Oslo(Ramaas) Feb.13, 2009 – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa xalay saqdii dhexe si diiran loogu soo dhaweeyey dhabaha diyaaradaha ee magaalada Oslo.
Masuuliyiintan oo ka soo kicitimay magaalada London, waxa ka muuqday daal fara badan, ka dib markii diyaaradii ay soo raaci lahaayeen uu ku yimi dib u dhac dhawr jeeri, sababo dhinaca cimilada oo aad u xumayd ah awgeed. Iyada xilligaa ay yimaadeen garoonka Oslo ay qarajada qabowgu ahayd -15 digrii. Weftigu waxay maanta gelinka hore la kulmi doonaan xubno ka tirsan Baarlamanka dalka Norway iyo Wasaaradda Arimaha Dibada, isla markaana waxay gelinka dambe kulan balaadhan kula kulmayaan xarunta Jaaliyaddda, dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda. Mar ay shabakada Ramaasnews wax ka weydiisay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ujeedada booqashadooda wuxu sheegay in tahay xog-waran xaalada guud ee dalkii, iyo waliba in aanay ka madhnayn dhaqaale u helida doorashada madaxtooyada kaabiga inagu soo haysa.
Filed under: Norge























