Wanqashii gobolka HAWD, Xasuustii Halgankii Xoreynta, iyo masraxiyaddii Hobollada.

Baligubadle-(HWN)-Xaflad si weyn loo soo Agaasimay oo loogu wanqalayay gobolka cusub ee HAWD ayaa maanta lagu qabtay xarunta gobolkaasi ee magaalada Baligubadle. Munaasibadan oo ahayd mid aan dhigeeda hore loo arag ayaa waxa ka soo qayb galay wafti culus oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guudoomiya Golaha Wakiilada, Abdirahmaan [...]

XAFLAD BALAADHAN OO LOO SAMEEYEY WAJIGA LABAAD EE BAAHINTA SLSC-TV IYO WEEDHIHII AY KA YIDHAAHDEEN MADAXDII HALKAA KA HADASHAY

Hargeysa (sl.no) 29 june 2008 – Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey wajiga labaad ee telefiishanka caalamiga ah Somaliland Space Chanel (SLSC) uu hawada ugu baahayo, ayaa caawa lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu talogalay in lagu furo waji cusub oo laga daawan [...]

HARGEYSA WAAN IMANAYAA SANADKA, SOMALIYANA MARKA XABASHIDU KA BAXDO “Xasan Aadan Samatar”

Hargeysa (sl.no) 28 juni 2008 – Fanaanka Caanka ah ee Xasan Aadan Samatar, oo shalay Marti ku ahaa falanqaynta Jimcaha ee Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inuu sannadka soo socda ku tala-jiro in uu Bandhig-faneed u soo qaado Magaalada Hargeysa.

Maxaad ka Ogtahay Khatarta uu Internet-ku u leeyahay Caruutaada.

Internet-ku waa hormarka la taaban karo ee casriggan la joogo tiknoolajiyadda laga gaadhay. Waa shabakad balaadhan oo aad ka heli karto macluumaad kasta oo aad u baahantahay. Waxa uu aad u fududeeyey iswaydaarsiga macluumaadka iyo kala qaadashada wararka iyo Isgaadhsiinta dunidu u baahantahay. Waxa aad odhan kartaa waxa uu aduunka ka dhigay sidii xaafad yar oo iska wada [...]

SOO GAR BAX AMA GAROWSO: AABAHA MIISAANKA MAANSADA SOOMAALIYEED

Yaa loo aqoonsanyahay Aabaha miisaanka maansada Soomaaliyeed? Ma Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mise Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraaale)? Muranka su´aashaas ka taagani waa mid hadda dad badani u dhegataagayaan si ay jawaabta saxan ugu hubsadaan meel adag. Aniga ayaa ka mid ah dadka u hanqal iyo dhegoba taagaya jawaabtaas. Haddaba YAAN JAWAABTAA KA HELI KARAA??
Maxaa looga [...]

TOGDHEER GOBOL LA QAAWIYEY OO MAGAALO KALIYA AH

Burco (sl.no 24 june 2008 – Magaalada Burco waxay magaalo madax u ahayd Gobol deegaan ahaan balaadhan oo isu dheeli-taran, hase ahaatee, sidii maalinba in loo jarayay ee loo soo koobayay haatan Togdheer waa Burco oo kaliya. Ka dib markii degmooyinkii ugu danbeeyay laga gooyay ee Gobolo laga dhigay sida Oodweyne, Boohoodle iyo Sheekh oo [...]

Allaybaday,23.06.08. KOOB LOOGU MAGACDARAY MUJAAHID AXMED GOLHAYE AYAA KA BILAABMAY ALLAYBADAy‏.

Koobkan loogu magacdaray Mujaahid AXMED GOLHAYE (alle ha u naxariistee ) ayaa ah mid sanad walba xilgan oo kale looqabto kooxaha heerka labaad ee degmada Allaybaday, ayaa waxa uu sirasmiya uga bilaabmay magaalada Allaybaday, Mujaahid Axmed Golhaye waxa uu ka mid ahaa halyayadii usoo halgamay xoraynta dalkan JSL, islamarkaana u horay naftoodii qaaliga ahayd kuna [...]

Ardaydii ugu Tiro Badnayd oo u Fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah iyo Jewigii Goobaha

Hargaysa (Jam) Arday tiradoodu dhan tahay 9,572 oo isugu jirta fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe ayaa shalay u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2007/2008 ee gobolada dalka Somaliland.  Imtixaanka shahaadiga fasallada 4aad iyo 8aad ee dugsiyada sare iyo dhexe oo ay u fadhiisteen ardaydii ugu tiro badnayd, ayaa ah sannad-dugsiyeedkii [...]

