Wararka wergeyska OGAAL, Cadadka Axadda

”Guddigii waxay soo goysay in Muuse Biixi ka tanaasulo murashaxnimada, waanaanu uga….”
Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse)
Hargeysa (Ogaal) – Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerso) oo ka mid ah Guddiga fulinta Xisbiga Kulmiye ayaa sheegey in arrimo keeney inuu dib u dhaco shirweynaha 2-aad ee xisbiga Kulmiye oo ka jiray xisbiga gudihiisu ay wakhtigan gabo-gabo ku dhaw-yihiin. islamarkaana qabsoomidiisu aanay wakhti kale oo badan dib u sii dhacaynin.

 

Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerso) oo u waramay shabakada wararka Intarnetka ee Gabileynews waxa uu isaga oo arrimaha qabsoomida shirweynaha xisbiga ka hadlaya uu yidhi. “Ma badinayo oo wali howlihii wey socdaan oo waxa imika noo socota howshii qabanqaabada sidii uu noogu suura gali lahaa qabashada shirweynihii 2aad ee xisbigu oo mudo dib u dhacay arimo xisbiga gudihiisa jirey awgii taasina imika wey naga soo gabagaboowdey, waxana noo hadhsan oo kaliya nin odey ah oo mujaahidiintii ka mid ah arintiisa, hadii aan magacaabo waa Muuse Biixi oo run ahaantii imika in mudo ah isku diyaar gareynayey murashaxnimada madexweyne-ku xigeenka xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa waxa ka yimid xaga gudoomiyaha xisbiga in aaney murashaxiin xisbiga ka wada noqon Karin laba nin oo isku beel ahi, oo Somaliland-nimada ay wax u dhimeyso, oo dabeeto markaa Gudoomiyuhu Muuse ka codsanayey inuu tanaasul ka sameeyo si qowmiyadaha kale ee reer Somaliland ay booska 2-aad ee madaxtooyada ay u qabtaan sidii caadada ahaan jirtey” Sidaas ayuu yidhi Mr Iskeerso isagoo hadalkiisa sii watana wuxu intaa ku darey oo uu yidhi, “Arintaasna in badanbaanu ka fekerney waxaney nala noqotey inaanu Muuse ka codsano in uu ka tanaasulo si dawlada dhismeysaa u qurux badnaato, Muuse tii wuu naga aqbaley, laakiin koley xanafteedii wey jireysaa, Muusena wali waxa noogu dhiman hawl sidii aanu ugu qancin laheyn in uu si niyad sami ah howshaasi uga tanaasulo, waananu ku soo dhaweyneynaa oo ugu mahad naqeynaa sida gobonimada ah ee uu u yeeley oo gudi howshaa Muuse u xilsaareyd isaguna kalsooni buuxda uu siiyey oo uu aqbaley in waxa ay soo gooyaan uu qaadanayo gudidii wey soo goysey in Muuse uu ka tanaasulo howshaasi in kastoo wakhti badan iyo (effort) badani kaga baxey hadana aad iyo aad baanu ugu mahad naqeynaa Muuse inuu u hogaansamey go,aankii gudida uu waliba isagu kalsoonida ku qabey waxey soo gooyaan halkaasina waa kar naga dhacey weeyi, waxana howsheedii noo dhiman tahey waxa kale ee Muuse raalida ku noqon lahaa waaney socotaa waxaananu rajeyneynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan nooga dhamaato Insha allah” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Aadan (ISKEERSO).
Waxa kale oo uu kahadley hadalo dhawaan uu warbaahinta galiyey Cabdilaahi Cabdi X Cumar (Cabdilaahi-jawaan) kuwaas oo uu ku soo qaaday aragtidiisa ku wajahan rag ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo damac kaga jiro iney kaga tartamaan Xisbiga dhexdiisa murashaxa Madaxweyne-nimo, sida Axmed Xuseen Ciise. “Arintaa Cabdilaahi-jawaan ka hadley aad iyo aad baan ugu taageersanahey waayo Siiraanyo wakhti adag oo adag oo ay Somaliland ku jirtey ayuu kala soo dabaashey oo uu naftiisii iyo noloshiiisiiba u soo hurey abaalkeediina wuu leeyahey hadalkaas gudoomiyaha ku saabsana kamuu baydhine, sidii ay aheyd ayuu wax uga sheegey waanan ku hanbalyeynayaa abaalbaanu ku leeyehey ummada, dhinaca kale hadaan ka hadlo Dr Axmed Xuseen Ciise, runtii waa nin da,yar waa aqoonyahan waana nin waqtigiisu soo socdo wali imika iyada oo ay dadkii badankiisu meel isku raacey in uu dhexda kaga soo dhaco run ahaantii aniga ilama qurux badna, isagana waxanu leenahey Axmed Xuseen walaal adiga oo u qalma si fiican ugu qalma dhinac walba marka laga eego waxaan leenahey welli nin da,yar baad tahey raga soo gubtey ee meesha ku soo dhintey ee u soo injireystey,ee dabka ugu soo dhacay ee Siiraanyahaasi ugu horeeyo waqtigooda sii waqtigaagana sug waxaanu kuu balan qaadeynaa Insha alah marka waqtigaagu yimaado in aanu wax kula qaban doono”Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Iskeerso sida ay faafisay shabkadda Gebilaynews.

