Hargeisa 08.07.08 “Runtii waxaan ku tilmaamayaa dhacdadaasi shalay dhacday nasiib darro Somaliland ka dhacday ayaan ku tilmaamayaa , Riigan anaa keenay , waxaan u keenay Somaliland baahida biyood ee ka jirta in wax lagaga qabto , xaafad gaar ah umaan keenin , cid gaar ah oo aan u keenayna ma jirin run ahaantii , Berbera ayuu ka soo degay , Berbera ilaa Hargeysa inta u dhaxaysa meel aan in biyo laga qodaa u baahnayn ma jirin , laakiin maadaama ay Hargeysi caasimadii tahay , bal in aan Hargeysa weliba Koonfurta biyo ka raadiyo ayaan mudnaanta koowaad siiyay , cid reer ah iyo cid gaar ah oo aan kala tashaday in aan halkaasi geeyana ma jirin , waayo talada riiga waxa ay ku ekayd anaga oo xukuumada ah iyo cida inoogu deeqday inaan taladiisa ka wada socono , hadba meeshii baahida loo arko…
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa u diray fariin ku saabsan dhacdadii shalay ka dhacday xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa , isaga oo ka tacsiyadeeyay intii ku dhimatay , inta ku dhaawacantayna ilaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo .
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland siiba dhalinyarada ka qayb gashay dhacdadaasi foosha xun uga digay in aanay dan u ahayn iyaga iyo dadweynaha reer Somaliland toona , xasilooni darada ay ku kaceen qaar ka mid ah dhalinyarada reer Hargeysa , isla markaana ay mudnaanta koowaad ay siiyaan Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu ugu horeyn u tacsiyadeeyay dhamaan intii ku geeriyootay dhacdaasi , waxana uu yidhi “Waxaan rabaa in run ahaantii ka hadlo dhacdadii shalay magaalada ka dhacday , marka u horeysa waxaan ka tacsiyadaynayaa dhamaan intii ku geeriyootay shalay dhacdadaasi ka dhacday ayaan ka tacsiyadaynayaa , intii ku dhaawacantay Ciidanka Booliiska iyo shacaba wixii ku dhacay waan ka tacsi yadaynayaa”.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Runtii waxaan ku tilmaamayaa dhacdadaasi shalay dhacday nasiib darro Somaliland ka dhacday ayaan ku tilmaamayaa , Riigan anaa keenay , waxaan u keenay Somaliland baahida biyood ee ka jirta in wax lagaga qabto , xaafad gaar ah umaan keenin , cid gaar ah oo aan u keenayna ma jirin run ahaantii , Berbera ayuu ka soo degay , Berbera ilaa Hargeysa inta u dhaxaysa meel aan in biyo laga qodaa u baahnayn ma jirin , laakiin maadaama ay Hargeysi caasimadii tahay , bal in aan Hargeysa weliba Koonfurta biyo ka raadiyo ayaan mudnaanta koowaad siiyay , cid reer ah iyo cid gaar ah oo aan kala tashaday in aan halkaasi geeyana ma jirin , waayo talada riiga waxa ay ku ekayd anaga oo xukuumada ah iyo cida inoogu deeqday inaan taladiisa ka wada socono , hadba meeshii baahida loo arko mudnaanta koowaad in la siiyo ayay ahayd , waxaan ku talinay meeshaa horta oo ilaa Ingiriiskii biyo laga soo saari kari waayay , maadaama riigani riig cusub yahay bal horta Koonfurtaa Hargeysa oo biyo la’aantu ku badan tahay in lagu tijaabiyo Biyaha u horeeya in laga soo saaro , ceelkii u horeeyay ee laga qoday , waa run biyo waa laga waayay , ta labaad qolada farsamada yaqaanada ee Biyaha iyo qolada ka shaqaynaysa waxay sheegeen in ceelkan dambe laftigiisu u baahan yahay gudaha ka dumayo ……., qalab farsamo u baahan yahay , oo qalabkaasi farsamo loogu maqan yahay , riigu dhaq dhaqaaqiisa waxa masuuliyadiisa lahaa cida inoogu deeqday iyo xukuumada sidaan horeba u sheegay , iskama fadhiyayo, in uu meelaha kala tago , oo uu ka qodo , wuxuuna tegayay bay ahayd Gabilay oo ceelka qodi lahaa isagana oo ku jiray Barnaamijkii marka horeba loogu tallo galay , marka uu Hargeysa iyo nawaaxigeedana wixii biyo laga qodi karo ka dhameeyana meelaha kale ee dalka uu tago ayaa loogu tallo galay , waxaan leeyahay arrintaa dhacday waa arrin nasiib darro ah , dhalinyarada waxaan u sheegayaa cid kasta oo idin tidhi buuqaasi sameeya idinkana idiin may tudhin , Qaranka Somalilandna umay tudhin , ummada guud ahaan umay tudhin , taladaasina tallo manfac leh oo lagu kacay maaha , waxaan idiin soo jeedinayaa oo uu hadalkaygu maanta daaran yahay joojiya khaladkaa socda , cid dambe oo inaga dhimata uma baahnin , tallo xumo dambe oo meeshaa ka dhacdana uma baahnin’’.
