Sababtoo ah, qabiilka uu ka soo jeedo ee Kikuyu-da waa la dilayay , lana ugaadhsanayay. Markii ay Naomi cashadii samaysay, ayaa Mr. Isaaq Guthua oo daawanaya Warkii TV-gu, waxa uu maqlay qaylo iyo sawaxan aad u daran oo ku soo fool leh gurigiisa iyo guryaha reero ay isku qabiil yihiin, oo ay ka mid yihiin laba wiil oo ay walaalo yihiin Isaaq, isla markaana Xaasaskoodu yihiin Qabiilka Kalengjin ee ay ka soo jeeddo Xaaska Isaaq. ‘Markii aanu dibedda u soo baxnay, waxaanu aragnay dad tiro badan oo qoryo Dab ah sita, waxaanay gubeen Guryahayagii’ sidaa waxa tidhi Mrs Naomi. Sidaa darteed Mr. Isaaq oo ogsoon in gabadhiisu ku nabadgelayso guriga, maadaama aanay ahayn qabiilka uu ka soo jeedo, lana ugaadhsanayo ee Kikuyu, waxa uu Xaaskiisa kula dardaarmay inay ubadka daryeesho, siina hayso. Kuwaas oo da’doodu kala tahay, 8 jir, 15 jir iyo 17 jir. Dabadeed isaga iyo labadii Wiil ee ay walaalaha ahaayeen, Steven iyo Mwangi, way baxsadeen. Iyaga oo aan ilaa hadda ku soo noqon guryahoodii. ‘Waligayo maanu arag dhib, ka hor Doorashooyinkan’ sidaa waxa tidhi Naomi gabadhii ay dumaashiyaha yihiin, isla markaana jaarka yihiin Eunice Kinyanjui. Waa 27 jir, waxaanay leedahay Uurka ilmihii labaad ee ay u yeelato Isaaq walaalkii Steven Guthua. Kaas oo ay wada noolaayeen muddo saddex sanno ah. ‘Si nabdoon ayaanu u wada noolayn, ka hor burburkan’. Waxaanay ku dhex noolaayeen bulsho aan daryeel lahayn. ‘Dadka halkan joogaa waxay yidhaahdaan, maxaad uga guursatay qabiilkaa?’ ayay tidhi Eunice. Waxaanay intaa ku dartay oo ay tidhi, ‘Hadda qiimo kama lihiin Bulshada dhexdeeda, nalamana hadlaan’

Naomi Kering iyo Eunice Kinyanjui, labadooduba waxay ku rejo wayn yihiin in raggoodu nool yihiin. Naomi Kering, ayuu ninkeedu la soo hadlay laba maalmood ka dib markii uu qaxay. Waxaanu u sheegay inuu doonayo inuu tago Nairobi, oo masaafo ahaan 200 Mayl u jirta goobta ay joogto. Hase ahaatee, Eunice ninkeedii lama soo hadlin, balse wuxuu u sheegay intii aanu tegin in mar uun ay kulmi doonaan. ‘Waxaan aaminsanahay in maalin uun iyo mar uun uu iman doono’ ayay tidhi Eunice, oo ay dhabanadeeda qooyeen ilmo ka da’aysay indhaheedu.

Ma jirto tirada qoysaska ay saameeyeen noloshoodii rabshadahani, oo si sugan loo hayaa. Hase ahaatee, saamaynta ugu badan ee dhinaca qoysku, waxay soo gaadhay dhulka ay degaan qabiilooyinka Mucaaradka ahi, ee galbeedka dalka Kenya. halkaas oo kacdoonada ugu badani ka dhaceen.”