Boorama: Munaasibaddii Aaska, Maamuuskii Jabuuti iyo sagootiskii Somaliland

Borama (Ogaal)- Boqollaal qof oo isugu jiray Madax dawladeed, Siyaasiyiin, aqoonyahanno, Madax dhaqameed, Madaxda Axsaabta Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa shalay kaga qayb galay Magaalada Boorama Jinaasaddii Aaska Marxuum Xasan Sh. Muumin Maxamed oo ka mid ahaa abwaanada ugu caansan Mandaqadda Soomaalida oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada Oslo ee dalka Norway, Maydkiisana ay Dawladda Jabuuti Diyaarad khaas ah ku keentay Magaalada Borama.

Jabuuti:

Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Sh. Muumin maydkiisa markii uu soo gaadhay Magaalada Jabuuti, waxa gacanta ku qabtay Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti. Isla markaana, waxay soo gudbinta Maydka Marxuumka u agaasimeen si heer Qaran ah. Waxaanay Maydkiisa soo saareen Diyaarad khaas ah, iyada oo ay ku soo sagootiyeen Billad sharaf ay ku maamuuseen wax-qabadkiisii dhinaca Suugaanta iyo kaalintii uu abwaan ahaan kaga jiray wax-u-sheegidda Soomaalida dhexdeeda. Isla markaana waxay Sanduuqa Marxuumka Maydkiisu ku jiray soo huwiyeen xushmad ahaan Calanka Jamhuuriyadda Jabuuti, isla markaana waxa Maydka Marxuumka u soo duuliyay dhinaca Magaalada Borama Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Jabuuti. Kuwaas oo uu ka mid ahaa, Md. Xaashi Cabdilaahi Qodax, oo la sheegay inuu yahay la-taliyaha xaqa dhaqanka iyo Suugaanta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Boorama:

Diyaaradda sidday Maydka Marxuumka markii ay soo gaadhay Magaalada Boorama, waxa halkaas diyaar ku ahaa guddi Wasiiro ah oo uu Madaxweyne Rayaale u saaray qaban-qaabada aaska Marxuumkaa iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. “Waxaanu aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa Waftiga heer Qaran ee Jabuuti ka yimi, sida wanaagsan ee ay marxuumka u soo agaasimeen maydkiisa iyo sida habsamida ah ee ay u soo gaadhsiiyeen garoonka Boorame.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Maydka Marxuumka kala wareegayay Weftiga Xukuumadda Jabuuti.

Wasiirka ka sokow, waxa isna halkaas weedho kooban ka jeediyay Md. Xaashi Cabdilaahi Qodax oo hormood u ahaa Masuuliyiinta dawladda Jabuuti ee Maydka Marxuumka u soo qaaday dhinaca Boorame. “Allaha u naxariistee Xasan Sh. Muumin wuxuu ahaa nin Abwaanada Soomaaliyeed ka geddisan, Suugaantiisuna ka geddisan tahay. Nin illaahay uu ku shubay xigmad ayuu ahaa, isla markaana dhaxal wayn ka tagay, waxaan ka xasuustaa Riwaayadihiisii Gaaraa-bidhaan iyo Shabeel Naagood, oo Shabeel Naagood Ingiriisi lagu turjumay, oo Sheakespeare kooxiisu metashay.” sidaas ayuu yidhi Xaashi Cabdilaahi Qodax. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu leenahay Ilaahay ha u naxariisto, Xasan Sh. Muumin wuxuu ahaa odaygayagii oo labada dalba way tirsadaan, Jabuuti iyo Somaliland-ba, oo Jabuuti inaanu ku aasno ayaanu anagu jeclayn, ee wuxuu ku dardaarmay Boorama ayaa la yidhi.”

Wasiirka dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa isna weedhan kooban kaga qayb galay Jinaasaddii Marxuumkaa magaca wayn ku lahaa Suugaanta Soomaalida. “Rabbi ha u naxariisto Xasan Sheekh Muumin wuxuu ahaa Faylasoofar buu ahaa, Macalin buu ahaa, inagamana dhimanin oo xigmadiisii, aqoontiisii iyo waanadiisii way inala taalaa, oo Jiil kastaaba oo kacaaba waa wax ay qaadanayaan. Wasaarad ahaanna Abwaaniinta aanu tirsanaynay ayuu ka mid ahaa, heesta Calankaba isaga ayaa sameyay. Waxaanu leenahay Illaahay ummada reer Somaliland samir iyo iimaan ha ka siiyo.” ayuu yidhi Wasiirka dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland.

Sidoo kale, xubno Wasiiro ah oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada, Warfaafinta, Macdanta iyo Biyaha iyo Xildhibaano, ayaa iyana Munaasibadda hadallo tacsi ah ka jeediyay. “Xasan Sh. Muumin anagu degmo ahaan waxaanu ku xasuusan doonaa, Madxaf hadda aanu dhisayno ayaanu ugu magac daraynaa, wallaalaheena Jabuuti, ee sida fiican uga hawlgalayna waxaanu leenahay illaahay ha idinka abaal-mariyo.” Sidaa waxa ka yidhi Munaasibaddii Aaskaa Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile. Badhasaabka Gobolka Awdal, ayaa isna dhiniciisa Jinaasaddaa kaga qayb galay. “Waxaan leeyahay ilaahay Jannada ha ka waraabiyo Marxuumka, Qaranka Somaliland, qoyskiisii iyo guud ahaanba ummada Afka Soomaaliga ku hadashana samir iyo iimaan ha ka siiyo, waxaanan u mahad-naqayaa sida ay reer Jabuuti inoo soo gaadhsiiyeen, ee ay inoogala hawl-galeen.” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka mid ahaa Masuuliyiintii Jinnaasaddaa ka hadashay, ayaa sheegay in Marxuumkaasi ahaa nin wayn oo ka baxay Bulshada Soomaalida, isla markaana wuxuu tacsi u diray qoyskii, qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Af soomaaliga ku hadla ee uu ka geeriyooday. “Xasan Sh. Muumin, muu ahayn nin Qoys, nin Gobol ma ahayn, nin Somaliland kaliya ma ahayn, ee nin ummadeed buu ahaa, cida Af-Soomaali ku hadasha oo dhan ayuu Abwaan u ahaa. Berigii hore Heesaha waxa lagu tirin jiray luuqada Carabiga, marxuumku wuxuu ka mid ahaa raggii Af-Soomaali hees ku tiriya, wakhtigaas oo ahaa dhawr iyo afartanaadkii iyo ilaa imika waxa uu ka hadli jiray kolba waayaha jooga, ee mushtamacu ku sugan yahay. Illaahay ha u naxariisto Xasan Sh. Muumin ummadana Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.” Sidaa waxa yidhi Xasan Guure Jaamac oo isna Munaasibadda ka hadlay. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan ku xasuustaa Xasan Sh. Muumin Suugaantiisii, cajiib bay ahayd in qof bani’aadam ahi is garab-dhigo Dab iyo Dab dhaxamooday, dawo iyo Dawo bukootay, laakiin wadcigii dadku ku jiray ayay ahayd, oo kala dambayntii ayaa qasantay wakhtigaas, oo ahaa dhawr iyo lixdankii, oo Odaygii ayaa taladii ka baydhay, Sheekhii ayaa taladii ka baydhay, dawladii ayaa wadadeedii ka baydhay, oo qof waliba wixii loogu xilan jiray ayuu ka baydhay. Markaa waxay noqotay Dab dhaxamooday ama dawo bukootay, waxaanu u cabiray si cajiib ah.”

Dadkii kale ee Jinaasaddaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Maxamed Daahir Afrax, oo ka mid ah Qorayaasha Soomaalida. “”Maanta (shalay) waa maalin murugo leh, waa maalin aynu aasayno tiir-dhexaad inaga baxay. Illaahay Jannadii haka waraabiyo’e Xasan Sh. Muumin wuxuu safka hore kaga jiray Tiir-dhexaadyada Maskaxda ee dadka Soomaaliyeed, waxaanu wax wayn ku soo kordhiyay aqoonta bani’aadamka. Dadka Soomaaliyeed wuxuu u ahaa la higsade, Abwaan iyo Macalin, Illaahayna hibo siiyay, Suugaantiisana ugu dagaalama samaha, kuna diida xumaha.” ayuu yidhi Maxamed Daahir Afrax. Waxaanu sheegay in ay Marxuumka saaxiibo ahaayeen, isla markaana uu si gaar ah uga tiiraanyaysan yahay geeridiisa, isla markaana uu ka hayo taariikh badan oo uu lahaa Marxuumku.