Madaxweyne Rayaale isaga oo la hadlaya dadweynaha reer Somaliland iyo dhalinyaradaba , waxa uu yidhi “waxaan u soo jeedinayaa shacbiga reer Somaliland-na, doraad waxa inoo yimid deeq bixiyayaashii caalamka , oo dalkan u yimid in deeq toos ah la siiyo oo dalkan wax laga qabto , habeenimadii ayuu buuqan riigu bilaabmay iyo arrimihiisu , markaa waxaan anigu is leeyahay cid kale oo aan u danaynayn ummadan oo dhalinyaradana khaladay oo tallo ku leh ayaan anigu aaminsanahay , waxaan ku boorinayaa dhalinyarada muwaadiniin mustaqbal leh ayaad tihiin , dalkiina haddii uu nabad noqon waayo oo aad ogolaan waydaan in maamulkan dawladnimadu uu shaqeeyo mustaqbalkiinuna wuu madoobaanayaa ‘’.
Mudane Rayaale isaga oo tallo u soo jeedinaya Dhalinyarada , waxa uu yidhi “Waxaan idinkula talinayaa caano daatayba dabadeed la qabay , inaad joojisaan , dhagaxa aad dhigteen meesha aad ka qaadaan,waxa kale oo aan ku boorinayaa dadka ku nool caasimada iyo Somaliland-ba ciidankeenaa Booliiska ee tuuga ee balaayo iyo wax kastaba inaga ilaaliya ee maalin kastana la shiidayo in shiidka laga daayo ayaan soo jeedinayaa , Amniga Nabigeenu (SCWS) ilaahay wuxuu baryay amni iyo iimaan , amniga ayaa wax kasta ka horeeya , haddii amni la waayo wax alle iyo wax jiraa ma jiro, Somaliland Runtii dhacdadaasi shalay dhacday dhaawac weyn ayay ku noqotay , sii socodkeeduna dhaawac kale ayuu ku noqonayaa”.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Shacbi weynaha reer Hargeysa u soo jeediyay in ay joojiyaan dhacdadaasi , xaaladana dajiyaan, cida wadana lala hadlo , isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa dhamaan dadka reer Hargeysa oo dhan in dhacdadaasi la joojiyo , cida wadana cid kastaaba la hadasho , fariintana u gudbiso , aniguna Madaxweyne ahaan fariintaasi ayaan gudbinayaa , dhalinyarada waxaan leeyahay khaladkaa dhacay ka waantooba , ha ku noqonina , halkaa ha ku dhamaado , Riigaana laga wada talin maayo oo la wada maamuli maayee , ileen umad noqon mayno haddii la yidhaahdo anaa ka talinaya birtii la qaadabee, talada in loo kala dambeeyana waan soo jeedinayaa , tijaabo ayuu ahaa riigaasi wax kale ayaa daba socon lahaa , ayaan darro ayay noqonaysaa dadkii inoogu yimid ee deeqda inoo keenay in aynu curaar u qabsano , waa arrin nasiib darro ah ayaan leeyahay , ha laga waantoobo ayaan leeyahay , xaalada ha la dajiyo ayaan leeyahay”.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ugu danbayntii isaga oo la hadlaya Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha dhacdadan foosha xun ku dhacday , waxa uu ydihi “Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshaana waxa aan u soo jeedinayaa in ay dhalinyaradooda la hadlaan , waxna ka qabtaan shaqaaqadaasi halkaasi ka taagan , xukuumadu tallaabo badan oo ay qaadi lahayd diyaar uma aha , waxay dhawri doontaa oo sugi doontaa inta ay dadkaasi talada xaqa u soo noqonayaan , ee ay ka waantoobayaan , waayo diyaar uma aha in ubadkooda cid badani ka dhimato, in ay cid kale ka dhaawacanto , intaa inaga dhimatayna ilaahay ha u naxariisto, samir iyo iimaana dhamaanteen ilaahay ha inaga siiyo’’.
Filed under: Somaliland