SALDHIGA CIIDAMADA MAREYKANKA EE JABUUTI OO KHATARO LA SOO DARSEEN

Jabuuti (sl.no) 23 june 2008 – Ciidammada Maraykanka ee la-dagaallanka argagixisada Geeska Afrika oo fadhigoodu yahay saldhigga Lemonier ee dalka Jabuuti, ayaa la sheegay inay la soo darseen khataro hor leh. Sidaa waxa daboolka ka qaadday warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka maalintii Jimcihii 20 June 2008.

Ogeysiis muhiim ah. Shirweyne Xisbi Qaranka Kulmiye, Laanta Norway, 29.Jun.2008

 Waxaan dhamaan Xubnaha iyo Tageerasha Kulmiye Norway la ogaysiin in Shirweyn Laanta Norway  la banaayo: Axada: 29.Jun.2008.  Adress waa:Olafiagangen 5, (Posta Grønland dusheeda), Hoolka Weyn ee Shirarka. Tariikhda Shirweynaha: Axada.29. Jun.2008 Saacada: 16:00 ilaa 20:00.  Agenduhu waa:

Cunitaanka Qaadka, Cabitaanka Sigaarka iyo Khamrigu Waxa ay Wax Yeelo u Gaystaan ilmaha Caloosha ku jira *Uur-Jiif-ka*

Caanaha Naaska Hooyadu waa Caafimaad…..Caanaha naaska hooyadu ma jiraan caano kale oo la barbardhigi karaa ee taa ha la ogaado.
Waalid kastiba waxa uu jecelyahay in uu dhalo caruur caafimaad qabta. Waxa kale oo ay jecelyihiin in caruurtoodu ay ku noolaadaan caafimaad wanaagsan. Caruurta oo hesha caafimaad joogta ah, waxa ay qayb weyn ka qaata caanaha [...]

Ciidamo gaadhaya 300 oo askari oo kasoo galaya Puntland oo hadda ku sugan magaalada Laascaanood

S/land.no 21.06.08, Waxaa kaasoo galay maamul Goboleedka Puntland ee Somalia ciidamo gaadhaya 300 oo askari kuwaas oo ku sugnaa magaalada Tukaraq oo ah halka ugu soo horaysa ciidamada maamul Goboleedka Puntland iyo waliba kuwo maleeshiyo Beeleed ah oo ku sugnaa halkaasi muddo dhawr bilood ah.

Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi Oo ah qurba jooga gacanta ka gaysta horumarka Ciyaaraha S/land ayaa Daadafeeyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Wasiirka Cayaaraha

” ilaah waa ogaa wasiir kaa qayral masuulka ah calaacalkiisiyo fadeexadaa qaran ee aan asturay, soomaalida hore tidhi Dammeeraley Dad la xeer maaha, anigoon mid iyo laba ku dhamayn karayn inta jeer ee aan u xil qariyey anigoo isku hayey ummadda ma usoo bandhigta haddii uu aniga isooba doontay waa ilaahay mahadiiye waxaan doonaya inaan [...]

MAC’HADKA DIMUQRAADIYADDA CAALAMKA (International Republican Institute) OO MARKII UGU HOREYSAY XAFIIS KA FURTAY HARGEYSA SOMALILAND

Mac’hadka Dumuqraadiyadda Caalamka [International Republic Inistuite] ayaa markii ugu horaysay caawa si rasmi ah xafiis uga furtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Mac’hadkan ka shaqeeya horumarinta dumuqraadiyadda kana hawl gala wadamo badan oo caalamka ka mid ah waxaa xaflad loo qabtay xafiiskiisa cusub ka qayb galay, Shir-gudoonka Golaha Wakiiladda Somaliland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda,

Soomaali lagu xukumay 2 sanno oo xabsi ah

Nin 22 jir ah oo soomaali ah ayaa waxaa lagu xukumay 2 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu soo eedeeyey in uu Follo ku dhacay dad waaweyn oo da’a ah iyo qaar kale oo naafo ah. Dhacitaankan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey in uu sameeyey goor ay dadka badankiisu u arki karaan in ay [...]

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan xubnaha Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Magaalada

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan xubnaha Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Magaalada
Stockholm iyo nawaaxigeeda in la qabanayo xuskii 48:aad ee maalintii ay maxmiyaddii
Somaliland ka qaatay xoriyaddeeda boqortooyada Ingiriiska maalinta khamiista ah ee
ku beegan 26 June. Meesha xafladdu ka dhacaysaa waa waqooyiga Stockholm, Xaafadda:
TENSTA TRÄFF. SAACADDU MARKA AY TAHAY 17.00 GALABNIMO. Khamiista. 26.06.2008.
Haddaba, Dhalinyaro iyo waayeel, rag [...]

Prof: Hussein Hassan Guleed oo loo doortay xubinta golaha dhexe ee Kulmiye u matalaasa Laanta Norway

Oslo, 17.06.08, Waxaa shirweyn hordhaca isagu yimid xubno badan oo ka mid ah Kulmiye Norway, shirkaas oo hordhaca ahaa waxaa laga hadlay 3 qodob ee soo socda: Ansixinta Sharcigii Laanta oo dhamays tiran. Dood dheer ka bacdi waxaa go,aan lagu gaadhay, qodobadan soo socda: Xubinta golaha dhexe ee Kulmiye u matalaasa Laanta Norway, Prof: Hussein [...]