Madaxweyne Rayaale oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda Hayada Inter Peace
Hargeysa (Ogaal) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa xalay qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda hay’add qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee Inter Peace.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge. Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan. “Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa (Xalay) ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Wefdi ka socda hay’adda qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee magaceeda loo yaqaano (Inter Peace) oo booqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha.
hay’addaasi Inter Peace , waxa ay tahay ta loo igmaday in ay ka hir galiso Jamhuuriyada Somaliland doorashooyinka loogu tallo galay in ay dalka ka dhacaan sanadkan aynu ku jirno ee 2008, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada.
Jerry McCann oo hogaaminayay wefdigaasi waxa uu Madaxweynaha JSL ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyay isaga iyo wefdigiisaba iyo wakhtigiisa qaaliga ah ee uu u huray inay la kulmaan.
Mr Jerry waxa kale oo uu intaa raaciyay in ula jeedada socdaalkoodu yahay in ay dar dar geliyaan sidii loogu dhaqaaqi lahaa qorshayaashii loogu tallo galay in lagu fuliyo diiwaan gelinta shacbiga Somaliland iyo adeegyada kale ee loogu tallo galay in lagu fuliyo doorashooyinka fooda inagu soo haya.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa qorshayaasha loogu tallo galay in lagu amba qaado doorashooyinkaasi , taas oo xukuumadu ay doorkeeda ka qaadan doonto haddii ay noqoto dhinac dhaqaale iyo xaga Nabad gelyaba , iyada oo mar walba la tashi la yeelan doonta Komishanka doorashooyinka iyo Asxaabtaba.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu tibaaxay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay si Nabad gelyo ah uga dhacaan dalkeeda doorashooyin Xor ah oo la mid ah kuwii hadda ka hor dalka ka qabsoomay , si loo fuliyo geedi socodka dimuqraadiyada Jamhuuriyada Somaliland ku caano maashay.
kulankaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga hay’adda Inter Peace waxa kale oo goob joog ka ahaa Madax ka tirsan Komishanka Doorashooyinka oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Maxamed Yuusuf Axmed.”

Hargeysa: Kormeerkii Xildhibaanada iyo xog warrankii taliyaha Boliska

Hargeysa(Ogaal) – Afar xubnood oo ka tirsan guddi Hoosaadka Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa kormeer xaqiiiqo raadis lagu tilmaamay ku tagay Xarunta Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada Gudida joogtada ah ee aqalka odayaasha, waxa xarunta ciidanka Booliska ku qaabilay, Taliyaha ciidanka Booliska Gen Maxamed Saqadhi Dubad, waxana uu Gudida tafaasiil ka siiyay sida la sheegay xaalada nabadgelyo ee dalka iyo habsami u socodka hawl maalmeedka ciidamada Booliska.

Gen Maxamed saqadhi Dubad, waxa uu sheegay in dhawaan ay Boolisku Gobolka Hargeysa ay ka fuliyen hawlgal lagu sugayo ammniga waxna lagaga qabanayo falalka tuugta, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen dad si gaar ah loo bartilmaameedsanayay oo ka ganacsada mukhaadaraadka. “Waxa aanu hawlgal ciidamada Boolisku qaadeen aanu ku soo qabqabanay tuug dhaqan ka dhigtay inay dadka xiliyada habeenkii ku baadhaan xaafadaha magaalada Hargeysa dhexdooda, waxana aanu ku guulaysanay in aanu gacanta ku dhigno dhalinyaradii dadka ka furan jiray Mobile-ada” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu. Waxa uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Xaalada nabadgelyada dalku sida kale aad iyo aad ayay u fiican tahay, booliskuna hadh iyo habeenba waa u heegan sugida nabadgelyada iyo la dagaalanka badeecadaha sida kootarabaanka ah dalka lagu soo geliyo”

Gudida joogtada ee golaha Guurtidu ayaa taliyaha ciidanka Booliska uga mahad naqey warbixinta dhinaca nabadgelyada la xidhiidha ee uu ka siiyay xaalada dalka, waxana la filayaa inay macluumaadkii ay ka heleen taliska booliska ay u gudbin doonaan Golaha guurtida, marka uu u furmo kalfadhigii 35-aad 1-da bisha febaruary ee fooda inagu soo haysa.

Dalalka Caalamka ugu Musuqmaasuq badan

Dubai (Ogaal/W.Wararka)- Shir lagaga hadlayay Musuqmaasuqa iyo heerarka waddamada Caalamku ka kala taagan yihiin, laguna qiimaynayay kala sarraynta waddamada ee Musuqa, isla markaana lagu qabtay Magaalada Bali ee dalka Indonesia, ayaa laga soo saaray warbixin lagu muujiyay siday waddamada Caalamku ugu kala horeeyaan Musuqa.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen in ka badan 100 waddan, oo la filayo inay ka qayb galaan Shirka lagaga soo horjeedo Musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay. Kuwaas oo ka soo saaray Liis qiimayn ah.

Liiska Waddamada Caalamka iyo siday ugu kala horeeyaan Musuqmaasuqa, ayaa waxa kaalinta koowaad ka galay dalka Somalia oo la sheegay inuu yahay dalka ugu Musuqmaasuqa badan Caalamka. Iyaga oo kaalmaha labaad iyo saddexaadna ay galeen waddamada Myanmar iyo Ciraaq.