Sidoo kale, Maxamed Cabdi Iskeerse oo ka mid ah Madaxda sarsare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa ka mid ahaa dadkii Jinaasaddaa tacsida ka diray, isla markaana wax ka yidhi kaalintii uu Abwaankaa geeriyooday uu ugu jiray dadka Afka Soomaaliga ku hadla. “Xasan Sh. Muumin, wuxuu ahaa cilmi dhan, maktabad buu ahaa, inagana waxa inala gudboon wixii uu ka tagay inaynu ururino, dhalinyarta inaga dambaysaa mustaqbalka ugu aydo, oo ay uga faa’iidaystaan. Ilaahayna ha u naxariisto, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.” Sidaana waxa yidhi Qoraaga Maxamed-Rashiid X. Xasan.

Intaas oo kaliya kumay koobnayn dadkii Munaasibaddaa ka hadlay, hase yeeshee way ka tiro badnaayeen.

Gunaanad:

Guud ahaan marka laysku soo ururiyo Munaasibaddii Aaska Xasan Sh. Muumin, waxay ahayd mid si heer qaran ah u dhacday oo looga qayb galay Somaliland iyo Jabuuti-ba. Isla markaana waxa Marxuumka lagu sagootiyay Muuqaalkaa, balse waxa tusaale maalin walba taagan ah Suugaanta la-yaabka leh ee uu dhaxal ahaan uga tegay dadka Soomaalida.

“Ma ogtihiin Sakaaradu,

Awaarahay qoddaayoo,

Saaladeeda ku aastaa,

Libaaxuna ma asturee,

Hilimaduu ka arooruu,

Digadiisa ku aslaa.

Kala awran labaduye,

edebtiyo aqoontiyo,

Asluubtay isku dhaafeen.

Caqligii wanaagsani,

Itaal inuu ka roon yahay,

bal eegoo u fiirsada.”

“Labada Beelood 104-qof baa laga xidhay arinkiina dawladda Itoobiyaa la wareegtay”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar

Boorama (Ogaal) – Ergo ka tagtay dhinaca Somaliland oo u gurmatay shaqaaqo ka dhacday deegaanka Harawo oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa xalay soo gaadhay xarunta Gobolka Awdal ee Boorama, ka dib markii dhawaan ciidamada Itoobiya oo iyana dhinacooda uga soo gurmaday daminta mashaqadaasi ay duubeen guud ahaan Ergooyinkii arrintaasi u gurmaday iyo 104 – nin oo isugu jira odayaal iyo dhalin yaro ka soo jeeda labada Beelood ee dirirtu dhexmartay, Islamarkaana ay geeyeen magaalada Jigjiga.

Sida uu ku soo waramay Wariye Daahir Axmed Jide, 18 xubnood oo isugu jira Salaadiin iyo madaxdhaqmeed intooda badani ka soo jeeda Gobolka Awdal oo arrintaasi mudo ku dhaw todobaad loogu xanibay Itoobiya oo xalay soo gaadhay Boorama ayaa waxa ay sheegeen inaan iyaga la xidhxidhin, balse guud ahaan dadkii labada beelood ee dirirtu ka dhaxaysay ka soo jeeday lagu xidh-xidhay Jig-jiga. “Waxaan ahayn 18 qof, nabadgelyo ayaanu ku soo noqonay. casuumad iyo soo dhawayn fiican ayaanan kala kulanay maamulka Itoobiya.” Sidaa Waxa yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ahaa madaxdhaqmeedkaasi oo xalay markii ay Magaalada Boorama soo gaadheen wax laga weydiiyay, sida loola dhaqmay. Isaga oo ka hadlaya Suldaanku, qaabkii ay hawsha dhexdhexaadinta Labada beeleed ugu socotay markii ciidamada Itoobiya Isniintii aynu soo dhaafnay ee todobaadkii hore Arooryo hore ergooyinka iyo gaadiidkoodaba ka kexeeyeen deegaanka Harawo, waxa uu yidhi. “Markii aanu mashaqadii ka ooganayd Harawo guda galey dhamaadna ay ku dhowdahay, ayaa lana dulkeenay Ciidan dhamaan-tayana waxa lanoo qaaday, dhinaca magaalada Jig-jiga. Intayadii Somaliland ka socotay, waxaan ahayn intayadan hadda socota.”