SULDAAN MAXAMED SULDAAN XIRSI QANI OO SI MAAMUUS LEH LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA BIRMINGHAM EE DALKA INGIRIISKA

Birmingham(sl.no) 18 june 2008 – Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, oo beryahanba ku hawlanaa kulamo isdaba joog ah iyo booqashooyin, ayaa si Milgo iyo Maamuus leh loogu soo dhaweeyey Magaalada Birmingham oo ah caasimadda 2aad ee Boqortooyada Carriga Ingiriiska halkaas oo ay Jaaliyadda Somaliland oo isku duubani ku martiqaadeen Suldaanka Wiigii hore.

“Dad badan oo ku nool Geeska Afrika ayaa doonaya inay carqaladeeyaan nabadgalyada iyo xasiloonida Somaliland ka jirta “Dr. Kin Howell.

 
Hargeysa (s.no) 18 june 2008 – Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dawladda Ingiriiska, ahna u qaybsanaha ururka dalalka Barwaaqo-sooranka Dr. Kin Howell
iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa shalay ka soo deggay Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Wefdiga oo ka kooban shan xubnood waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiirrada Arrimaha Dibedda Somaliland Md. [...]

WADADII ALLAYBADAY IYO ARABSIYO ISKU XIDHAYSAY OO HAWL SHAQO AY KA WADDO HAAYADA HALLO TRUST, ALLAYBADAY

Munaasibad balaadhan oo ay ka soo qa yb galeen Masuuliyiinta Degmada Allaybaday, Salaadiin, Maamulka iyo Odayaasha Arabsiyo ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Arabsiyo, Munaasibadan oo ahayd Munaasibad loo qabtay siddii loo banyany lahaa Wadadii isku xidhaysay Allaybaday iyo Arabsiyo, hadaba waddan oo ahayd waddo qadiimiya ayaa ahayd waddo isku xidha min oogo ilaa waqooyi, taasi [...]

La-Taliyaha Al-cammuudi oo Booqasho ku Yimi Somaliland

Hargeysa (sl.no) 18 june 2008 – Wefti ka kooban shan xubnood oo uu hoggaaminayo la taliyaha iyo kaaliyaha gaarka ah ee ganacsadaha weyn ee Al-cammuudi, ayaa maanta booqasho hawleed ku yimi magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wafti culus oo ka socda dalka Ingriiska oo booqasho ku yimid Somaliland

Hargeysa (sl.no) 17 june 2008 – Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Ingiriiska isla markaana u qaabilsan Dawlada Ingiriiska Dalalka Barwaaqo Sooranka iyo  wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka abaaro 9:30 subaxnimo Madaarka Cigaal International ka soo degay.
Wefdiga waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirada  Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , Duulista [...]

GUDOOMIYAHA UHWA EE MALAYSIA AYAA AGAB SPORTS GUDOONSIIYAY CIYAARTOWGA DEGMADA ALLAYBADAY

  14.06.08, Xaflad siweyn loosoo agaasimay ayuu Gudoomiyaha UHWA Malaysiya Mudane Axmed Ismaaciil Cabdi (xaaji)  Ciyaartowga Allaybaday ku Gudoonsiiyay Qalab ciyaaraha oo isku jira, dirayso, kubado cagta iyo golayka,hadaba xaflad ayaa loo qabtay gudoonsiinta diraysyadaasi taasi oo Axmed ku gudoonsiiyay shan kooxood oo ka mid ah ciyaartayga Degmada Allaybaday.

Baabuurkii Taliyaha qaybta Police-ka Gobolka Sool ee Puntland oo maanta soo gaadhay Laascaanood.

S/land.no Baabuurkii Taliyaha qaybta Police-ka Gobolka Sool ee Puntland oo maanta soo gaadhay Laascaanood.  Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool gaadhigii Taliyaha Qaybta Police-ka ee Gobolka Sool ee maamul Goboleedka Puntland ee Somalia gaadhigaas oo tan iyo intii maamulka Somaliland uu la wareegay gacan ku haynta Gobolka ku sugnaa magaalada Tukaraq.

“Shacabka Reer Somaliland Hadii Ay NA Maqlaayaan Waxaan Odhan Lahaa Anaga Noo Codeeya, Laakiin Taasi Wax Suurto Galaya Maaha” — Muuse biixi cabdi

S/land.no (Hargeisa 13/06/08) – Saxannews – Dood wadaag ah oo ay ka qayb qaateen Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe,Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Mud:Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha Muj:Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay ku dhex martay idaacada BBC-da waxaanay sheegeen in ay [...]