Posted on July 31, 2008 by weriye1
London(sl.no) 31july, 2008 – Waxaa todobaadkan soo galay Qaaradda Europe RAAD TV INTERNATIONAL oo bilihii ugu danbeeyay laga daawanayay Qaaradaha Asia, Australia iyo Africa iyadoo si weyn ay usoo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka qurbaha oo mudooyinkan danbe si weyn u xiiseeya Warbaahinta la iska arko ama TVga.
Maamulka Taleefishinku waxaa uu sheegay in [...]
Filed under: Dibadda | Leave a Comment »
Posted on July 31, 2008 by weriye1
Innaa Lilaalhi Wa Innaa Ilaahu Raajucuun
Anigoo ah xubnaha hoos ku qoran deggana dalka Norway, waxa aanu Tacsi murugo leh u diraynaa dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba geerida naxdinta leh ee ku timid Ilaahay ha u naxariistee Marxuum SULDAAN MAXAMED CABDI CALI oo 26kii July 2008, ku geeriyoodey [...]
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on July 30, 2008 by weriye1
Oslo(sl.no) 31 july 2008 – Waxa bishan july 2008 socdaal ku tagey magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya Wakiilka Somaliland ee Norway. Socdaalkaa oo ahaa fasaxiisii caadiga ahaa waxa uu halkaa ka bilaabay dhaqdhaaq siyaasadeed isaga oo wada tashi kala yeeshay xukuumada JSL. Dhaq-dhaqaaqaa siyaasadeed waxa uu la kaashaday muwaadiniin reer Somaliland ah oo qaarkood degan yihiin dalka Suuriya qaarna ka kala yimaadeen dalkii [...]
Filed under: Dibadda, Warka | Leave a Comment »
Posted on July 29, 2008 by Weriye2
1. In gancsiga dalka JSL uu saldhig u yahay suuqa xorta ah sida ku cad qodobka 11-aad ee distuurka JSL heshiis kasta oo ganacsi oo ka hor imaanaaya 11-aad ee distuurka JSL. 2. In dhamaan heeshiisyada xukumadu gashay eel eh sifadda ku cad qodobka 53-aad farqadiisa sadexaad la horkeeno golaha wakiilada si goluhu uga guto [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 27, 2008 by Weriye2
Allaybaday, Waxa maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Degmada Allaybaday xaflada aad iyo aad qiime u leh oo sifiican looga soo shaqeeyay loona agaasimay,Xafladaasi oo lagu xusaayay Maalinta Waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 July iyo Sanad guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay Aasaaskii Ururka Horumarinta Waxbarashada Degmada Allaybaday(UHWA) waxa kale oo iyana Xafladaasi Xadhiga laga jaray Maanta [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 26, 2008 by weriye1
UN envoy decries illegal fishing, waste dumping off Somalia
UNITED NATIONS (AFP) — The UN special envoy for Somalia on Friday sounded the alarm about rampant illegal fishing and the dumping of toxic waste off the coast of the lawless African nation.
“Because there is no (effective) government, there is so much irregular fishing from European and [...]
Filed under: Dibadda | Leave a Comment »
Posted on July 25, 2008 by weriye1
Hargeysa (sl.no) 25 july 2008 – Xoghayaha Guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Md. Maxamed Ismaaciil Bullaale, ayaa ku tilmaamay muranka cakiran ee ka aloosan dhoofka xoolaha ee maalmahan taagnaa mid lagu mijo xaabinayo Somaliland oo ay wadaan dadka Soomaliweyn doonayo oo soo xidhay harag adhi.
Md. Maxamed Ismaaciil Bullaale, waxa kale oo uu sheegay in [...]
Filed under: Somaliland, Warka | Leave a Comment »
Posted on July 24, 2008 by Weriye2
Oslo(Sl.no) 24 JULY 2008 – Anigu ka hadlimaayo xaladaha siyaasadeed ee wadanku maanta ku sugan yahay, Cidna amaani maayo cidna dhaliil u soo jeedinmaayo, Bulshawaynta reer somaliland maanta waxay ku sugan tahay xaalad dhaqaale oo qalafsan, sicirbarar aan xadlahay, Biyo yaraan wadanka ka jirta, dadbadan oo maanta looga baqaayo inay gaajo u dintaan. Dadkii maanta gurmad iyo [...]
Filed under: Norge | Leave a Comment »
Posted on July 24, 2008 by weriye1
Oslo(sl.no) 24 july 2008 – RAAD TV INTERNATIONAL wuxuu ugu bushaareynayaa dadweynaha sharafta mudan ee ku nool qaarada Yurub iyo dalkan Norwayba in TV-ga toos looga daawan doono qaaradan yurub marka laga bilaabo maalinta Axada (27.07.08). waxaana laga daawan doonaa Sattelite-ka: EUROBIRD 9, FREQUENCY: 11843, SYMBOLRATE: 27500, FEC: ¾.
Haddaba, waxa la ogeysiinayaa dadweynaha in chanel-kan [...]
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on July 23, 2008 by weriye1
Hargeysa (sl.no) 23 july 2008 – Hawl-gal la isugu soo dhawaynayo Ganacsatada Xoolaha ee diidan heshiiska Xukuumada Iyo ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Al-Jabiri, loogana gol leeyahay sidii wada-hadal loogu soo dabaali lahaa khilaafaadka ka taagan ganacsiga dhoofka xoolaha, ayaa mar kale ka dhex bilowday Xukuumada iyo ganacsatada Kooto diidka ah. Islamarkaana waxa shalay gelinkii danbe [...]
Filed under: Somaliland, Warka | Leave a Comment »
Posted on July 22, 2008 by weriye1
Hargeysa(sl.no) 22 july 2008 – 1. Haya’adda Miino-Saarka Caalamiga ah ee “Hello Trust”. Ayaa hawl gal miino badhis ah ka bilowday Tuulooyinka Deeganka Gobolka Oodwayne. 2. Shir-Jaraa’id oo ay maanta ku qabten Huteel Maansoor Ganacsatada Waaweyn ee Xoolaha Nool ayaa Taageero Buuxda siiyay Go’aanka lagu kordhiyey sicirka Adhiga ee Shirkada Aljaabiri. 3. Xildhibaanada Golaha Guur tida JSL ayaa fadhigoodi saaka [...]
Filed under: Somaliland, Warka | Leave a Comment »
Posted on July 21, 2008 by weriye1
Hargeysa (Al-jazeera/sl.no) 22july 2008 – Warbixin lagu baahiyey shabakada wararka ee telefiishanka caanka ah ee Al-jazeera oo laga diyaariyey
Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland tahay qaran jira oo meelo badan oo Afrika ku yaal ka nabadgelyo fiican kana dimoqraadisan, basle caalamku go.doomiyey, isla markaana ka qatan kaalmooyinka caalamiga ah ee la siiyo dalalka dunida.
Filed under: Somaliland, Warka | Leave a Comment »
Posted on July 21, 2008 by weriye1
Hargeysa(sl.no) 22july 2008 – Ganacsatada xoolaha dhoofisa , dilaaliinta Saylada iyo xubno ka mid ah xoolo dhaqatada dalka , ayaa shalay difaacay heshiiska xukuumadu kula jirto ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleebaan Siciid Al Jaabiri oo dhawaan la kordhiyay qiimaha uu neefka xoolaha ah uu ku iibsanayo oo laga dhigay 42 doollar , xilliga xajkana 45 [...]
Filed under: Somaliland, Warka | Leave a Comment »
Posted on July 20, 2008 by weriye1
Wareysi Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir oo ku sugan Oslo Norway.
Oslo(sl.no) 20july 2008 – Waxa 05/07-08 booqasho ku yimi dalka Norway laba xildhibaan oo ka socda Golaha Wakiilada Somaliland. Labada xildhibaan oo kala ah Mudane Maxamed Cumar Jiir iyo Mudane Axmed Maxamed Diiriye ”Nacnac”. Intii ay joogeen dalka Norway waxay qaateen seminaar ku saabsanaa habka [...]
Filed under: Norge, Norway, Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 19, 2008 by Weriye2
Oslo, (s/land.no), Wiil 16-jir ah oo Somali ah islamarkaana qoxooti kaam ku jira (kaamka loogu tala galay daliyarada dadoodu yartahay) ahaa ayaa waxaa isaga oo hurda kaamka debeda laga soo toogtay qolkii uu horday oo dabaqa hoose ahaa. Dhaawacii wilkaas waxaa lagu daawaynayaa Ullevål universitetssykehus. Wiilkan xabadu waxay ka haleeshay caloosha, dhaawac halis ahini waa [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 18, 2008 by weriye1
Oslo(sl.no) 19 july 2008 – Qoraal lagu daabacay jariidada ”Cyprus Observer ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland lagu daray saddexda dal ee ugu rajada fiican in ay beesha ka helaan ictiraaf diblomaasiyadeed oo rasmi ah, isla markaana buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa, kuwaas oo laga soo dhex xulay waddamada aan aqoonsiga haysan ee dhowaan qaddiyadooda lagaga dooday shirweyne uu [...]
Filed under: Dibadda | Leave a Comment »
Posted on July 17, 2008 by Abdirisak Fadal
Allaybaday, (S/land.nor) Waxa maalmahanba si habsami ah uga socday garoonka Xoriyada ee Magaalada Allaybaday koobkii loogu magacdaray Maalinta Waxbarashada Degmada Allaybaday ee 21 july. koobkan loogu magacdaray Maalinta waxbarashada Degmada Allaybaday ayaa ah mid ay kuloolamayaan kooxaha heerka kowaad ee Degmada Allaybaday iyo Degmada Togwajaale ee Gobolka Gabiley.
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 10, 2008 by Weriye2
Kulan soo dhawayn oo Kulmiye Norway u samaynaayo labada Xildhibaan ee Dalka Norway martida u ah.
Waxaan dhamaan Xubnaha iyo Tageerasha Kulmiye Norway la ogaysiin in Kulan balaadhan oo dhawayniyo iswaraysi ah loo samayanaayo labada Xildhibaan ee kala ah: 1 Prof. Moxamed Cumar Adan (Jiir)
2 Ahmed Moxamed Diriye (nacnac)
Tariikhda Kulanka: Axada: 13.July.2008. Saacada: 16:00 ilaa 19:00.
Adress [...]
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on July 10, 2008 by Weriye2
Dhamaan Kooxda Olboys Oslo oo bogaadin iyo hambaliyo hawada u marinaysa Ciyaartoyga qaaliga ah ee kooxda Oldboyska Mudene Abdiqadir Ahmed Warsame & Fathia Abdillahi Muse oo meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa maanta oo arbaca ah bishuna tahay 10 July 2008.
Dhamaan kooxda olboyska oo tiraba gaadhaya 24 ciyaartooy,magacyadooda oo dhamaystirana halkan aan lagu soo koobi karin, waxay leeyahiin illaahay [...]
Filed under: Norge, Norway | Leave a Comment »
Posted on July 9, 2008 by Weriye2
Hargeysa 09.07.08, Komishanka Doorashooyinka, ayaa si rasmi ah u cayimay maalinta ay u qoondeeyeen inay dalka ka dhacdo doorashada Madaxtooyada Somaliland. Guddiga Doorashooyinka ayaa kulan ay shalay xarunta Akademiga iyo Nabadda ee magaalada Hargeysa kula yeesheen xubno ka kala socday saddexda xisbi qaran waxay kaga dhawaaqeen maalinta ay u muddeeyeen qabsoomidda doorashada Madaxtooyada oo loo [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 9, 2008 by Weriye2
Laasqoray 09.07.2008. Waxaa saaka la wareegay gacan ku haynta degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ciidamo taageersan Maamulka Somaliland sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gobolka Sanaag C/laahi Cumar Cashuur. Ciidamadan saaka la wareegay gacan ku haynta Laasqoray ayaa isugu jira kuwa udhashay deegaankaasi iyo kuwa kale, kuwaas oo dhamaantood ka wada tirsan Ciidamada [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 9, 2008 by Weriye2
Hargeysa, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng-Faysal Cali Waraabe oo horkacaya kumanaan dadweyne ah ayaa maanta Dhaqxaantii ka gurray jidka weyn ee Bariishka Magaalada Hargeysa,laakiin waxa ilaayo imika xidhan jidka weyn ee galla Madaarka iyadoo walina Riigii lagu hortagaan yahay halkii uu yaallay. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa maanta kumanaan dadweyne ah kula hadlay Masaajidka HUDA oo ku [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 8, 2008 by Weriye2
Hargeisa 08.07.08 “Runtii waxaan ku tilmaamayaa dhacdadaasi shalay dhacday nasiib darro Somaliland ka dhacday ayaan ku tilmaamayaa , Riigan anaa keenay , waxaan u keenay Somaliland baahida biyood ee ka jirta in wax lagaga qabto , xaafad gaar ah umaan keenin , cid gaar ah oo aan u keenayna ma jirin run ahaantii , Berbera [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 8, 2008 by Weriye2
Hargiesa, Dhimashada halkan qof iyo dhaawacaba waxa dadkaasi u geystay ciidamo milatari ah oo ay xukuumadu soo galisay xaafada dunbuluq oo ay rabshado ka bilaabmeen saaka aroornimadii. Ciidamadaas waxay soo galeen abaara labadii duhurnimo wakhtigaasi oo ay sii yaraanayeen dadkii wadooyiinka ku xoonsanaa ee taayirada ku gubayey, isla markaana ku goynayey qoryo iyo dhagaxaan. Ciidamadaasi [...]
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »
Posted on July 8, 2008 by Weriye2
Hargeysa, Wasiirada Macdanta iyo Biyaha , Beeraha , Qorshaynta iyo Duqa Caasimada Hargeysa ayaa galabta si wada jira shir jaraa’id ugu qabtay Xarunta Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee JSL waxa ay sheegeen in aan Riigii qodayay ceel biyoodka ku yaala xaafada Masalaha aan loo wareejinin Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.
Filed under: Somaliland | Leave a Comment »