Warsaxaafadeed


President Rayaale

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Wefdi ka socda hay’adda qaabilsan Nabadaynta iyo hir gelinta Dimuqraadiyada ee magaceeda loo yaqaano (Inter Peace) oo booqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha.

hay’addaasi Inter Peace , waxa ay tahay ta loo igmaday in ay ka hir galiso Jamhuuriyada Somaliland doorashooyinka loogu tallo galay in ay dalka ka dhacaan sanadkan aynu ku jirno ee 2008, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii Golayaasha Deeegaanka iyo Madaxtooyada.

Jerry McCann oo hogaaminayay wefdigaasi waxa uu Madaxweynaha JSL ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyay isaga iyo wefdigiisaba iyo wakhtigiisa qaaliga ah ee uu u huray inay la kulmaan.

Mr Jerry waxa kale oo uu intaa raaciyay in ula jeedada socdaalkoodu yahay in ay dar dar geliyaan sidii loogu dhaqaaqi lahaa qorshayaashii loogu tallo galay in lagu fuliyo diiwaan gelinta shacbiga Somaliland iyo adeegyada kale ee loogu tallo galay in lagu fuliyo doorashooyinka fooda inagu soo haya.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa qorshayaasha loogu tallo galay in lagu amba qaado doorashooyinkaasi , taas oo xukuumadu ay doorkeeda ka qaadan doonto haddii ay noqoto dhinac dhaqaale iyo xaga Nabad gelyaba , iyada oo mar walba la tashi la yeelan doonta Komishanka doorashooyinka iyo Asxaabtaba.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tibaaxay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay si Nabad gelyo ah uga dhacaan dalkeeda doorashooyin Xor ah oo la mid ah kuwii hadda ka hor dalka ka qabsoomay , si loo fuliyo geedi socodka dimuqraadiyada Jamhuuriyada Somaliland ku caano maashay.

kulankaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga hay’adda Inter Peace waxa kale oo goob joog ka ahaa Madax ka tirsan Komishanka Doorashooyinka oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Komishanka Mudane Maxamed Yuusuf Axmed.

Alla Mahad leh,

Siciid Cadaani Mooge,

Afhayeenka Madaxtooyada ,

ahna La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Warbaahinta.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: