HAMBALYO AROOS

Hambalyo       Hambalyo    Hambalyo
 
Anaga oo ah Jaaliyada Somaliland ee degan dalka Norway waxa aan halkan hambalyo uga diraynaa mudane Rahiid Saleebaan Xuseen iyo marwo Kaltuun Ismaaciil Jamac oo ku aqalgalay maalintii khamiistii 21.08.08 magaalada Boorame ee dalka Somaliland. magacyada hambalyada dirayaa waxay kala yihiin:
 
Gudoomyiha Jaaliyada Xuseen Aadan Cadib iyo Xaaskiisa
Gudoomiye ku xgeenka Jaaliyada Cabdirahman Maxamed Iyo Xaaskiisa
Afhayeenka Jaaliyada [...]

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo! Gudidda Kulmiye Norway iyada oo ku hadlaasa afka dhamaan xubnaha iyo Tageerashaasha Kulmiye Norway waxa ay Hogaanka sare ee xisbiga, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, gudidda qabanqaabada shirka Burco iyo shir gudoonka shirkaba u soo jeedineyaan mahadnaq iyo bogaadin qaabka ay uga midho dhaliyeen dimoqraadiyada iyo habsi u socodka hawlaha xisbiga uga socdey Burco.

KULMIYE: Doorashadii Madaxweynaha + Ku-xigeenkiisa + Murashixiin Madasha Ka Dareeray Iyo Muuqaalkii Shirka Golaha Dhexe Ee Gebagaboobay.

Burco, 26.08.08, shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE uga Socday Huteelka City plaza ee Magaalada Burco ayaa maanta lagu doortay murashixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka uga qeybgalayaa Xisbiga doorashooyinka Soo Socda ee 2009 dalka ka dhici doona. Waxa shirka ka soo xaadiray ilaa 131 xubnood ka tirsan Golaha Dhexe, waxa cod aqlabiyad [...]

Asante Oil Move Forward with Drilling Plans

Hargeisa 26.08. 2008, A high-level delegation from UK-based oil company Asante Oil arrived Somaliland on August 20 [2008], where they were welcomed by Ministry of Water and Minerals officials at Hargeisa’s Egal International Airport.  The Norwegian delegation, which started an official five-day visit to Somaliland, was received at the airport by the Ministry’s Director-General, Mr. [...]

Abwaan Gaariye Oo Si Kulul U Difaacay Lahaanshaha Inuu Yahay Midkii Daah Furay Miisaanka Maansada Soomaalida

Hargeysa(sl.no) 25 August 2008 –  Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa Shalay si kulul u difaacay lahaanshaha inuu yahay midkii daah furay Miisaanka Maansada Somalida, hadaladaa waxa uu jeediyay mar uu ka hadlayay Bandhig-buugeedka Caalamiga ah ee Hargeysa (Hargeysa International Book Fair) oo shalay lagu soo gababeeyay Magaalada Hargeysa.

TAARIIKH NOLOLEEDKII MARXUUM FAYSAL XAAJI JAAMAC

Marxuun Faysal Xaaji Jamac  Geedi waxa uu  dhashay  sanadkii 1939   magaalada Burco ee gobolka  Toghdheer. Waxaana uu waxbarashadisii Quraanka ka bilaabay  madaristii Quraanka ee Saalixiyada ee waqtigaa ee Madrassa Falaax dii  Sheekh Maxmud  ee Berbera iyo tii Macalin Xasan ee Burco.

TACSI TIIRAANYO LEH OO AY DIRAYAAN BAHDA SOMALILAND.NO

“Geeridu waa xaq ee godkii alle ha kuu nuuriyo. Marxuum Faysal Xaaji Jaamac wuxuu ahaa shaqsi karaamo, ixtiraam iyo sharaf ku leh ummadda dhexdeeda, wuxuu ku sifeysnaa hawl karnimo iyo af-gaabnaano, qof bulshadu u wada siman tahay buu ahaa. Hase yeeshee qofna dunidan ku waari maayo, maalintiisii baa timi ee naxariistii janno alle ha ka waraabiyo.” Haddii, [...]

Velferdssystemet kan passivisere

Krigsbakgrunn. 
Hussain Adib rister på hodet. Læreren på Vestli skole i Oslo og leder av Somalisk Velferdsforening forstår ikke at Amal Aden vil ramme en hel gruppe. Han mener at somaliere som sliter, må forstås på bakgrunn av at de kommer fra et krigsrammet land, og at den norske kulturen er ny og fremmed for dem.
- [...]

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha iyo Shirkadda Asante Oil oo Wadajir ugu dhawaaqay bilowga hawlgal shidaal baadhis ah

Hargeysa (sl.no) 22 august 2008  – Wefti ka socda Shirkad kuwa Shidaalka oo Norwegian ah, Asante Oil iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland ayaa maanta wadajir daboolka uga qaaday hawlgal shidaal baadhis ah oo ay shirkaddaasi dalka ka bilaabayso dhowaan.

