XUKUUMADA OO QAADAY HAWLGAL AY DIB UGU DEJINEYSO XUMADA GANACSIGA DHOOFKA XOOLAHA

Hargeysa (sl.no) 23 july 2008  – Hawl-gal la isugu soo dhawaynayo Ganacsatada Xoolaha ee diidan heshiiska Xukuumada Iyo ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Al-Jabiri, loogana gol leeyahay sidii wada-hadal loogu soo dabaali lahaa khilaafaadka ka taagan ganacsiga dhoofka xoolaha, ayaa mar kale ka dhex bilowday Xukuumada iyo ganacsatada Kooto diidka ah. Islamarkaana waxa shalay gelinkii danbe [...]