Suldaanku, mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay, talaabada dawlada Itoobiya ka qaaday dhinacyadii dirirtu dhexmartay waxa uu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac.”Waxaa laga qab-qabtay labada dhinac 88 qof oo ah ragii deegaanadaa ka agdhawaa ee xooga ahaa ah iyo 16 Oday, dhamaana waa la wada xidhay, oo laba meelood ayaa odayaasha iyo raga kale lagu kala xidhay. anaguse maanu xidhnayn. Arinkii Harawana waxaa la wareegtay Dawlada Itoobiya oo gacanta ku haysa.”

Sida wariye Jirde ku soo waramay Salaadiintan oo uu la kulmay markii ay soo gaadheen magaalada Boorama waxa ay sheegeen inay saxaafada wixii xogo dheeraad ah ee dhacdadaa Harawo ku saabsan ay siin doonaan maanta.

Salaadiinta iyo madaxdhaqmeedka ergada ah ee xalay soo gaadhay Boorama waxa ka mid ah, Suldaan Cabdiraxmaan jaamac Dhawal,

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xassan Xaddi (Baado), Suldaan Rashiid Cali Ducaale iyo Oday Cabdilaahi Ducaale iyo Caaqil Cabdilaahi Diiriye Samatar,(Feedhageele) iyo madaxdhaqmeed kale.

Deegaanka Dooxa Harawo oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxay dhinaca Galbeed ka kulaalaysaa magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Somaliland. Islamarkaana laba beelood oo halkaa wada degan oo walaalo ah islamarkaana wada dega Somaliland iyo Itobiyaba ayaa mudo dheer isku hayay, iyadoo dagaalkii ugu danbeeyay ee murankaasi ka dhashayna uu sababay khasaare dad oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Toosoo imika arrinteeda dawlada Itoobiya la wareegtay.

Somalia: Dagaallo ba’an oo ka dhacay Muqdisho iyo Kismaayo

Muqdisho (Ogaal/W.Wararka)- 22 qof ayaa la sheegay inay dhinteen, 28 qof oo kale oo lix ka mid ahi isku qoys yihiinna, ay ku dhaawacmeen dagaallo culus oo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ee Somalia.

Dagaalladan oo ay isaga hor yimaadeen Ciidamada Itoobiyaanka oo ay weheliyaan Askarta Booliska ee Maamulka Mbeghati ee Somalia iyo Kooxaha ka soo hor jeeda, ayaa mid ka mid ah oo ka dhacay degmada Xamar jajab ee koonfurta Muqdisho, oo galaaftay nolosha 14 qof oo shicib ah, isla markaana uu ku dhaawacmay hal qof, kaas oo qarxay ka dib markii ay labada dhinac ee dagaalku dhex maray halkaa ku kulmeen. Taasina ay keentay in lays dhaafsado hubka noocyadiisa kala duwan. Siday qortay Shabakadda Press TV.

Sidoo kale, Qarax Bam oo ka dhacay agagaarka Aqalka Madaxtooyada ee Somalia, ayay ku dhinteen saddex qof oo mid ka mid ahi ka mid ahaa Ciidamada Booliska. siday sheegeen dad goob joogayaal ahi.

Qaraxan oo lala beegsaday Gaadhi Boolis, ayaa waxa ku dhintay Sarkaal Boolis ah iyo laba qof oo rayid ah oo ka ag dhawaa goobta qaraxa. “Waxaan arkayay mid ka mid ah dadkan dhintay, waxaanu ku sii socday Suuqa Bakaaraha markii uu qaraxu cuskaday” sidaa waxa AFP u sheegay Maxamed Cali Qooje, oo goob joog ahaa markii qaraxu dhacay.

Wararku waxa kale oo ay intaa ku dareen in Degmada Hodan ee isla Magaalada Muqdisho, ay ku dhinteen 3 qof, halka ay lix qof oo kale oo ka kooban lix ubad ah iyo hooyadood ay si culus ugu dhaawacmeen, ka dib markii uu Madfac ku habsaday Gurigooda Degmada Hodan. Qoyskan dhaawaca culusi gaadhay, ayaa la sheegay in aabahood hore ugu dhintay mid ka mid ah dagaalladii hore uga dhacay Muqdisho.

Dhinaca kale, Magaalada Kismaayo oo 500km dhinaca Koonfureed ka xigta Magaalada Muqdisho, ayaa isku dhac ka dhashay weerar ay qaadeen koox aan la aqoonsani, waxa ku dhintay qof dumar ah, halka 21 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Kuwaas oo cusbataallada lagu dawaynayo.

Ruushka oo si kedis ah u qabtay Hoggaamiyihii Maafiyada

Moscow (The Guardian/Ogaal)- Booliska Sirdoonka Ruushka, ayaa Jimcihii la soo dhaafay shaaca ka qaaday inay xabsiga u taxaabeen nin lagu sheegay inuu ahaa Madaxa Kooxaha Maafiyada ugu khatarta badan dalka Ruushka.

Mr Semyon Mogilevich, oo sida lagu daabacay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska cadadkiisii shalay, aad looga raadinayay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, ka dib markii uu tobanaan sannadood ku lug lahaa ka qaybgalka dembiyada caalamiga ah, ayaa maalintii Khamiistii ee toddobaadkii la soo dhaafay ay si fudud gacanta ugu dhigeen booliska Ruushku, markaas oo uu damacsanaa inuu ka qaybgalo kulan dhinaca ganacsiga ahaa, oo ka socday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee magaalada Moscow. Warku waxa uu sheegay in markii ugu horaysay ay boolisku ninkaa la xidheen Maalqabeenka Vladimir Nekrasov, oo isna ah milyaneer ganacsade Ruushan ah. Xadhiga Mr Mogilevich, waxa uu u muuqdaa inuu yahay mid soo gunaanadaya jiritaanka mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha ugu dembi-gelista badan ee mihnadda ka dhigtay waqtiyadan casriga ah, kaas oo ku shaqaysanayay dembiyada kala ah; Daabacaadda lacagaha, iib-geynta maandooriyeyaasha, ka-ganacsiga jidhka dadka, tahriibinta, iibka macdanta Yuraaniyamka, xaditaanka saxeexyada, iyo weliba musuqmaasuqa hababka bangiyada ee caalamiga ah. Booliska Ruushku waxa ay sheegeen inay ninkaa madaxa maafiyada ahaa qabteen, isaga oo markaa isticmaalayay mid ka mid ah magacyo badan oo uu leeyahay, kaas oo ay ku sheegeen inuu ahaa Mr Sergei Schneider. Sidoo kalena, waxay boolisku intaa ku dareen in ninkaasi magacyada uu isticmaalayay ay gaadhayeen 17 magac, isla markaana waxa uu hawlihiisa ku fushan jiray baasaabooro uu ka kala qaatay dalal kala duwan, kuwaas oo ay ka tilmaameen Yukrayn, Ruushka iyo Israa’iil.

Wasaaradda Arrimaha Guddaha Ruushka, oo xadhiga ninkaa ka hadashay, ayaa sida uu faafiyay The Guardian yidhi: “Waxaanu daba-soconay ninkaas muddo 15 sannadood ahayd. Waxaananu xabsiga u taxaabnay, isaga oo isku sheegaya inuu yahay Mr Sergei Schneider, oo taasna uu u yeelayay inuu kaga baxsado cashuurta madaxa. Isla markaana waxay ahayd uun wax yar ka dib markii la xidhay, xilligii aanu ogaanay ka uu yahay ninkaasi.” Hay’adda Sirdoonka FBI ee Maraykanka, ayaa masuuliyiin ka tirsani ay ku andacoodeen in Mr Mogilevich oo 61 jir ah, una dhashay dalka Yukrayn, balse haysta dhalashada dalka Ruushku uu yahay shaqsiga ugu wayn kooxaha maafiyada caalamiga ah. Sidoo kalena, dembi-baadhayaal caalami ahi sida ay sheegeen Mr Mogilevich, isaga ayaa maamulayay giraanta guud ee isku-xidhka Kooxaha Maafiyada Ruushka gebi ahaanba. Ninkaas oo lagu naanayso ‘The Brainy Don’ waxa uu haystaa digrii Jaamacadeed oo dhaqaalaha ah, waxaanu ku biiray Kooxaha Gaangiistarrada Moscow sannadihii toddobaatanaadkii, isla markaana waxa xabsiga loogu xidhay laba jeer, arrimo tuugo iyo musuqmaasuqyo la xidhiidha awgood. Mr Mogilevich, waxa la sheegay inuu ku noolaa, kana shaqayn jiray dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Kanada. Hase yeeshee, sannadihii sagaashanaadkii ayuu u bedeshay saldhiggiisa ugu muhiimsan dhinaca dalka Hungary. Sannadihii ugu dambeeyay Mr Mogilevich waxa uu ku noolaa magaalada Moscow, balse ma kala cadda sababta ay masuuliyiinta Ruushanku ugu guuldaraysteen inay waqti hore ninkaa xidhaan. Hase ahaatee, aakhirkii waxa uu haatan ninkaasi ku jiraa Xabsiga ugu caansan magaalada Moscow ee Matrosskaya Tishina prison.

Tahriibinta Dhirta qoyan oo halis ku haysa Gobolka Tog-dheer

Burco (Ogaal)- Qoraal uu Guddoomiyaha Deg. Durukhsi ee Gobolka Togdheer Axmed Cabdi Gaabyoome shalay soo gaadhsiiyay wakiilka Ogaal ee Burco, ayuu digniin culus ugu jeediyay ganacsatada dhuxusha iyo gaadiidlay uu sheegay inay u tahriibiyaan Boosaaso dhuxusha.

Guddoomiyaha Degmeda Durukhsi, qoraalkiisan oo koobnaa waxa uu ku yidhi; “Haddii aan ahay, guddoomiyaha dagmada durukhsi, waxaanu uga digaynaa ganacsatada dhuxusha iyo gaadiidlaydaba sida xaaraanta ah, ee ay uga ganacsadaan tahriibinta dhuxusha, taasoo ay ka soo qaadaan degaanka durukhsi iyo galbeedkeedaba. Kuwaas oo waddooyin ka dhigtay meel aanay wadaba mari jirin, isla markaana dhirtii dhulka ku taalay gubay oo dhuxul ka dhigay, una tahriibiya magaalada Boosaaso.

Hadaba, anaga oo digniino hore ka soo saarnay, ayaanay haddana qaadan. Balse mar kale, ayaanu u jeedinaynaa digniinta ah inay joojiyaan xasuuqa iyo dabargoynta ay ku hayaan degaanka iyo dhirtaba, una tudhaan dadka iyo dhirtaba. Dhirtan yar ee haatan hadhay, ayaan awood u lahayn wax ka badan ka badan isticmaalka caadiga ah ee maxaliga ah. Sidaa darteed, hadii ay sii wadaan oo lagu qabto waddooyinka dhuxusha laga tahriibiyo iyo kuwa ay fadhiyaan ciidanka booliskuba, wixii dhib ka dhaca, iyaga ayaa masuuliyadeeda dusha saaran doona, isla markaana la horgayn doono sharciga iyo qawaaniinta Jamhuuriyada Somaliland iyo ciqaab iyo ganaax culus, wixii ay mutaystaan, iyada oo dadwaynuhu diyaar u yihiin wax-ka-qabashadooda iyo ciidanka booliska ee qaabilsan jiiddahaas.”

“Sharci-darradu, diin-daro ayay u dhigantaa” Agaasimaha Guud ee W. Qorshaynta

Hargeysa (Ogaal)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah, Md. Maxamuud Xuseen Muuse, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eed ay u soo jeediyeen dad danyar ah oo degan dhismayaashii hore ee Wasaaradii Boosaha iyo Gaadhsiinta, kuwaasoo ka cadowday dhisme cusub oo xarun u noqon doona Wasaarada Qorshaynta Qaranka, taasoo ay Wasaarada Hawlaha Guud ay qorshe ahaan u siisay dhulkaas oo ah dan guud, isla-markaana dhinaca Waqooyi ka xiga Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.halka ay danyartuna ku cowdeen in laga xidhayo marinkoodii, goobtaasi tahay xabaalo ay dad kaga aasan yihiin.

Agaasimaha guud waxa uu arrintaas uga waramay saxaafada, waxaana su’aalihii la waydiiyay iyo jawaabahoodii u dhaceen sidan: –

S: Agaasime dhul dan guud ah oo u dhow Xarunta Badhasaabka Hargeysa oo dad danyar ahi idinku eedeeyeen in Wasaarad ahaan aad ka iibiseen Hay’ada UNDP siday u sheegeen dadkaasi, lana jeexay meesha oo ay ku sheegeen inay xabaalo tahay oo dad kaga aasan yihin, buuqna ka jiro arrintaa Wasaarad ahaan maxaad ka ogtihiin?