TACSI TIIRAANYO LEH

Tacsi ku socota G/xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Sheikh Abdiasis Mohamed SAMAALE oo Hooyadii ku geeriyootay maanta 22.08.08 magalaada Hargeisa, ALLAH ha naxariistee. ! انا للة وانا الية راجعون : Inaa Lilaa wa Inaa Ilayi Raajacuun.

Shirkad Cusub oo Dalka u Timid inay Heshiis Shidaalka ah lagasho Xukuumadda

Hargaysa 21.08.08, Weftiga ka socda Shirkadda shidaalka ee Asante Oil ayaa Somaliland soo gaadhay shalay iyada oo la filayo inay heshiis la galayso xukuumadda Somaliland, iyada oo hore u iibsatay macluumaadka kal hore shirkadda TGS-Nopec ee Norway  ka samaysay dhulka Somaliland.  Hadaba waxaanu halkan idiinku diyaarinay macluumaad la xidhiidha Asante Oil oo la asaasay February 2008 [...]

Norsk oljeleting i afrikansk utbryterstat

Rystad sier til Bistandsaktuelt at selskapet ikke har betalt signaturbonus for avtalen. Asante Oil dekket utgiftene til seismikkundersøkelsene og har forpliktet seg til å drive et sosialt utviklingsprogram i forbindelse med avtalen der vannboring, vedlikehold av riggen og framtidige arbeidsforpliktelser inngår. ”Det har vært en ryddig prosess. Det har ikke vært snakk om pengebonuser, kun bidrag [...]

Komishanka Doorashooyinka oo Maanta bilaabaya Wacyigelinta Diiwaangelinta

 ”Haddii aan ku horeeyo hawlaha dhinca Diiwaan-gelinta bishan iyo bishii hore ee dhammaatayba hawlo aad u baaxad wayn ayaan ku guda jirnay oo ah diyaar garawgii hawlaha diiwaan-gelinta oo u baahnaa in aynu diyaar garaysano sida agabkii, meelihii agabka lagu rakibayay iyo shaqaalihii ka hawl geli lahaa, shaqaalaha la qaadan doono shaqaalihii la tababari lahaa [...]

XAFIISKA IOM HELSINKI OO BILAABAY MASHRUUC LAGU HORUMARINAYO CAAFIMAADKA SAMALILAND & PUNTLAND

Helsinki(sl.no) 13 august 2008 –  Dhakhaatiir, kalkaaliyaal caafimaad, maamulada caafimaadka, iyo dhamaan xirfadlayaasha kale ee ku salaysan xaga caafimaadka ee Soomaalida degan Finland ayaa markii u horeysay fursad u helay inay uga faaiideeyaan cilmigaasi ay barteen iyo khibrada kale ee ay uga shaqeynayeen Finland wadankoodii hooyo. 

WARBIXIN GUDDIGA ARIMAHA GUDAHA, DIFAACA IYO NABADGELYADDA GOLAHA WAKIILADA EE XAALADA GUUD EE DALKA

 

DHACDOOYINKII DHACAY DHINACA NABAD-GELYADA .
 
HORDHAC……………….
 
In muddo ahba waxaa soo kordheyay khasaaraha ay ciidamada Qaranku  u geystaan dadka aan hubeysneyn. Laga  bilaabo  Sannadkii 2005tii ilaa 2008.

QOLADA GAR-ADAG KU SHIRAYANA WAXAAN LEEYAHAY WAX MADAXWEYNENIMO DOONAYA IDINKAA U KULUL

Hargeysa, “Ninka siyaasiga ah ee beerka u jiifa ee baabuurta diraya ee innamada diraya waa la ogyahay”
“Madaxweynuhu ma xidhin suuqii xorta ahaa ee berritaba wuu furi doonaa, waxaannu soconayaa muddo gaaban, waxaannu Madaxweynuhu sheegay in marka shanta bilood dhammaadaan uu suuqu xor yahay, laakiin nin wareer doonaya oo aan carrab dhabayn qolooyinkiina joornaalladuna ha ku [...]

Wufuud Culus oo Dalka u Yimid Qiimaynta Dhoofka Xoolaha

 Hargaysa (sl.no) 10 july 2008 –  Wufuud culus oo isugu jira Dhakhaatiirta Caafimaadka Xoolaha oo ka kala  socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (OIE) iyo dalalka Cumaan iyo Imaaraadka, ayaa shalay Somaliland booqasho ku yimid. Sida uu noo xaqiijiyey Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi wufuudaasi oo ka kooban 3 dhakhtar oo ka socda hay’ada OIE [...]

MAANKAAGA LA KAASHO MURANKA MIISAANKA MAANSADA EE MACALIN CARAALE IYO ABWAAN GAARIYE

Qore Cusmaan Aadem
Sannadku waa 1973 xilli aan durugsanayn oo bilo laga joogo, ayaa Af Soomaaliga far loo yeelay oo la qoray. Waa waxtarkii ugu qiimaha weynaa ee ilaa hadda loo qabtay horumarinta dhaqanka iyo aqoonta Soomaaliyeed. Waa dhacdada qudh ah ee lagu diirsado ee laga dhaxlay xukunkii askarta. Golayaasha aqoonta, sida machadyada culuunta sare , [...]

Wakiilada Al-jaabiri oo Warbixin siiyey Golaha Wakiilada Somaliland

 
 Hargaysa (sl.no) 07 july 2008 –  Mudanayaasha golaha Wakiilada ayaa shalay warbixin ka dhagaystay Wakiilada ganacsadaha Al-Jaabiri Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) iyo Cali Ibraahim (Cali Balaqbalaq) kuwaas oo ay su’aalo ka weydiiyeen heshiiska ay xukuumaddu la gashay ganacsadaha Al-jaabiri, su’aalahaas oo ay ka jawaabeen.
Ugu horayn waxa halkaa warbixin ka jeediyey Aadan Baradho Waxaanu yidhi:
“Heshiiskani [...]

Rayaale muxuu kaga jawaabayaa haddii Tallaabo ku dhinto Qolkaa yar?” Dr. Gaboose

Hargeysa  06.08.08, “Qof kasta oo reer Somaliland ah arrintani waxay ku dhalisay argagax. waxay taabsiisay murugo, nin ka naxay mooyaane, ma filayo ma filayo inuu jiro nin ku farxay, doqon mooyaane. Yuusuf Talaabo waa muwaadin, waa Mujaahid, kollay anigu dhankayga iyo dhanka inta waxgaradka ahba, waxaanu aaminsanahay oo aanu la jecelahay nolol wanaagsan, sharaf iyo [...]

Madaxwaynaha JSL oo caawa go´aan degdeg ah kasoo saaray arinta xoolaha

 

Warsaxaafadeed deg deg ah oo kasoo baxay madaxtooyada JSL caawa ayaa Madaxweynaha JSL waxa uu ku Go,aamiyay qodobadan : 
1)in Xoolaha Hadda Jooga Dekkeda la fasaxo .
2)in Muddada shanta bilooda ee Maxjarka ka hadhay Furitaankiisa aan la keenin Xoolo dambe ciddii keentana ay iyadu Masuuliyadeeda iska leedahay.
3)madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Guddi ka kooban wasiirada Ganacsiga Xanaanada Xoolaha ,Arrimaha [...]

KOOXDA OMAR INTERNATIONAL AYAA KU GUULAYSATAY KOOBKII MAALINTA WAXBARASHADA DEGMADA ALLAYBADAY

Waxaa shalay soo gabagababeeyay koob in muddo ahba ka socday Garoonka Xoriyada Magaalada Allaybaday koobkaasi  oo  ay ku loolamayeen kooxaha ka jira Degmada Allaybaday iyo Wajaale, koobkaasi loogu magacdaray Maalinta Waxbarashada Degmada ee 21 july ayaa uu dhigay oo bixayay dhamaan kharashka ku baxay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL, Mudane C/casiis Maxamed Samaale.

OGEYSIIS KU SOCDA DADKA DEGAN NORWAY EE DHIBTA KALA KULMAY HELIDA RAAD TV INTERNATIONAL

Waxa la ogeysiinayaa dhamaan dadweynaha degan dalka Norway in RAAD TV uu si habsami ah u wado baahintiisa 24-ka saac ah. Hadaba, cidii dhibaato kala kulanta helida TV-ga ee dalkan waxa ay la soo xidhiidhi karaan Farsamayaqaanada:

Cabdiwahaab Xasan Maxamed Tel.: 41294921.
Maxamed Xuseen Yuusuf         Tel.: 95092584.

Iyaga ayaa kala xidhiidhi doontaa wixii cilad farsamo ah iyo sidii aad ku [...]

Qayla Dhaan Gurmad Doon Ah Oo Ka Timi Wasiir Ku-xigeenka Cadaalada Somaliland Oo Ku Xayiran Qol Ka Mida Hotel Meridian Ee Adis-Ababa

Adis Ababa, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Somaliland Yuusuf Ciise Talaabo ayaa sheegay inuu ku xayiran-yahay Hoteelka Mariidiyan (Meridian) ee magaalada Adis Ababa oo ku yeeshay Dayn lacageed oo dhan 7.000 dollar, Islamarkaana wuxu ku eedeeyay Wasiirrada Maaliyada iyo Arrimaha dibada masuuliyada dhibaato culus oo uu sheegay inay haysato.

Sidee xaalka bulshada ajnabiga ahi noqon doonaa ka dib doorashada 2009

Sida laga war qabo waxa 2009 dhici doonta doorashadii baarlamaanka ee Dalka Norway. Qiyaastii ilaa saddex ra’yi cabirid lagu waydiiyay bulshada norwiijiga ah xisbiga ay codkooda siin doonanaan,ayaa si u muujiyanaya in xisbiga Frp uu si weyn uga horreeyaa xisbiyada kale.
Hadaba horumarkan uu sameeyay xisbiga  Frp oo ah xisbi aad cadow ugu ah bulshoonka aan asalkoodu ahayn norweejka, ayaa werwer [...]