Liiskan hoos ku qoran, ayaa qiimaynta xaddiga Musuqmaasuqu wuxuu u kala badan yahay, sida ay Lambaradu u kala yar yihiin. Tusaale ahaan, waddanka Finland oo xaddiga Musuqu yahay 9.4, wuu ka musuqmaasuq yar yahay dalka Somalia, 1.4 ayaa la sheegay in xaddiga Musuqu yahay.

Waddamada ugu Musuqa badan:

Somalia: 1.4

Myanmar: 1.4

Iraq: 1.5

Haiti: 1.6

Uzbekistan: 1.7

Tonga: 1.7

Sudan: 1.8

Chad: 1.8

Afghanistan: 1.8

Laos: 1.9

Norway: 8.7

Waddamada ugu Musuqa yar:

Denmark: 9.4

Finland: 9.4

New Zealand: 9.4

Singapore: 9.3

Sweden: 9.3

Iceland: 9.2

Netherlands: 9.0

Switzerland: 9.0

Canada: 8.7

Wiil reer Somaliland ah oo lagu dilay London

London (Ogaal/W.Wararka) -Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jirey Fu’aad Axmed Buraale ayaa Sabtidii todobaadkan lagu dilay galbeedka Magaalada London.

Wiilkan oo sida la sheegay dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolka Sool ee Somaliland waxa la sheegay in ciidanka Bolisku heleen maydkiisa subaxnimadii hore ee Sabtidii ee 26-kii bisha.

Wiilkan oo da’diisa ahayd 21-jir., waxa uu geeriyooday ka dib markii sida Booliiska laga soo xigtay looga yeedhay beer lagu magacaabo, Dean Gardens, West Ealing, ee magaalada London. Sida lagu faafiyay shabakadaha wararka ee Intarnetku, waxa markaa ka dib Marxuunka loola cararay isbitaalka oo uu 40 daqiiqo ka dib ku geeriyooday. Waxa warku intaa ku daray in wiilkan ay ku yaaleen dhaawacyo madaxa ah oo u muuqday in shay Bir ah ama adag lala dhacay.

Ciidamada Boliska ayaa bilaabay baadhista falkani,

Maxaad ka ogtahay Dhaq-dhaqaaqa

Dekedda Berbera ee Sanadkii dhammaaday

Hargeysa(Ogaal) – Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar (Cali Xoor-xoor) ayaa sheegay in badeecadaha ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekeda Berbera ay kordheen sanadkii tagay ee 2007.

Maareeyaha dekada Berbera oo shir Jaraa’id ku qabtay shalay xafiiskiisa Dekeda Magaalada Berbera, ayaa waxa uu faahfaahin kaga bixiyay dhaqdhaqaaqa dekada ee Sanadkii aynu soo dhaafnay, isaga oo tilmaamay in sanadkii ina dhaafay ee 2007 marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay ee 2006 ay ku kordheen Albaabta ka soo degtay dekada Berbera 1300 oo Koontiinar halka bagaashka dekada ka soo degayna ay kaga kordhey sida uu sheegay 80,000tn.

Cali Xoor-xoor waxa uu sheegay oo kale in dhoolaha ka dhoofay Dekada sanadkii dhamaaday ay ku korodhay tiro gaadhaysa, hal Milyan, boqol iyo sagaal iyo sagaashan kun oo neef marka la barbar dhigo tirada xoolaha sanadkii ka horeeyay ee 2006 ka dhoofay.

Shirka Jaraa’id ee maareeyuha dekada Berbera kaga xog-warmay, dhaqdhaqaaqa Dekadaasi ayaa ah warbixin sanad le ah oo Cali Xoor-xoor sanad kasta bilowgiisa kaga waramo xaalada Dekada Berbera, Islamarkaana waxa uu warbixintiisan ku xusay Maareeyuhu inay sanadkan dekeda meelo ka mid ah ku kordhiyeen dhismooyin cusub, una soo iibiyeen qalab dhan 600,000 waxaanu xusay inay sanadkan u qorshaysan tahay inay dekeda u soo iibiyaan laba wish oo waaweyn.

Mar uu ka hadlayey Eng Cali Xoor-Xoor alaabaha ay ganacsatada Itoobiya kala soo degaan dekada Magaalada Berbera ayuu sheegay inuu hoos u dhac weyni ku yimid oo aanay sidii hore ahayn, balse waxa uu xusay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala duwan kala soo dega dekeda Berbera.

