Soomaalaay Maxaa Inaga Si Ah?

Xamse Maxamed Xubin Ka Tirsan Golaha Deegaanka Ee Oslo Xisbiga (SV).
Waxaa naxdin igu noqotay in aan arko bogga hore ee jaraa’idka gelinka danbe magaaladda Oslo ka soo baxa ee la yidhaa Aftenposten Aften.  Halkaas oo frontpage-ka ay ku qornayd  ”Butikkene plages av khat-brukere” taas oo macnaheedu tahay meheradaha waxaa dhibaato ku haya dadka qaadka cuna.