Hargeysa, Wasiirada Macdanta iyo Biyaha , Beeraha , Qorshaynta iyo Duqa Caasimada Hargeysa ayaa galabta si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee JSL waxa ay sheegeen in aan Riigii qodayay ceel biyoodka ku yaala xaafada Masalaha aan loo wareejinin Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.
Wasiiradaasi ayaa ka hadlay mudaharaadkii maanta ka dhacay Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa , oo ay ku tilmaameen mid nasiib darro ah , waxana ay faah faahin ka bixiyeen sida loogu tallo galay in looga faa’iidaysto riiga ay dawlada Imaaraadka carabtu ugu deeqday balaadhinta biyaha Caasimada Hargeysa.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Qaasim Sh. Yuusuf ayaa sheegay inuu ka xun yahay mudaharaadkii maanta ka dhacay Hargeysa , waxana uu yidhi ‘’Maanta waxaanu iskugu kiin yeedhnay in aanu faah faahin ka bixino , arrinta riigan ceelka Biyaha qodaya , waxana aan leeyahay wixii dhacay ma aha wax aanu filaynay , cidii ku dhimatay iyo cidii khasaare kale ka soo gaadhayna waanu ka xun nahay , waana nasiib darro in arrin been ah oo aan laga fiirsan dad inagaga dhintaan’’.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi ‘’Madaxda Qaranku waxay heegan u tahay sidii ay ugu adeegi lahaayeen shacbiga , waxana dawladu ay awooda saaraysaa sidii Hargeysa iyo dadkaba biyo ku filan loogu heli lahaa , waxana aad ka war qabtaan in safarkii ugu dameebayay ee Madaxweynuhu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo inoogu diiqay riigan’’.
Wasiirka oo ka waramayay muadii iyo qaabkii uu riigani u hawl galay , waxa uu yidhi ‘’Riigan casriga ah oo ceelkan Koonfurta Hargeysa qodayay muddo dhawr iyo labaatan cisho ah markii uu waday 400 Mitir oo biyo ku filan laga waayay , ka dibna waxa uu tagay meel u dhow goobtii uu qodayay oo la yidhaahdo Masaajidka , halkaasna markii uu 200 mitir qodayay ayay ku soo baxday cilad farsamo waxana ay aqoonyahanadii sheegeen in loo baahan yahay qalab lagu rakibayo oo ay dalbadeen , qalabkaasian waxa uu ku imanayaa dhawr toddobaad , laba goobood oo hore loo sahamiyay oo kala ah Xumbo-weyne iyo Botor oo labada meeloodba ku yaala gobolkan Hargeysa’’.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland waxa uu beeniyay in warar sheegayay in riigaasi loo wareejinayay Magaalada Boorame waxana uu yidhi ‘’qorshaha kuma jirto in riiga la geeyo magaalada Boorame iyo galbeedka Somaliland , waxana aan cadaynayaa in riigii uu hadda ku sugan yahay halkii uu markii hore yaalay , lamina geynin Boorame iyo meel kale oo galbeedka ah midna’’.
Wasiirka Beeraha Somaliland Mudane Aadan Axmed Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ugu baaqay in ay si dajiyaan oo aan deg deign isla markaana iska hubiyaan wixii carqalad ku noqon kara amaanka iyo xasiloonida.
Sidoo Kale Maayarka Caasimada Eng Xuseen Maxamuud Jiciir ayaa tacsiyadeeyay eheladii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay mudaharaadkii shalay ka dhacay Hargeysa.
Maayarku waxa uu sheegay in riigan oo loogu tallo galay in lagu balaadhiyo biyaha caasimada Hargeysa gaar ahaan koonfurta Magaalada , waxana uu tilmaamay in riigan loo keenayo qalab awood u siinaya in uu soo saaro biyo ka badan inta hadda laga gaadhay oo uu ku tilmaamay mid aad u yar.
Source: Somalilandnation.com/Hargeysa
Filed under: Somaliland