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cabasho inta badan laga sheego inay isku milmeen Masuulka Dekeda iyo Maamulka kastamka dekada Berbera oo dhalisa inuu hakad galo shaqo maalmeedka dekada, ayuu Cali Xoor-Xoor sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadka kaga yimaada dhinaca labada waaxood ee kastamka iyo dekeda iyo shaqaaliha toona.

Ghana: Angola oo kaga yaabisay Senigaal & Tuuniisiya jiidhay K/Afrika

Tamale, Ghana – Qaab-ciyaareed dardar hor lehi ay ku dheehan tahay, oo ay la yimaadeen Xulka Qaranka Angola qaybtii labaad ee kulankii xalay ay la yeesheen Xulka Senigaal, ayaa u horseeday inay kooxdaa dhinacooda dhulka dhigaan, ka dib markii ay ku jiidheen 3-1, halka Xulka Qaranka Tuuniisiyana ay sidoo kale ku jiidheen Xulka Qaranka Koonfur Afrika 3-1, ka dib kulamadii Guruubka D ee tartanka ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika, oo ay kooxahaasi ku wada yeesheen Magaalada Tamale, ee dalka Ghana.

Weeraryahanada Reer Tuuniisiya ee Santos iyo Chaouki Ben Saada, ayaa u kala xaqiijiyay saddexda gool ee ay guushu ku raacday, halka uu laacibka Katlego Mphela, ee kooxda Koonfur Afrika daqiiqadii 88aad ee ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa goolka madiga ahaa ee ay garoonka kala baxeen. Kulankaasna inay guulaystaan kooxda Tuuniisiya aad bay ugaga dhawayd kooxdii ka soo horjeeday, oo ay ka muuqatay kala daadsanaan badan iyo isku-xidhnaansho la’aani.

Dhanka kale, inkasta oo uu ciyaaryahanka reer Senigaal ee Abdoulaye Faye kooxdiisa Senigaal u dhaliyay goolkooda 20 daqiiqadood markii ay ciyaartu socotay, haddana firfircoonaantii uu la soo noqday abaare qaybtii labaad ee kulankaas laacibka reer Angola ee Manucho Goncalves, ayaa sababtay inuu shabaqa kooxda Senigaal ku ruxo laba gool, halka ciyaaryahanka Flavio Amado uu uga raaciyay goolka saddexaad, ka dib markii Xulka Qarankan Afrikadda Koonfureed ay hoggaanka u qabteen kubadii kulankaas. Laacibka El-Hadji Diouf, oo ay ahayd inuu lugta biddix ku laado kubad afka hore ee goolka kooxda Angola la soo dhigay, ayaan fursaddaas ka faa’iidaysan. Goolhaye Sylva ee kooxda Senigaal, oo isku buuqsanaa ayaa aad ugu degdegayay inuu qabto dhawr kubadood oo koone laga soo laaday, balse markii uu soo tufay, waxa caawiyay oo khatartaa ka badbaadiyay difaacayaasha kooxdiisa. Inkasta oo ay ciyaaryahanada kooxda Senigaal xalay fursado badan helayeen, haddana midkoodna ugama faa’iidaysan sidii la doonayay, waxaanay garoonka aakhirkii kala baxeen iyaga ka laalaada dhibicdii ay barbaraha kula soo galeen kooxda xulka Tuuniisiya. Sidaa daraadeed, Kooxaha Koonfur Afrika iyo Senigaal, oo labadooda guuldarrooyin fool-xumo ahaa xalay loo xambaariyay, ayaa iskaga horiman doona min kulankooda saddexaad, hase ahaatee, aad bay u yartahay rajooyinka ay labada kooxoodba ka qabaan inay gaadhaan wareega rubuc-faynalka, maadaama kooxaha kale ee ay ku wada jiraan Guruubka D ee Tuuniisiya iyo Angola ay haatan haystaan min afar dhibcood, halka labadoodu ay ka haystaan min dhibic.

Angola iyo Tuuniisiya oo iyagu wada yeelanaya kulankooda saddexaad, ayaa natiijada ciyaartaa ku ilaashan kara inay barbaro ku kala baxaan, balse midkoodna ma ogolaan doonto in laga guulaysto, maadaama kooxaha Koonfur Afrika iyo Senigaal tii guulaysataa ay yeelanayso afar dhibcood.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: