Hal Qof Ayaa Ku Dhintay Lix Kalena Way Ku Dhaawacmeen Rabshadihii Saaka Ka Dhacay Magaalada Hargaysa.

Hargiesa, Dhimashada halkan qof iyo dhaawacaba waxa dadkaasi u geystay ciidamo milatari ah oo ay xukuumadu soo galisay xaafada dunbuluq oo ay rabshado ka bilaabmeen saaka aroornimadii. Ciidamadaas waxay soo galeen abaara labadii duhurnimo wakhtigaasi oo ay sii yaraanayeen dadkii wadooyiinka ku xoonsanaa ee taayirada ku gubayey, isla markaana ku goynayey qoryo iyo dhagaxaan. Ciidamadaasi oo ku gaashaana qoryo iyo tikniko ayaa si toosa dadkaasi rasaasta wa beegsaday, waxaana isla goobtaa ku dhintay hal qof, iyagoo midna calooshay ay kaga dhacday mid kalena ay lugi go’day kuwaasoo dhaawacyo culus qabtay. Ilaa hada waxa isa soo taraya awooda ciidamada ah ee ay dawladu adeegsanayso halka ay dadkiina gadood kale ka muujiyeen sida axmaqnimada leh ee loo laayey.
Source: Boramanews hargeysa

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.