J: Arrintaas wax ka jiraa ma jiraan haba yaraatee, waxaad aragtaan anigoo ah Agaasimihii guud ee Wasaarada, in aan fadhiyo qol yar oo cidhiidhiya, oo aan hawshii Wasaarada ka wado, markaa waxa dhalatay baahi inaanu Wasaarada Qorshaynta u raadino meel aanu u dhisno, si ay u suurto-gasho hawsha Wasaaradu. Waxaanu u dawaro tagnay caalamka si nalooga bixiyo meel aanu u dhisno Wasaarada. Waxaanu eegnay shacabka halka aad aragteen ayay dani ka fursan wayday in aanu Wasaarada Qorshaynta ka dhisno. Wasaarada Hawlaha Guud ayaanu ka codsanay oo aanu ku nidhi dhul ha nala siiyo, Wasaarada Hawlaha Guudna halkaas ayay noo calaamadiyeen.

S: Maatada meesha ag dagani waxay sheegeen inay meeshu tahay xabaalo, wadana ay u tahay, oo aanay wado kale haysan. Markaa dadkaa danyarta ah sideed ugu talo gasheen?

J: Horta marka hore, idinku saxaafad ahaan ha hor cararina dadka. Meesha waxa weeye dad baa dan u haysta, meeshu waa xafiisyadii dawlada badhtankeedii, haddii intaa dawladu yeelan kari waydo, waxa wiiqmaya dawladnimada lafteedii bay ku tahay dhaawac. Xabaalaha wixii ku jira waanu caddaynaynaa, oo iskaga durdurin mayno, meelo banaan baa xabaalo ku jiraan, dalka wax badan baa ka dhacay oo waad ogtihiin, wixii meesha ka jirana in la caddeeyo, oo la hubiyo annagu dayici mayno, halkaa dadka maatida ah ee aad ka hadlaysaan sharci darro ayay ku haystaan meel dawladi leedahay, waxa meesha ku dhow xafiiskii xisaabiyaha guud ayaa naga dambeeya, guri nagu dhow oo naga xiga xagga wadada oo dawladu leedahay dadkaasi shicibka ah ayaa haysta. Xaqiiqdu waxa weeye sidaan horeba idiinku sheegay Wasaaradu waxay u baahan tahay meel ay dhisato, halkaas ayaa Wasaarada Hawlaha Guud noo calaamadisay, halkaas ayaanu qorshaheeda iyo dhismaheedii galnay gidaar walba kolba qof baa ka soo boodaya oo leh ood baan saaray dhowr iyo tobankii sano ee aynu jirnayba, oo lacag doonaya iyo mid kale oo leh waan ilaalinayay oo anigaa meesha leh oo boobaya. Annagu dayici mayno dadka danyarta ah, waxaan isku dayi doonaa baahida ay qabaan haddii ay si xishmad leh u doonaan, iyaga oo marka horeba degan guryo dawladu leedahay, oo maaha meelo ay leeyihiin, in aanu kadin u banayno, iminkana meeshuun baa la jeexayaa, oo la calaamadinayaaye gidaar aanu markiiba meesha ka taagaynaa ma jiro.

S: Agaasime dadku waxay leeyihiin meeshu waa xabaalo, in xabaalaha wax laga dul-dhiso dhaqankeena iyo diinteenuba ma ogola markaa xukuumad ahaan arrintaasi siday idinku fududahay?

J: Waxaad ka hadashay xaajo culus oo diin xambaarsan, muslim baan ahay, xilna wuxuu iga saaran yahay in wax walba la badbaadiyo oo sida ugu haboon la yidhaa. Xabaalo intay tahay adiguna ma hubtid, ana ma hubo, meel xabaalo yihiin haday tahay, oo Wasaarada Hawlaha Guud na siisay, waxa waajibka ah ee nala gudboon baanu yeeli doonaa. Markaa in la yidhaahdo mar walba xabaalo weeyee, mar nalagu yidhaahdo jid baad xidheen, marna aniga lay yimaado oo laygu yidhaahdo ood baan beri meesha dhigtoo, lacag baan ku doonayaa. Dee waxaan u malaynayaa inay qorshihii dawlada ay ka baxsan tahay. Kolkaa annaga ha naloo daayoo, dadka cabanayaa intay warqad xushmad leh ay noo soo qortaan ha yidhaahdaan kadinkii baa naga xidhmaya, annagaa u banaynayna.

Sharcidaradu diin-daray u dhigantaa, sharciga in la raacaa baa meesha ku jirta, dadka mid walba danyar baa ugu jirta oo waa kan leh ood baa meesha ii taalay oo lacag baan ku doonayaa, oo dagaaladii baan qabsaday oo aan ka faa’iidaystay, dee lacag uma hayno aan siino. Hase yeeshee, dadkaa waanu u dedaalaynaa.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: