weftigii uu hogaaminayey gudd. golaha wakiiladda oo shir la yeeshay jaaliyadda Norway Oslo


posted by: Abdirisak Fadal

Shir si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay qaban qaabadiisa ugu weyn lahaayeen taageerayaasha xisbiga UCID iyo jaaliyadda oslo, kuna saabsanaa xog-waran guud iyo isu diyaarinta doorashooyinka soo socda iyo waliba sidii taakuleyn loogu ururin lahaa Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ayaa habeenimadii sabtidii ( 19.01.08) ku qabsoomay magaalada Oslo.

Waxa shirka furay Gud. Xisbiga UCID ee Norway Mudane Cali Cidin, waxaanu ku soo dhaweeyey cod baahiyaha Guddoomiyaha jaaliyadda Xuseen Aadan Cadib oo shirkaa intii dambe daadihinayey ayaa ugu horeyn mahadnaq u jeediyey jaaliyadda, weftigii ka koobnaa guddoomiyaha golaha wakiilada, gudd. Xisbiga UCID iyo ergeyga gaarka ah ee u xilsaaran ururinta taakulada gobolada Sool iyo Sanaag bari ee jaaliyadaha dibadda. Guddoomiyuhu wuxu u soo jeediyey jaaliyadda norway oo kaalin firfircoon kaga jirta wax u qabadka dalkii in taakuladan ay qeyb libaax ka qaataan.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda mudane C/Raxmaan Maxamed C/laahi oo ka warameyn guud ahaan xaalada dalku ku sugan yahay gaar ahaana wuxuu jaaliyadda ku baraarujiyey dooorashooyinka soo socda. Wuxuu kaloo yidhi qoladiinan qurbaha waa idiin banaan tahay haddii hunguri idinka hayo talada dalka. sidoo kale ha ku wareerina isqab-qabsiga goleyaasha dhexdooda, waa farbarashada dimuqraadiyada. Ugu dambeyntii wuxu ku soo gabagabeeyey in aad loo hawlgalo hawshan taakuleynta gobolada Sool iyo Sanaag bari oo uu si faahfaahsan idiinkaga warami doono Mudane Maxamed Cali Xirsi.

Guddoomiyaha Xisbiga muaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali oo isna ka hadlay in burburka dalka ee agab, maskax iyo aqooneed aanay yareyn. Una baahan tahay in si qoto dheer loogu hawlgalo. burburkaas oo ka soo bilowday 1969 markii milatarigu dalka qabsaday, xilligaa oo ay bilaabatay in waxgaradkii dalku bilaabo qaxa uu dalka kaga cararayey. arimaha doorashooyinka inagu soo fool leh ayuu iyana aad uga halday.

Mudane Maxamed Cali Xirsi oo mudane golaha wakiilada ah, isla markaana ah ergeyga guddiga qaran ee taakulada gobolada Sool iyo Sanaag bari u soo xil saareen jaaliyadaha dibadda.

Mudane Maxamed wuxu ku bilaabay guddiga taakulada goboladaa waxa laga asaasay wadanka gudihiisa. Waxa isu yimi saddexda xisibi qaran, labada gole iyo xukuumadda,waxay ka arinsadeen sidii goboladaa oo dib u dhac badani ka jiro loo soo gaadhsiin lahaa dalka intiisa kale. Guddigu dalka gudihiisa waxay ka sameeyeen guddiyo hoosaadyo ka hawlgala soo ururinta taakulada. Sidaa daraadeed guddigaa mid la mid oo aan anigu madax u ahay ayaa loo soo diray jaaliyadaha dibadda.

Waxan ilaa hadda socdaal ku soo maray wadamadda Ingiriiska, Holand iyo Finland, berina waxan u dhoofi doonaa Sweden. Haddaba, waxanu ka sameynay dal wal oo aanu soo maray guddi hoosaadyo u sii xil saaran ururinta taakulada. Waxaanan idinka codsanayaa inaad xil iska saartaan hawshaasoo wax badan ku badhi taaraysa qaranimadeena.

Waxa kaloo kulnkaa hadalo qiimo leh ka soo jeediyey Gud. Xisbiga Udub ee Norway iyo Safiirka SL ee Norway. Waxa isna hees wadaniya oo dadkii meesha isugu yimi wada ruxday dareenkooda halkaa ka qaaday Cabdirashiid Cali Xamari oo ah fanaan reer Norway ah. Ugu dambeyntii shirku wuxu ku soo gabagaboobay su´aalo la weydiiyey weftiga.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: